Saaxiibkaan eersaday Q20AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan eersaday Q20AAD. 

Markay Booliisku gudaha soo galeen ayay yaabeen, markay arkeen nin Afku dunsan yahay iyo mid wejigu diirdiirmay, waxay kale oo la yaabeen in midna la dul dhoobna midka kalena meel isagoo qoriga xaaqinka dheer haysta difaac ku jirey.Isla markiiba booliisku waxay dalbadeen qaybtii dambi baarista iyo baabuurta gargaarka degdega ah(Ambulance).

Booliskii ayaa markiiba guriga dhexdiisa ka bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan wixii dhacay iyo siday wax u dhaceen. Duq Xaali ayaa markiiba barooratay booliiska hortiisa waxayna biloowday inay ka sheekeyso sidii ay wax u dhaceen. Xaali waxay hadalka ku biloowday iyadoo ay garab taagan yihiin saddex boolis ay ay laba ka mid ahi yihiin rag halka mid ka mid ahina ay tahay dumar:  ‘’ Ninkan la gubay anigaa dhalay oo waa wiilkeygii, kan afku dunsan yahayna waa nin aan ku sirmay oo aan anigu isagoon saaxiibo iyo qaraabo midna heysan aan cisbitaal kasoo saaray isagoo jajaban oo dagaal kusoo dhaawacmay. Si sama-fal iyo bini’aadannimo ah ayaan doonayay inaan u saacido. Waxaan kusoo booqan jiray cisbiaalka intii uu dhaawaca ahaa ee uu ku jiray. Waxaan kaloo uga  diyaariyay maqsin gurigeyga. Maalmo markii uu joogay ayuu xiriir hoose la yeeshay gabarteyda , oo aamintay. Waxaa dhacday inuu kufsaday iyadoo guriga laga maqan yahay.

Gabadheydu cidna uma aysan sheegin kufsigaas iyadoo ka baqeysay in laga rumeysan waayo. Waxaa dhacday inay arintii kufsiga ay saameyn xagga maskaxda ah ku reebtay. Maadaama uu sawiro ka qaadey iyadoo qaawan wuxuu ugu hanjabay inuu faafin doono sawirada haddii ay ka hadasho arrimaha kufsiga uu u geystay. Gabadheydu waxay u gashay sursuur iyo sakal aaney ka bixi kareyn, waxaynba ku qasbanaatey inay yeesho wax kasta uu yiraahdo, aniga iyo reerka intiisa kalana warmoog aan ka nahay waxa dhacayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayuu gabadhii ku qasbay inay aqbasho inuu guursado, waxaana ii wada yimid labadooda oo wada socda, waxaaan ka dareemay gabadheyda in culeys badani saaran yahay,nasiibdarose ma fahmin inay jujuub ku jirto. Waxay gabadheyda isaga oo garab taagan ii sheegtay inay jeceshahay rabtana in loo guuriyo ,isaguna raali ka yahay arintaas. Anigoo yaaban baan isagii weydiiyay sida wax u jiraan ,wuxuuna ii sheegay inuu doonayo in gabdha uu guursado. Sida dhaqanka islaamka iyo caadadeenu tahayba , waxaan go’aansanay aniga iyo carruurteyda kaleba in maadaama ay is doonayaan, loo fududeeyo inay is gursadaan. Sidii ayaana isugu mehrinay ,gurigeygana ay iskula aqal galeen’’

Booliisku markaas waa ay qorayaan wax kasta oo ay duq Xaali ku hadleyso.Duq Xaali waxay kaloo ku nuuxnuuxsatay inuu maalin maalmaha ka mid ah dahabkeedii iyo lagac caddaan ah oo guriga taalay uu ka xaday, qofka kaliya ee ogeydna ay aheyd gabadheeda uu xoogga ku haysto  oo aan juuqna oran karin kana baqeysa inuu ceebeeyo.Intii uusan kufsan gabadheyda Looyaan wuxuu ka dharjiyay kuna qasbay muqaadaraad, si ay markaas ugu suurta gasho inuu muuqaalo badan ka duubto, si cimrigeeda inta ka dhiman uu ugu shaqeysto.Waxaa intaas dheer inuu maalin kasta dili jiray , iyadoo aanan ku dhicin inay cid u sheegto. Nasiib darada iyo jirdilka joogtada ah ee gabadheyda uu Looyaan u geysanayay waxaa ka sii darneyd iyadoo aanan ka hadli karin kuna qasbaneyd inay qarsato. Waxaa markiiba is badalay bashaashnimadii iyo farxaddii ay u dhalatay gabadheyda , waxayna noqotay qof murugo iyo calooxumo ku nool. Aniga iy qoyskayga wanaagii aan u sameynay Looyaan wuxuu noqday mid xanuun aan laga sheekeyn karin nagu abuura.

Waxaa goobtii laga qaadey Asad loona qaadey dhaqtarka halka Looyaana loo qaadey dhanka dhaqtarka ilkaha isagoo ilkihiisii qaarna gabi ahaanba dhaceen halka qaarna ay guntoodii ciridkiisa ka muuqdaan iyagoo burbursan. Duq Xaali waxaa loo kaxeeyay dhankii saldhigga Booliska si dacwada looga wada qoro,iyadoo maqal ahna looga duubo. Looyaan markii la sii wadayay waxaa loo sheegay inuu yahay eedeysane isla markaasna yahay maxbuus loogana shakisan yahay arrimo ay ka mid yihiin: ISKU-DAY DIL, GUBIS HEERKA KOOWAAD AH, KUFSI, XATOOYO JIRDIL,RAKAATEYN (BLACKMAIL), Halka Asad loola dhaqmay sidii dhibane inuu yahay, waxaa sidoo kale saldhigga Booliiska loo kaxeeyay Samiira si looga qoro dacwada ku lidka ah Looyaan. Duq Xaali iyo gabadheeda waxay heleen fursad ay kuwada hadlaan si qaas ah inta aanan saldhiga loo kaxeynin , waxayna Duq Xaali gabadheeda ka dhaadhicisay sida ay tahay inay u hadasho marka dacwada laga qorayo.Si wanaagsan ayayna isugu af garteen.

Looyaan waxaa loo galiyay ilko ku meel gaar ah waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga weyn, ka dib markii uu ku xirnaa saldhiga Booliska dhowr iyo labaatan saacaddood,  si loogu sii hayo inta baaritaankiisu ka dhammaanayo maxkamaddiisu dhaceyso. Asad waxaa gaaray gubasho culus (major burning) taasoo ay qasab noqotay in loo badalo isbitaal kale oo takhasus ku ah arimaha gubashada waxaana go’aan degdeg ah lagu gaaray in lagu sameeyo qalliin (plastic surgery),iyadoo lala tacaalayo sidii loo yareyn lahaa isbadalka gubashadu sababtay qeybo ka mid ah jirkiisa haba ugu sii darnaatee xagga wajiga.

Waxaa Looyaan xabsiga la keenay xili ay tahay galab ,maxaabiistuna ay qaarkood kubbad ku ciyaarayaan goobta kubada lagu ciyaaro oo xabsiga ku dhex taalla, halka qaarna ay Jimicsanayaan oo xabsiga ku jir dhisanayaan. Maxaabiistu badankood waa ay arkayaan qofka cusub ee xabsiga la keeno, maadaama inta badan isku saacad lasoo galiyo xabsiga maxaabiista cusub.Xabsiga Looyaan la keenay  waa xabsi weyn,  magaalada  caan ka ah ,waxaana ku xiran maxaabiis tiradoodu kor u dhaafeyso 1400 oo maxbuus.

