Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q39AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

 Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q39AAD

Oday Maxaad, muggaan xanaaqii haayay waa daayay, waxuuna ku qancay waanadii Maamma Dahabo, waxuuna si weyn ula yaabban yahay islaantaan uu maqli jiray sama falkeedii, balse aanu moodin in ay saan u tahay qof insaana oo ka duwan dadka kale.  waxaa maskaxdiisu liqi la`dahay in xitaa daawadii Raxmo yareey iyadu bixiso, lacagtii warqadihii duplikaatada ahaana ay iyada bixiso, in baabuurkeeda korya bari loogu socdo,gebertiina iyadu wadatay.  Waxyaabahaas iyo waanadeeda ayaa ku khasbay inuu candhuuftiisa dib u liqo  oo inta dhar bedesho hawsha biya bixinta u guntado. Waana hee kaasuu baaldi biyaha ku dhuraayo.

Kutubo, muggeey aragtay in adoogi isagoon xanaaq ka muuqan daadkii bixihaayo ayay dhinaceeda hawsha ka gashay. Hawshuna waxeey noqotay “Hiddi hoobeey Hiddi hoobeey“.

Warkii reer Maxaad Cali, waxuu jabsaday oodda, waxuuna gaaray meel walba, in reerku mushkilado isu biirsadeen. Meelaha uu warku gaaray waxaa ka mida baadiyaha reerkoodu degen yihiin. 

Maxaad Cali iyo Kutubo, iyagoo saas uga soo fadhiisteen biya bixinta, shaahna dabka saartay Kutubo, ayaa albaabka waxaa ka yeeray KUB KUB KUB cusub, yaa yaah, “yaa waaye waxa xilligaan nagu soo garaacaayo, haddaanba salka dhulka la helnee” Waxa saas leh waa Oday Maxaad Cali oo daal bistiis la ah, oon diyaar u aheyn inuu cid qaabilo xilligaan.

Albaabkuse waa kaas weli KUB KUBta ka yeereyso, waxaa xaggiisa u quntay Kutubo oo lafteedu daal iyo oohin la dhuun go`an, minii albaabka fag la siiyayba waa Oday Maxamuud Cali oo laba neef oo ari ah jiidayo, laftiisuna daal iyo rafaad ba`an ka muuqdo. Hore u soo gudub adeer Xamuud ayay tiri Kutubo.

Xamuud Cali iyo labadiisi neefba waa kuwaa gudaha u soo galay daashkii mininka, Maxaad Cali , usoo dharkii qoynaa iska bedelay ayuu ka soo baxay qolkiisi, minoow soo baxayba waa eebowgiis Xamuud Cali oo dhul dheer kala soo lugeeyay dhowr neef oo ariya,kuwaas oo maanta oo dhan ow la dhex joogay Suuqa Xoolaha, intuuna roobka xoogiisa bilaabana waa iska raqiis gadeeyay, si uu uga soo kudo roobka, labadaan waneeyse waxuu ugu soo tala galay in reerka Walaalkiis lagu quraansaaro, si loogu duceeyo in Rabbi u saqiro mushkiladahaan isu biirsaday.Oday Xamuud Cali, waxuu beeniyay Baqiilnimadi lagu sheegi jiray cidahaan baadiyaha waqooyi ka yimaad.

Kutubo, waa taa dhab u fidisay gudaha qolkii Axmed, rabtii kolkii hore dhabta la dhigi jiray waa qoyaanoo weli ma qalalna, qaboow xoogaa ahna waa jiraa. Waxeeyna walliinjada uga soo bixisay hoosgunti sabarhindiya oo cusub iyo funaanad gacmo gaaba, si uu dharkaan qoyan ay dhogorta ka ureyso isaga bedelo, waana taasoo gaddoon ka tiri odayadi, sharuurna dabka ku tuurtay.

Waa sidii dhaqanka iyo caadadu ahayd in haddii marti timaad  si raysa loo agaasimo, weliba martidani waa mid xil mudan, Kutubo daalkii iyo hawshii hore  iyadoo la taahaysa, haddana  sida haweenka Soomaaliyeed lagu yiqiin waa adkeysatay oo firfircooni hor le ayay la timid, waxayna  dharaartey dheriga si dumaashigeed, qarqaryada iyo qabowga uga ba’o ayay oo uu badar kulul,  shaah macaan oo caraf leh iyo bun ugu subkado.Labadii oday ee walaalaha ahaa waxaa dhexmarey is warsi iyo waayo adduun.

Oday Maxaad ayaa jira : Eeboow mahaad ka timid saa lagu ahaay ?

