Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:32AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:32AAD

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Cagoole ayaa ka yaabay ninki ay shalay isbarteen oo maantana talo ka soo doontay. Waxaa u soo baxay in uu Toxob ahaa nin cidla’ciirsi jooga oo waayay hiil ama cid gacan gacaltooyo u fidisa. Haddana waa kan aan noqon fiige banjoog ah. Goorba waxa uu Cagoole ka dhex arkay wanaagi lagu yiqiin haldoorki Tuuladii Saciid Maxaad Raage. Waa tii la dhihijiray: Naaris ama naxariis iyo rahmy waa summud foolka iyo dhafoorkaba ku taal. Goorba Cagoolaa ahaa ruux karaamaysan oo lala jiro. Wuxuu haddana ka yaabay tuugada aan ka maagin in ay xandhotiraan ama ay bakhti’wareemaan duul waayuhu wareemeen. Duf ku baxa! oo haddana ku baxa!

Haddana tuugadu kala dhanuuxroon. Waxa uu Cagoole xasuustay sheeko gaaban oo uu qoray gabayaa u dhasahy dalka Indiya. Macallinki Kabdhoodka ruugcaddaagga ku ahaa ayaa sheekada u soo tarjumay Af Carabi. Waxay sheekadu ku saabsaneyd nin tuug ah oo inta ow dadka ku sahdo kala baxa wixi jeebkooda ku jira. Tuugo badan oo laga helo dalalka qaarkood ayaa caan ku ah dhicidda dadka musaafurka ah ama dalxiiska u taga dal shisheeye ama kuwa sidoodaba warmooggaa ama ilduufka lagu indhosarcaadiyo. Sheekadaan gabayaagu qoray ayaa ka hadlaysa nin sabool ah oo waxoogaa lacag ruubiya jeebka ku watay. Tuugi ayaa inta uu ku soo dhowaaday ayuu faraha fooddooda kula soo baxay lacagti yarayd uu ninka jeebka ku watey. Miskiinki la dhacay ayaan dareemin in la dhacay. Tuugi ayaa meel jiiro ah galay oo bilaabay in uu fiiriyo wixi gacantiisi soo galay. Waxaa u soo baxay qadder lacag ah iyo warqad isku laaban oo ay wax ku qornaayeen. Minow warqaddi saas u fiirshay waxaa ku soo baxay wax uu ka yaabo. Wixii warqadda ku qornaa ayaa naxdin ku beeray ninki tuuga ahaa oo isla goobti go’aan ku gaaray in uu dib ugu celiyo lacagtii uu ninki miskiinka ahaa ka soo dhacay ama xaday. Waa kii ninki ka daba orday oo kaga daba tegay isaga oo goynaya jid weyn oo qulqula, dad badanna qulqulaayeen. Wax yar marki uu ag socday ayuu gacanta u deystay ninki jubbadiisi. Qaar ka mid ah dadki jidka maraayey iyo ninki la dhacay naftiisa ayaa mar qura isla yiri “Tuug! Taroox!” Waxaa tuugi la geeyay saldhiggi boliiska, iyada oo lagu eedeynayo xatooyo. Tuugi ayaa ku dhaartay in uu rabay in uu dib ugu celiyo wax uu ka xaday dhibbanihii meesha taagnaa. Tuugi ayaa dhaar ku maray in uu marka la soo qabtay uu damacsanaa in uu wanaag sameeyo. Waxaa taas igu kalliftay ayuu yiri marki aan akhriyey warqadda la socotay lacagta aan jeebkiisa mar hore kala soo baxay. Waxa uu sheegay in uu ka qawadey in uu xado lacag cunug yar oo jirran loogu soo iibirabay daawo. “Waxay iga ahayd naxariis,” ayuu ku soo gebagebeeyay. Laakiin ogaada “Tuug la qabtay talo ma leh”. Askarti iyo dadki kale oo saldhigga joogay ayaa hal mar qosol ka wareegay. Waxay ku kajameen: “Naxariis ayeey iga ahayd. Naxariis ayay iga ahayd.” Waxaa taas uga sii darneyd marki ay bilcaantiisi ku soo booqatay xabsiga, iyada oo caro awgeed meel la saro lahayn. Waxay u sheegtay dhawaq iyo dhegxumidi xaafaddi u tiil iyo sida deriskii ugu maadeysanaayeen hadalki laga soo weriyey. Waxay tiri, “Haddaad walbo wax xaday maxaa keenay jeebkii aan kala baxay ayaan dib ugu celinaayay?”

Ninki ayaa yiri, “Waa iga dhab oo waxaan rabay in aan dib ugu celiyo markii aan arkay muraadki uu ka lahaa waxoogaaga lacagtaa ee jeebkiisa ku jirtay.”
Iyada oo xanaaq iyo caro la gafuurtuuraysa ayay saldhigii ka tagtay. Waxay u ekeed in ay deyrisay. Haddana tuugu been ma sheegine, ogow. Haddaan beerjileecu qaadin lama soo qabteen. Waana middaas waxa uu kaga duwanyahay kuwa xandhotirka iyo bakhti’wareenka aan ka xishoon. Ogoobeey, tuugadu kala dhanuuxroon! Nin dhulka yaalla kii dhaca isna taladiisaa dhicisowda. Cagoole ayaa mar labaad ilnaxariis leh ku deymooday Toxob isaga oo ka yaqyaqsaday kuwii suulshay rejadi yareyd uu ka lahaa in ay ilmihiisu helaan nolol dhaanta tii ay ilaaa iyo hadda ku soo jireen ama ku sugnaayeen.

Cagoolaa farajacay oo yiri, “Bisinka iyo burdaha, xey tahay saasna? Beledkaan waa sii xumaayowhaayaa. Tuug iyo taroox iyo qowleysataan hore loo aqoon looguna arag ayuu hadda halaq galeen u noqday…”

Toxob ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Qowleysato aa? Yaa saad ku ogtahay in ay qowleysato na dhacday, aniga hee kuuma sheegin e?” Waa nin dhibban iyo shakigiis. Waa nin la dhagray iyo dhiifanaantiis. Waa mar i dage Allaha dago. Waa nolol adag oo ku bada in aad abid ku jirto heegan aan dhammaan.

Toxob ayaa soo xasuustay sheekooyin la isla dhexmarijiray Tuuladii Saciid Maxaad Raage oo ay soo tebinjireen musaafurro beledka muraad u doontay. Waxa uu ka shakiyey Cagoolihi uu u hanweynaa. Waa tallamay. Tolow, halkaan goorba waa abeeso ruubataa oo la ii soo diray. Waxa uu soo xasuustay berigi Ina adeer Catoosh baadiyaha loo soo diray. Xuurku waxa uu watey raadiyo yar oo gacan qabsi oo kale goorba loo soo siiyay. Toxob ayaa soo xasuustay sheeko uu maalin ka dhegestay raadiyahii ina adeer Catoosh. Waxaa sheekada tebinaayey nin ina Catoosh ku sheegay in uu ahaa wax qore raadiyaha sheekooyin ka sii daaya. Waxay sheekadu kadhacday ayuu yiri beled uusan Toxob hadda xasuusan. Waxa uusan xataa si cad u xasuusan sheekadi oo dhan. Waxa keliya uu xasuustay dulucdi sheekada iyo wax u eg qalfoof sheeko. Ninki sheekadu ku socotay ayuu Toxob soo xasuustay. Ninki ayaa meel gaadiidku ku soo xirto oo ah sidi bosteejo kula kulmay nin isugu sheegay in uu ahaa musaafur soo horreeyay balse ay isku tuulo ka soo jeedeen. Toxob ayaa soo xasuustay Seefeey in uu yiri: Socdaalki soo horreeyayoo, humburuqyo yeeshayaa tihiin. Waxay sheekadu ku dhammaatay iyada oo kii dhagar qabihii ahaa ee ku soo talogalay wax dhicidda isaga naftiisi la dhacay. Aw Dhagarqabe ayaa waagi markuu bariistay indhaha ku kala furay ninki uu soo dhoweeyay oo meeshii loo goglay ka maqan. Isaga oo keliyase muska guriga kama uu maqneyn. Kii iska soo dhigay Aw Miskiin musaafura ayaa la baxsaday wixii hantiya oo minanka yiil. Talaa ku caddaatay kii is laha wax dhagar oo wax aadan lahayn si xeelaysan ku qaado. Waxaa u cuntamiweysay in laga kor dheelay. Haddana waxaa uu ka yaabay sida ninki uu derinta u dhigay qolka muskiisa dambe uu kaga kortillaabsady isaga oon shanqar yar sameynin. Xataa minaad ciribdhiibsiga macaallin ku tahay saas tuug hurdaa korkiisa ugama talaabsan kartid. Wa fowqa kulli nassaabin nassaab. Tuugi wax isbida waxaa uun kalkiisa hela hal ka sii tarooxsan.
Toxob ayaa mar kale deymo u celiyay Cagoole. Waa kii haddana weydiiyay mar labaad, ‘Saad ku ogaatay in ay qowleysato beledka ka jirto?”

La soco Q.38aad
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN