Faarax Gololey iyo Golda Meir. Qore: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Faarax Gololey iyo Golda Meir

 

Anigoo markaas ah Agaasima Guud ee Wasaaradda Xannaannada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ah  waana 1974 amd 1975 ayaa waxaa la ii sheegay inuu i sugayo oo doonayo inuu I arko Faarax Gololey. Markaasaan ciddii markaas ila fadhiday ruqso ka qaatay inaan ayaga Faarax ka hormariyo, ayaguna ay i sugaan, ayaguna waa iga yeeleen, oo wax badan ayaan magaciisa iyo warkiisa maqlay, inaan arkana waa doonayay.

Markuu soo fariistay ayaan shah u diray, aanna ku iri:

“Intaadaan waxaad iigu timid ii sheegin, qisooyinkii kusoo maray oo kuugu yaabka badnaa wax iiga sheeg.”

Wuxuu yiri:

“Anigoo ka mid ah wafdi xildhibaanno ah (Sanadkuu ii sheegay ma xusuusto, waxayse ahayd Kacaanka 21ka Oktoobar ka hor baarlmaankii jiray) ayaan magaalada Roma ee dalka talyaaniga tagnay, waxaanna ku degnay Hotel Hilton.

Annagoo loobbiga hoteelka fadhinna ayaa waxaa la i tusay haweeney meel xoogaa noo jirta ee isla meeshaas aan fadhinno ayaduna fadhida, waxaana la ii sheegay inay tahay Golda Meir, Wasiirka Koowaad ee dalka Israa-iil.

Markaasaan u tegay oo aan salaamay, iskuna sheegay inaan ahay xildhibaan baarlamaanka Soomaalia. Markaasay waxay igu marti qaadday Tel Aviv caasimadda Israa-iil, tikitkiina i siisay. Markaasaan Tel Aviv uge tegay.  Markaan u tegay si fiican ayaa la ii soo dhoweeyey, waxay i tiri:

“Waa ogahay oo lagaa yeeli mayo, waxaanse doonayaa inaad baarlamaanka Soomaaliya dhexdiisa kasoo jeedisis in Israa-iil la aqoonsado. Waan ogahay oo lagaa yeeli mayo, laakiin waxaa warkaas tebinaya idaacadaha adduunka, aniguna intaas ayaan doonayaa.”

Wafdiga intiisa kale waa ka dhuuntay, oo uma sheegin inaan Israa-iil tegayo, markaan u tegayna lacag dollar ah ayay is siisay (Anigu hadda ma xusuusto intay lacagtu ahayd, waxayse ahayd lacag aad u badan oo doollarka maraykanka ah: laba boqol iyo konton kun ama wax la mid ah). Lacagtaydana waa soo qaatay.

Markaan Xamar kusoo laabtay ayaan baarlamaanka dhexdiisa waxaan subax ka iri:

“Israa-iil maxay Soomaaliya u dhintay, ayadoo ahayd dawladda taageertay in Soomaaliya gobannimo la siiyo, meeshay dawladaha carabtu codkooda siiyeen in Libiya gobannimada la siiyo, Soomaaliyana ay gumaysiga kusii jirto? Anigu waxaan soo jeedinayaa inaan dawladda Israa-iil aqoonsanno.”

Taladayda baarlamaanku waa diiday, laakiin isla galabtaas ayaa BBC warkayga warisay iyo inaan soo jeediyay inaan Dawladda Israa-iil aqoonsanno. Waana intay Golda Meir doonaysay.

Lacagtay isoo siisay Golda Meir waxaan markaan Israa-iil ka tegey oo aan Roma ku laabtay kusoo gatay cagafcagafyo iyo qalabka beeraha iyo baabuur, inta kalena waxaan dhigtay bangi talyaani ah. Marba intaan doono ayaan kasoo qaadanayay. Markaan Xamar kusoo laabtayna waxaan lacagtaas ku gatay dhulka beerta “Gololey” oo aan kaddibna uga shaqeeye, guryana ugu dhisay.”

Waana beerta lagu sammiyay, oo waxay ku taalla meesha la yiraahdo Gololley, siduu isaga laftiisu ii sheegay.

Intaas waa hal qiso, qisooyin kale oo uu Faarax Allaha u naxariistee subaxaas ii sheegay oo cajiib ahna waa soo socdaan. Allow u naxariiso Faarax Gololeey.

Golda Meir, Wasiiradda Koowaad ee Israa-iil 17 Maarso 1969 ilaa 1974.

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Sideedda bisha Rajab 1438 Hijriga, una dhiganta shanta Abriile 2017

SHEEKOOYIN