HADDII NIN WADDANI AH LA WAAYO AMA TIRO AHAAN UU YARADO MAXAA XIGI DOONA?! Qore; Anab Diriye

Canab

HADDII NIN WADDANI AH LA WAAYO AMA TIRO AHAAN UU YARADO MAXAA XIGI DOONA?! 
Waxaa hubaal ah in dhibaato badan uu soo maray wadankeennu, welina uusan saldhigan, in kastoo dhibaatadaas dadka oo dhan ay saamaysay, haddana, waxaa dhimashada u badnaa raga, waayoo, waxay ahaayeen kuwa hubaysan, oo iska soo horjeeda.

Waxaa soo martay waqti ay maalintii dhiman jireen tiro aad u badan, waa la mid kuwa baadiyaha jooga, oo sidaas iyo si la mid ah bay isku dilaan, iyagoo isku haysta daaqsin, ceel biyood, xoolo la kala dhacay, aano qabiil iyo wax la mid ah.

Marka haddii raggu uu tiro ahaan ka yaraado dumarka ama la waayo nin waddani ah maxaa ku iman kara waddanka, maadaama raggu lafdhabar u yahay ilaalinta waddanka?

Jawaabtu waxa weeye jiritaanka waddanka wax qiimo ah ma yeelanaayo, waxaana dhacaysa in qaaruumo kale yimaadaan, deegaanna u noqdo waddanka, ka dibna ay guursadaan gabdhaheenna ,ilmaha ay iska dhalaan ee kala midabka, kala diinta, kala dhaqanka iyo kala afka ah ay waddanka nala yeelan doonaan. tiro ahaanna ay soomaalida ka badan doonaan, illeyn wey sii farcamayaane.

Waxaa dhacaysa inay awood u helaan inay talada waddanka wax ku yeeshaan, ilaa ay noqdaan hoggaanka ugu sarreeya ee talada waddanka haya. Umaddaas kala nuuca ah hayb soomaali ma wadanayaan mid kasta wuxuu ku abtirsanaa aabbihii dhalay iyo waddankii uu ka yimid. Tiro ahaan markii ay saas u bataan, waxaa dhacaysa in anagii dhulka naloogu yimid aan raaciye noqonno, oo xukunkooda ku hoos noolaanno.

Waxaa kaloo imaanaysa in  shaqo la’an ku dhacdo qofka soomaaliga ah ama midda ugu liidata aan aan qabanno. Waxaa kaloo jiri doonta in dhaqaalaha ka soo baxa dhulkeenna in nin walba waddankii uu ka yimid u shubi doono.

Waxaa kaloo dhici karta in magaca soomaaliya laga bedelo, oo ay ula baxaan kii ay doorbidaan, halkaasna uu ku dhammaado magaceennii nalagu yaqaannay, si aysan arrinkaasi u dhicin waa in raggu indhaha furan, is jiidjiidkana dhaafaan, xasillooni iyo nabad waarta ka taliyaan, waddaniyadduna waa qaali ee qiimo ha loo yeelo.

 

Anab Diriye

anabdiriye48@hotmail.com

 

SHEEKOOYIN