Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q7AAD W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

Sheeko Taxan:RUN MISE BEEN? Q7AAD 

Xaliima ayaa u timid Habboon, habeenki jimcaha soo gelaayay,kaddib waxaa laga sheekeystay xaalku siduu noqday usbuuca la soo dhaafay, balse Xaliima way ka xumaatay isbeddelka loo sheegay, waayoo ma aanay rabin in xiriirka Bashiir iyo Habboon uu kala go’o ayadoon si fiican jaanta ula helin Bashiir.

Qorshaha Xaliima wuxuu ahaa inay marka hore si fiican u barato Bashiir, kaddibna ay faraha la gasho xiriirka asaga iyo Habboon ayada oo dhexdhexaad iska dhigeysa, islamarkaana la taliye ugu ah Habboon burburinta xiriirka, sidaana ay ku kala jarto xiriirkaas ayadoo Bashiir iskaga dhigeysa inay ka xun tahay daacadnimadiisa iyo gabadha yar aan waxba ka aqoon micnaha jaceylka, halkaana ay ka soo marto inay ku hanato Bashiir ayadoo ka samirsiineysa Habboon una noqoneysa tii uu isku illowsiinaayay.
Dood dheer oo ay wada galeen Xaliima iyo Habboon kadib ayay Xaliima tiri “Habbooneey waan ogahay inaad tahay saaxiibteeyda koowaad, waana ogahay inaan cid kasta kaaga qiima badanahay sidaad adigaba iigala qiima badan tahay axad-kasta ee ifka saaran, laakiin saaxiib ma rabin inuu kala go’o xiriirka adiga iyo Bashiir idinka dhexeeya, balse inaan sii qurxiyo oo boorka ka jafo ayaan ka jeclaa xaaladda hadda aad ka hadleyso inuu gaaro iyo mid la mid ah” Habboon oo yaab la aamusan ayay Xaliima ku dartay “walaaleey macaaneey, waxaan kaa codsanaa inaad soo celiso wanaagi Bashiir idinka dhexeeyay, adigoo ku laabanaaya Iskuulki Bareyfitka ahaa iyo ballamadiini hore aad ugu kulmi jirteen” Habboon ayaa tiri “Xaliima haddii aadan qaali igu aheyn, ma dhici laheyn inaan xiriirka u jaro wiilka aan ugu jecelahay inta rag soo dunida cuslaysay, waayoo Bashiir waa daacad, waa runsheeg, waxaan malaha wiilkaa aan jeclaa intaan nolosheyda arkaayay oo dhan, wiilal badan waa i shukaansadeen, laakiin weli ma arag mid indhaheygu inay arkaan ay ka jecel yihiin Bashiir ama dhegahaygu inay maqlaan ay ka jecel yihiin Bashiir ama nafteydu inay raali ka noqoto ay ka aaminsan tahay Bashiir” Habboon oo laga dareemaayo inay ku faraxsan tahay fasaxa ay Saaxiibteed uga heshay ku laabashada gacaliyaheeda ayaa tiri “abaay Xaliima, waan qiyaasi karaa inaad rabto inaad iga ogaato ragga xunxun oo gabdhaha beenta ku madadaaliya, waana ku mahadsantahay inaad iga tijaabisay, waana kaa yeelay intaad iga dalbatay”, Haboon amarki Xaliima siduu yahay ayay u fulisay, isla habeenki xigay ayay aaday Dugsigi Bareyfitka ahaa.

Bashiir sidduu sidduu u laba-labeeyay imaatinkiisa xiga oo uu u yiri (habeenka Axada ama Isniinta midkood ayaan imaanaa) haddalkaas ayuu ka dhabeeyay, muraadka uu ka lahaana waxay aheyd inay Xaliima ku soo gaadin habeen guriga Habboon oo lagu shirqoolin qorshe leysla ogtahay.

