Hoggaanku waa hagaha Bulshada W/D; Mohamed Musa Shiikh Noor

Nor1

Hoggaanku waa hagaha Bulshada

 

Umad waliba waxa ay hor-umarka ku gaarto waa hoggaanka mar walba hoggaansho, waxa hoos u dhigo oo ka reebo asaaggoodana waa hoggaankooda markaa xilka u hayo. Hogaanku waa mid mar walba ka yimaado isla bulshada dhexdeeda, waana mid saamayn ku yeesha waxa ay bulshadu noqon karto mustaqbal ahaan dhinaca wanaagsan iyo dhinaca xunba.

Bulshadu sideedaba waa bulsho isku wada xiran, waana kuwa kala lahaan kara dhaqan iyo ahdaaf kala duwan, oo ay markaa ku dhaqmaan ama tiigsanayaan. Hogaanka ay markaa igmadaana waa mid mar walba ku shaqeeya waxa ay rabaan.

Hoggaanka naftiisana waa mid mar walba waddada u qaada hadba qaabka uu is leeyahay bulshadaada waa kaaga qancayaan, mana jiro hoggaan waddada uu rabo qaadi kara, waxa uu doonana samayn kara, haddii aysan markaa jirin dad uu isku hallaynayo ama dad taageersan waxa uu samaynayo.

Haddaba, Bulshadeenna Soomaaliyeed, sidee u doortaan hoggaankooda marka laga hadlayo aas-aaska noloshooda laga soo billaabo Qoys, Qabill ilaa heer Qaran? Waa maxayse waxa ay ku xushaan hoggaanka ay rabaan in uu hoggaansho?.

Si guud haddaan uvsoo kobo, waxaad mooddaa in Soomaalida meel walba oo ay joogaan ay mid ka midaysanyihiin iskagana daydaan, taas oo ah, in ay hoggaanka mar walba ku doortaan aftahannimadiisa iyo sida uu wax u cuno iskagana dhicin karo inta markaa la tartanto, oo ah qabiillada kale .

Bal aan yara eegno, qaabka loo soo doorto hoggaankaas. Sida  badan waa mid ku yimaada dhaxal ama mid dhaqaale. Midka dhaxalka waa mid mar walba beeshaas ay xilalka ugu dhiibato mid ka mid ah lafahooda, oo laga yaabo in aabbo uu wiilkiisa dhaxlo ama walaal uu dhaxlo walaal kale, mana ahan mid lagu fiirsho hoggaan doorashadan  aqoon ahaan iyo diin ahaan, ee waa mid lagu fiirsho dhaqanka iyo xeerka markaa u yaallo beeshaas.

Waxaa kaloo jira mid ku yimaada xagga dhaqaalaha, oo waayadan dambe  billaabatay. Waayihii horana aan jiri jirin, waana mid sida badan ay ragga qurbaha ka yimaada ama kuwa xoolaha ku leh beesha ama bulshada dhexdeeda ay ku gataan darajada ay markaa ka doonayaan in ay ka dhexqabtaan beeshooda, si ay ugu gaaraan hadaf siyaasadeedka ay tiigsanayaan.

Middan waxaa mooddaa in aysan ahayn mid dhaqan iyo asal loo lahaan jiray, ee ay tahay mid ay keentay baahida ama la socota waqtiga adag ee lagu jiro iyo isbadalka qaab nololeedka bulshada Soomaaliyeed.

Qaabka marka duub ama hoggaan la dooranayo ama la duubayo loo sameeyana waxaa laga dhadhansan karaa, in uu yahay qaab aan tarjumaad fiican bixinayn, sida in lagu shubo caano fara badan qofka markaa la dooranayo, iyada oo laga yaabo dadka meeshaas taagan qaarkood in caanahaas la qubayo helitaankooda ay wax wayn u noqon lahayd, waasa iska xaal adduun in qofna si uu hoggaan u noqdo caano loogu qubeeyo ama lagu qubo korkiisa, qofka kalana uu iska dul taagan yahay, isaga oo niyadda iska leh haddii aad hal galaas xitaa ka dhami lahayd waxbey kuu noqon lahayd ama laga yaabo in carruurtiisa ay baahi lixaad leh u qabaan, balse, qoyska dartii iyo qiimaynta ay qiimeeyaan qabiilkooda uu waxaas oo dhan u hilmaamay ama uga tagay.

