Saaxiibkaan eersaday Q21AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

Saaxiibkaan eersaday Q21AAD. W/Q: Cismaan M. Qanyare

            

 Markii duq Xaali iyo gabadheeda Samiira la geeyay xaruntii booliiska ee wareysiga laga qaadayay, waxaa dhacday arrin layaab ku noqotay booliska,taasoo ka duwaneyd sidii duq Xaali wax ugu sheegtay booliiska markii ay yimaadeen gurigeeda.

Waxay laba qol oo kal duwan lagu  kala wareytey Xaali iyo Samiira. Waxa ay gabadha iyo hooyadeed u kala hadleen si aan is waafaqsaneyn oo kala duwan. Samiira waxaa ku dhacay qalqal taasoo dacwadii isku toosneyd ee ay maleegtay duq Xaali ka dhigtay waxaan macno sameyneyn. Si kastaba ha ahaatee duq Xaali waxay ku adkeysatay sidii qorshaheedu ahaa ee ay u dooneysay inay dacwadu u dhacdo.

Markii ay guriga kusoo laabteen Duq Xaali iyo gabadheeda ayay iska wareysteen sida ay wax u dhaceen. Samiira oo ilmeyneysa ayaa u sheegtay hooyadeed inay booliska runta siday aheyd ugu warrantay  oo aaney wax  haba yaraatee been ah ku darin sida ay xaqiiqadu aheyd.

Duq Xaali oo la yaaban sida ay gabadheedu ugu balanta furtay ayaa iska barooratay,iyadoo ku calaacaleysa  erayo  ay ka mid yihiin: ‘’Alla ba’ay oo hoogay, ma inantii aan dhalaybaa maanta sidaas ii gashay oo waxaan isku ogeyn iiga baxday? Bal inaan habaar qabo maxaa arrimaheeda faraha ii soo galiyay? Qatar baan galayeey, balaayaa igu dhacdayeey , Allah ba’ayoo misana hoogayeey….’’

Duq Xaali waxaa la soo darsay cabsi iyo welwel xoog badan, iyadoo ka baqeysa in loo xiro beentii ay sheegtay. Xaali waxay is tusaaleysay inaysan ka dabaalan karin xabsi iyada loo diro maadaama ay tahay qof waayeel ah , been abuurka iyo mu’aamaradda ay sameysayna tahay danbi weyn oo lagu mudan karo ciqaab isugu jirta xarig iyo ganaax lacageed labadaba.

Waxay gaartey go’aan degdeg ah oo aanay cidna kala tashan. Waxay si degdeg ah u  cabeeysatay shandado waaweyn oo ay laheyd, waxay ku guratay dharkeedii iyo waxyaalihii muhiimka u ahaa ooo dhan. Aroornimadii ku xigtayna waxay internetka (online) ka goosatay ticket diyaaradeed oo ku sii hakan doona,  taransit ku sii ah dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta (UAE) Halkaasoo ay ka sii raaci doonto diyaarad ka mid ah diyaaradaha dalka Soomaaliya u duula. Duulimaadka  baxsashada ah ah ee Duq Xaali wuxuu bilaabanayay isla maalinimadaas waxayna si toos ah u beegsatay dhankii gegida diyaaraduhu ka duulaan ee Heathrow Airport. Socdaalka Xaali waxaa uu bartilmaameedkiisu ahaa gobolka Mudug ee Soomaaliya oo ay  ahaa halkii ay ka timid markii hore intaaney qurbaha iman. Waa meeshii ay ku dhalatey kuna soo barbaartey,laakiin ay ka soo maqneyd mudo 46 sanadood ah.

Duq Xaali ugu danbeyntii way ka baxsatay dalka Ingiriiska iyada oo aan xataa u sheegin, kalana tashan  carruurteedi. Xitaa wiilkeedii dhaawaca ahaa ee dhaqtarka ku jiray , iyaduna sababta u aheyd dhaawaciisa uma eysan sheegin safarkeeda baxsadka ah.

Waxaa la gaaray  maalintii dhageysiga dacwada Looyaan goobtuna waa maxkamad ku taalla magaalada qadiimka ah ee caasimada Midowga Boqortooyada dalka Ingiriiska,waxaa ka socda dhaqdhaqaayo badan.

Sida caadiga ah waxaa qolalka tirade badan ee maxkamadda ka socda ama lagu qaadayaa dacwooyin kala duwan. Maxkamaddu waxay la ciireysaa aad u tira badan oo isugu jira qaraabo, saaxiibo shaqaale, garsoorayaal, wariyayaal,  eedeysanayaal iyo qaar aan itaasba aheyn ee iskood isaga yimid.

Waxaa maxkamada dadka ku sugan ee saaka us oo kalahay ka mid ah Liibaan oo dhexda uga jira labadiisa xaas Luul iyo Ladan. Waxaa sidoo kale jooga qareen asalkiisu yahay Bakistaani oo u doodaya Looyaan oo lagu magacaabo Adeel Tufail. Adeel waa nin qibrad weyn u leh arimaha la xiriira dacwooyinka  qaasatan qawaaniinta dambiyada (Criminal Law)

Waxaa la keenay Maxkamadda Looyaan oo ay hareeraha ka socdeaan laba askari oo ku labisan dharka ciidamada ammaanka. Waxaa iyana soo galay oo fariistay maxkamadda Liibaan ,Luul iyo Ladan oo aad inay aroos cusub yihiin sida ay u labisan yihiin , bilicsamida, degenaashaha iyo quruxda ka muuqata aad moodeysid. Qareen Adeel Tufail oo wata Galdacweedkiisii uu ku sitay waraaqaha la xiriira dacwada ayaa isagana fadhiya. Qareen Adeel waxuu ku  doodayaa in Hooyadu ka danbeysay wax kastoo dhacay Looyaana yahay dhibane lagu been abuurtay oo la shirqoolay.

Inkastoo ay Duq Xaali ka balansaneyd maxkamada maanta dhaceysa ,haddana waa ay ka maqan tahay taasoo sii xoojinaysa tuhunka laga qabo inay ayadu waxan oo dhibaato ahba ka danbeeysay, maqnaashaheeduna wuxuu fursad kale u yahay sii deynta Looyaan.

Marki  ay garsoorayaashu soo galeen ee dacwada la qaaday waxaa ugu horeynba caddaatay in hadalada ay ku kala hadleen Xaali iyo Samiira yihiin kuwa is burinaya.       Qareen Adeel oo xooga saaraya fursadaas ayaa ku nuuxnuuxsaday in sabata ay uga maqnaatey Xaali maxkamadda ay tahay ayadoon u babac dhigi kareyn, kana jawaabi Karin su’aalo badan oo uu weydiin lahaa oo kiiskan ku saabsan, taasoo ay u guuxeen dhammaan garsoorihii iyo labadiisii kalkaaliye.Adeel markii uu su’aalaha ku bilaabay Samiira ayay iska ooysay, waxayna sheegtay in waxaanoo dhan hooyadeed ka mas’uul aheyd, ninka xiran ee Looyaana uusan wax danbi ah laheyn. Inuusan weligiis rakaateyn, kufsan, jirdilin haba yaraatee.

Dacwadiiba waxaa fududeeyay  Samiira , loomana baahan haba yaraatee inay dacwadu sii dheeraato.Waxaana isla goobtii xoriyaddiisii loogu celiyay maxbuus Looyaan.

Liibaan, Luul iyo Ladan, waxaa la yaab iyo filan waa’ ku noqday sida wanaagsan ee bini’aadanimada leh ee ay Samiira u hadashay. Maxkamaddii markii  ay dhammaatey ayaa Liibaan iyo labadiisa xaas soo jeediyeen in Looyaan iyo Samiira ay iyagu dhammaantood is wada raacaan oo ay soo wada qadeeyaan , Samiira waa ay aqbashay casuumaadaas Looyaana isagu awalba wax ma diidaneyn.

Waxay si wada jir ah Liibaan, Luul, Ladan Looyaan iyo Samiira ugu wada mahad celiyeen qareen Adeel Tufail kaalintii uu ka qaatay soo deynta  Looyaan.  Gaari Luul usoo iibisay Libaan oo TODOBA QOF QAAD ah ayaa lagu soo dhacay, waxaana la soo aadey dhanka maqaayad aad u qurux badan oo beer weyn oo indhaha u roon leh kuna taala dhanka galbeed ee magaalada bannaankeeda meel ah.

Isbarasho Samiira iyo Liibaan iyo labadiisa xaas ka dib waxaa hadalka furay marwa Luul oo uu xaajigeeda Liibaan ka codsaday inay hadalka biloowdo. Luul ayaa hadalkii ku bilowday: ‘’Looyaanoow, wixii dhacayba dhace, adduunyadana wax kasta waa dhacaan, gef iyo gardaro iney dhacaan  adduunyadaa u sameysan oo gebigeedba imtixaan ah.Dadka waxaa ugu wanaagsan uguna sharaf badan qofka leh karti wixii xumaan ah ee loo geysto uu ku cafin karo.

 Taasaana lagu liibaanaa aakhiro iyo adduunba. Haddii aan la is cafin, shanteenuba maanta ma wada joogneen! Waxaan halkaan kuwada fadhino waa inaan is wada cafinnay. Adiga maanta waxaa kaa dalbaneynaa anagoo wada jir ah oo reer Liibaan ah, in sidii aan kuu cafinay aad u cafisid xaaskaada Samiira oo aad la’aanteed xabsi ku jiri laheyd saacaddaan.

Samiira waxay ku qilaaftay hooyadeed inay dhibaato kuu geysato. Haddii aaney Samiira qof qalbi wanaagsan aheyna Qareenku kaligiis waxba kuuma qabteen, sidaas awgeed, xitaa haddey jirto dhibaatooyin ku saabsan uurka Samiira , waxaan kaa codsanayaa in maadaama aad hadda adigu ninkeedii tahay aad ilmahaasna kasoo qaadid ilmahaaga oo kale aabbana u noqotid ,xaaskaagana aad saamaxdid.Ogoowna in adduunyadu isa saamaxaaddaas ku dhisan tahay’’

Intii uusan hadlin Looyaan ayaa Samiira hadalka qaadatay oo tiri: ‘’Aniga waxaan ogaadey inaad tahay nin fiican Looyaanoow, ma rabo inaan ku waayo, waxaan balan qaadaayaa in aan wax kasta oo aan sameyn jiray oo xumaan iyo khalad ah ka haro, waxaan rabaa inaan KU LOVE GAREEYO hadda ka bacdi ee PLEASE GIVE ME THE CHANCE’’

Liibaan iyo Ladan marba dhinac ayay eegayaan . Looyaan ayaa hadalkii qaatey,wuxuuna ku bilaabay: ’’Horta dhammaantiin waad mahadsan tihiin ilaaheyna danbigiina adduun iyo aakhiraba ka dhaafo. Waxaan oo dhibaato ah ee lasoo maray anigaa ka mas’uul ahaa, waxba gadaal ugu noqon maayee, qof aannan danbi ka galin idinkuma jiro marka laga reebo Samiira. Waxaan noqday SAAXIIBKII AAD EERSATEEN. Sidaasoo ay tahay anigoon cafis mudneyn ayaad I cafiseen oo aad I saamaxdeen, maanta iima muuqato sabab aan u cafin waayo qof kastoo danbi iga galay.

Aniga danbiga ugu weyn Soddohdey Xaali ayaa iga gashay ,ayaduna waa iga saamax aakhira iyo adduunba. Samiira waxba iima geysan , waa xaaskeyga waana jeclaadey markaan runta idiin sheego, La’aanteedna waxaanba dareemayaa cidlo.

Ilmaha caloosheeda ku jira iyo ayadaba anigaa ka mas’uula waana ilamheygii iyo xaaskeygii. Dhibta ugu weyn ee I heysata waa  arrinka Asad iyo dhaawaca soo gaaray oo aan anigu sabab u ahaa, taas haddaad ila xalin kartaan ila xaliya adinkaa qaraabo, walaal iyo saaxiiba aan ka leeyahaye’’

Farxad baa loo wada dhacay,  waxaa istaagtay Samiira oo  labada dhaban ka dhunkatey iyadoo farxad la ilmeynaysa,  waxayna ku tiri: Waxaad leedahay  Saaxiibo walaalaha ka wanaagsan,  anigu ma xumaadeen, xumaana ma sameeyeen haddaan leeyahay, saaxiib wanaagsan oo talo iyo tusaale I siiya.