Kulanki 22aad ee Habboon uu la kulmo, wuxuu Bashiir ka dhigtay habeenki Isniinta soo geleysay, balse markuu soo galay guriga waxaa ka hor timid Saciida yareey oo ku salaantay “abaayo Habboon hadda dhow ay Iskooleey aaday” Bashiir oo aan si fiican u fahmin waxay Saciida sheegeyso ayay Hooyo Faaduma u raacisay “Bashiir Eedo miyaaneey kaa hor imaan Habboon oo Bareyfitki u socota?” Waxay u raacisay “annaga way naga diiday inay Englishka barashadiisa sii wadato, laakiin gabar saaxiibadeed ah ayay ka ogolaatay” Bashiir waxaa la siiyay warbixinta Habboon sidi inuu qoyska ka mid yahay oo kale, weliba waxaa loo caddeeyay awooda Xaliima leedahay, sida daacadnimada (kal iyo laabta ah) ay hooyo Faaduma iyo Gabadheeda yar ugu warramaayaan, wuxuu Bashiir u fahmay inuu boqolkiiba siddeetan (80%) uu kashifan yahay, waayoo wuxuu isleeyahay (haddii aanay Habboon u sheegin reerkeeda, waxaa dhici karta inay Xaliima u sheegtay, ayadana ay reerka gaarsiisay sirtooda).


Bashiir oo raadsanaaya waddo uu sheekada uga baxo ayaa Saciida ku yiri “Shaneemaan kuu wadaa caawa ee soo labiso” farxad ayay Saciida la dhawaaqday, hooyo Faadumana intay qososhay ayay Bashiir ku tiri “Bashiir Eedo macaan, wax garad ayaad tahay, waayoo sidaad ku ogaatay niyada Saciida ayaan kuugu qiray wax garadnimada” waxay raacisay “Saciida aad iyo aad ayay kuu jeceshahay, galabta ayay igu laheyd (hooyo hadduu yimaado aboowe Bashiir, ii weeydii inuu shaneemo ii wado) sababta oo ah wiilasheena ma jecla inay wadaan, haddii ay wadaana sideey doonto uma yeelaan oo filinka hadduu la xumaado way ka soo saaraan ayadoo rabta inay fiirsato, laakiin sida ay Haboon ii sheegtay habeenki aad waday, waxaad ugu dulqaadatay ciriiri, taagnaan iyo daal”.
Bashiir wuxuu gacanta ka qabsaday Saciida, wuxuuna u kexeeyay Shaneemo Soomaaliya, waxaa habeenkaas ka socday (Jugnu-Dharamandra and Hema Malini) oo ah filin aad u dagaal badan oo ay ka heshay Saciida oo caawa fadhi fiican ku daawatay filin fiican.
Markeey ka soo baxeen waxay yimaadeen gurigi oo laga wada sugaayo, waxaa diyaarsanaa casho si fiican loo sameeyay iyo jawi degan.

Saciida yareey waxay billowday inay ka sheekeyso filinki ay ka soo baxday, qaabka farxadda leh ay uga sheekeyneysay filinka waxaa ku faraxday hooyo Faaduma oo fiirineysay wejiga Bashiir oo fekersan, markaa ayay hooyo Faaduma ku tiri “Bashiir meel miyaad ka daahsan tahay oo lagaa sugaayay?” Wuxuu ku yiri “maya maya, majirto meel layga sugaayay, laakiin inaan dhakhso xaafaddi tago ayaan rabaa” wixii ka dambeeyay waxaa Bashiir lagu casuumay casho ay caawa ku fara yareysatay hooyo Faaduma.
Habboon markeey ka timid Iskoolki Bareyfitka ahaa, waxay soo gashay gurigooda ayadoo ku fekereysa inay Bashiir ugu tegeyso, hadduuba ugu imaanin Dugsiga Bareyfitka ah hortiisa oo ay islaheyd wuu kuugu imaanaa, balse way maleysan weyday markeey guriga timid oo loo sheegay inuu Saciida u kexeeyay shaneemo.