Haddaan u soo laabto qaabka ay wax ku doortaan bulshadeenna, waxaa la dhihi karaa waa qaab aan la jaan qadi karin nolosha dhabta ah, ee markaa jirta iyo waliba ta casriga ah ee ay soo galeen, gaar ahaan intooda magaalo soo degtay ama u soo wareegtay, balse, hoggaankaas marba hadduusan ku iman qaab xalaal ah oo wanaagan, lagama filan karo in uu wax qabad wanaagsan la yimaado, wax walbana qaabka ay ku dhashaan ayay dhammaadkooda astaan ahaan u leeyihiin .

Tan iyo inta laga xasuusto, taariikhda soomaalida waxaa is badalayay waqtga oo kaliya, ee dadku waxay ahaayeen isla dadkii, sidii u fekera, sidii u maareeya noloshooda, sidii aragtodooda tahay, waqti walbana wuxuu sitaa wixii loogu talagalay, qaabka doorashada hoggaankeenna sidaa ayuu ahaa wali lama sheegin beel leh Hoggaan Aqoon leh, beel walba ninka hoggaansho wuxuu ahaa marka la tilmaamo ninka ugu xaaran cunka badan ama ugu jaahilsan, mmarka dadka wax garadka ah waa in ay fiiriyaan ama dib u eegis ku suubbiyaan qaabka loo soo doorto hoggaankooda, qoys ahaa,  qabiil ahaan, qaran laga hadlo hada maba jiree.

Waxay soomaalidu ku maahmaahday; “Alif ka hallaabay bilowga Albaqra kama hagaago”marka si sax ah oo hoose loo eego maahmaahdan, ninkii maahmaahay ama suubbiyay xilligaa wuxuu ugu dan lahaa barashada Quraanka Kariimka ah, oo wuxuu la dardaarmayay sida aan is leeyahay owlaadiisa, halka dadka qaar ay ku sheegaan ninka laga hayo maahmaahdan in uu ahaa Macallin Dugsi oo markaa oranayay qof aan Alifka baran Albaqro ma gaari karo. Si kale haddii loo dhigana la dhihi karo, qofka haddii aan aas-aaska laga sixin dhammaystir wanaagsan ma yeelan karo.

Maahmaahdaas oo kaliya haddii sida ay tilmaamayso loo qaadan lahaa, wax badan ayaa hagaagi lahaa sida aan qabo. Waxaan nahay umad ka hodan ah afka, oo luuqaddoodu ay tahay mid xikmadaysan, balse, cilladda na haysata ayaa ah in waxa uu Allah nagu mannaystay, ee ah nimcooyinka xikmadda aanan u jeedin, oo ay naga tahay oo kaliya wax laga dhaho afka oo aan lagu dhaqmin.

Runta marka laga hadlayana afka waxa laga dhaho waa wax qurux badan, balse, marka aan ficil la raacin, hadalkaa quruxda badan wuxuu la mid noqonayaa dabayl ku soo martay oo kaliya dib dambana aadan u arkin doonin illaa mid cusub oo kale ku soo marto mooyee.

Hadalka xikmad kasta uu leeyahay haddaanan la raacin ficil ka tarjumaya macnaha laga faa’iidayo xikmaddaas waxay noqonayaa hadal aan macno badan suubbin, oo marka la leeyahay la doonayo in lagu gaaro maslaxad lagu ugaarto.

Hoggaammadeenna qaabka aan u soo dooran jirnay oo xun ayaa sabab u ah ayaa la dhihi karaa meesha aan maanta umad ahaan naalno. Waxaan nahay ummad dhaqan wanaagsan leh. Dhaqanka Soomaalida waa mid ka mid ah dhaqammada ugu wanaagsan ee laga sheego dunida. Waxaa taas noo sii dheer in aan leenahay Diin wanaagsan oo ah Diinta islmaaka, taasna ay noo sii raacsantahay  in dhaqankeenna iyo diinteennaba uusan is qilaafsanayn, ayna yihiin dhaqan iyo diin wada socda, oo aan marnaba iska hor-imaanayn, balse, marka qalad loo isticmaalo aan ka dhaxalno dhibaato la mid ah midda maanta na haysata soomaali ahaan. Lagana yaabee, haddii aanan xal ka wanaagsan midka aan hadda wadno la helin inuu nagu imaan karo dhib midkan ka xanuun badan.