Iyadoo ooyeysa ayay tiri: “ Hooyaday waxay eriday  aabbahayo oo jiran, wuxuuna la dhintey ciil iyo murugo, annaga xitaa inaan booqano waa naga dhaarisay,  Walaalahay mid walba gurigeeda iyadaa ka soo saartey,  Aniga iyo Asad  waxbarashada waanu ku fiicneyn, waxaa na baday inaan dib u dhacno, xitaa inaan weynay  daryeelkii waalidnimo, markaannu bannaanka u baxneyna  dhallinyaronimaa na qaaday”

Waxay ka sheekeeysay in dadka qaar u maleeyaan qof kasta oo dibadda joogaa inuu Farxad iyo nolol wanaagsan haysto, taasi waa been, Farxadu waa waalidkaa oo wada jira iyo adiga oo aan welwel iyo walaac qabin, dadkaada oo ku jecel iyo adigoo bulshada dhexdeeda sumcad ku leh,  hanti waxba  ma tarto.

Ladan ayaa aad ula dhacday  maskax badnida Samiira waxayna ku dhiirigelisay in nolosha qofku  gef samayn karo balse uu toosin karo,  maanta waxaad haysataa  fursad ee ninkaada iyo ubadkaada dhaqo, sidoo kale dib u billow waxbarashadaadii, hana  noqon qof quustey.

Waxaa loo ballamey in berri Subax ay u tagaan Asad, lagana raali geliyo dhibka gaarey, Liibaan iyo reerihiisii waxay isu raaceen gurigooda,  Halka Looyaan iyo xaaskiisuna isu raaceen Hotel iyaga oo isku faraxsan.

Waagii markuu beryey ayaa loogu tegay Isbitaal si gaar ah loogu xanaaneynayo Asad, aad buu u yaabay markuu arkay  dad badan oo uu ka garanayo, Looyaan iyo walaashiis oo cuntooyin, Ubaxyo iyo hadyado u wada.

Isagoo yaaban ayaa la wada salaamay  xaalkiisa ayaa la weydiiyey, wejiga dhinac baa daboolnaa oo dhaymo saarnaa, is wareysi kaddib waxaa loo sheegay sida wax u dhaceen, wuu ka garaabey, sidoo kale wuxuu sheegay, in isaga laftiisu booliis u yimaadeen, loona sheegay hadduu been sheego in uu xabsi mudanayo, waayo wuxuu ku dhex jiray laba sanno oo digniin ah, sidii wax u jireen ayuu u sheegay, eeddii oodhana wuxuu dusha ka saaray, Hooyadiis.

Iyadoo booliisku u sheegeen in Hooyadii ay baaritaan ku sameeyeen, ayna dalka ka baxday, wuxuu ku yiri: Lacagtii iyo dahabkii Hooyo oodhan anigaa haya, waxoogaa baan ka cuney, idinka ayaanan idinku aroosinayaa.

Yaab iyo qosol baa ka dhacay,  waa lays cafiyey, waxaana laysku raacay in gabdhihii kalena  la keeno, qoyskana uu waalid u noqdo Looyaan, Hooyadiina maadaama ay baxsatey hantideeda laga daba diro, lagana war hayo, iyada lafteedana la cafiyo.

Looyaan sidaas ayuu reer iyo ehel ku helay, Liibaana halkaas ayuu noloshii labadiisa qoys ku mareeyey, waxaana u dhashay  Wiil iyo gabar mataano ah.Inkastoo marxalado badan la soo marey oo ad adag haddana, noloshu waxay ku laabatey mid farxad badan.

Dhammaad.

Mahadnaq: Waxaan dhamaan u mahadnaqyaa asxaabteyda iyo shacabka Soomaaliyeed intii la socotay sheekadan taxanaha aheyd ee Saaxiibkaan eersaday.Waxaan si qaas ah ugu mahad celinayaa Abwaan  C/rixiin Hilowle Galayr, oo aaney la’aantiis sheekadani shaac baxdeen, isla markaasna soo saarey ,soona tifaftiray.bahda Laashin oo isku duuban.

MAHADSANIDIIN.

W/Q: Cismaan M. Qanyare

 

 

 

 

SHEEKOOYIN