Oday Xamuud ayaa ku warcelshay, Mahaan ka imid eeboow waa lagu roonaa,  dalkuna waa roobanaay, beeruhu waa baxeen oo badaraa laga filaayey, xooluhuna  naq ayay  joogeen oo caana laga dhammaayey, Geel, Lo’ iyo Eri dhammaantoor waa irmaanaayeen, dhib ma jirin iyo dhiilo colaadeed, dadku waa dhaqmaayeen, dhallintu  dheel iyo dhaqsooliseey ku jireen.Waxaase hee na soo gaaray  war dhankaara ah oo aan la werwerney,  kor waayeelse waa wada indhee, mahaan ubadkii ugama jeeddo,  waxaa lay sheegay in Igaarkii xabsi ku jiryo, adduun badan laydinka dhacay,  waxaa lay sheegay inaad  muggaan shaqo la’aan tahay,  hayntiinina gaabatay,  waxaa arrinkaas isoo gaarsiisay ninkii widaaygaaga ahaa ee  Cali Gaab walaalkiis Cabdulle oo gurigiisa yimid.

Muggaan xuskii Abkoow kaa weynay  gergerkii iyo gacantii aan kaaga baraneyna  waxaa noo caddaatey in xaalku sahlaneyn, mahaasa Reer Oday Cali  wiil iyo gabar kulmeen,  waxaana   lays gaarsiiyey farriinta,  beriga waxaan keenay suuqa,  xoolo badan oo magaciina ku socdhey, Dibi, Awr, Orgi iyo wan midna kama soo tegin, Jawaankaan lacag ah aan soo dhigey  Bakhaartii Ciise Colaad igaarkii abtigaa dhalay, asna muggaan u warramay  beri  aan imaahaa uu dhahay,  Ya Maxaadoow minii tanoo kale dhacdo waa laysu qaylo dhaansan jiree  xaad afka la xiratay ma unukaan walaalahaa ahayn mise waa noo naxariisaydey?

Oday Maxaad  ayaa  indhihiisa ilmo isku soo taagtay farxadeed, xaalkiisa maanta Maammo Dahabo ayuu ku fakaday, oo dawadii gabartiisana bixisay  lacagtii dowladda hoosena ee waraaqahana ka bixiday,  Caawana  waxaa loo sheegay lacag uu guryo iyo ganacsiba ka abuuran karo in dadkiisii ugu soo deeqeen, welina  garab  iyo gurmad usoo socdo.

Oday Maxaad ayaa yiri:Eebooboow, adduunyadaan waa iska imtixaan, waase hee laga baxaa , minii Illaah kuu roonyahay, waana hee saad u maqashay, oo wiilkii Axmed ahaay waa naga xiran yahay, guriga tuugaa naga dhacday, shaqadii waa layga eryay, birigana hee Gebertii Raxmaaheed aa naga jirratay oon hadda milay dhaw Isbitaal ka keenay, saas ayuu ku jawaab naqay Maxaad Cali.

Eeboow, waa runoo wax Rabbi qoray lama celin karo, geberta Rabbi ha noo caafiyo, wiilka arrinkiisana Rabbi ha soo fududeeyo ee eebooboow, Birri subax labadaan neef aan muraadinee wadaado meelaha nooga soo qabo, si aan guriga iyo reerkaba ugu durraamano. Waa warkii adeer Xamuud.

Oday Maxaad  wuxuu kale oo aad ula dhacay  sida  widaaygii Cali gaab uga warbixiyey ee u garab taagan yahay iyo sida dumaashidii colka ula tahay, isagoo raba inuu maqashiiyo,  ayuu dhahay ninkaas Cali gaab ah abaalkiisa waxaan ku gudo ma aqaan,  habeen iyo maalin waa i garab taagnaay, hiil iyo hoona  waa ila socday, haatana waa kan warka idiin soo direy,  ayaanta ma arkine  beri ayaan  raadihaa, ee  Eeboow, bal dharkaan Kutubo kuu keentay gasho oo kabahaanna  illo, fadhiyaan isku warseeynaahe.

Kutubana waa taa iyadoo haadeyso ku soo noqotay ,iyadoo baaquli Murxo ku siddo oo leh, Murxahaan ha la ii jabsho. hadalkiina maqashay kii horena waa maqlaysey,  aad ayay isu canaanatey nafteeda qof wanaag u haya inay  xumaan u haysay, ma sheegi karto waxay samaysay, kamana gaabsan karto oo waa laysku ceeboobaa hadduu beri Odayadu aadaan oo guriga Cali Gaab iyo Oday Hilowle la tago, Cali Gaabna diido inuu yimaad.

Kutubo talaa ku caddaatay intey dheriga karineysay, waxayna ka tashanaysaa, inay iyadu uga hormarto oo raaligelin soo bixiso iyo inay  Oday Maxaad runta u sheegto oo keligiis u tago  arrinka soo xaliyo.

La soco  qaybaha dhiman.

Waxaa qoray:

Xuseen M. Cabdulle “WADAAD“

Huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN