Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q12AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

 

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q12AAD 

Halqabsiga Shiribka.

Waxaan weli ku guda jirnaa kala hufkii iyo kala haadinti qormooyinkii ku saabsana “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” ee taxanaha noo aheyd. Marka haddii ay noo dhamaatay tireyntii aanu ku wadnay Shiribka iyo farac yadiisa.

Qeybtaan waxaan ku faaqidi doonnaa Shiribyada hir galay iyo laashimiintii lahaa inta la hubo aniga oo baaris dheeraad ah iyo xog ururin sameeyay. qeybtaan waxaan uga hadli doonaa Shiribyadii taabagalay ee hanaqaaday noqdayna  halqabsiga joogtada ah, inta badana  bulshadu isla wada taqaan.

Aan ku billaabo Dr, Laashin Xuseen Sheekh Axmed Kadare(A.U.N.) iyo shiribyaddiisa oo bulshadu inta badan adeegsato iyada oo aan aqoon laashinka hal-abuurkeeda lahaa ama lagu suntay laakin qof walba laashin  ku qiyaaso,  waxaa ka mid ah shiribyada hirgelay ee halqabsiga Laashin Kadare(AUN):

 

 Halqabsiyadii Abwaan Kadare

  • Dhulkoo dhan dadka wow dhexeys
  • Dhiishaase ninba meel dhigtaa

 Dulucda Shiribka

 Sidaan wax  badan hore usoo qeexnay  labada lugood ee shiribka ayaa xambaari kara in ka badan ujeedka iyo duluc boqol  meeris oo gabay ah,  bal aan qeexno  labadan lugood wuxuu yiri Abwaanku:

Dhulkoo dhan dadka wow dhaxays!   Dhulka oo dhammi dadka waa ka dhaxeeya oo waa la wada leeyahay, marna  aadminimaa lagu wadaagaa oo waa carra edeg oodhan waana tan manta bulshada dunidu ku wada degantahay, marna qaarad iyo qoobad ayaa lagu wadaagaa ilaa laga gaaro qoys.Dhiishaashe ninba meel dhigtaa! Tuducdan wuxuu ku qeexay iyadoo dhulka iyo dalka la wada leeyahay in  qolo walba, beel walba, qoys walba  ilaahay meel u gaar ah ku abuurey oo oolintoodu tahay, halkaasna lagu yaqaan.Adduunku waa Shan qaaradood iyo in ka badan 193 waddan, intaasaa haddana qowmiyado iyo qabiilo sii kala degan yihiin.

 

  • Seddex walxaato deel kutaal
  • Seddex kaleey dantoo roggaan
  • Dawacu neef dibbood ahoo
  • Soo dilayoow dantoo roggaa
  • Doobkuna naag nin soo dirtee
  • Dibirsadoow dantoo roggaa
  • Daa’uud galmaax durraantayee
  • Kala dafoow dantoo roggaa,

       Nikax

  • Anna inaan ka daafacee
  • Kala diraan dantoo roggaa,

Dulucda Shiribka

Laashin Xuseen Kadare(A.U.N.) wuxuu ahaa nin dadka hoggaan u ah ama ku kala dhex jira gartana loo dhigto, marka ay dhabaqda xaajadu. haddaba Shiribkaan waxaa la yiri: wuxuu ku baxay waxaa Shiribka isu heystay oo tartar suugaaneed iyo baratan awood sheegasho dhinaca halmuceedka shiribk labada beeleed ee  Daa’uud iyo Galmaax  oo good isu saarnaa, waxaana arrinkani taagnaa muddo dheer oo gaareysa ilaa muddo Toban sanno.

Intaas waxaa socotey, xifaallo, halxiraale iyo  googaaleysi labada beellood gole walba ku dhexmarayey, ugu dambeyntiina waxay garcadaada iyo guud caddaagu sheegeen  in guusho ay Galmaax yoonis ku raacday gaar ahaan Beesha Celi Cumar,

Daa’uudna sidaa looga guuleystay ayaa Laashin Kadare waxaa laga wacay Goob ka mid aheyd goobaha lagu loolansiinayay labadaa beel ee isla dhashay Laashin Kadare asigu dhinacna ma raacsaneyn waayo labada dhanba wuxuu u ahaa marjac ay u soo laabtaan ama meel leysula noqdo.

Sidaa darteed dhankoow doono, iyo qoladdii shirib badisa ayuu xukunka siinayay maadaama meesha lagu kala baxayo, laguna kaftamayo Sidaas ayuuna u leeyahay ama ugu faanayaa inow ku kala dhex jiro:

  • Dawacu neef dibbood ahoo
  • Soo dilayoow dantoo rogaa.