Waxaan kaloo jeclaan lahaa in sida uu nasiibkeenna u wacan yahay ummadaha qaar uusan ugu wacnayn. Wuxuu Allah naga dhigay qoys meel wada dega, iskuna midab ah, isku diin ah, iskuna dhaqan ah, isir ahaanna meel kuwada abtirsada. Ummadaha kale oo ay ugu horreeyaana kuwa nala jaarka ah, aysan jirin wax qura oo ay wada wadaagan diin, dhaqan iyo luuqad iyo midabba, balse, waxay ku midoobeen hal hadaf oo ah in ay is nabadgalshaan wada noolaadanna, ayaga oo farqri kala duwan leh, waxa saldhigga u ahna waa hoggaanka ay leeyihiin ee dhaqan ahaan hoggaansho.  Bal fiiri ayaga oo cawaan ah Diin iyo Darajo kale oo Dadnimana na dheerayn ayay ku heshiiyeen in ay is nabad galshaan wada noolaadanna.

Hoggaan marka ay umad yeelanayso, waxaa loo shardiyaa in uu yahay hoggaankaas hoggaan wax garad ah, oo caqli ahaan iyo jismi ahaanba dhisan, diin ahaan dhisan, maaddi ahaana dhisan.

Si kastaba ha ahaato, waxaa inaga filan saddexda kore ee aan sheegay ee ah Caqli iyo Jismiga oo is wata iyo diinta oo uu qofku ka dhisanyahay. Waxaan ku dari lahaa in uu yahy qof aaminsan dhaqanka bulshadiisa in uu yahay mid muhiimadda koowaad leh marba haddii uusan dhaqankaas ka hor imaanayn diinta sharci walba oo la dajinayana lagu saleeyaa marka hore diinta iyo dhaqanka oo is wata, balse, haddii ay iska hor imaanayaan ay mudan tahay in dhaqanka la tuuro, maxaa yeelay, dhaqanka waxaa ka amar wayn diinta, oo diintu waa asalaka nolosheenna aduun iyo aakhiraba.

Bal dib yara milicso, ma jiraa hoggaan soomaaliyeed oo qaddariya dhaqanka soomaaliyeed iyo diinta? Xitaa fikirka maaddiga waxaa laga yaabaa isaga oo aan aqoon u lahayn in uu ku yiraahdo waxaan qaadanaynaa dimoqoraadiyadda ama shuuciyadda. Qofka waxaa wanaagsan marka uu wax kala dooranayo ama kala xulanayo in uu leeyahay aqoonteeda .

Beelaha soomaaliyeed marka aad dib uu fiiriso dhaqankooda ama hoggaankooda ma jiro xeer u qoran dhexdooda, oo ayaga kala haga ama xeer ay kula dhaqmaan beelaha kale, waxa kaliya oo aad arkayso ayaa ah hoggaanka beesha, balse, sharci hoggaankaas qeexaya awooddiisa ama xaddidaya ma jiro.

Ma la dhihi karaa marka ummad dhan oo leh hoggaan, haddana sharci kala haga aysan lahayn xitaa aan meelna lagu caddayn awoodda hoggaankooda qaabka ay u xaddidan tahay iyo halka ay ku egtahay, waa umad leh meel loogu soo hagaago? Jawaabta waa maya, waana mid ka mid ah nasiib darrada bulsha ahaan na ragaadisay.

Waxaan is leeyahay haddii maanta beel walbe ay lahaan lahayd dastuur beeleed kala caddeeya waxa dhaqankoodu yahay iyo waxa ay kula dhaqmayaan beelaha kale, xogaa waxaan is dhihi lahaa dhibaatada iyo burburka maanta heerkan uu gaarsiisan yahay wuu dhaami lahaa.

Hoggaamiye waa mid wax dhisa, ee ma ahan mid wax burbursha. Hoggaammada beelahuna intii ay dhisi lahaayeen tayada beesha ay hoggaanshaan dhinac walba xag aqooneed iyo xag nololeedba waa kuwa ku tunta dilana dhallintooda, ayaga oo mar walba ugu adeeganaya maslaxaddooda shaqsiyadeed.

Waxaa laga yaabaa, in maanta hoggaamiye beeleed uu la kulmo hoggaan caalami ah, haddii hoggaankaas caalamiga uu ka dhaadhacsho hoggaan beeleedkan in ay beeshiisu ku duusho beel hebel dhaqaala ahaanna uu caawinayo, isaguna uu qaadanayo hanti laga yaabo in ay laba bil biilka ilmihiisa tahay, in uu ka aqbalayo, sidaana ay ku dhimanayaan boqollaal qof oo labada dhinacba ah.

Hoggaanka nuucaas ah ma hoggaanbaa? Cid wax waydinaysa ma jirto, cid dhahaysa hadduu qaldan yahay waa qaldan tahay ma jirto. Mar walba oo uu wax damco waa mid ku dhaqaajiya qaabka uu wax u damco, ee aan ku salayn maslaxadda guud ee umadda uu markaa hoggaansho.

Hoggaanka waa midka u horseeda ummaddiisa dhaxal wanaagsan, oo ay kula noolaadaan ummadaha asaaggooda ah ee mustaqbalka dambe wax u tara. Hoggaamiye waa midka ka fakara maslaxadda guud ee ummadiisa, gartana mar walba in maslaxaddiisu ay tahay mid gaaban oo meelna aa gaari Karin, loona baahanyahay in masalaxadda guud mar walba laga shaqeeyo, xitaa maslaxadda guud ay tahay mid isaga uu hooskeeda har  ka helayo mar walba.

Hoggaamiyaha waa midka noloshiisa u hura ummadda uu marka hoggaaminayo, aanan ka door bidin noloshiisa gaaban, waana midka ku fakara nolosha barrito, ee aan midda maanta kor u eegin, waana midka hadafkiisu yahay hadafka guud ee wax lagu wada gaari karo.

Hoggaamiye waa midka tanaasulka badan, marka ay is qabtaan kuwa wax ma garatada ah, ee ka midka ah dadkiisa. Hoggaamiye waa midka leh go’aan ka fiirsasho mudan, oo mar walba wada tashi ka suubbiyo inta uusan qaadan ka hor, waana midka aan u shallayn go’aan uu qaatay dibna aan uga laaban, haddii uu markaa u arkayn in maslaxadda guud ay wax ku imaan karaan.

Hoggaamiye waa hagaha ummadiisa, waxaana mar walba laga doonayaa in uu ummadiisa ku hago waddada toosan, ee nolol ahaan ay u qalmaan, mana ahan in uu qaato dullinimo iyo wax liita.

Hoggaanka waa midka mar walba dhagaysta soona dhaxgala dadka uu hoggaanka u yahay, ee aanan ka door bidin la haasaawidda dadka uusan ma talin baahidoodana uusan ka war qabin. Hoggaanka daacadda ah ma ahan mid ka cabsada ummddiisa lagana ilaalsho.

Waxaa laga doonayaa hoggaamiyaha intii uu suubbisan lahaa dad ka ilaalsho dadkiisa, in uu suubbisto kalsooni badan oo ka ilaaliso dadkiisa dadka, haddii aad u cadaalad fasho, waxa ay mudan yihiinna aad siiso, waad iska ilaalisay, waana ka nabad galaysaa mar walba, umana baahnid qof ku ilaalsha, oo qarash badan kaaga baxo.

Tilmaamaha aan soo sheegay ayuu leeyahay hoggaanka dhabta ah, ee kugu hoggaamin kara waddada toosan, ee noloshaada dambe, marka aan leeyahay noloshaada dambe waxaan ka wadaa nolosha mustaqbalka, ha ahaato nolol aad goob joog ka noqotid ama nolol ay ilmahaaga ama faracaaga ay harsadaan, haddaba, aan dhisno ummad wanaagan, oo wax la qaybsata qayrkeeda barito, si loo helo ummad ka wanaagsan umadda maanta. Q

of walba oo soomaali ah ee aqrinayana qoraalkan waxaa ku wanaagsan in uu dib u eego hoggaanka beeshiisa isna waydiiyo bal hadduu u qalmo in hoggaankaas noqdo hoggaan beesha ku xiri kara beelaha kale ee walaalahood ah ilaa laga helayo qaran soomaaliyeed oo ka nadiifsan kan maanta magac ahaanta u taagan.

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN