Waa Maxay Federal? Q.2aad

Haayow

 

Waxaan ku soo jirnay Qaabka awood qeybsiga United States Of America, taas oo aan aragnay sidda sinnaanta loogu qeybsaday Senetorka, tirada Dadkana loogu qeybsaday Houseka, hadaana waxaa 10 kii sanaba la qabtaa tirakoob guud, kaas oo looga dan leeyahay in la ogaado isbedelka ku dhacay tirada dadka ku nool Gobol kasta, ujeedada laga leeyahay ayaa ah in Gobolki isdhimaa laga jaro tirada Houseka ugu jirta Baarlamaanka, looguna kordhiyo Gobolka ay dadku ku bataan, tasaale ahaan.

 

Gobolada kuraasta helay

Arizona 2008 ki 10kursi, 2012 waxey heshay kursi 11 (Red state)

Florida 2008ki 27kursi, 2012 waxey heshay laba kursi 29 (Swing state)

Georgia 2008ki 15 kursi, 2012 waxey heshay kursi 16 ( Red state)

Nevada 2008ki 5 kursi, 2012 waxey heshay kursi 6 ( Swing state)

S. Carolina 2008ki 8 kursi, 2012 waxey heshay kursi 9 (Red state)

Texas 2008ki 34 kursi, 2012 waxey heshay afar kursi 38 (Red state)

Utah 2008ki 5 kursi, 2012 waxey heshay kursi 6 (Red state)

Washington 2008ki 11 kursi, 2012 waxey heshay kursi 12 (Blue state)

 

Gobolada kuraasta lumiyay

Illinios 2008ki 21 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 20 (Blue state)

Iowa 2008ki 7 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 6 (Swing state)

Louisiana 2008ki 9 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 8 (Red state)

Massachusetts 2008ki 12 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 11 (Blue state)

Michigan 2008ki 17 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 16 (Blue state)

Missouri 2008ki 11 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 10 (Red state)

New Jersey 2008ki 15 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 14 ( Blue state)

New York 2008ki 31 kursi, 2012 waxey lumiyeen laba kursi 29 (Blue state)

Ohio 2008ki 20 kursi, 2012 waxey lumiyeen laba kursi 18 (Swing state)

Pennsylvania 2008ki 21 kursi, 2012 waxey lumiyeen kursi 20 (Blue state)

 

Waxaa halkaa kaaga muuqda in 12 kursi ay waayeen kuwa kuraasta lumiyay, 12 kaa kursina ay heleen kuwa kuraasta ku faa’iiday Dadka ku soo batay, Gobol ka qeylinaaya ma jiro maxaa kuraasteeni loo siiyay Reerka degan Gobol hebel iyo wax la mid ah, waxey sugaayaan tirakoobka dhici doona 2020ka, laakiin inta ka horeeysa waxey Baarlamaanka iyo doorashada 2016 ku yeelanaayaan inta hadda ay haystaan, wax muran ahna kama taagna.

Hadddii Somalia loo qeybiyo Koofurta iyo Waqooyiga oo federal ah, Koofurtana loo qeybiyo seddex maamul hoosaad oo kala ah 1.Jubbada sare iyo Jubada hoose, 2.Banaadir iyo Hiiraan 3.Mudug iyo Bari, kuwaas oo hoos taga Maamul Goboleedka Koofurta, Woqooyigana loo qeybiyo laba maamul hoosaad oo kala ah 1.Sool iyo Sanaag 2.Awdal,Togdheer iyo Waqooyi galbeed oo hoos taga Maamul Goboleedka Wagooyiga, Maamul Goboleedyadana ay hoos tagaan Dowladda Federalka oo meel walba lay joogaan Ciidamo Federal iyo Maxkamad Federal iyo Ciidamada Sirta Federalka (National security) iwm.

 

Gobolka Banaadir waxaan qabaa in loo daayo Gobolkiisa, sidda Washington oo kale, haddii loo baahan yahay Wishington DC ama Distirect of columbia oo kale, waxaa fiican in laga dhigo Degmada Wardhiigley ama Warta Nabada oo ku taal madaxtooyada Dowladda Federalka, ileyn Gobolku waa Gobol ay dad ku dhaqan yihiin kuwaas oo xaq u leh iney helaan mudnaanta la siiyay Gobolada kale, mana aha Federalku inuu dad xuquuqdooda duudsiyo oo lagu yiraahdo deegaankiina waa loo siman yahay, keenana annagaa gooni u leh, taasi waa cadaalad darro meesha ay billaabato in dadka qaar la yiraahdo ku samir in xaqaaga la duudsiyo.

 

Qore Axmed Xaayoow e-mail xaayoow09@hotmail.com

SHEEKOOYIN