Murti iyo Miid Q6AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Ugaaska)

 

Murti iyo Miid Q6AAD

Waa qormadii aad nooga barateen, inaan mar walba dhinac ka istaagno marxaladaha bulshada. Maanta waxaan ku eegi doonaa,  dhinacyo kala duwan, oo iskugu jira, maad iyo madadaallo iyo maan tuujin. Waxaa hubaal ah  inaan ka wada dharagsanahay, marxalada maanta aan ku suganahay, haddaan nahay bulshada soomaaliyeed ee dalka iyo dibaddaba ku nool.

Waxaa mudan in ruux walba oo naga mid ah, inuu is weydiiyo, maxaa naga dhigay ISMA DHAANTO iyo DHASHEED? Su’aashaas jawaabteeda adigaan kuu daayay aqristoow. Bal isku day in aad maskaxdaada la kaashato si aad jawaab ugu hesho.

Waxaan aad ula yaabaa markaan odoros ku sameeyay, habdhaqankeena oo lagu sifeyn karo, qaabka jirjirroolaha, waxa aan sidaa u leeyahay caddeyn iigama baahnid adigaa goob jooge u ah iigana marqaati ah, inaan hadba midab qaadano, bal dhinacyaddaada eegoo adigoo u kuur galaaya, waxa qaldan inaad saxdo oo aad adiga iska bilaawdid sixitaanka. Maxaa yeelay qof walba “QUMANAHIISA AYAA QOORTA UGU JIRA” waxaana laga yaabaa qofka qaldan ee aad rabto inaad saxdo, inuu asagu isla saxsan yahay, oo uu kuu arko inaad adigu qaldan tahay.

Waana wax inta badan dhaco, oo aan la iska indho tiri karin.Waxaa hadda ka hor dhacay Wadaad tafsiir ka aqriya masaajidka oo aad ay dadku u jeclaayeen ayaa maalin maalmaha ka mid ah asagoo masaajidka ka soo baxay mid yar oo dhalay ku soo orday oo yiri aabbo kun shilin isii, kunkii ayuu soo bixiyay oo siiyay markaasuu weydiiyay aabbo maxaad ku sameyneysaa? Waxa uu yiri wiilkii aabbo shineemo ayaan ku galaa cagaha ayuuna wax ka dayay. Wadaadki waji gabax ayaa ku dhacay ilmana wax ma qariyaan. Waxaan uga go’leeyahay wacdiga iyo waanada gurigaaga kasoo bilaaw.

Haddaba sidee looga gudbi karaa? Waxa ay ila tahay jawaabta in ay sahal tahay, in runta la isku sheego, waa ay qaraar badan tahay marka runta indha lagaa saaro waxaa laga qaadaa isla weynin iyo kibir, sas iyo xanaaq aan meel jirin wax yar kaddibna aad ka shalaaydo.  Balse waxaa habboon runta waa dawo dabiici ah, liq oo is dhaafsii ogoloow waxaa jira Aaqiro iyo Adduun ayadaa kuu qeyr badan.

Waxaa maalmahaan ku soo badanaayay, baraha bulshada, meelaha lagu qaxweeyo iyo maqaayadaha, waxa loo yaqaan “Kaalay aan muranee, mirgiyo taag, rag iska dhicin” waxaa aad u soo if baxay dabayaaqadii sanadkii tagay, iyo bilaawga sanadkaan kala fogaansho bulshada dhaxdeeda, oo aan loo aabbo yeelin rag iyo dumar waayeel iyo carruur xumaanta iyo wixii dhacay looma kala harin, waxaan maqli jiray kula jire kaa jira show dadkii oo dhan kula jire kaa jire ayey isku rogeen, mararka qaar anigaa is weydiiyo tolow ma dadkaa waalan mase adiga?

Waxaa mashaakil ah afkaaga iyo dhagahaaha haddii aysan is maqal, marka haddii ruux walba isla saxsan yahay yaa qaldan, waxa ay ku leeyihiin maxaa soomaaliya ay nabad u noqon weyday?  Waxa ay nabad u noqon weyday meel dheer ha ka raadinin ii ogolaaw in aan wada noolaano, ilaa aad taas ka ogolaato inaan wada noolaano adiguna ha sugin inaad noolaato, kaama maarmo igamana maarantid aniga iyo adiga waa isku gowracanahay, xaqiiqda jirtaa ayaa waxa ay tahay, inaan kala go’eynin oo aad dhibka aad geysato aan aniga u qoolanahay oo laga yaabaa inaan nafteyda ku waayo ama dhaawac halis ah ii gaaro maxaa yeelay adiga iyo aniga waxaan nahay geed iyo dhacaankii, Aduunkuna waxa uu noo yaqaan soomaali maryooleey,  sidaa darteed haddii Oday uu koox jufadiisa meel ku xareysto oo aan ogolaanay ogoow waxaan ku jirnaa gumeysi dadban, oo ma nihin xur, waxaan nahay la heyste aan war u heyn in la heysto, waana siyaasadda gumeysiga cusub qeybiyoo xukun, ilaa uu cimrigaaga ka dhammaado waxaad ahaan doontaa raaciye lagu awr kacsado si aan taas uga baxno waa in aan hurdada qiyaaligaa ka toosno.

Guntii iyo gababaddii  waxaa habboon danta guud inaan u wada is taagno laab la kaca iyo xuurto doqomeedka aan iska deyno KULA LIHI KEYGANA KALI LIHI WAA KALA GUUR 

SHEEKOOYIN