Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q34AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan: Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda?Q34aad

Reer Maxaad Cali, waxaa waagu ugu baryay farxad iyo reynreyn. Waxeey xalay ku seexdeen rajoqab sarreysa kolkii ay la kulmeen Garyaqaan Cosoboow iyo Maamma Dahabo. Waxaa kalsooni ka gashay waxyaabihii ay quusta ka joogeen, sida xaalka Axmed Dheere, warqadaha maqan iyo shaqa ku laabashada odayga. 

Waxeey la noqotay in wixii oo dhan ay heleen, waxaa la rumowday ”Intii nololi jirto rajaa jirto” Waana tii aayaddu aheyd (Laa taqnaduu min raxmatilaah). (oo kuu sheegaysa in aan Raxmadda Eebe laga quusan.)      

Reerku waxa ay wada fadhiyaan barxadda daashka mininka, waa Maxaad Cali iyo Kutubo oo xalay aroosad cusub aheyd, waxa horyaal miis yar ay dusha ka saaran yihiin laba Bakeeri oo Qaxwo ah, Kutubo iyadu waxa ay cabee waa Xaraarreey isaguse waa u sokoreysan tahay qaxwadiisa, waxaa kale oo hor yaal Baaquli ay ku jirto daango ,saxan timiri saaran tahay iyo saxan ay xalwaya buskut ah.  

Muggaan, reerku waxaa u bilawday waa cusub oo ka duwan kii hore, muggaan iyadoo la is horfadhiyo ayaa wax la wada cunaa…waa wax aan hore u soo jirin, weliba sheekada iyo kaftanka dhex maraayo kaalay arag…Intee lagu arkay macaan la cunaayo iyo qaxwo sokoreysan, xaaji ilbax iska dhig ee iskala her sokortaan aad qaxwada ku dareysowaxa saas u kaftamaayo waa Kutubadii muggeey wax cuneyso ceebta la aheyd ineey odayga ku hor cunto,citintana sugi jirtay. 

Raxmo yareey, iyadu maanta goobta wax kama fadhido, waxee ku kallahday Iskuulkeedii ay beryahaan ka maqneyd. 

Reerki iyagoo weli haalkoodii kaftankii ku miisaayo, saacadduna gaartay 4:17 daqiiqo barqanimo, ayay maqleen Hoon Baabuur oo albaabkooda ka BIIB leh, minii uu dhawr jeer BIIBTA guray asaan loo bexeyn ayay Maamma Dahabo dig ka soo tiri kuna gargaraacday albaabkii, waxaa markiiba fak ka siiyay albaabka Oday Maxaad Cali oo weli illan macawistii uu hurdada uga soo kacay, maankiisaba waxaa ka baxay ballantii ay maammada la ballantay farxadda ay ku jiraan darteed. Mugga hee war maa u yaal ,Maamma soo gudub iyo waa soceynaahe is boobsii ayay daba dhigtay warkiisi. Kutuboo intii albaabka la furaayay alaabtii jikada kula roortay ayaa u soo baxday Maammada inta odayga ka soo lebisaayana u sii sheekeyheysay. 

Waxaa fatuuraddii maammada wada raacay Waa Maamma Dahabo iyo Maxaad Cali iyo darawalka fatuuradda wadoRabta loo socdaana waa Waaxda dhulka ee DHoosewaxaa lala ballansan yahay waa Agaasime Sh.D waxaa saakay la hadlay garyaqaan Cosoboow, si uu arrinkaan ugu fududeeyo , maammadana waxaa ka dhexeeyo macriifo fiican. 

Maxaad Cali iyo Maamma Dahabo muggeey mininka saas uga dhaqaaqeen, waxaa albaabka mininka soo garaacay Cali Gaab oo saaxiibkiis ka soo war doonay waxaana albaabka ka furtay Kutubo oo muggii ay indhaha qac ku siisayba wejiga u beddeshay isagase kama war qabo waxa lagu qaniinsan yahay, waxuuna ku yiri: See la yahay? Ma la faayoo? 

 

Waa la faayaa ee xaa adiga kuu daran ood rabtay? Ayay ku jawaab celisay kutubo. 

Cali gaab waa kaa yaabka iyo yaabkiis helay, waxaa uuna yiri: Halla iima darno e aaway Maxaad? 

Maxaad ma joogyo ee nabadeey, ayaa la yiri ,albaabkiina qab ayaa lagu siiyay ,isagoo weli taagan. 

Xummaan badanaa xarash laguu haayo adiguna aadan ogeyn halka lagaa qaniinayo…kala fogaa saad u tahay iyo sida laguu heysto…Cali gaab, war maa hee u yaal, waa inuu raadkoow ku yimid dib ugu noqdaa usagoo isla warramaayo kaligiis sida qof miir la’. 

 

Waxaa yeeraayo KUBKUB kale, Kutubo, waa taas huufta leh oo haddana yaa nagu soo noqday oo albaabka kubkubeyhaayo, malaha diradiraalihi ayaa igu soo noqday…Haa…Maya, ku dhegeyso, ha ka furin…waxoow iska dhigaa qof daacada, maanaa moog inuu isaga dabadabeeyay Maxaad Cali…Aseey u taal, ha ku qallalo albaabka… Haa,anaa gartay waxa soo celiyay Sax…Waxoow rabaa inuu roobka da’aayo inta uga okorto…adaa lagu yiraah dheh…Rabtaada ku qoy, abaal maa u yaal agteeyda , maya dheh! minoow daalo asaa dan u socaayo… Xaa soo celshay doqonka? Anaa aqaan kanoo kale, wallee aadan Maxaad dambe dib u arag!!. 

Intaas ay hoos ka tallameyso Kutubo, garaaca albaabku waa socdaa, muggaan waa sii xoogeystay KUB KUB KUB KUB KUB KUB KUB KUB KUB, Muusaa nala leh xoow saan ugu garaacaa albaabka Xayawaanka xunkaa… Intaan ka badan uma dulqaadan karo, waa inaan furaa una miisaa Caay si uuna dib dambe u soo istaagin albaabka mininkaan, muusaa nala dhistay. Waa Kutubo waxa saas ku tallamaayo. Waa yaabe balse waa qofma qofka albaabka saas u garaacaayo? 

 

La soco Q.38aad 

Waxaa qoray: 

Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD” 

 

SHEEKOOYIN