Waa sax waayoo dawacadu ma dilato neef lala jiro ama ari qofkii lahaa ilaashanayo, sidaa aawgeed waxay raadsataa neefka aafta qaada ama kali socodka ah. Macnaha Dibbood ah, dibbood waa neefa xirraday ee aan lasoo hoyn.!

  • Doobkuna naag nin soo dirtee
  • dibirsadoow dantoo roggaa

Laashin Kadare wuxuu cabbirayaa mah-maahdii aheyd “Doob dareen ayaa dila” oo naag kasta ee uu arko isha ayuu la raacayaa asiga oo aan is dhihin yaa soo dirsaday? haddii aanu xitaa aqoonin ama nin kale qabo, oo ay xaastahay. Hammigiisu waa halloodsanyahay!

  • Daa’uud galmaax durraantayow
  • Kala dafoow dantoo roggaa.

Wuxuu leeyhay daa’uud inow galmaax meel isugu yimid dhaco ayuu rabaa laakin uma suurta galeyso taas, oo aniga ayaan ka ogolaa doonin!

  • Anna inaan ka daafacee
  • Kala diraan dantoo roggaa.

Wuxuu leeyahay maadaama aan ani joogo labada dhinacna u dhaxeyo Daa’uud  kama yeelayo inuu dhaco ama dhibo ama handado Galmaax oo anaa ka daafacaa sidaas ayuuna si  farshaxannimo ku jirto iyo kaftan  waayeel ula baashaalayaa labadiisa garab!

  • Seddax walxaato ya’ ku taal
  • Seddax kaleeto yeeli mee
  • Waxay ku yeeli diidana
  • Seddax kaleeto ya’ ku taal
  • Yacquub Abgaal yaraan noqee
  • aan Yuusuf duubno yeeli maa
  • Woxow ku yeeli diidana
  • Yaboohsigoow hortii yiqiin 
  • Naagtaadi yaallin koo aheyd
  • Aan naag yar yeesho yeeli mee
  • Waxay ku yeeli diidanaa
  • Yuf lamma loo dhigey yasee
  • Wadaadki ya’ dhigoobana
  • Yatiin waxeeda yeeli maa
  • Woxow ku yeeli diidana
  • Yowmol qiyaamadoow yaqaan!

Dulucda Shiribka;

Haddaan si kooban u macneyno maadaama uu yahay shirib cad oo aan u baahneyn kala dhigdhig iyo dhaad-dhaad wuxuu leeyahay Laashin Kadare labada lug ee isa saaran shiribkana ugu horreysa,

  • Yacquub Abgaal yaraan neqee
  • Aan yuusuf doobno yeeli maa
  • Woxow ku yeeli diidana
  • Yabooh sigoow hortii yiqiin.

Immaamka iyo Ugaaska ayaa meesha wada jooga waxaana uu leeyahay immaamku yeeli maayo ugaaska ayaa kaa weyn oo lagaa hor marinaa madaama Imaamka iyo Ugaaska dhalasha ahaan imaamku weynyahay ama curadsanyahay sidaas ayuuna ku leeyahay Immaamkaa horreya, ee ugaasoow Sug.

  • Naagtaadi yaallin koo aheyd
  • Aan naag yar yeesho yeeli mee
  • Waxay ku yeeli diidana
  • Yuf lamma loo dhigey yasee;

Wuxuu leeyahay Laashin Kadare(A.U.N.) xaaska aad qabto ee guriga kuu joogta makaa aqbaleyso inaad xaas kale la guursato, maxaa yeelay maba aqbali karto, wax lala wadaagayo ama lala qeybsanayo, mana arki karto, oo waxay rabtaa in ay kaligeed lahaato wixii ku saabsan ninkeeda! Waa halkii mah-maahdu ka aheyd haweenku waxay necebyihiin:

Nin wadaag ah iyo Nis wadaag ah” Nis waxaa loola jeedaa Galaas ama koombo ama madaal, ama Jacaf laba qof ka dhaxeysaa ama kasii badan!

  • Wadaadki ya’ dhigoobana
  • Yatiin waxeeda yeeli maa
  • Woxow ku yeeli diidana
  • Yowmol qiyaamadoow yaqaan.

Haddaba laashin Kadare wuxuu leeyahay wadaadka diinta yaqaan kuna dhaqma xoolaha agoomeed cun kaama yeelayo, maxaa yeelay waxa uu ogyahay in Aakhiro la isu heysto oo aan leysu dhaafi doonin. Mah-maah ayaa dhaheysa qofka cuna xoola agoomeed wuxuu cunayaa dhuxula naareed!

Haddaan dhacda kale iyo Shirib uu ka yiri: oo caana soo qaadanno. Waxaa la yiri: duqnimada Juffada Cabdulle galmaax, iyo midda guud ee Galmaax  ee Xamar ayaa waxaa isku qabsaday Gacal Xaayow oo ahaa Abwaan Maxamed Gacal Xaayow aabbihiis oo Galmaax Duq ka ahaa iyo Kadare Nabaddoon la dhashay oo la dhihi jiray Aw Muuse Macallin Axmed markii intaasu dhacday ayaa  sida caadada ah waxaa laysugu tegay meelaha lagu shirbo dadkana lagu kala reebo, Dr Kadare oo howsha gar wadeen ka ahaa si loo kala saaro labada Nabaddoon ayaa waxaa uu yiri: Ciddii taagersan Gacal xaayoow ha ag fadhiistaan ama safkiisa ha ka soo Shirbaan, oo hasoo cammiraan agtiisa.

Ciddi taageersan Aw Muuse Macallin Axmedna ha ag fadhiistaan oo safkiisa ha cammiraan, waxaa la yiri: dadkii intii badneyd waxay ag fadhiisteen Safkii Aw Muuse Macalin Safkii Nabaddoon Gacal Xaayowna Cidlo ayuu noqday waxaana loo aaneynaa ayaa la yiri: waxaa dhul isku qabsaday labada Juffo ee wada dhalatay ee kala ah Celi Cumar iyo Mantaan Cabdulle Dhulkana sida la sheegay waxaa lahaa Mantaan Cabdulle markii garti loo keenay Gacal Xaayoow oo ahaa nabaddoonka Galmaax ayaa waxaa uu yiri: Celi Cumaroow cirkaan idin siiyay. Mataan Cabulloow adinka dhulkaan idin siiyay. Nabaddoonku waxaa uu ogaa in dhulka Mantaan lahaa markiise hore. marka dadku intaa ayey uga caroodeen markii Shiribkii la guda galay ee la rabo in la shirbo ayaa waxaa la waayay wax ka qaada Safkii Gacal Xaayoow shiribka Kadare oo markaas xukminaya cidda guuleysatay ayaa ku shirbay shiribkaan caanka ah oo yiri:

  • Ger-shuura shaaribkaa bilee
  • U sheega sheybki waa dhecee,

Laashin Kadare wuxuu u sheegaya in laga guuleysatay Gacal Xaayow, halkaasna ugama harine waa ku sii naqsaday shiribki asigoo raba in Gacal Xaayoow ku qanco in laga guuleystay wuxuuna ku shirbay oo yiri:

  • Shaf tuur leh shaatigaa qarshee
  • Wax laga sheexo sheegi maa!

Haddaan soo qaadanno Shirib kale oo caan ah waxaa la yiri: Kadare walaalkiis ka yar xagga da’da ayaa waxaa uu ka yimid baadiyaha asiga oo walaalkiis ka weyn kaalma ka doonanaya iyo soo dhaweyn. Markii lasoo dhaweeyay salaanti iyo sooryadii walaaltimana lagasoo gudbay ayaa Kadare walaalkii oo asaguna ahaa laashin Shiribka looga dambeeyo ayaa walaalkiis ka weyn kula kaftamay oo yiri:

  • Juuc qaajo waa jirroo kalee,
  • Jeebkaaga mayga jeenanee?!

     Kadare

  • An weyga Jeeni weyn tehee,
  • Jeebkayga xaad ka soo jeree?!

    Walaalkii

  • Nin jirran jeenannaan laheyn
  • Woxow jeri jiraan jeraa!

       Kadare

  • Is jilciyee jidkaasna qaad,
  • Jamaaco saas ahaa jirtee!

Dulucda Shiribka;

Waa Kadare iyo waalkiis ka yar oo is weydaarsaday sheeko qurux badan, oo sidan u dhacday:

  • Juuc qaajo waa jirroo kalee,
  • Jeebkaaga mayga jeenanee?

Wuxuu yiri: gaajadu waa cudur halisa, ee jeebkaaga wax iga tar oo iga af qabo, ama iga jeenane wax dheef iga sii.Wuxuu ugu jawaabay:

  • An weyga Jeenya weyn tehee,
  • Jeebkayga xaad ka soo jeree?

Waabad iga xoog weyn tahay, oo iga gacmo waaweyntahay, ee maxaa jeebkayga iyo waxaan haysto ku tusay.Kama harine wuxuu yiri :

  • Nin jirran jeenanaan la heyn,
  • Woxow jeri jiraan jeraa.