Liibaan oo uu waqtigiisu gabagabo yahay una dhiman tahay saddex maalmood oo kaliya ayaa ka mid ah maxaabiista xabsigaas ku xiran . Liibaan oo ka mid ahaa maxaabiista kubbada ciyaareysay ayaa meel shishe ka arkay qof soomaali ula ekaadey oo ku cusub xabsiga ,markiiba kubbadii ayuu ka soo baxay isgoo qof badal sugayay ku wareejiyay  kaalintiisii ciyaarta . Markii uu usoo dhawaadey ayuu xaqiiqsaday inuu Looyaan yahay ninka lasoo xareeyay.Liibaan oo marna ka naxay in xabsigan oo xaaladiisu aaney sahlaneyn la keeno Looyaan, marna ku farxay inuu helay fursad ay si fiican ula sheekeysan karo qof soomaali ah oo ay is yaqaanaanaan, isaguna sabab u ahaa xarigiisa, ayaa si toos ah usoo abbaaray dhankii maxbuuska cusbaa. ;Looyaan waa uu arkayaa Liibaan, waxaadse mooddaa in danab koronto oo uu awoodeedu sareeyo ku qulqulayo jirkiisa. Waxaa uu is weydiinayaa su’aalo badan inta uu Liibaan usoo socday, Waxaa si qaas ah maskaxdiisa uga dhex shidan miraha hees ay ku luqeyso fanaanadda weyn  Hiba Maxamed Guddoon (Hiba Nuura) ee  tiraahda:

  • Ma ogtahay isbarasha
  • Dadku markuu barbaar yahay
  • Beryo haddey is moogyiin
  • Marka leysku soo baxo
  • Labo weysku booddaa
  • Labana weyska beydhaa!

Isagoon weli go’aan fiican gaarin ayaa Liibaan soo garab istaagey ,kuna yiri :

Liibaan : War Looyaan bal iska waran?

Looyaan: Waa Nabadde Liibaanoow ii warran?

Liibaan: Maxaa kugu dhacay  ee meeshan  bellada qabta ku keenay?

Looyaan: Niyaw haddaan kaaga sheekeeyo berri iyo saadambe dhammaan mayso, ee waxaan ku jiraa maalmihii noloshayda ugu xumaa.

Liibaan: ayaa arkay dhaawacyada Afka ka soo gaarey iyo meelo badna oo wejiga ah oo burbursan, wuxuu u soo dhaqaajiyey kursi ku yaal barxadda geesteeda si ay u fariistaan oo uu fadhiga ugu wareysto, xaalkiisana u ogaado.

Looyaan ayaa sheekadii u billaabay,  Liibaana Hmm iyo Haye maahane  hadal kale kama soo bixin, wuxuuna  aad ula yaabay  dadka uu dhex galay saaxiibkii iyo halaagga uu la kulmay, waxay ugu dambeyntii ku soo gebagebowdey inta eedood ee loo haysto iyo dhibka gaarey.

Liibaan ayaa la calaacalay isagoo marnaba la soo qaadin wixii dhexmaray ayuu yiri: Saaxiib waan ka xumahay dhibka ku gaarey, waxaanan kuu sheegayaa,  marka laga reebo dagaalka aad gashay in inta kale oo dhami ay caddeyn u baahantahay.

Looyaan ayaa yiri: Sidee caddeyn ah?

Liibaan:  Uurka  cidda leh waa la oggaanayaa, waqtiga aad adigu ka soo baxday isbitaalka waxaa taalla caddeyntaadii waxaana la ogaan karaa maalintii koobaad ee Duq Xaali kuu timid ee ay ku soo booqatey? Kaddib waxaa laysu eegayaa muddada  Uurka gabarta iyo waqtiga aad soo baxday,  taasoo guud ahaan meesha ka saareysa beenta ay dhoodhoobtey duq Xaali gabarta waxay leedahay  Uur aadan adigu dhalin taas ayaana meesha ka saareysa inaad kufsatay. Arrinta labaadna waxay tahay lacagta,  waddankan lama ogola  lacag guryaha lagu haysto haddii aysan haysan caddeyn ah cadadkii lacagta ama muuqaal caddeynaya adigoo qaadanayaa waa tuhun.

Haddaba adigana waxaa lagaa rabaa inaad dhisto,  sidaad isu difaaci lahayd,  in  islaantani kuugu timid isbitaalka oo aad is barateen, markaad is barateena gurigeeda ku geeysey, iney kaa codsatey gabarteeda oo beerta ku jirtey inaad u badbaadiso oo nolol cusub u abuurto,  waxaad leedahay   heshiis bay ila gashay ah inay  lacag i siineyso gaareysa ilaa  30 kun boon, balse, iima sheegin iney gabarteeda uur leedahay, maalin maalmaha ka mid ah ayaa anigoon 20 maalmoodba la joogin waxaa dhacdey inay gabartii xanuunsatay  goor habeennimo ah, kaddibna aan oggaaney inay uur 3 bilood iyo dheer ah leedahay.

Markaan arrintii ka biyo diidayna ee dhahay cunuga ma lihi waxaan is dagaalney walaalkeed oo dagaal igu soo qaaday,  anigu jikaddaan ku jirey waxaan karsanayey shaah weerarkii igu dhacay kaddib waxaan galay inaan is difaaco waxaan gacanta ku hayey oo ahaa Kirligii shaaha ayaan adeegsaday. Liibaan ayaa u dhisay dacwad dheer wuxuuna u sheegay inuu xabsiga ka baxayo dhawr maalmood kaddib, uuna Qareen u qaban doono,  xaalkiisana uu la socon doono, haddana  intuu joogo uu ilaahay talo saarto werwerka iyo walaacana iska daayo.

Looyaan  ayaa indhihiisa ilmo isku soo taagtey, ninkuu noloshiisa burburiyey ee xabsiga sabab u ahaa inuu galo ayuu arkay oo aan waxba u qabin,  wuxuu is weydiiyey Looyaan inuu lacag yar oo ay khammaar ku heleen darteed u ilaaway  saaxiibnimadii iyo wanaaggii ka dhaxeeyey? Wuxuu galay xasuus dheer, waxaana la gaarey waqtigii la kala xaroonayey ee cashada, sidaas  ayaana nin walba qolkiisa ku aaday.

Liibaan waxba uma qabo Looyaan aad buuna uga xumaaday  dhibka gaarey, wuxuuna ku talamayaa siduu u badbaadin lahaa maadaama aysan jirin cid kale oo xigaal ah oo  kaalmeynaysa ama garabkiisa joogtaa.

Luul iyo Ladan mid weliba waxay ka war dhawreysa  odaygeeda soo baxaya,  xaalkooduna waa ‘legga jecli ludda jecli’, oo ah mid weliba inay iyadu u hartey jeceshahay, balse iyadaa isa soo hormarisey,  waxaa loo sharaxay Liibaan laba guri oo mid walba  aad aroos moodeyso,  inkastoo Ladan hadda  sii cuslaatey oo caloosheedii bannaanka timid, haddana  soo dhaweyn  lixaad leh ayay samaysay  gurigiina waxay ka dhigtey waxaan la arag oo la maqal.

Liibaana  waxaa haya hillow iyo  xiiso badan oo uu u ooman yahay araga carruurtiisa iyo xaasaskiisa, waxaa la dheer muddada u hartey inkastoo,  uu ogyahay in hawli ka horreyso, haddana wuxuu rabaa inuu ragganimadiisa ku maareeyo, labadiisa reerna isku haysto.

Waxaa la gaarey maalintii sii deynta Liibaan  waxaana bannaanka ku sugayey labadiisa qoys iyo dumaashidii Leyla,  waxaa  mar keliya la qoslay markii labada baabuur mid walba looga gacan haatiyey carruurtiina  ay  ka codsadeen inuu soo raaco,balse talo ku caddaatey, kaddibna Luul ayaa xal keentay oo tiri, aniga iyo Ladan waa isa soo raacaynaa  ee idinku hal baabuur  wada raaca.

Liibaan ayaa qoslay sidii ayaana laysku soo wada raacay, waxaana la wada tegay Gurigii  Luul,  halkaasoo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey si wadajir ah, oo aad moodeyso labadiisa  xaas laba gabdhood oo walaalo ah oo kala weyn xushmada iyo xaqdhawrka ka dhaxeeya  kaftanka iyo sida hawsha loo wada qabanayo.

