Saaxiibkaan eersaday Q18AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan eersaday Q18AAD.

Luul iyo Ladan mid kasta goonideed ayay  nafteeda ula faqeysaa dibna u jaleeceysaa arrimihii dhacay iyo sida wada hadalkoodu u dhacay, waxayna labadooduba diiradda saarayaan waxa dhici kara iyo sida Liibaan uu hadalka u dhigi doono, arrinkooduna wuxuu marayaa howraarta  caanka ah ee soomaaliyeed ee tiraahda KHEYR WAX KAAMA DHIBEE ,SHAR U TOOG HAAY . Inkastoo mid kastaahi ay iskeed isugu kalsoon tahay haddana waxaad mooddaa in Luul welwel badani  ka muuqdo maadaama ay ayadu aheyd marwada xeebta Liibaan lagusoo ciriiriyay. Sidoo kale, Luul waxaan maskaxdeeda ka marneyn inay khaladdaad badan ka dhaceen,taasoo keeneysa in isku kalsdoonideeda ay hooseyso marka la barbar dhigo tan Ladan.

Ladan lafteedu in kasta oo ay ogsoon tahay in go’aanka Liibaan uu qaadan doono ama qaadan karo tahay mid aan la saadaalin Karin,isla markaasna ay aheyd  minyaradii, haddana iskuma oga wax khalad ah oo ay u geeysatay Liibaan, waxayna taas keentay in Ladan kalsoonideedu ahaato mid buuxda.Waxaa kaloo Ladan ay aaminsan tahay howraarta soomaaliyeed ee tirahda ‘’ MUSLIN HAL GOD LABA JEER LAGAMA WADA QANIINO.

Luul iyo Ladan mid kasta ayadoon tan kale u sheegin ayay ballamo kala gooni ah ka sameysteen xabsigii uu Libaan ku xirnaa si ay usoo booqdaan iyaga oo aan wada socon , si mid kastaa ay xanjadeeda meel adag ugu sii dhagsato.

  • Looyaan isagana xaalkiisu wuxuu marayaa NIN LA TUMAY AYAY TALO JOOGTAA, wuxuuna hubsaday inuu soo dhex galay mowjad waalan oo sida taayir baabuur  xowli  ku socda u wareegeysa. Looyaan maaha nin sida uu u dhib badan yahay dhibka u dulqaadan kara, wuxuuna durbadiiba bilaabey inuu is la hadlo, waxaa u shidan heestii Khadra Daahir Cige ee calaacalka  aheyd
  • Fiidkii shirkaan galo
  • Marka ruuxa feejigan
  • Salaad faral usoo kaco
  • Fadhigaan ku gaaraa
  • Allahayoow fogeydee nafta
  • Meelaan kala faqay fogeydee
  • In dhibaato igu filan
  • Faraqaan ku heystaa’’!

Ka sokow calaacalka uu naftiisa kula sheekeysanayo  Looyaan, waxaa usii dheer cabsi xoog badan  iyo shalaaytro uu ka shaleynayo sidii fududeyd ee uu duq Xaali uga aqbalay inuu guursado gabdheeda isagoo aan si wanaagsan isaga baran , is kagana baarin dadka uu la xididayo iyo gabadha uu guursanayo, ugu yaraan inay yihiin  dad aanan naftiisa qatar galineyn, faa’iido iyo farxad haba ii danbeeyaane. 

Fakar dheer ka dib Looyaan wuxuu talo ku goostay inuu ka shaqeeyo sida uu guriga Xaali uga guuri lahaa, si ugu yaraan uu uga badbaado seedigiisa imtixaanka ah ee Asad, laakiin waa inuu sugaa inta arrimaha lagu tuhunsa yahay ee xatooyada lacagta iyo dahabka ah uu marka hore xal u helaa oo ay ugu yaraan meesha ka baxaan iyo inuu uurka uusan isagu laheyn ee lagu kooleeyay laga wada hadlo.

Ugu danbeyntii , Looyaan wuxuu go’aansaday inuu shir ilaabada u xiran yihiin oo kama danbeys ah la galo reerka duq Xaali dhammaantood, si meesha looga saaro wixii madmadoow ah ee jira . Dhibaatada ugu weyne ee heysataase waa in reer  Xaali yihiin dad aan hadal ka xirmin. Looyaan wuxuu rabaa inuu bareerihiisa iyo sida uu wax u arko, si aan cabsi laheyn uga hadlo.

Dhanka kale Luul ayaa iyadu ku hor martay balantii Liibaan, waxaana   la siiyay fursad ay kula  kulanto  11:00 aroornimo oo aheyd balantii koowaad, halka Ladan ay nasiib u yeelatay balantii labaad oo ku beegnayd  2:00 galabnimo.

Luul markii ay la kulantay Liibaan salaam iyo is wareysi kooban ka dib waxay u sheegtay in ay ayada iyo Ladan is barteen , wada kulmeen go’aana wada gaareen, isla markaasna ay isku waafaqeen in labadooda mid Liibaan u harto iyagoo isku calool fayoow. Waxay u sheegtay Liibaan inaysan suurta gal aheyn inuu labadooda wada qabo, isla markaasna isaga Liibaan ah laga rabo inuu go’aankiisa kama danbeeysta ah sameeyo.

Liibaan oo aad ula yaaban hadalka Luul , isla markaasna aan hubin sida uu hadalkeedu dhab u yahay ayaa yiri: Luuleey  waxay ku wanaagsan tahay go’aan kasta oo adag marka uu qofka bini’aadamka ah sameynayo ama uu gaarayo inuu xor ahaado, sida aad arkeysid ama aad og tahay anigu hadda waxaan ahay  nin maxbuus ah oo xiran, go’aana sideedaba waxaa gaari kara qof madax bannaan. Waxaan jeclahay in go’aankeygu uusan noqon mid aan ku fududaado ama ay saameyn ku yeelato marxaladda aan suganahay , sidaas awgeed , waxaan kaaga codsanayaa inaad go’aankiina ii soo gudbisaan aniga oo bannaanka jooga oo aan cidna u xirneyn. Tan kale, hada waxa ii dhimanba waa 2 toddobaad oo kaliya marka ay labadaas dhammaadaan ee aan maalmo nasto ayay ku fiican tahay inaan arrimahaas si fiican u lafa gurno.

Luul hadalkii Liibaan waa garoowsatay wuxuuna ula muuqday hadal maangal ah.iyadoo Liibaan ugu warcelisay ‘’ waa hagaag , waana hadal wanaagsan, laakiin waxaad ku xisaabtantaa si fiicana aad uga fakartaa inaan ahay naagtii dhibkaad ogey kula soo martay aan ahay ilaa Yamen ilaa UK. Wey jirtaa inaan khalad kugu sameeyay, laakiin adigaa sabab u ahaa oo ii geystay dhaawac aanan marnaba waligey ku seexan inaad ii geysan doontid, balamihii aan wada galnayna iiga wada baxay. Sidaas oo ay tahayna waxaan maanta ku weydiisanayaa cafis iyo inaad iga saamaxdid wixii khalad ahaa ee xaggeyga kaaga yimid oo dhan, adigana waxaan kaa dalbanayaa sidaasoo kale inaad ii saamaxdid’’.

 Liibaan ayaa hadalka ku soo noqday wuxuuna u sheegay Luul inay xaggiisa cafis ka tahay, kana war sugto mudaddaas gaaban isaguna uu intaas ku mashquulsanaan doono gaaridda go’aanka uu doorbido inuu xalaal  yahay dhinac kastana ka saxan yahay

Luul iyo Liibaan saacaddii ay wada joogeen waxay inteeda badan ku qaateen ka hadlidda wakhtiyadii farxadda iyo murugada lahaa ee ay soo wada qaateen laga soo bilaabo maalintii ugu horeeysay ee ay indhaha isa saareen ilaa maalintii askartu gurigeeda ka saartey isagoo garba duub u xiran iyagoo marna dhacdooyinkaas kala duwan marna ku qoslaayay xasuustooda marna dareen murugo leh ka muujinaayay. Mararka qaarkood Luul waxay u muuqaneysay sida inay nooc qalqaalsi iyo is xorreyn cusub oo hor leh, oo ay farsamadiisu aad u sarreyso u  isticmaaleysay Liibaan. Qaabka eegmadeeda ,hadalkeeda iyo muujinta shucuurteeda intaba waxay ahaayeen kuwa soo jiidasho iyo beerlaxowsi  aaney marnaba  ka maqneeyn.

Liibaan  waxay ku war geliyeen shaqaalihii xabsiga in wakhtigiisii uu dhammaadey sidaa awgeedna ay is macsalaameeyaan isaga iyo Luul, sidii ayayna kusoo gabagaboowday balantii ay Luul ku argtay Liibaan.

Liibaan markii ay Luul ka tagtay ee uu qolkiisii xabsiga ku laabtay ayuu dib ugusoo ceshaday cajaladii kaamirada qarsoon ee qalbigiisu duubtay kuna keydisay  qeybta xusuusta dhow ee maskaxdiisa.Liibaan iyo maxaabiistii kale ee xabsiga ku xirneyd waxay u dareereen hoolkii qadada oo wakhtigeedii la gaaray.

Markii la gaaray 2:00 galabnimo ayaa markale loo soo yeeray Liibaan si uu u qaabilo Ladan oo ay u taalay balanta labaad ee booqashada maalintaas.

