Home Qoraallo Hardanka danaha dawladaha iyo han la’aanta dadka Soomaaliyeed W/D: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi...

Hardanka danaha dawladaha iyo han la’aanta dadka Soomaaliyeed W/D: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi (cawaale)

0
SHARE

photo

Hardanka danaha dawladaha iyo han la’aanta dadka Soomaaliyeed

 

Dawladuhu kuma dhisaan waddammadooda  diin-wadaag dulucdiisu tahay dareen caadifadeed, oo aan meel dheer jirin, ee waxaa hoggaanka u haya diinaamiikiyad siyaasadeed, oo lagu jaangooyey danaha waddanka, oo is la badbadaleysa isbaddalka siyaasadahaas. Waxaa la yiraahdaa: “Cadaawad iyo saaxiibtinimo joogta ah ma lahan siyaasaddu, ee waxay leedahay masaalix joogta”marka maslaxaddaas doorsoonto, ayaa waxaa is rogaya xaalka cadawtinimo iyo saaxiibtinimo ee marka labo waddan ama dawlad ka dhex taagan.

Nidaamka dawladnimo ee casriga ah ee maanta dunida ka jira, waxa uu ka soo alkumay heshiiskii caanka ahaa ee loogu magac daray “Heshiiskii Westaphalia”  “Westaphalia peace treaty”. Heshiiskaas waxaa ka horreeyey heshiis kale oo la magac baxay “Augsburg peace” kaas oy saxiixeen hoggaamiye kooxeedyadii ku hoos jiray imbiraadooriyaddii barakaysnayd ee Roomaanka (Holy Roman Empire), taariikhadu marka ay ahayd 1555 A.D. Heshiiska Augsburg waxa ow go’aamiyey in “nin walba dhulkiisa, oow diintiisa ku dhaqo“ cuius regio,euis religio”. Mab’daas waxa uu la mid ahaa ama u dhigmay saameeynta juquraafiyad-siyaasadeed ( sphere of influence)  ee maanta ka jira adduunka.

Heshiiski Westaphalia waxuu soo afmeeray dagaalkii loo yaqaan “ dagaalkii soddonka sano” oo ka dhex aloosnaa amiirradii imbiraatooriyadii Roomanka ( dagaalkaas intiisa badan waxa uu ka dhacay dalka maanta loo yaqaan Jarmalka oo ay ku harddamayeen hoggaamiyo kooxeedyo kala matalayey Kaatooligga( catholics) oo taageera ka helayey Imbiraadooriyadda Roomanka iyo borotastanka (protestants)  oo diiddanaa diktaytarnimada kaniisadda kaatooligga oo iyagana taageera ka helayey Faransiika), iyo “dagaalkii sideetanka sano” ee u dhexeeyey Isbayn iyo Dutchka ama waddanka maanta loo yaqaan “Holland”, halkaas oo ay Holland ku hanatay gobannimadeedii. Taariikhdu marka ay ahayd 1648 A.D ayaa waxaa la saxiixay heshiiska Westaphalia, kadib markii wufuud diblamaasiyadeed oo tira badan isugu timid madashii ey gogsha heshiisku taallay, oo ka dhacaysay magaalada Munster ee mandaqadda Westaphalia ee ka tirsan Gobalka Saxon ee ku taal carriga Jarmalka. Ma cadda xilliga saxda ah ee uu shirku billowday, hase yeeshee, waxaa la qiyaasaa in horraantii sannadkii 1643 ay wufuuddii ugu horreeysay ay soo gaareen madashii gogasha shirku ku goglanayd oo ahayd magaalooyinka Munster iyo Onsbruk ee mandaqada Westaphalia. Diblomaasiyiintii  ku kulantay madashaase oo ka koobneyd boqol iyo sagaal wafdi wax ay kala socdeen oo ay matalayeen lix iyo toban dawladood iyo lixdan iyo lix gobal oo ku hoos jiray imbiraadooriyaddii Romanka.

Heshiiskaasi waxa uu soo afmeeray nidaam dawladeedkii soo jiray muddo ka badan kun iyo shan boqol oo sano, kaas oo ay horkacaysay Imbiraadooriyaddii Romanka, waxaanu dhidibbada u taagay hannaanka dawladnimo ee caalimiga ah ee maanta dunida ka yagleelan, waana kan matoorka u ah xiriirka dawladaha iyo wada-shaqayntooda xilliyada nabadda iyo colaadda. Mabaad’iida ka dhalatay heshiiska Westaphali, saxiixiddiisu waxay ahaayeen: mabda’ madaxbannaanida waddammada ( state sovereignty ); mabda’ danaha qaranka (raison d’etat ama national interest); iyo mabda’ seddaxaad oo ah isu dheellitirka awoodaha (balance of power).

Markii lagu kala dareeray shirkii lagu gaaray heshiiska, waxaa ka dhaqangalay Yurub nidaam dawladnimo oo cusub, kaas oo badalay nidaamkii hore lagu soo dhaqmi jiray muddo badan. Dawladihii ku hartamayey hoggaanka iyo maamulka dhulka Yurub oo ay horkacayeen maamullo diimeedyo markaas jiray, waxay isu badaleen dawlado madaxbannaan oo is siman. Madaxbannaanidu waxay tahay: awoodda aan xaddidnayn ee joogtada ah oo loo dhiibay dadka xukunka waddan hayo; waxayna leedahay labo qaybood oo ah: madaxbannaani ka jirta gudah waddan oo macnaheedu yahay: isticmaalka awoodda qaanuun ee dawladi leedahay iyo xaqa xukuumaddu u leedahay inay quwad  isticmaasho. Dawladihii markay madaxbannaani heleen waxy billaabeen si loo dammaanad qaado jirtaanka dawladnimo ee waddan ama dad leeyahay waa in la sameeyaa siyaasado istiraatiijiyaad lagu salaynayo danaha qaranku uu leeyahay, waddo walbana loo maro sidii danahaas loo ilaalin lahaa waqtidayada nabadda iyo colaadda.

Ayadoo laaga duulayo mabaadii’daas, ayaa dawladaha adduunka ka jira ay isku dayaan in ay sameeyn ku yeeshaan mandaqadda juquraafi-yadeed( geo-political) ee ay ku noolyihiin, ayagoo adeegsanaya awoodaha gacantooda ku jira sida: awoodda adag (hard power) oo ka kooban labo qeybood oo kala ah: ciqaab (stick) iyo abaalmarin (carrot) si loo dhaliyo suluuk ama hab-dhaqan aad rabtid inay la timaaddo cidda aad awooddaada u isticmaalaysid. Waxaa tusaale ahaan loo soo qaataa marka la sharraxayo arrintaas gaari-dameerka oo aad dooneeysid in uu gaari kuu jieedo, waxaad ku hor laalaadinaysaa karooto ushana waad la dhaceeysaa, sidaa daraaddeed, waxaa dameerka damac ka galayo karootada asagoo ka cararaya usha lala dhacaya ayuu soconayaa. Qaabka labaad ee wax loo saameeya waxaa ka mid ah adeegsiga “awoodda dabacsan ama nugul” (soft power or smart power) . macnaha adeegisga awoodda nuguli waxay tahay inaad dadka saameeysid adigoo soo jiidasho ku sameeynaya, oo tusayo wanaaggaada iyo qiiyamta aad leedahay si ay kuu soo raacaan ama ay u taageeraan ujeeddooyinkaada.

Dawladuhu waxay wax ku saameeyaan saddax arrimood: midda hore waa awoodda dhaqaale ee waddan ama dawladi leedahay; taan labaad waa awoodda siyaasadeed ee dawladdaasi leedahay ama heerka ay ka joogta nidaamka caalimiga ee aduunka ka jira, iyo saameeynta ay ku leedahay  hay’adaha dawliga ee maanta adduunka ka jira. Tan sadaaxaad oo ah masaaxada uu ku fadhiyo dalkaas iyo tirade dadka ku nool. In kastoo middan danbe aysan awood badan lehayn, laakiin, waxay ku xiran tahay labada hore oo ayagana xariir adig ka dhaxeeyo oo haddii mid la waayo aysan midda kale taagnaan karin.

Haddaba, side bay hardanka ka dhaxeeya dawladaha ee ku saabsan ballaarinta saameeyntooda ay u wax yeellaysay waddanka Soomaaliya? Ma han la’aanta dadka Soomaaliyeed ayaa hanan kari weeyday haddiyaddii gobannimada? Mise hagardaamada dawaladaha shisheeye ayaa eedda qaadaya?.

Soomaalidu waxay ku maahmaahda: “danti mooge mara dug ah horteed ayuu dhammaadaa!.” Waxaa xaqiiq ah nin dantiisa ilaashan waayey in aysan cid kale u ilaalin Karin. Soomaalidu waxay ku guuldarraysteen in maslaxadaha waaweyn ee waddanku leeyahay la ilaaliyo, oo had iyo jeer laga shaqeeyo sidii maslaxadahaas ilaalintooda loo joogtayn lahaa. Halka ay dhacdo Soomaaliya oo ah meel istiraatija ah ayaa waxay noqotay mid soo jiidata indhaha caalamka, oo ay dawladihii isticmaarku baratan u soo galaan sidii ay u hanan lahayeen gacanta ugu dhigi lahaayeen mandaqadda, taasina waxa ay sababtay in waddanku noqdo meel lagu ciyaaro ciyaarta (chestboardk) oo ku salaysan baratanka iyo loollanka siyaasadda adduunka ka jirta. Dadkii majaraha u qabtay hoggaanka siyaasadda gabannimadii ka dib, u malahayn maayo aqoon durugsan inay u leeyihiin ciyaarta siyaasadda ee khiyaanada iyo labi-wajilaynta ku dhisan, sidaa darteed, waxay ciidan u noqdeen oo safka hore u istaageen ciyaartii ay ciyaarayeen boqarradii ku hartamayey ciyaaraha siyaasadda adduunka, oo danaha waddammadooda ilaashanayey.

Waxay kaloo Soomaalidu ku maahmaahdaa: “Bil saddax sabada waa kaa saartaa sabo kalena kuma geeyso” Siyaasiyiinta Soomaalida hor kacayey waxay noqdeen sida nin bil saddax ah ku dheelmaday oo meeshii uu u socday inta uusan gaarin dhex bahal ku cunay, maxaa yeelay, marka qofku aysan u caddeyn meesha uu u socdo, aragtidiisana ay ceeryaamo saarantahay, waxa uu noqonayaa nin danaha dadyoow kale ilaasha, oo meel lagu buuxsado, hankiisana uusan dhaafin waxa uu dheefsado ama caloosha galiyo. Waata uu gabayga ka miriyey abwaan Candulaahi Suldaan “Timacadde” marka uu la yaabay hammi la’aanta, han xumada iyo dhaqan-doorsanka Soomaalida haystay, oo ay wax asturnaayeen marka maanta loo eego halka la joogo waxa uu yiri:

“Nimankaa muraadkoodi noqday modharka iyo daarta

Nimankaa muggoodii noqday maalin la casuumo

Manfacada waxaa ka mid ah qaar mowdka ku side e’

Waa waxay bixiyaan maraykan iyo madaxada Naato e’”

 

Haddii barigaas Maraykan iyo madaxda Naato la daba ordi jirey maanta wax walba waa cayn-wareegeen, oo waxaa loo baratamayaa hambada dawlado barigaa lagu tilmaami jiray inay naga hooseeyaan ama cadawtinnimadii laga abuuray dadka cunaha wada go’ayn. Waaqica siyaasadda Soomaaliyeed waa ka duwanyahay kii jiray xurriyaddii ka dib, qofka Soomaaliga maanta inuu helo taano ayuu ugu tumanayaa danaha guud ee waddanku leeyahay, waddanimana waxaa badalay maxaa iigu jira wax socda, cadawgii dadka lagu guubaabin jiray inay iska ilaaliyaan,  ayaa caynka u haaya geeddiga siyaasadda Soomaaliyeed, iyo dawalado yaryar (micro-states) oo boorsooyin lacag ka buuxa la ordayo oo yoolkoodu yahay sidii ay uga hortagi lahaayeen horumar ka hanaqaada waddanka.

Markii walaalaha Turkiga oo uu horkacayey Ra’iisul Wasaarii xilligaas talada hayey Reccep Tayib Ordogan ay waddanka yimaadeen, ayadoo markaasi duruufa adag oo bini’aadamnimo ay ka jireen waddanka, waxaa is-badal gabi ahaanba ku yimid muuqaalkii dalka oo ay dunida ka haystay Soomaaliya, waxaana ku soo dhiirraday inay dhulka yimidaan madax badan oo caalamka ka socda, taasi waxay kor u qaadday qiimihii ama rasiidkii waddanka. In kasta aan ognahay in dawladuhu dan la’aan aysan wax ku bixin, ha yeeshee, Turkidu abaal weyn ayey dadka Soomaaliyeed ku leeyhiin, in aan barbardhigno dawlado sida Imaaraadka oo kale oo u soo tafaxaytay sidii loo carqaladayn lahaa wax kasta oo wanaagsan oo laga yaabo inuu dalkan ka yagleelmo. Dabcan wax fiican ma ahan inaan cid ku colaadinno go’aammo caadifad ku dhisan ama aan qolo kale soo dhaweeysanno si indha la’aan ah, hasa yeeshee, waxaa noo caqli darro ah in aan annagoo sadbursanayno aan raalli ka noqonno in waddanku nagu noqdo meel dawlado kale xisaabtooda ku sifeeyaan.

Waxa ay madaxda dalka maanta ka talisa si aan loo meel dayin oo hunguri xumo ka buuxda dhulkii loo siinayaa dawlado aan u qalmin in la siiyo dhul dadka Soomaaliyeed baahi ay u qabaan, oo ay ku intifaaci lahaayeen. Waxaa dhacday in xiligii madaxweyne Shariif la siiyey dawladda Turkig dhul qayb ka ahaa dugsigii sare ee ciidanka badda Soomaaliyeed oo ay ka wadaan hadda dhismaha ay ugu talagaleen in uu noqdo safaaradda waddanka Turkiga, qaybtii kale ee ka soo hartay dhulkii iskuulka waxaa markale la siiyey dawladda Imaaraadka Carabta. Waxaa madaxa isla lagalay labada dawladood oo midba midda kale ku eedaysay in dhulkii safaaraddooda ay soo galeen oo qir iyo qir ay gaartay ilaa markii danbe dawladdu soo dhex gashay oo si tartiib ah loo xalliyey arrinkii, taasi waxay daliil cad u tahay in  gulufka siyaasadeed ee labada dal ka dhexeeyey ee ku aaddanaa is-badalka siyaasadeed ee uu sababay guga carbta seeymihiisi maanta anaga na dul heebaabayaan, si aan loogu dhicin dabinka arrintan wadato waxay u baahantahay xikmad xooggan iyo xeeldheeri siyaasadeed, haddii kale, waxaan waligeen ku meeraysanaynaa meermeert aan lag dhex baxaynin.

Waxaan hadalkayga ku soo ebyeyaa hadalkii hal-kudhagga u ahaa cardinal Rechelieu oo ahaa nin dawladeed, kana mid ahaa dadkii aragtidooda qotada dheer saldhigga u ahayd in la gaaro heshiiska Westaphalia, una ol-oleeynayey in dawladihii ku hoos noolaa Imbiraadooriyaddi Romanka helaan madaxbannaani, ayahoodana ay iyaga ka tashtaan. Waxa uu markasta dhihi jiray “Dawaladdu ma ahan mid waareeysa, badbaadinteedana waa hadda ama waligeed ma badbaadayso”. Waxa aan leeyahay waddanka Soomaaliya ma ah mid waaraya, badbaadintiisana maanta ayey taagantahay, haddii kale, marka la badbaadin waayo ayaan faraha qaniini doonnaa.

W/Q: Cabdiraxmaan Faarax Xaashi (cawaale)

awale31@hotmail.com

 

SHARE