Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q11AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q10AAD 

Haddii aan kasii amba qaadno qormadeynii taxanaha aheyd ee aan uga hadleynay “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka”Annagoo wali tirayntii bartanka kaga jirna, qeybtaana waxaan kusoo qaadan doonnaa tira kale oo aad u xiisa badan aadna loo adeegsado xilliyadaan dambe oo laashimiin badan isaga daba mareen waana tiro la magac baxday “Dood Shiribeed” waxaana lagu cabbiri jaraa dhinac kasto, oo ka mid ah Suugaanta Shiribka, sida Siyaasad, ammaan, duco, kaftan, su’aal iyo halxiraalayaal fudud, Shukaansi, iyo xifaaltan intaba. waa “Dood” laashinku ka hal-abuurayo laba qof oo inta badan ah hoga tusaaleyn. Waxaana bilaabay ama fikirkeeda lahaa Laashin Cabdinuur Xasan Cali (Waddani) waana tira aad u hana qaadday.

Aadna loo adeegsaday, waana tira aad u qiima badan Shiribkana kor u qaadday awooddiisa Suugaan ahaaneed. Waxaana kusoo qaadaneynaa haddii Eebbe idmo Shirib dood ah oo laashin Cabdinuur Xasan Cali(Waddani) leeyahay maadaa uu yahay laashinka bilaabay Tiradaan Fikirkeedana lahaa, ma ahan tii ugu horeysay ee uu ku bilaabay Dood Shiribeedka laakin waa qeyb ka mid ah Dood Shiribeedkiisii dhumucda lahaa ee inta badan kusoo bixi jiray mareegta Laashin.com waana Shirib aad u xiisa badan oo dhex maraya wiil iyo gabar u haasawaaya sidii hiddaha iyo dhaqanku ahaa, Laashin Cabdinuur oo shiribkan isagu akeekimey iskana dhigey labadii lammaane ayaa yiri:

  • Wiilka:
    Casir wanaag san caasho kiin
    Ceyntaada waaba caashaqee,
  • Gabadha:
    Casir jawaan ku caashaqaa
    Cabdoow miyeeysan ceeb ahayn,
  • Wiilka:
    Ceeb maahin waaku caashaqee
    Cilmi miyaad lahayn carfoon,
  • Gabadha:
    Cagta dhulkuu dhig cabdiyoow
    Waxaan cunmeynin caarifkood,
  • Wiilka:
    Cankaagaya calaacashaan
    Caasho nin arkay mees celaa,
  • Gabadha:
    Cankeyga arki maa cabdoow
    Caruuda geel nimaan celeyn,
  • Wiilka:
    Ceel buuxa caag biyaa carfoon
    Minaad ka cabto wees curjaa,
  • Gabadha:
    Cawa tagtay mineey cabdoow
    Soo ciydo waaku caawihaa,
  • Wiilka:
    Cirkuba caad la,aan carfoon
    Waasoo curtaahe ii ciddeey,
  • Gabadha:
    Caddiinya ciir waxaad cunnee
    Cood iyo waa qabnaa cantoog,
  • Wiilka:
    Cirbad nin rabay hoo cadkaan
    Ku caafimaadi maa carfoon,
  • Gabadha:
    Caqli woxoowsan soo celeyn
    Codso bal aan ku ceeyriyee,
  • Wiilka:
    Cidla ninkugu caashaqee
    Caasho ku yiri caana sii
  • Gabadha:
    caasho nimaa hor calmadee
    Is ceeji amma hoor carroo,
  • Mida kale,
    Ha ii caweeynin ee carraaw
    Cungaa arri u soo ciyee:

Haddaba Shiribka sidaas ayaa loogu kaftami karay ama loogu baashaali jiray halkii la doonana laga cabbiri jiray. Waase inaan la jebin xeerkiisa oo la dhowro habdhaciisa iyo qaafiyaddiisa, iyo dhumucdiisa guud ahaaneed, waana Suugaan kobcinta Luuqdeyna qeyb libaax ka qaadaneysa hal boolena u ah jiritaanka dhaqanak iyo suugaanta:

La soco qeybaha xiga haddii Eebbe idmo:!

W/Q: Xasan (Shiribmaal)

SHEEKOOYIN