Ladan iyo Liibaan waxaa u biloowday halkii saac ee wada joogista ahaa, salaan iyo is xaal wareysi ka dibna Liibaan ayaa  hadalkii furay oo weydiiyay sida ay isku arkeen iyo waxa ay is yiraahdeen iyada iyo Luul? Ladan ayaa sida ay wax u dhaceen farta ka saartey Liibaan. Weliba waxay Ladan ku nuuxnuuxsatay kuna waanisay  inuusan  Liibaan uusan marna furin Luul, iyaduna leedahay xaqa koowaad, waxay kaloo iyadoo ilmeyneysa u sheegtay Liibaan in haddii Luul go’aankeeda kama danbeysta ah noqdo inaad labadeena mid furtid, asigana uu ku qasbanaado inuu mid furo ay noqoto iyada maadaama laga horreeyay isla markaasna aysan dooneyn inay booska ka saarto naagtii ka horreysay ee ilmaheedu adduunyada joogaan. Waxay hadalka ku dartay Ladan maahmaahda soomaaliyeed ee aheyd.’’ Miro geed saaran kuwa gunti ku jira looma daadiyo’’  Luul ilmaheeda waa ay joogaan, kuweyga caloosha ku jirase ilaahey baa og inay dhalan doonaan iyo in kale, sidaas awgeed, ilmaha Luul, ilmaheyga iyagaa ka xaq leh , anigana iyadaa iga xaq leh. Ladan ayadoo hadalkeeda sii wadata si qiira lehna u hadleysa oo daacadnimo badan ka muuqato, ugu tiri Liibaan: ‘’ Liibaanoow Luul waa gabar wanaagsan, oo daacadna kuu ah, waan dareemi karaa inaad ka xanaaqsan tahay amaba aad  ka niyad jabtay sida ay kuula dhaqantay markii ay ogaatey guurkeeni qarsoodiga aha, laakiin haddeynaan indhaha iskuy qabaneyn , arrintaas aniga iyo adigauba waan uga gar darneyn uguna gefnay Luul, maadaama aan guur qarsoodi ah wada galnay kuna heshiinay, waxaa muhiim ah inaan yeelano karti iyo dadnimo aan ku aqbali karno kuna qaadan karno khaladaadka aan anagu mas’uuliyadeeda laheyn,  aniga hadadan Luul ahey sida ay u dhaqantay ama si ka xun baan u dhaqmi lahaa. Adduunku khalad waa dhacaa, waase la saxaa oo garoowshiyaa laga bixiyaa, waxaana leysku dayaa in loo bareero si kasta oo lagu sixi karo, dhibkeey doonto ha lahaatee. Inaad I guursato khaladku ma aheyn, ee wuxuu ahaa inaan is qarsano ,oo aan weliba xaaskaadii ka qarino, maalintaas haddaan  u sheegi laheyn ,maanta  waxaan ka qoomameeyno ama ka shaleeyno ma jireen ,Luulna gar ma yeelateen’’

Liibaan waxaa cajiib ku noqotay hadalada culculus ee dareenka leh iyo garaowshiyaha leh ee Ladan, waxaana ka yimid dhidid waaweyn

Waxaa amakaag ku noqotey Liibaan labadiisa xaas oo mid weliba gar la yaab leh  ula timid isaguna uusan diyaar u ahayn go’aan ka gaaristeeda,  wuxuu si quman u dhegaysanayey hadalka Ladan, markay dhammeysay ayuu yiri: Luulna waa u sheegay anigu hadda ma madax bannaani waxaan ahay nin  xiran, sidaa awgeed markaan xoriyadayda helo anigaa go’aan gaaraya, midna ogoow  waxaad igula talineysaa waa wax xun.

Ladan ayaa hadalkii boobtey oo tiri:  Maaha wax xun alle ayaa banneeyey, waana xal ka mid ah xalalka la gaaro. Liibaan oo fursad helay ayaa yiri: “Xadiis baa ah wuxuu alle banneeyey oo xalaal ka dhigay wuxuu ugu necebyahay Furniinka” Markaa wax alle necbahay ma wanaagsana, Ladaneey adiguna  maanta waxaad caloosha ku sidaa ubadkayga, haddey noolaadaana waa ubadkayga, haddey  dhintaana waa iyaga oo ii saqiirey marnaba maaha qasaare ee waa deeq alle i siiyey,  Idinku waad tashateen go’aana waad gaarteen, anigase kaygu waa weli ee iga war suga.Ladan oo aragtey  hadal adkaanta Liibaan iyo kartida go’aan qaadashadiisa, dhegaysiga doodeeda iyo hufnaanta hadalkiisa aan lahayn wax turxaana.

Waqtigii booqashadu waa ka dhammaaday  waana lays maca salaameeyey, Ladana iyadoo dhankeeda u fekeraysa ayay soo noqotey, Liibaana isagoo la yaaban arrinta labada  xaas ayuu qolkiisii xabsiga ku noqday.

Duq Xaali waxay la balantey wiilkeeda oo tiri, hadduu arrin ku saabsan soo qaaddo Looyaan uurka walaashaa, beerka ka tun, aniguna  lacagtaydii baan u qabsanayaa, Tuug  gabarteena xumeeyey ayaan ka dhigeynaa. Looyaana waa warma qabto cid uu la tashado iyo  meel uu ciirsado toona ma jirto, cirkaa dheer dhul kaa dheer waaye  xaalkiisu.

La soco qaybaha kale

W/Q: Cismaan M. Qanyare

SHEEKOOYIN