Liibaana uu labadiisa  Carruura la ciyaarayay isagoo faraxsan, kaddib  galabnimadii markii la qaxweynayey ayuu uga warramay  xaalka Looyaan, wuxuuna ka codsaday in ninkaas uu garab  galo oo aan waxba loo arag wuxuu sameeyey, labadoodiina waa la yaabeen, hase yeeshee, Layla oo aad u necbayd, xagga diintana aad u taqaanay  ayaa tiri: “ Waa runtiis dumaashigay  qofka ku xumeeya lagama cad goosto lagamana aarsado,  ilaahay wuxuu yidhi  xumaanta wanaag ku beddela, si kii idin xumeeyey u barto wanaagga una noqdo wehelkaada”

Arrinkan ayaa loo wada guuxey,  waxaa hadalkii qaadatay Luul oo tiri:  Anigu Liibaanoow waa ku cafiyey haddaadba  cafisay ninkii intaasoo dhiba ku marsiiyey walaashay Ladana waan cafiyey, maanta laga bilaabona, waa walaashay iga yar xumaana uma qabo, haddaad qabayso iyo haddaad fureysana  anigu midnaba kama hadlayo.

Ladan ayaa is tiri hadal: Waxaase kala booday Leyla oo tiri Luuleey  saw ma ogid adduunka inaan labadeena oo keliya  nahay  oo  aynaan walaal kale lahayn  waalidkeena dhintey,  bal maanta haddii aabbaheen intuu na korinayey  guursan lahaa oo walaalo kale noo samayn lahaa ka warran? Dheef maahane dhib miyaan ku qabi lahayn?

Luul ayaa tiri: Maya walaahi, aniguna ka hor istaagi maayo Liibaan Xaaskiisa  ee waxaan rabaa inaanu isagu isku kaaya dirin hadda heshiis baan nahay oo noo caddaalad falo.

Liibaan ayaa yiri: Farxadaydu waa wadajirkeena, waxaana rabaa inaan noqono dad isku duuban,   waxaad ogaataan  dadku haddey is dareensadaana  dhib ayay ka dhaxlaan, haddey is dugaashadaadana  dheef ayay ka dhaxlaan ee aan is dugaashano.

Habeenkii waxaa laysku raacay in Ladan aaney keligeed hoyan ee Odaygeedu raaco maadaama  ay  muddo is moogaayeen weliba madmadoow kala dhex galay, waxaa kale oo lagu ballamay inaan war dambe la soo qaadin oo ku saabsan dhinaca dhaqanka labada qoys, si wadajir ahna loo noolaado.

Habeenkii waxaa wada hooyday Ladan iyo Odaygii Liibaan,  Luul iyo Leyla walaasheed iyo carruurtiina waxay  maalinimadii ku casuunaayeen, guriga Ladan oo halkaas ilaa  habeenkii ka madoobaadey la wada joogey Liibaana habeenkii labaad uu reerkiisa iyo carruurtiisa ku soo raacay, Leylana xaafadeedii la geeyey.

Subaxnimadii labaad ayaa waxaa u hawlgalay   arrimihii  Looyaan Liibaan oo ka billaabey inuu Xabsiga ugu geeyo waxyaabuhuu u baahnaa oo dhan iyo lacag yar oo fara qabsi ah, kaddibna wuxuu  kiiskiisa u dhiibey looyar aan kiisii ahayn, maadaama Qareenkiisu hore u baajiyey dacwadii Looyaan.

Waxa la gaarey maalintii dhegaysiga dacwada  waxaana  qof walba loo sheegay inuu arrinkiisa ka run sheego, qofkii been sheegana la kulmayo ciqaab yeelanaysa ganaax iyo xabsiba.

LA SOCO QEYBBTA UGU DANBEEYSA.

W/Q Cismaan M. Qanyare.

 

 

SHEEKOOYIN