Nin kaalmo u baahan oo xanuunsanayaa wuxuu dooni jiray baan doonayaa, sidaas awgeed baan wax kuu weydiistay,Wuxuuna ugu jawaabay:

  • Is jilciyee jidkaasna qaad,
  • Jamaaco saas ahaa jirte.

Wuxuu yiri isagoo u deyrinaya welibana jikaaraya, way jiraan qolyo farsamadaa wax ku raadiya oo tuugsada ee intaad is jilciso isna debciso miskiinimo muujiso jidkaa raac cid wax ku siisa waayi mayside! Markii intaas leys dhaafsaday walaalkii Kadarena aanu usoo debceyn oo uu uga dhabeeyay ayaa walaalkii isaga tegay oo baadiyahii uu ka yimid isaga laabtay Dr Kadarena waa aroos Cusub. Markii uu dhowr Sano ka  maqnaay ayuu dib ugu soo laabatay walaalkii Kadare markii uu ka tegayana Ilma kuma ogeyn oo carruur malaheyn Kadare

Markii uu yimid gurigiisa ee salaanti la iska qaaday ayaa walaalkii wuxuu ku yiri: Shiribkaan caanka noqday oo daba jooga key hore isu dhaafsadeen, wuxuuna yiri:

  • Qaarkiinu qeyla malahaay
  • Mase lamma qofaa tihiin?

Wuxuu su’aalayaa wali ma labadiini ayaa tihiin, Adigaya xaaskaaga mase ilma waa kuu dhasheen? oo kali nimadii waa ka baxdeen? Laashin Kadarena Shiribka Alle aya hiba u siiyay oo jawaabtii kuma daahine wuxuu ugu hal celiyay Shiribkaan, wuxuuna yiri:

  • Qeyr waana  isiiyay qaadirkey
  • Qabri ayeysa ku qubteen.

Wuxuu leeyahay laashin Kadare oo walaalkii ku af-gobaadsanaya, una sheegaya runta ayaa leh ilma wey noo dhasheen laakin dhammaan waa naga wada saqiireen. Halkaas ayaana la isku fahmay laguna heshiiyay Laashin Kadarena ku garwaaqsaday inuu walaalkii ka yar, ka gardarraa waxaa la sheegay xilligaa ka dib inaan canug kale kasii saqiirin. Asiga iyo walaalkiina aanay mar kale isku dhicin, lamase hubo!Haddaan ku soo geba-gebeyno Shirib kale oo ka mid ah shiribyadiisa caanka ah laashin Xuseen Kadare, wuxuu ku shirbay oo yiri:

  • Seddaxna seddax deel kutaal
  • In loo diraahu waa dilkood.
  • Daffo waxay la haadday diin
  • In loo diraahu waa dilkiis.
  • Darab ninki qabaa dukaal
  • In loo diraahu waa dilkiis
  • Dabbaal siyaasa dowladeed
  • In loo diraahu waa dilkiis!

Dulucda Shiribka;

Laashin Kadare(A.U.N.) oo ka duulaya aqoonta uu u leehay dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu leeyahay Shiribka koobaad:

  • Daffo waxay la haadday diin
  • In loo diraahu waa dilkiis.

Waayo Diinku ama Diidiinku, marna haadda dafada la yiraa socod, orod, iyo awoodba kuma gaaryo macquulna maahan in la isku meetaal qaato ama Diidiin daffo la ag dhigo!Lugta labaad waxaa uu leeyahay laashin Kadare:

  • Darab ninki qabaa dukaal
  • In loo diraahu waa dilkiis,

Wuxuu ula jeedaa nin aan soo darban ama soo astajoon macnaha aan iska dhiqin kaadida iyo ilaaqda haddii lagu yiraa duko waa lagu dhibayaa ama waa lagu dambaajinayaa oo macquul maahan.Lugta seddaxaadna waxaa uu leeyahay laashin Kadare:

  • Dabbaal siyaasa dowladeed
  • In loo diraahu waa dilkiis.

Waa run waayo dabbaal ama nin aan aqoon maamul iyo maareyn agaasin iyo aqool arar iyo aqli hagaagsan laheyn siyaasad dowladeed meel uu kasoo maro ma yaqaanno waana taas midda laashin Kadare dadka uga digayo asigoo si qurux badan u cabbiray, iyo si loo wada fahmi karo: haddaba intaas ayaan kusoo afmeereynaa qormadeena maanta aan kusoo qaadanay Shiribyada caanka ah ee Laashin Xuseen Sheekh Axmed Kadare(A.U.N.)

Ee la soco qeybta xigta oo aan kusoo qaadan doonno Laashin Faarax Seefeey(A.U.N.) iyo shiribyadiisii hir galay haddii Eebbe idmo!”

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)



         

Top