Habboon way aragtay inay hooyadeed ku faraxsan tahay Bashiir laakiin waxay garan la’dahay sababta uu uga warwareegaayo inuu gurigeeda ugu yimaado, maadaama ay hooyo isku fiican yihiin!.
Bashiir way la xumaatay inuu cashada diido, laakiin wuxuu hooyo Faaduma u sheegay in hadduu cuni waayo cashada guriga loo dhigay ay reerku u qaadanaayaan inuu xanuunsan yahay, siddaa daraadeedna aanu jecleyn inuu bannaanka ka casheeyo, arrintaas waa lagu garsiiyay Bashiir.
Cashadi kaddib ayuu Bashiir weeydiiyay Habboon “Maxaad ugu laabatay Bareyfirki?” Waxay tiri “dacwad miyaad ka tahay?” Wuxuu ku yiri “Markaan ku weeydiinaayay waxaad Bareyfitka iskaga deysay, ayaan dacwad ka ahaa, laakiin su’aasheyda hadda waa ogaansho kaliya” Habboon ayaa tiri “dadka oo dhan ayaa iga codsaday inaan Bareyfitka ku laabto” wuxuu ku yiri “caawa marki la ii sheegay inaad Dugsigi ku laabatay waxaa ii soo baxday inay dad kugula taliyeen inaad ku laabato, dadka inaad taladooda qaadatana waa wax fiican, laakiin haddana mid xun inay ku siiyaan ayaa suuragal ah” wuxuu u raaciyay “Waxaan ka baqaa inay jirto qof seddexaad oo talada mustaqbalkeena wax ku leh”

Haboon oo ka carootay warka Bashiir ayaa tiri “Oo yaa lataliye ii ah?” Wuxuu ku yiri “Xaliima ayaan aaminsanahay inay lug ku leedahay amuuraheena” Habboon ayaa ku dooday “haddalkaan kugu iri ma aamini weysay?” Wuxuu ku yiri “Run Mise Been, koleey haddaad runta iga rabto, waxaan qabaa inay saaxiibtaa wax ogtahay, haddaad ku adkeysato waxba uma sheegin, adigoo difaacaaya sir yar oo kaa fakatay, waxay keeni kartaa aamindaro”

Bashiir beenta ma jecla, waayoo wuxuu qabaa inay tahay midda dadka ka lumisa kalsoonida, kuna abuurta aamindarada iyo shakiga, qoyska isqaba beentu way burburisaa, kuwa is rabana waxay kala gelisaa shaki iyo kala didsanaan, waana sababta uu Bashiir u doonaayo inay Habboon runta ka sheegto xiriirka ayada iyo saaxiibteed Xaliima oo haddii ay sheegto waxa jira wuxuu Bashiir qabaa in laga gaari karo xal, wallow aanay niyadiisu ku samaaneyn in Habboon aanay u madax bannaaneyn masiirka rabitaankeeda oo uu jiro qof kala taliya mustaqbalkeeda, waayoo qofkaad la hadleysaa haddii aanu aheyn qofka go’aanka ka gaari kara waxa aad kala hadleyso, waa mid dhibkeeda leh, Bashiir way u muuqataa in daaha gadaashiisa ay ku jirto Xaliima, wax kasta uu Habboon u sheegana ay Xaliima ka masaxeyso, sidaa daraadeed ayuu Habboon ugu baahan yahay qirasho rasmi ah, hadduu ka waayana arrintoodu way sii cakirnaaneysaa.

Ayagoo weli fadhiya miiski cashada ay ku cuneen oon caawa laga qaadin alaabti lagu cunay ayay Habboon tiri “Bashiir waxaad saska uga qabto hooyo oo ah saaxiib kuu wanaagsan iyo Xaliima oo ah gabar aan xiriirkeena shuqul ku laheyn, waa waxa aan la yaabanahay ilaa hadda” waxay Haboon raacisay “Ma waxaad rabtaa inaan xiriirka u jaro saaxiibteey Xaliima?” Wuxuu yiri “Aniga kuma dhihin jar xiriirka idinka dhexeeya adiga iyo Xaliima, laakiin waxaan rabo waa inay shuqul isku lahaanin labada xiriir, haddii ay meel iskaga xirmeena aad ii sheegto si aan u ogaado”.

Habboon waxay isku dayday in wax kasta caadi laga noqdo, Bashiirna wuxuu isku dayay in wax kasta runta laga abbaaro, laakiin midkoodna kuma guuleysan ujeedki uu lahaa, wuxuuna ku tala galay inuu u cag dhigo inta midka kale ka garowsanaayo fekerka midka kale uu qabo.

W/Q: Axmed Xaayoow(Aun)

SHEEKOOYIN