This page was exported from Laashin Iyo Hal abuur [ http://laashin.com ]
Export date: Thu Nov 23 20:05:58 2017 / +0000 GMT

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q13AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)



Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q12AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Waxaan wali bartanka uga jirna qormadeynii taxanaha aheyd ee "Xeerka iyo Xikmadda Shiribka" sidaan horeba u sheegnay qeybtaan waxaan kusoo qaadan doonnaa, ama ku faaqidi doonnaa Shiribyadii caanka ahaay ama hirgalay ee ilaa manta lagu halqabsado, ee hal-abuur Laashin Faarax Nuur Qaboobe(Faarax Seefey A.U.N.)

Haddaan ku bilaawno Shirib ilaa maanta halqabsi ah oo markasta tusaale loosoo qaato waxaa uu ku shirbay, Faarax Seefey oo uu yiri:

Waa shirib cad, waa hadal sugan, waa tusaale kooban oo wax badan maskaxdaada kusoo dhacaya ama si toos ah ugu milmaya. waxaad mooddaa in laashin Faarax uu ka hadlayay xilliga maanta aynu joogno. Shiribkaan wuxuu baxshaa la yiri: markii lagasoo laabtay dagaalkii labaad ee Adduunka iyo habkii dunidu guud ahaan ay u kala daadsaneyd gaar ahaan Soomaalida oo uu aad ula yaabay hab-dhaqanka dadkii soomaalida hor boodayay; waxaad aad uga tiiraanyooneysaa markii uu shiribkaan yaabka leh bixinayay oo ah qarnigii 20AAD bartankiisi in uu annaga oo joogna qarnigii 20aad bilaawgiisa nala hadlayay iyo kuwa naga sii dambeyn doonaa haddii Adduunku sii jiro, dadka Af-maasha ah waa ka aragti dheer yihiin bulshada inteeda kale, waa halkii Abwaan Caraboow Maxamed Axmed ka lahaa:

Ama Abwaan Hadraawi uu lahaa:

Marka aad u fiisato habka maanta dunidu u foolaneyso markaad dhinac kasta ka eegto, gaar ahaan Soomaaliya waxaa kusoo baxeysa in wixii Abwaannadu ka sii digayeen nus qarni ka hor ay maanta sidii kasii daranyihiin.Sidaa aawged dhammaan murtidaan waxay si isku mid ah u caddeynayaan in Hal abuurka iyo Suugaanyahanku wax badan ay kasii digeen, maxaa yeelay Adduunka maanta aynu ku noolnahay waa adduun uur leh oo rimman, aanse la ogeyn waxa uu dhali doono; waana taas Sababta laashinku dadka u tusayo dhabta jirta, oo ah

Waxaa jirta  tuducyo maanso ah oo isla shiribkan u marag furaya  balse aanan hadda garanayn qofka tiriyey wuxuuna yiri:

 Haddaan soo qaadanno shirib kale oo caan ah waxaa la yiri: xilligii saancaddaaluhu Soomaalida gumeysanayay gaar ahaan Talyaaniga oo heystay Koonfurta waddanka ayaa waxaa uu sameyn jiray waxa loo yaqaan qafaal, oo ah in nin kasta oo la arko xoog lagu qabto ee tababar loo qaado kaddibna ay dagaal ay ugu wadaan meeshii ay doonnaan sidaana aad isku weydaan adigaya dadkaagi. Sidaa aawgeed waxaa la yiri: haddii dadku ay maqlaan baabuur ama gaari soo riimaya oo waddada ku soo socda, wixii markaas u dhaw waxaa la yiri: waa kala ordi jireen si aan loo qafaalin, waxaana dhacday maalin maalmaha ka mid ah in Laashin Faarax Seefey uu ka orday gaari soo shanqarayay iyadoo dad badan oo hareerihiisa joogana ka mid ahaayeen, kala cararka. markii intaasu dhacday gaarigina sidaas ku dhaafay ayaa waxaa la yiri: maalma ka dib waxaa lay sugu yimid, Goob Shirib oo lagu baashaalayo, Faarxana joogo, waxaana Shiribkii soo galay laashin ogaa maalintii Faarax gaariga ka ordayay si aan loo qafaalin laashinkii ayaana ku shirbay asiga raba inow faarax af gubaadsado, waxaa uu yiri:

Wuxuu leeyahay Laashin Faaraxoow Raggannimo saa'id ah ayaa lagugu ogaaye maxaad kala orodday, baabuurka oo aad la fiigtay? Laashin Faarax(A.U.N.) shiribku dhib kuma aheyne wuxuu laashinkii saaxibkiis ahaa ugu jawaabay, shiribkaan caanka noqday ee ah:

Wuxuu yiri: Laashin Faarax Seefey(A.U.N.) xilligaan lagu jiro ninkii Fatuuro, waa baabuur ama gaariga oo soo socda u jeeda ee sugaya intii laga qabto ee qafaal loo qaado, wuxuu leeyahay waa nin aan caafimad qabin, oo aan fayoobeyn:

         Faarax

Waxaa la yiri: Nin timan jare ah oo qaraabo la ahaa Faarax Seefey oo asna laashin ahaa ayaa waxaa uu ugu tegay asiga oo beer falaaya laashinkii timan jaraha ahaa markii uu arkay shaqada faarax ku jiro ayuu yiri, asiga oo raba in uu Faarax la kaftamo Shiribkaan:

Laashin Faarax meel dheerba kama doonine Jawaabta ee wuxuu isaga afxiray ninkii kale ee laashinka ahaay

Wuxuu leeyahay anigu goobtii, goofki iyo halkii aabbehey iyo abkowgey ku dhasheen ayaan joogaa nin aniga ila mid ah oo facey ahna madaxa ama tinta u jari maayo, macnaha food u fiiqi maa sidii adiga!

Laashin Faarax Seefey(A.U.N.) waxaa la yiri: wuxuu la yaabay siyaasiyiintii hor boodayay xornimo doonkii Soomaaliyeed oo aan iyagu hadaf mideysan laheyn aadna ugu dhawaa kuwa maanta jooga, wuxuuna leeyahay nimanaan u dhalan ayaa sida. aniguse waan sugaa inta xaaladdu si ka noqaneyso sidaan dhaanta.

Laashinku wuxuu ugu duurxulayay shiribkaan ama uu daba joogaa kan hore wuxuuna leeyahay ninki aad soo dhaweysataa markii uu meesha ku xiddideysto dhulka anaa leh ayuu leeyahay oo anaa ku dhashay una dhashay waa sida haddaba ka dhacda Muqdisho oo qof walba leedahay anaa leh waana tan laashin seefey kasii digayay oo sidii uu u sheegay u dhacday iyada oo aan biya is marin!

Waa halkii uu Laashin Cabdulle Raage taraawiil(A.U.N.) ka lahaa

Haddaan soo qaadanno Shirib kale oo caan ah, waxaa la yiri: Laashhin Jimcaale Dhegataag(A.U.N) oo raba in faarax kula midoobo xisbigii SYL oo Laashin Jimcaale ka tirsanaa halka Laashin Faarax seefey(A.U.N.)uu ka tirsanaa Xisbigii "Liiberaalaha" ama (Lego Dei Giovani Somalo, Liberale) ayaa laashin Dhegataag waxaa uu laashin Faarax ku yiri:

Oo ah haddii aad ka waantoobi weyso xisbiga aad ka tirsantahay mar waa lagu xiraa oo qasaaro waa kugu dhacee ee hadda annagaa saxane na soo raac ama tallaaba gaabso; Tangayiika waxaa uu ahaa Xabsi aad u adag oo uu talyaanigu dadka ku ciqaabi jiray, laguna xiri jiray qoftii u hoggaansami weyda amarkooda! Laashin Faaraxna waxaa uu ugu jawaabay laashin Jimcaale dhegataag(Aun) Shiribkaan caanka ah ee ilaa hadda la adeegsado waxaana uu yiri:

 

 

Laashin Faarax asiga oo kalsooni ka muuqato ayaa waxaa uu laashin dhegataag oo ay qaraabo hoose ahaayeen ragse waligii siyaasad ku kala tegi jiray uu yiri: warkaagu wuxuu u egyahay hadal lagu soo faray ee waxaan waxba noo tareyn waxbana noo anfaceyn ummadda yaan lagu hagin oo aan lagu hodin. Haddaad iga qaadan weydana mug tuugo waa idiin talee, oo uu kala jeedo nimanaan rabin qarinnimada Soomaaliyeed ee dantooda wata ayaa idiin tali doona ee iska hubi u jeeddada. Laashin dhegataagoow! Waxaa kale oo la yiri: waa halka ay ku baxday mah-maahdaan caanka ah oo uu lahaa Faarax Seefey(A.U.N.)

Waa xikmaddii Faarax Seefey ee uu Jimcaale dhegataag ku afjigayay, markii ay shiribkaa is dhaafsadeen: sida aan xogta dhacdadaan ku helay waxaa la yiri: waxay isku dhaafsadeen: Radio muqdisho lamase caddeyn! Waxaanse iyada oo faahfaahsan kusoo qaadaneynaa qeybta aan uga hadleyno Shiribka Laashin Jimcaale dhegataag(A.U.N.)

Wuxuu leeyahay meelaha la isugu tago guud ahaan maku aragteen dadka dhaqaalka ah macnaha dadka lasoo dhaweystay oo talaaya waa shirib sarbeeb ah sida ka muuqata!

Shiribkaan wuxuu ula jeedaa la yiri: hab-dhaqanka beesha Cali Cismaan ee uu ka dhashay ayaa waxaa uu ka yaabay sida ay isu dilayaan mar kasta ama colaaddu u dhex taal ee aanay u heshiin marka aad u fiirsato waxaad is leedahay wuxuuba noolaa xilliga aynu noolnahay ee hadda ah, waayoo wuxuu maalintaa dhibsaday ama ka ashtakoonayay ayaa halkoodi lagasii miisay!

Waxaa la yiri: maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa lagu yiri: laashin Faaraxoow waqooyi maxaad ugu laaban weysay? Iyo meeshii aad ku dhalatay, waqooyi waxaa loola jeeda meesha uu asal ahaan kasoo jeedo ee ah Tuulada Maxamed siciid, Tuulada Xasan Geeddi iyo Tuulada Nuurdugle oo dhamaantood deris ah oo isku wada agyaal laashin Seefeyna uu kasoo jeedo, sidaas ayuuna ku baxay Shiribkaan uu ku leeyahay waqooyi uma laabanayo dhibkiisana laygu waani maayo oo waaka reystay!

Gudo waxaa la yiraa dhul ku yaal xamar daye oo ay degaan jufo la yiraa Bariise mantaan, oo lagu dhigi jiray Shirib iyo caweys Jimco jiid ah Laashin Faarax Seefeyna waxaa uu ka mid ahaa Ragga lagu casuumi jiray si ay uga shirbaan marka waxaa la yiri: waqooyi isaga laabo, marka waxaa soo dhaw gaboowgaaga,e waxaana uu leeyahay galab aroorki maan galaa, oo ah Baadiyaha Amminkii hore ceelasha biyaha laga dhaansado ayaa aad u yaraa meelaha deegaamada ahna aad uga fogaa sidaa aawgeed galabtii ayaa Awrta la dhaami jiray si caawa dhex loogu sii gabbaatiyo, ama loogu sii hoydo halkii loo aqoon jiray "Muura-guul" si maalinta xigta ceelka loo gaaro iyadoo intii markii hore lasoo maray dib loogu soo noqonayo iyadoo Awrta biya saaranyihiin waa xilligii la dhihi jiray "Seddax Subaxley"

Waxaa la yiri: laashin Faarax ayaa waxaa laga wacay kulan ama isu imaad Alle bari ah oo ay lahaayeen Jufada Mantaan Cabdulle markii loo loogay oo la marti sooray dadkii martida ahaa ayaa Nabaddoon la yiraa: Macloow Nuur Abiikar laashin laga dambeeyana ahaa ayaa waxaa uu yiri: wixii aan Mantaan Cabdulle aheyn Gees hannooga baxaano si beesho uga hadasho Arrima qaas u ah. Markii ay dhammeysteen Shirkoodi qaaska ahaay ayaa waxaa la heeraaray Goob lagu shirbayo markaas ayaa Laashin Faarax oo meel gees ah Jooga, oo dhabtiisa geystay, waxaa lagu yiri: laashin Faaraxow  Goobta imaaw ee ka shirib waxaana uu yiri. Markaas Shiribkaan uu ku diidayo wixii lagu sameeyay, ee xad gudubka ahaa, ama aanu u qalmin! Waana middaas sida uu u leeyahay:

Haddaan kusoo geba gebeeyo qormadaan kooban ee aanu kusoo qaadannay SHIRIBKA SUGGAN EE Laashin Faarax Nuur Qaboobe, Faarax Seefey(A.U.N.) wuxuu yiri:

Shiribkaan oo reebay dhacdo yaab leh aadna kuu saameyn doonta marka aad dhuuxdo, ayaa waxaa dhacday in dowladdii kacaanka ay dil toogasho ah ku xukunto nin la yiraa: Muuse dhiqle oo ka mid ahaa Ciidamadii Kacaanka, markii lagu helay dembi uu galay iyo qalad uu geystay, ama lagu soo eedeeyay, waxaana ka xamuuday aadna uga carooday xukunkaas Nabaddoonnadii Cabdulle Galmaax iyo maalqabeennadoodi waaweynaa iyo Siyaasiyiinti beesha ugu tunka roonaa, waxayna u tageen Jaalle Siyaad si ay uga dalbadaan inuu Cafis u fidiyo ninkaan toogasha lagu xakumay, waxaana ku jiray Raggi u tegay Jaalle Siyaad:

Dr Xuseen Sheekh Axmed Hiloowle (Dr Kadare)

Xaaji Cali Daa'uud, oo ahaa maalqabeenkii lahaa Hotel "Banarama"

iyo Nabaddoon la yiraa Baariyoow, iyo guud ahaan wax garadkii beesha Cabdulle Galmaax

Markii ay u bandhigeen, codsigoodii ayaa Jaalle Siyaad Barre inta qoslay waxaa uu yiri: waa idinka yeelay codsigiinna laakin ma ogtihiin waxa aan ilaa maanta dhibsado, ama ay ka gubtaan Adooga, maamada, wiilka, iyo gabadha Daarood in ay yiraahdeen: Cabdulle Galmaax? Odayaashii waxay dhaheen maya mana naqaan. Inta haddana qoslay ayuu Jaalle Siyaad yiri: Dr Kadare ayaa yaqaane asiga weydiiya idinku ciyaal xamarkii saxda ahaa ayaa tihiine.  Dr Kadare asna waxaa uu yiri: ma ogi, mana xasuusto, ee bal noo jilci oo noo faahfaahi? markaas ayaa madaxweyne Siyaad Barre inta mar Seddaxaad Qoslay ayaa waxaa uu yiri:

Shiribkaas waxaa yiri: Faarax Seefey, annaguna haddaan maqalno waa ka gubannaa, laakin sidaas wax u ogaada codsigiina waan idinka aqbalay oo waa idiin cafiyay Muuse dhiqle sidaas ayaana lagusoo kala tegay!

Shiribkuna saameyntaas dhinac kasta leh ayuu leeyhay!

Waxaa qeyb libaax ka qaatay raadinta Sooyaalkaan Laashin Faarax Nuur Qaboobe (Faarax Seefey A.U.N.)

Mudane Cabdullaahi Ibraahim Muuse

Intaas ayaana kusoo afxirayaa ee la soco: qeybta xigta uu aan kusoo qaadan doono Laashin Abwaan Aw Jimcaale Dhegataag(A.U.N.)

 W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)

 

 


Post date: 2017-04-24 10:17:40
Post date GMT: 2017-04-24 10:17:40
Post modified date: 2017-04-24 10:17:40
Post modified date GMT: 2017-04-24 10:17:40

Powered by [ Universal Post Manager ] plugin. MS Word saving format developed by gVectors Team www.gVectors.com