Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q15AAD W/Q: Xasan (Shiribmaal)

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka! Q15AAD

Haddaan halkeedii kasii amba qaadno qormadeynii “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka” ee taxanaha noo aheyd. Sidaan horeba u carrabaawnay qeybtaan waxaan kusoo qaadaneynaa, Abshir Nuur Faarax Weheliye Gacal, Abshir Bacadle, (A.U.N) Haddaan dulmar kooban ku sameyno Taariikhdiisa, Laashinku wuxuu ku dhashay Mustaxiil oo ka tirsan dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya, xoogga ku haysato, taariikhdu markii ay aheyd 1946kii. Laashin Abshir Eebbe ha u raxmade wuxuu kusoo koray agoonnimo kaddib markii aabbihiis la dilay sida uu asigu yiri: gabaygana uu ku sheegay, mar la wareeysanayay intii uu ifka joogay, wuxuuna ku gabyay asoo ka waramaya yaraantiisi, wuxuu yiri:

“Anoo dherebta jiifaa la yiri dhimay adoogaaye.”
Inkastoo amarka Eebbe aan qof celi kartaa jirin laashinku wuxuu ahaa Abwaan laga yaqaan guud ahaan gayiga Soomaaliyeed. ma guurtooyin Suugaaneedna ku reebay maskaxda Ummadda Soomaaliyeed laashinku wuxuu geeriyooday 10kii Oktoobar 2010kii Eebbe ha u raxmadee: Laashin Abshir Bacadle Shiribkiisa iyo Suugaantiisaba lama kala gaaro waxaanse kasoo qaadaneynaa dhowr Shirib oo ka mid ah Kuwa ugu saameynta badan.’   Haddaan ku bilaabo Shiribkisa dhumucda leh. ee uu kula hadlayo dadkeenna Soomaaliyeed una sheegayo inaaney jirin wax dowlad nima uga wanaagsan iyo wada jirka. Wuxuu ku shirbay:

Inaan qabiil qaran aheyn
Ku quusta shanta qaaradood


Waa Shirib cad oo kuu sheegaya in qolo, qolo, qabiil, qabiil, iyo Jufa jufaba wax lagu noqon waayay, haddii ay wax noo tareysana  rubac qarni ayaan kusoo jirnay oo taas maanta waan wada qirsannahay waana middaas midda laashinku dadkiisa u sheegayo Abwaaniintu waa afayeennadii Bulshada, iyaga ayaana xil isa saara iyada oo aanay jirin cid ku maalgalisa ama wax ku siisa meesha laga haayana farta ugu fiiqda, waa halkii mah-maahdu ka aheyd: Waxaa jira “Dhega laab u duleela iyo Dhego leyr u duuleela” waana tan dambo midda aan ku sifoownay!

  • Dadkaanu dowlad waa rabaan

Waxase diiddan duul qarsoon

Waa shirib xaqiiq ka hadal ah dadkuna waa hubaal inay dowlad u adeegta, una khidmeysa rabaan laakin waxaa laga kari la’ayahay ama hortaagan waa in gaaban oo bulshada ka mid ah kana awood iyo sameyn badan bulshada inteeda kale waana taas midda abwaanku farta ku fiiqayo si loo yiraa: dhinac noo dhaafa, laakin aan taa caksigeeda qaadannay.

Amba dalab ambiiska diid
Dantaadu dowladeey jirtaa

Mar kale wuxuu leeyahay laashinku. haddii aad ogolaato, ee aad raadiso hannaanka dowladnimada, iyo haddii aad diiddo, macnaha ka jeesato, wada jirka guud iyo wax wada qabsiga, qofta ugu horreysa ee ay dhibeyso ama dhaawaceyso waa adiga. Dhab ahaantiina waan soo aragnay oo maanta naloonma sheegayo xaqiiqdeeda. Laashin Abshir Bacadlena(A.U.N.) wax badan ayuu sii saadaaliyay wuxuuna ahaa hal-abuur aragti fog leh, aqoon gaarana u lahaa bulshada Soomaaliyeed Eebbe ha u raxmadee:

Haddey dib noogasoo duxdee
Abuurkaan duugannaa dubnaay

Waa shirib cad oo aan faahfaahin u baahneyn oo laashinku si aan mad-madow iyo mugdi ugu jirin bulshada Soomaaliyeed ugu sheegayo, wuxuu leeyahay hadda ayaan ogaanay ceyrintii la ceyriyay Dowladdii kacaanka, iyadoo aan la dhihin maxaa noogu xigi doona. waxaana jirta mah-maah caan ah oo baxday markii la riday rajiimkii Jaalle Siyaad Barre(A.U.N.) ayaa ummadda waxaa loo sheegay in Madaxweyne la dooranayo, dadkii qaar ka mid ah ayaa waxay yiraahdeen:
“Haddaan madaxweyne u baahannahay maxaan kii hore u ceyrinnay?”
Waana taas midda laashinku leeyahay Abuur la dubay ayaan duugannay, macnaha abuurannay, ee abuur inta la dubay la duugay miyow soo dhalanayaa? waa maya.!

Heshiiska wow hammuun qabnee
Hubiya hiisha hoos ka nool

Waa shirib toosan oo tilmaamaya in ummadda Soomaaliyeed inay heshiiso dantoodu ku jirto, sidaa aawgeed wuxuu leeyahay naga hubiya kuwa aan daacadda ka aheyn inaan si caddaalad ah u heshiinno, wuxuuna ku tilmaamay kuwaas hiil hoos ka nool, hiil waxaa la yiraa digada xoolaha oo mararka qaar debka lagu shido ama qorya ahaan loo isticmaalo, si wax loogu karsado, ama debku uu waqti dheer koogu noolaado, maxaa yeelay digadu waa ka waari ogtahay qoryaha iyadoo aan qeybta kore debku soo gaarin ayeey hoosta ka hulaaqdaa, ka nooshahay, waana sidaas tusaalaha laashin Bacadle Eebbe ha u naxariistee: ku hal qabsanayo!’

Abwaan Abshir Bacadle(A.U.N) gabay iyo Shirib iyo maansaba kuma sinneyn ee wuxuu lahaa dhowr mah-maahyo oo la adeegsado, illaa maanta aynu joogno. haddaan hal mah-maah kasoo qaadanno, maadaama aan qormadu noo saamaxeyn inaan wax kasta ee uu yiri: Laashinku intii uu noolaa aan hal qormo iyo wax la mida aan kusoo koobno. balse ay tahay in laga qoro buugaag. Wuxuu yiri:
“Inaad magac beddelataa cadaab looga bixi maayo”
Waa wacdi iyo wax sheeg maxaa yeelay dembi kasta ee aad gasho Eebbe waa ku ogyahay haddii aad magaca iska bedesho iyo haddii kaleba. laakin marka aad aadane dembi ka gasho ee aad ka haajirto halkii aad ku gashay dembiga, una haajirto dhul kale, waa dhacdaa inaad magaca beddelato kuna badbaaddo ayaamo, laakin xagga Eebbe marna cadaab ku gefi meysid haddii aad dembi gasho, in Eebbe ku cafiyo mooyee:

Suluxi soorti gaaddayoow
Suqaar mareykanaan sidnaa

Eebbe ha u naxariistee laashin Abshir Bacadle Shiribkaan wuxuu bixiyay dagaalki “Unisom” lagula jiray ama loogasoo horjeeday, mashruucii ahaa reja soo celinta soomaalia oo ay mareykanku hor boodayeen. intiisa badanna dana shisheeye ka dambeeyen laakin ay damacaasi meesha ka saareen ururkii Generaal Maxammad Faarax Caydiid hoggaaminayay Eebbe ha u raxmade: waxaana shiribkaas uga jawaabay Laashin M.M.Jay wuxuuna yiri:

Adaa si xun u soorsadee
Suqaar mareykan sow u yaal?

Waa laba shirib oo lagu kaftamay, waana caada ay leeyihiin abwaanadu, marka ay is maaganyihiin inay si maldahan isu weeraraan, ama u kaftamaan, siyaasaduna kama marneyn maadaama aan waligeedba lagu heshiin, laguna kala aragti duwanaa. Suuqaar mareykan qof heysaana majirtee waa tusaale lagu guubaabinayo garabka kale si ay u xaqiiqdasaan waxa loola dagaalayo inay yihiin cawaaqib xumada ka dambeysa.’ Shiribka laashin Bacadle(A.U.N.) xilligaa bixiyana aad ayuu u badnaa, waxaana ka mid ahaa kan:

Hugunka yeeray hiiradaan
Waxa is haaya haawya waaw

Haaw wuxuu ula jeedaa jeneraalkii hoggaaminayay “UNISOM” ee ahaa Jeneral How, waawna wuxuu ula jeedaa garabka kale ee kasoo horjeeday ee Jeneraal caaydiid hoggaaminayay markasta ee wax dhacaan, sida dagaal ama nabad. Waxaa loo saariyaa ama loogu magac diraa qofka hoggaamiya ama hagaha u ah, macnaha imaan duulaha, Jeneraal Caydiid ayuuna Waaw ugu yeerayaa Eebbe ha u wada naxariistee:

Waxaa jira Shirib kale oo caan ah oo xilligaa dhex mari jiray Laashin Bacadle iyo laashin kale oo la yiraa: M.M.J wuxuuna kusoo bixi jiray inta badan joornaaladdii magaalada muqdisho kasoo bixi jiray, waxayna ahaayeen laba laashin oo aad u kaftami jiray laakin aragtida ku kala duwanaa, haddane saaxibbo is jecel ahaa oo isla qaxweya. wuxuuna ku saabsanyahay shiribkaan ay is dhaafsanayaan Dagaalkii “UNISOM” looga soo horjeeday, waxayna kala metelayeen mucaarad iyo muxaafid, wuxuuna u dhacay qeyb ka mid ah sida tan:

Hoobiyaan ku naqaa hoggaan
Wixi laga helaan hubsaa,
    M.M.J

Nin walba hoobiyoow hufaa
Heybtana waa hoggaamiyaa
    Bacadle

Nin soo hoydaa nin hooy rabee 
Wixi laga helaan hubsaa,
       M.M.J
Maheey ka hoogtay waa halkaas
Anmaase hooy ku heybsahaa,
     Bacadle

Habartaan hoos cambeed dejaa
Wixi laga helaan hubsaa,
  M.M.J

Habartu wayska halgamee
Allena haw u hiilli maa,
  Bacadle

Nin haadsan nin la heyb ahoo
Aan la hadleynin waa hubsaa,
   M.M.J

Nin haadsanaad u heeysatiin
Mana hubtiine weys huddeen!
  Bacadle

Waxaa jira shirib kale oo aad u dheeraa laakin aan kasoo qaadanayo Seddax shirib oo kaliya, wuxuuna ku taageerayay mooryaan gerreydii ama maxkamadihii Islaamka ee 2006 hawada soomaalia lagu arkay iyaga oo meel kasta heysta, markii ay qoladii kale ee ashahaadda la dirirka ay u bixiyeen laakin mar dambe la ogaaday inaaney labada kooxba hal is dhaamin, haddaaneyba darreyn wadaaddadii waallida weday. Wuxuuna ku shirbay Laashinku:

“Isbaaro aydisey aheyd
Waxa aruurshay ahlu kheyr,

Ama isbaaraleey ahaaw
Ama islaaxa ogolaaw,

Intaan ammaanka ogoleyn
Isbaaradaa ilmuu jiraan

Waa Shirib uu ku taageerayay maxkamadihii Islaamka “wadaaddadii waalida weday”uganasoo horjeeday qab-qablayaashii dagaalka ee muqdisho midba xaafad heystay ee isbaarada dhigtay, wuxuu ahaa shirib aad u dheer oo uu kasoo bilaabay ilaa dowladdii kacaanka oo hal isbaaro ama kontarool oo kaliya u aalli jiray dhulka Hawiye, marka laga reebo dhowr kontarool oo irdaha Muqdisho lagasoo galo aalli jiray, ilaa ay gaareen markii dbo in laba kiilow mitirba dhowr isbaaro la dhigto,
Laashin Abshir Nuur Faarax Gacal(A.U.N.) wuxuu ahaa laashin sooyaal qiima badan  iyo murti ma guurto ah uga tegay ummadda Soomaaliyeed intii uu noolaa gabayadiisa, guurowyadiisa, maansooyinkiisa iyo Shiribkiisaba lama kala gaaro, oo kumannaan ayeey gaarayaan, waxaanse kasoo qaadanayaa hal gabay oo aad u qiima badan tusmo, talo iyo tilmaanna  noogu filan. wuxuuna ku nikaxaya dhowr lug oo shirib ah sidaas ayaana ugu doortay inaan qoraalkaan kooban ee aan uga hadlayo  Shiribka laashin Abshir Bacadle(A.U.N.) kusoo geba-gebeeyo, wuxuuna ku gabyay:

Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qooraan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qulquli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta howshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam-qama qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadeen qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandhaan laga biskoon qaadow adigaa leh
Isqandiiri kana qoomameey qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaba karayn qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyiisku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qeyb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandi fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawaday qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Dhaliyara afkooda uun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo waswaaskaa qarsoon qaadow adigaa leh
Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qallala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsadiyo dhidid qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh
Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh
Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa’imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugeey qaadow adigaa leh
Qaadicu salaadnimo qasad ah qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala kallaahuye adaa qaranka aafeeyay!
         “NIKAX”
Qaraya moosaa qaad ka roon
Ka qaal yaroo ka quud macaan”

Kuwa afkooda qaaciyoo
Quryaha rooga xey qabaan”?

“Qoray qaniine qaac ka keen
Qandhey u roontahey qabaan”

Waa murti iyo miid uu kusoo  koobay wax kasta ee ummad lagu waani karay waana waana anfaceysa qofkasta ee hab fikirkeedu noolyahay, wuxuuna uga qisooday “Qaadka, Jaadka” iyo sigaarka oo uu shiribka kusoo qaatay, wuxuuna yiri:

Kuwa afkooda qaaciyoo
Quryaha ruuga xey qabaan? 

Waa su’aal u baahan in ay is weydiiyaan dadka sigaarka caba ama dhuuqa maadaama owsan meelna kasoo geleyn quutul daruuriga, sida raashinka iyo cabitaanka laakin uu iska yahay macna la’aan dadku caadeystay oo sibiq qofta ku gala kadibna ay ku adkaato sida ay isaga reebto, goyso, laashin Bacadle Eebbe ha u naxariistee isla shiribkaan kale ayuuna isugu jawaabaya su’aasha uu iska weydiiyay kuwa sigaarka caba wuxuuna isugu hal celiyay:

Qoray qaniini qaac ka keen
Qandhey u roon tahey qabaan

Inta xaansha yar oo tubaaka lagu dhex shubay dhuuqaan ayeey afkooda qaac ka sii daayaan qandha intaasu daawa u tahay ayeeyna qabaan ayuu leehay laashinku. Waa meeshii laashkii kale ka lahaa:

Qoraga jiide qaaca tuur
Qandhey u roontahaad qabtiin

Anna waxaan qaloon aheyn
Haddaan ku qaadho waa qandhaa

Waa shiribya aad isugu dhaw isku hal macnana tilmaamaya inkastoo laashinka dambo leeyahay anigu wax raashin ka baxsan ama ka saa’id ah sida sigaarka iyo Qaadka, Jaadka. haddaan cuno waaba ku jirranaa!Qoraalkaan kooban ee aan kusoo qaatay Laashin Abshir Bacadle(A.U.N.) iyo Shiribyadiisi caanka ahaay, intaas ayaan kusoo af-xirayaa. Ee la soco qeybaha xiga oo aad u xiisa badan haddii Eebbe idmo.!

W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal)



         

Top