Home Qoraallo Murtidii iyo Maaddii Faarax Gololeey Q: 8AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Murtidii iyo Maaddii Faarax Gololeey Q: 8AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

0
SHARE

Murtidii iyo Maaddii Faarax Gololeey: Q: 8-AAD

“Haddii aan sii ambaqaadno qormadii tixanaha noo aheyd ee aan uga hadleynay.  “Murtidii iyo Maaddii Faarax Gololeey (A.U.N.) Haddaan ku bilaabo sheeka caan ah, waxaa la yiri: maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa uu safar ku tegay dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi. Sida caadada u ah Soomaalidu waxay isugu tagaan meelaha lagu kaftamo, laguna shaah cabo ee loo yaqaan kafateeri ama biibito. Waxaa la yiri: waxaa uu arkay dhowr dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ilaa kontomeeyo gaaraya. Waxaa la yiri: dhallinyaradii ayaa sheeko iyo kaftan dhexmaray, waxaana uu hal walba weydiiyay maxaad meeshaan u joogtaa? Maad waddankii ku laabatid oo aad dhismaha waddanka ka qeybqaadataan waddankii waa dhismayaa waana nabade. Waxaa la yiri: dhallinyaradii hal kasta ee ka mid ah waxbuu sheegay, qaar waxay yiraahdeen, waxaa ii maqan feen maroodi, hal waxa uu yiri: dhowr gaari oo aan sii iib geeyo ayaa iiga dalban Burundiya oo aan sugayaa. Kii ku xiga, waxa uu yiri: anna waxa aan sugayaa inaan debadda u sii dhoofo, oo meelahaas iyo Mareeykan ama Yurub ganacsi ka sii abuurto, sidaa aawgeed waxaan sugayaa ninkii ii so dhammeyn lahaa Viisihii bixitaanka. Kii ku sii xigay asna waxa uu yiri: waxaan sugayaa nin ayaa Dubay alaab iiga soo wada, oo aan rabo, inaan inta ku sii gato, marka alaabtaas iyo ninkaas ayaan sugayaa, oo meel kale ma aadi karo. Kii ku sii xiga ayuu haddana wareysatay misna waxaa uu yiri: anna waxaan sugayaa waxaas iyo waxaas oo nin hebel iyo shirkad heblaayo ii soo wadaan.

Markii nin walba wax uun sheegay, kaftanyahan Faaraxna uu yaabbanyahay, ayaa waxaa lagu yiri: Jaalle Faaraxoow dhallinyarada wareeysi ayaad la yeelatay ee maxaad ku aragtay ama ay ku yiraahdeen, oo ay kugu kordhiyeen? Waxa uu ku jawaabay sheekadan caanka noqotay ee ah:

Nin nin sugaya moogiye nin Illaahay sugaya ku ma arag!”

Waa murti cajiib ah, waxaadna ka garan kartaa, sida ay u qotodheertahay, oo ay muhiim u tahay iyo in Eebbe oo kaliya wax laga rejeeyo, halkii aad isku halleyn laheyd Aadane, waana midda annaga maanta na heysata madax iyo shacabba, oo aan leenahay Qarmada Midoobaay na soo gaar, Yurubeey na soo gaar, Carabeey na soo gaar Afrikaanoow noo kaalay ha na loo kaalmeeyo iyo waan rafaadsannahay, ummaddanaan laga karin war aan Eebbe uun talo saaranno kuna kalsoonaanno, asiga kaliyaa umbaa wax na tari karee, waana taas midda Laashin Faarax ka sii digayo ammin fog Eebbe ha u raxmadee.

Haddaan soo qaadanno sheeka kale oo caan ah waxaa la yiri: waxaa uu safar ku tegay dalka Tansaaniya, gaar ahaan magaalada Daaru Salaam. Markii uu nastay ee uu ka fushaday danihii uu ka laa waddanka, madaxdii iyo ciddii uu u socdana la kulmay ayaa magaalada uu ku soo wareegay, wuxuuna tegay meelaha Soomaalidu ku ganacsato iyo meelaha jaadka lagu iibiyo, markii uu halkaas joogo ayaa wuxuu arkay nin Abgaal ah oo leh Faaraxoow maanta hal jaad ah oo yimid iyo marqaansiika caadi maahan, ee wax wal ii gad iyo nin Isaaq ah oo jaadka iibinaya oo aan Af-soomaaliga aqoon, meeshana ku dhashay oo Sujuu ah. Waxaa la yiri: Faaraxoow meesha maxaad ku soo aragtay? Waxaa uu ku jawaabay sheekdan kale oo la yaabka leh, oo wuxuu yiri waxaan ku soo arkay:

“Abgaal marqaan la dhacdhacaya iyo Isaaq af soomaali la barayo!”

Waa sheeka murti xambaarsan iyo is bedelka waayaha nololeed ee adduunka iyo inaan qofna ahaaneyn waligiis sow ahaan jiray, waana dhacdooyin hadda la arkay in badanoo ka mid ah, sidaa aawgeed, laashin Faarax waxaa uu ahaa mufakir aragti dheer oo aqli badan.

Haddaan soo qaadanno sheeka kale oo isla safarkan Tanzniya ku saabsan, markii uu safarkii dheeraa ee uu dhowrka bil ku joogay bariga Africa ka soo laabtay, ayaa waxaa uu tegay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay markii uu tegay meelihii laysugu imaan jiray ee madaxdu inta badan ku kulmi jireen, ayaa lala kaftamay oo lagu yiri: Jaalle Faaraxoow ka warran Afrika, dhowr bil ayaad ku maqneyde maxaad ka keentay? maxaadse ku soo aragtay? Inta qoslay la dhacay, ayuu mahmahdaan caanka noqotay ku jawaabay, isagoo yiri:

Afrika waxa laga keenaa koor weyn iyo koba waaweyn

Oo uu ula jeeday waxa laga keenaa oo kaliya jubbad ama jaakad weyn iyo koba waaweyn, maadaama ay inta badan qaboow tahay, wuxuuna leeyahay wali la ma arag nin Afrika hanti iyo xoolo ka soo tacbaday, in kastoo xaalku wali sidii yahay haddana waxaad mooddaa, in xoogaay is beddel ahi dhacay, laakin waa hubaal, inaan dal shisheeye hanti iyo heeg wanaagsan laga qaadeyn, lagana keeneyn macnaha muuqaal wanaagsan.

W/D Xasan Cabdulle Calasoow “Shirib maal”

SHARE