Bilaw Maahan Sheekadu ((Al-Saadicuun Bil xaqi الصادعون_بالحق))

Bilaw Maahan Sheekadu
((Al-Saadicuun Bil xaqi   الصادعون_بالحق))

Waxaa jiray nin wadaad oo ka tirsanaan jiray Culummada Suufiyada, kaddib waxuu ku biiray wadaadkii Al-Itixaad asagoo sheegay inay yihiin culummada maanta jirta kuwa ugu saxan, dabadeed waxuu guursaday gabar iyaduna ka tirsan xisbigaan cusub ee uu ku biiray hadda, aad bayna u garab istaagtay runtii, maadaama ay xoogaa uga soo yara horreesay. Muddo ayaa farxad lagu wada noolaa, salaaddana isku dhan loo tukanayay, waxayna isu dhalen Sagaal carruura.

Haddaba waxaa dhacday subaxdii dambe in marwadii reerku la soo baxday dabeecado cusub oo aan horay loogu aqoon, waxay billawday inay ka hagoogto odaygedii, inay gogoshii jiifka uga tagtay, iyo inay caadaysato hadalo ay ka mid yihiin: Gaal baa tahay oo xerada kuma jirtid, soo Islaam hadda rabto inaan gogosha ku soo noqdo iyo erey hadalo kaloo badan.

Wadadaadkii waxaa ku dhacay jahwareer xaafadeed, waxuuna  garan waayay meeluu ugu hagaago waxaan socda iyo cidda reerka u daba martay, haduu isku dayay inuu wax ka ogaado waxa islaantiisii daarayna waxba waa uga bixi waayeen. Dantu waxay kaliftay markaan inuu helo cid ka caawisa, kaddibna waxuu u tagay wadaad ay saaxiibo yihiin, isku dugsi Quraana wada ahaan jireen oo Suufi ah, guri ka sii jeeda xaafadiisana dagan,  waxuu uga sheekeeyey waxii dhacay, waxuuna uga warramay siduu uga baqayo inay ubadka ka fitnayso, waxuu hadal kusoo xiray Sheekhaw howsha ka odoyee, Sheekiina waa ka aqbalay.

Subixii dambe markay ubadkii kala direen ayuu Sheekhii ugu yimid guriga, gogol loosii diyaariyay ayuuna salka la helay, deedna waxuu uyeeray labadii waalid ee isqabtay, mid walba markiis ayuu hadalkii siiyay suu wax uga dhaho nuxurka waxuu aaminsan yahay, mid kastana waa kan  kalmado ku soo uruuriyay waxii uu aaminsanaa.

Markaan sheekhii wuu fahmay halkay salaaddu iska qaban la’dahay, way usoo baxday inay gabadhu qaadatay caqiiqadii takfiirka halka odaygu xisbigiisii hore ku
Adkaystay.Waxuu yiri Ma imaqlaysay Cumaraw? Suu yiri haa Shiikh, Suu ugu warceliyay, dhib wayni majiro kaliya casharkaad horay udhigateen unbay cashar kale ku darsatay, Cumar oon wali fahmin nuxurka hadalka Sheekha baa markale yiri iijilci Shiikhaw.

Deedna waxuu yiri Cumaraw waa inagii
☆Isku jeeska ahaan jirnay bari  

 ☆Dugsiilayda wada ahayn
☆Wada digriyi jirnay
☆Wada ducaysan jirnay
☆Khilaaf la,aana kuwada noolayn
☆Dadkuna isku dhan uwada socday

Deedna waa adigii mar qura  isbadalee subax na yiri xaqiiba haddaan fahmay, oo baadil baan ku jiray aawal idinkuna wali ku jirtaan, sidaasna nooga dhaqaaqay. Marka mudane marwadaaduna darajaas hore way kula qaadatay barigii, haddana Darajadii labaad bay un bay xiratay.

Xalka Reerka haddaad iwaydiisayna waa laba un midkood oo qura:-
☆ Inay darajadii labaad ee ay qaadatay ka soo dagto, reerkedana farxad kula
     Noolaato Marwadu.  

☆ Ama inaad adigu darajadaas labaad l aqaadato reerkana halkaas u rarto.

Haatan waxaan uga golleeyahay Al-Saadicuuna Maahan Kooxdii ugu horreesay ee dhahda anagaa wadadii saxda ahayd ku taagan ee ku soo leexda, mana noqon doonto kooxdii ugu dambeesay, oo uu intuu suubanaheenu sheegay intay ka soo idlaanayso kooxuhu waa soconayaan.

Waxaan haddaba bulshada guud ahaan ugu baaqayaa ina nabad lagu wada noolaado, si cilmi iyo caqli ku dhisana loo wada doodo, diintana la barto waayo xarig iyo dagaal waxba ma hagaajiyaanee wax bay haleeyaan.  

Waxaan Qalinka kusoo xirayaa walaalayaal:

Soddon sano ku dhawaad waxaan ku jirnay dagaal aan jid iyo jiho toona lahayn oo ku salaysan iskooxaysi qabiileed. Ma qiyaasi kartaan intuu socon karo dagaal ku saabsan iskooxaysi caqiido. Haddaba danteenu waxay kujirtaa inaan diinta barano saan uga badbaadno fitanta socota, nabadna kuwada noolaado, sidoo kalena bilawno doodo culimmadu wax isku dhaafsato oo si nabad iyo xushmad leh u qabsooma.

 

Wabillaahi Towfiiq Wasalaamu Calaykum
Waraxmatullaahi Wabarakaatuhuu

W.Q. Cabdifataax Xasan Cirguje

 

SHEEKOOYIN