Murti iyo Miid Q9AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

Murti iyo Miid Q9AAD

Hooyo batuulo waxaa u bilawday, nolol cusub oo mugdi ah, cidna ay garab ka heysan, marka laga reebo eeddadii soo korisay oo iyadaba waayeel ah oo u baahan in la gargaaro, oo ilmaheedu horay iyo gadaal u wadaan, waxaa kale oo ku gaaf wareegaayay rag danahooda qaaskaa ka dhax arkaayay, taas ay ku hungoobeen si kasta ay iskugu dayeen. Si ay uga faa’iideystaan daruufaha ku hareereysan ee marqaati ma doontada.

Labo toddobaad ka dib hooyo batuulo waxa ay miis ka heshay, suuq xaafadda ay dagan tahay u dhawaa. Halkaas oo ay ka bilawday in ay yaanyo ku goobeyso si ay nolosheeda iyo nolosha wiilkeeda u maareyso. Maalmo ka dibna guriga waxa ay ka sameysatay tinaar muufo, taasoo sahal uga dhigtay in ay ka maaranto baryo dadoow  waa labo shaqo aan kala howl yareyn oo u baahan in waqti badan la galiyo  karti iyo hufnaanaan la adeegsado si loo soo jiito macaamiisha cusub Illaaheeyna waa u fududeeyay, oo sidii rabi ka fileeysay waa u hirgashay.

Allah (swt) mar walba waxa aad ka rajeyso ayaad heleysaa, haddaad xumaan u weel dhigato waad heleysaa haddaad samaan u weel dhigato faraqa ayaa laguu buuxinaa, arag farqiga u dhaxeeyo wanaagga iyo xumaanta. Markii aad xumaan fasho waxaa laguu qorayaa hal xumaan markii aad wanaag fashana ajir aan la soo koobi karin, qofkii Allah talo saarto ee wanaag ka fisha waxa uu helaa wanaagyaal aan la soo koobi karin. 

Dunidda sideedaba ayaa imtixaan iyo iqtibaar ah, ruuxna adduun ayaa la siiyaa fara badan bal waxa uu ku sameeyo inuu jidkii eebe ugu talo galay la maro ama reed maro, midna faqri iyo dhib ayaa loo daa’imaa asaga bal inuu ku sabro iyo in kale.

Hooyo batuulo waa ku sabartay qadarta haddana wiilkeedii waxa uu u dhigtaa iskuul iyo dugsi quraan oo kama qasno. Salaada subax markii ay dukato waxa ay ku dheelmataa suuqa weyn ee qudaarta si ay u soo dukaameysato, ma aha wax u sahlan qof dumar ah in ay cunugeeda oo hurda ka tagto oo soo adeegato asagoo hurdaaya, maalin waa uu raacaa maalin waa ay ka tagtaa, ayadoo quraacdiisii buugaagtii uu iskuulka ku aadi maalinta ay ka tagto cida dariska ayey sii martaa si ay kor ugala sii socdaan maalintaa adeega inta ay u sii socoto iyo inta ay ka soo socoto, waxaa wehel u ah walwal iyo walbahaar aan la soo koobi karin ruuxii waalid ayaa dareemi kara ineysan sahal ahey wiil aad hooyo iyo aabbo u tahay cidlo uga soo tag, ee soo daneyso waa xanuun aan yareyn.

Balse dantu ceeb ma laha dadka uun baa isku nacayee, ayadoo sidii gantaal u socoto oo dhididka ka socdaahi la yaabo  marka ay guriga tagto waxa ay ka bilawdaa halkii uu wiilkeeda joogay, inta ku ildoogsato oo indhaha ka buuxsato ayey toosisaa, wiilkeedu ma ahan wiil caajislow laba daqiiqadood ayuu isku diyaariyaa, inta caloosha u buuxiso  ku tiraa soco ka dhaqso maandhoow ducaad qabtaaye.

Hooyo batuulo fadhi uma yaallo suuqa iyo miiskeedii yaraa ayey ku ka shaandheeysaa qudaartii kala nooca aheyd, markii duhurkii la gaaro wiilkeeda ayaa ka soo laabta iskuulkii saakay uu aaday oo ugu yimaado suuqa, halkaas ayey ku wada qadeeyaan. Markii ay qadeeyaan ka dib ayey u baxdaa dhanka suuqa badarka,  si ay uga soo iibsato galey xashirsan oo diyaar ah. Suuqa oo aan sidaa uga fogeyn intaa waxaa sii jooga miiska wiilkeeda, waxa ay ku soo dhaaftaa makiinada cajiinka lagu shiido oo isla suuqa ku taalo. 

Waxa ay ku qasban tahay galabkii markii ay gurigeeda u sii caraabeeyso in ay gaari gacan kireysato alaabta oo badan awgeed. Waxa ay rukun ka yeelatay nin ka xamaasha suuqa ayna u sheegtay in uu galab walba uu hawshaan u qabto qidmadiisana ay siiso, ninkaas oo ahaa shaqadiisa ka adag waxa uu ku soo dhaweeyay gacmo furan, waxa uuna ahaa mid sheeko badan oo aamin suuqana laga wada yaqaanay.

Maalinba maalinta ka danbeysa waxaa u sii bulaalayay ganacsigeedii oo cirkaa isku shareeray, dadaal faro badan ka dib waxaana ay ku qasbanaatay in ay ruux shaqaale ay hesho oo hawsha bar u qabta gacan yarana uga noqda, taasoo ah waddada kaliya ay ganacsigeeda kor ugu dhigi karto. Isla markiiba waxa ay ku war galisay, ninkii gaari gacanlaha ahaa in ay u baahan tahay ruux aamin, oo shaqaaleyso, waxa uu ku yiri iga war sug xaaskeyga ayaa shaqo raadis caawa ayaan weydiinayaa in ay diyaar u tahay iyo inkale, haddii diyaar u noqoto waaga marka uu baryo waxaad noogu imaan doontaa labadayadda halkaan suuqa dhaxdiisa ah. Sidii ayey ku balameen oo ruux walba howl maalmeedkiisii ayuu guda galay. 

 

La soco qeybaha xiga 

W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN