Murti iyo Miid Q10AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

Murti iyo Miid Q10AAD 

Guusha Guuleed.

Waxaa la gaaray aroornimadii maama Batuulo ay la balansaneyd in ay shaqaaleysiiso qof ka caawiya howlaheeda ganacsi oo u kala furfurmay, sidii ay ku balameen ninkii gaari gacanla ahaa waxa uu u soo helay walaashiis oo aad u da’ yareyd, iskuulna dhigata galinka danbe maamada waa ay ku adkaatay in ay maya dhahdo, haddana haa uma sahlaneyn sababbo badan awgood waxa ayna ku heshiiyeen in subaxdii iyo galabtii markii ay iskoolka ka soo baxdo u timaado, arkina doonto iney ka kaafiso baahida ay u qabto.

Qof la waddaaga howsha waxa lagu heshiiyay mushaarkeedu iney u qaadan doonto bil walba, maama Batuulo oo ah qof aad u naxariis badan jecelna qof walba in ay ula dhaqanto sida ay jeceshay in loola dhaqmo ayada, gabadhii yareyd waxa ay u sheegtay waxa ay u baahan tahay iney u qabato oo u badan adeega guud ee dukaamada iyo hagaajinta guriga iwm.

Maalmo kaddib maama Batuulo waxa ay dareentay nafis dhan walba markii hore waxa ay ahaayeen ayada iyo wiilkeeda oo kaliya hadda waxaa ku soo siyaaday qof saddaxaad oo la qeybsaday dhib iyo dheef, wiilkeeda waxa uu iskuulka aadi jiray subaxdii halka gabadha ay galabtii ka aadi jirtay is fahan iyo wada shaqeyn daacad ah kaddib  gabadhii yareyd caa’isha waxa ay sabab u noqotay horumar lixaad leh  oo la taaban karo taasoo reerka caa’isho iyo maamo batuulo ay isku milmeen ilaa heer la kala garan waayey iney ayada wada dhashay wiilka iyo gabadha iyo in kale.
 
Nolol maalmeedkoodda waxa uu ku tiirsanaa wax soo saarka dhaqaalha ka soo gala suuqa taas oo fursad u siisay wixii habeenkii ay ka hesho tinaarka muufadda ay ka dhiga raasumaal. Mudo markii la joogaba waxa ay tagi jirtay suuqa dahabka halkaa oo ay ka soo iibsan jirtay dahab intii markaa dhaqaalaheeda u gooyo, waxaana u suuro gashay iney maalinba maalinta ka danbeyso  ay hanti ma guurto ah meel dhigato, sida la wada ogyahay dahabka waxa uu ka mid yahay hantidda ma guuraanka ah oo aad manaafacaafsan karto xiligii aad doonto. Waxaa kaloo hantida ma guurtadda ah ka mid ah Dhulka kaas oo ay iibsatay boos bannaan oo 13 mitir oo wareeg ah, kaas oo ku yaalay meel aan ka fogeyn nus booskii ay daganaayeen oo baraakada ahaa.
 
Si kastaba arrinku ha ahaadee maama Batuulo waxa ay ku guuleysatay in ay la jaan qaado nolosheeda cusub si wanaagsan rafaad iyo dhib wixii ay ka soo martayba Illaaheyna swt waa u sahlay guusha nolosha, waxa ayna ka mid noqotay maamooyinka si aad sh loogu xushmeeyo xaafadda ay daganaayeen. 
 
Maamada wiilkeeda Guuleed waxa uu noqday waxbarashadiisa mid ka tilmaaman ardayda wax la barata, sanad dugsiyeed kasta waxaa la gudoon siin jiray, shahaadada ardayga ugu aqoonta iyo edebta badan, taas waxaa u dheeraa, tartanka dugsiyada inuu ka qeyb gali jiray guulo badan ka soo hoyn jiray, oo Is daba joog ah. Dugsigiisi hoose/dhexe waxa uu ku soo baxay buundo/dhibco sare 100% taasoo u suuto galisay inuu dugsiga sare ee xisaabaadka toos u galo, kolkii uu dugsiga xisaaabaadka bilaabay toddobaadkii ugu horeey ayaa maalin maalmaha ka mid ah lagu wargaliyay guuleed inuu tago xafiiska maamulaha, marka uu dhammeysto xiisadaha waxbarashadiisa, halkaas ay ku sugayaan maamulayaal ka socda wasaaradda waxbarashada. Guuleed oo ahaa nin dhallinyaro ah kuna kalsoon naftiisa wax walwal kama galin waxa maamulka wasaarada waxa ay ka rabaan.
 
Markii uu dhammeystay xisadahiisii wax barashada waxaa uu si toos ah u abbaaray xafiiska maamulaha markii uu galay waxa ay indhihiisu qabteen master galaskiisa maamulihii dugsiga afar qofood uusan garaneynin iyo hooyadii waxa ayna ku noqotay filanwaa farxad iyo naxdin in hooyadii ay ka mid tahay dadka sugaayo, waxa uu salaamay maamulkii hooyadiisna labada daan ayuu ka dhunkaday, waxa uuna ag fariistay hooyadii kursi ag yaalay oo markiisii horaba loo diyaariyay.
 
Saacadda waa koowdii duhurnimo waa xiligii qadada loo wadda ordaayay guuleed waxa uu fadhiyaa xafiiska maamulka dugsiga waxaa ku wehliya hooyadii uusan garaneyn sababta loogu yeeray, balse guuleed waxa uu wajiga hooyadii ka dheehday in ay ku faraxsan tahay ka soo qeyb galka shirkaan. Waxaa hadalkii furay maamulaha dugsiga oo hal hal u baray guuleed wafdiga uga yimid wasaarada waxbarashada intaa kaddib waxa uu ku yiri waxa maanta laguugu yeeray labo waxyaalood koow in aad imtixaanka jaamacada aad gasho haddii aad ku baastana aad si toos jaamacadda u aado. Tan labaad in aad galin shaqo caawiye macalinimo kaa siino dugsiyada hoose maadaama aad ka mid tahay tobankii arday ee maado walba 100% ku soo baasay wadanka oo dhan, oo aad aado saddax bilood machadka tababarka macalimiinta, si aqoontaada ay u kobacdo aadna ugu faa’iideysid jiilka soo koraayo, go’aankana adigaa iska leh. Guuleed talo ayaa ku caddaatay waxa uu bilaabay inuu dhinacysda fiiri fiiriyo aamusnaan ka dib waxa uu codsaday inuu si gooniya ula faqo hooyadii iyo foomasterkiisa waana laga aqbalay.
 
 
W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN