XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

                

Qaybtii 29aad                                                                       

 

                                                   CID IS WAYDIISA MA JIRTO!!

La yaabka ayaa wuxuu yahay dunidan in wax walba marka lasoo diyaariyo ay quruxdooda muuqdaan markaana lagu raaxaysto ama lagu faano, balse dhibaatada laga soo maray iyo qaabka loo soo diyaarshay cidi isma waydiiso, waa duni caddaalad daran runtii!!!!!!!!!!!
Mmusa

                                                       MARTIDA

Marti martida ugu wanaagsan uguna xun waa martida aan la filayn!!!!!!!!!!
Mmusa 

                                                        INDHAHA QAARKOOD

Indhaha qaarkood marbaad aragtaa, xusuustoodase kaama go’do waligood!!!!!!!!!!!!!
Mmusa 

                                                    ISKU BUUQIDDA

Isku buuqidda waa dilaaga aamusan, waxayna sabab u noqotaa dhiigaaga oo kaca, wadanahaaga oo xanuunsada, iyo feera xanuun sababa in aad dhimato, sidaa darteed koontarool buuqaaga gudaha.
Mmusa

                                                     LAGA YAABEE

Laga yaabee in aadan ooynayn balse aad dhaawacantahay.
Laga yaabee in aad dareen ahaan ku muujin karto waxyaabaha qaarkood, balse aadan dhihi karin.
Laga yaabee in aadan muujinayn balse aadan danaynayn.
Mmusa 

 

                                        MASKAXDAADA KA SHAQAYSII

Ma ogtahay in waalidiinta ugu yar dunida ay Dadkan yihiin
Aabaha wuxuu awoowe ku noqday Da’da 29, hooyadana 30
Hadaba waxaa lagaa doonayaa in maskaxdaada aad ka shaqaysiisid oo soo saartid hooyada da’da ay ku dhashay sidoo kale aabaha, hadana gabadha ay dhaleen da’da ay ku dhashay.

                                             KOBCINTA MASKAXDA

Ma ogtahay in wanaag wax u fahanku uu qayb wayn ka qaato kobcinta maskaxdaada ee dhanka go’aan qaadashada?
Mmusa

                                                MA OGTAHAY

Ma ogtahay in ay Indonisia ka koobantahay in ka badan 3000 oo Jasiiradood, ayna tahay goobta kaliya ee Dad islaam ah inta ugu badan ku kulmaan?
Mmusa 

                                                   HADALA

Hadalka inta uu afkaaga ku jiro ayaad mas’uul ka tahay, mar haddaad doorato in uu ka baxana, in aad cid ku eedeysaa asluub kuuma ahan.

                                           SIFADA SAAXIIBKA

Waxaa la waydiiyey Xakiim sifada saaxiibka wanaagsan, markaas ayuu sidan u sifeeyey
Hadduu kaa arko wanaag wuu sii faafiyaa.
Hadduu ceebtaada arkana wuu asturaa.
Haddii ay dunida kaa qoslisiisana kuma xasdo.
Haddii ay dunida kaa oohisana kaama tago.
Mmusa 

                                          TARTANKA DUNIDA

Tartanka dunida lagu tartamo mar walba waa mid sababa ama abuura Cadaawad, Dulmi, iyo xad gudub, kan aakhirase uu yahay midka kaliya ee aysan intaas ka dhalan.
Mmusa

                                        HA KU JAHWAREERIN

Ha ku jahwareerin Shaqsiyaddayda iyo dhaqankayga.
Shaqsiyaddayda aniga ayey i matashaa.
Dhaqankayagse in aad wax badan ka barato ayaa kuu wacan, kadib adiga ayaa u madax banaan sida aad igu xukmin lahayd ama igu sifayn lahayd.
Mmusa

                                           AGOONKA

Ma ahan Agoonka kan waalidkiisa ay dhinteen oo kaliya, ee waa kan ka arradan Aqoonta, Adaabta, iyo Akhlaaqda.
Mmusa  

 

                         QURUXDA DHAR LA QAATO MAAHAN

Ma ahan quruxdu dhar la qaato, ee waa caqliga iyo adaabta oo si wanaagsan loo isticmaalo.
Mmusa

                                         GORANYADA

Ma ogtahay in Gorayandu ay gaarto Da’da 75, ilaa 50 sanana ay wax dhali karto?
Mmusa 

                                AFARTAAN SU’AALOOD

Afartaan su’lood is waydiintooda waxay kaa kaalmaynayaan qorshaynta noloshaad.
1 xagee ka taagantahay Nolosha?
2 maxaan doonayaa? (Qorshe)
3 sidee ku gaarayaa waxa aan doonayo? (Hadaf)
4 sidee ku garan karaa in aan gaaray waxa aan doonayo (hadafkayga)
Mmusa

                       XUSUUSNOW SADDEX ARRIN

Marka dhibaato aad maraysid xusuusnow Saddex arrin oo kala ah.
In ay qaddaraneed
In ay ku meel gaar tahay
In ay kugu hogaamim doonto dariiq wanaagsan haddaad sabarkeeda badiso.
Mmusa

                                   IBNU QAYIM

IBNU QAYIM wuxuu yiri “ogow baahida uu qabo kan aad wax ku saddaqeysanayso waxaa ka daran baahida aad u qabto in aad wax saddaqeysato, waxaaa ogaan doontaa maanta maalin aan ahayn”

                           SIFADA QOFKA MA NOQOTO NASABKIISA

Sifada qofka ma noqotio nasabkiisa, qaabkiisa, hantidiisa, ee waxay noqotaa akhlaaqdiisa, tusaala gaaban waxaa kuugu filan Allaha na buurtay marka uu Nabigiisa sifeynayey sifaynta uuu sifeeyey waxay ahayd akhlaaqdiisa isaga oo yiri “” وَإِنَّكَ لَعَلى خُلُقٍ عَظِيمٍ “

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN