Bidhaanti i bi’isay! Q1AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q1AAD

Wuxuu Baashe sii dhaweeyey walaashiis iyo laba carruura oo ay dhashay oo booqasho ugu yimid, doonayeyna inay u guryo noqdaan halkii ay ka yimaadeen oo ahayd dalka Canada, Baashe ayaa si wanaagsan u ambabixiyey walaashiis iyo carruurta uu abtiga u yahay, wuxuuna cabbaar markii laysku dhegana ee lays nabadgelyeeyey iyaguna ku xeroodeen albaabkii laga gelayay  markey  galeen ee ka libdheen ayuu ka soo dhaqaaqey.

Baashe oo yara degdegsan rabana inuu ku irkado gurigiisii ayaa waxaa ku adkaatey inuu dhakhsonuga dhexbaxo dadka faraha badan ee qaarna dhoofayaan qaarna soo degayaan ee isku curjiyey garoonka dhexdiisa.

Isagoo weli dadkii dhex jibaaxaya ayuu arkey gabadh u dhoola caddeynaysa oo meel boorsooyin la taagan.

Waxa uu markii hore is yidhi, mindhaa waa qof aad garanayso, maadaama marka dumarku aad is bilciyaan inta badan lagu kadsoomo, haddana arag inuusan wejigan ahayn mid uu hore u arkay.

Rag damac kama dhammaadee markuu arkay gabadha heemaalka qurxoon  ee hannaanka  iyo hubqaadka wanaagsan, midabkeeduna u dhalaalayo sida dahabka, jooga iyo jaahana eebbe isku jaangooyey ee jinniyada leh iyo soo jiidashada.

Wuxuu soo dhex jiidhiyo dadka Baashe ayaa yimid gabadhii halkii ay taagnayd, Si qurux badan ayey u gacan qaaday waxaadna moodaa markaad aragto inay ahaayeen dad hore u yaqaanay.

Baashe ayaa hadalka bilaabay oo yidhi: Walaal  miyaad baxaysay mise waad timid?

Bilan ayaa ugu warcelisay: Maya walaal diyaarad baan  soo degay, halkana uma socon ee waxaan ahay Transit, waxaa isoo galay socod degdeg ah markaasan waayay diyaarad toos ah, dantu waxax iyu qasabtey inaan 14 Saacadood diyaarad Transit ah sok raaco.

Baashe ayaa yidhi: Oow 14 Saacadood  wey badan tahay ma haysataa ogolaanshiiyo aad bannaanka ugu bixi karto mise? 

Bilan ayaa tidhi: Haa waan haystaa laakiin xagee baan aadayaa hoteelna ma rabo inaan dego, magaaladana ma kala garanayo. Intaas markay tidhi ayay mar kale u soo taagtay gacan aad quruxdeeda moodeyso kuwii xuuralcaynta oo xine ama cilaan ku xardgabyahay, waxayna ku tidhi: Magacaygu waa Bilan Barasho wanaagsan.

Baashe ayaa yidhi: Anna magacaygu waa Baashe barasho wanaagsan.

Bilan oo kaftamaysaa tidhi: Waan ku farxay aragtidaada ma garanayo sababta waxaadse moodaa sidii qof aan aqaanay inaad tahay!

Baashe oo arrinkaas la dhacay, isaguna raaciyey: Anigaba waxaad moodaa inaad tahay qof aan weligay aqaanay oon si kedis ah u kulanay.

Bilan ayaa qosol yar oo macaan googoysey, kaddibna Baashena waa ku darey. Dadka oodhami waxay moodayaan dad is yaqaanay ilaa yaraantoodi.

Baashe ayaa yidhi: Haddaad joogeyso 14 Saacadood waa berri Subaxnimada 9:00 Subaxnimo inaad duusho, Caawa oodhana halkan ma taagnaan kartid, ka warran haddaad i raacdo 00 aan gurigeyga ku geeyo.

Iyada oo baadhaysa Bilan inuu Xaasle yahay iyo in kale ayay tidhi: Ma xuma walaal ee armaa dumaashiday qalad kaa fahantaa?

Baashe ayaa isaga oo ka armarsanaya yidhi: Haddaan gacaliyahaagu qalad kaa fahmeyn, Anigu weli dumaashida ma cugan dadkana kama aqaanno!

Bilan ayaa  la soo boodey: Oo hadda xaguu gacaliyuhu ii joogaa maanigaaba weligey wax gacloodey.

Baashe oo helay  fursad wanaagsan ayaa yidhi: Wey dhici kartaa inaadan gacloon, waxaanse hubaa in rag badan aad qalbidooda degtay.

Bilan ayaa tidhi: Arrinkaas ma ogi waana dhici kartaa haddiise aan cidna waxba ii sheegan eed miyaan ku yeelan karaa?

Si fiican ayaa loo wada qosley, kaddibna Intaa markii lays weydaarsaday Ayuu Baashe weydiiyey dhib miyaad u aragtaa inaad i raacdo gurugayga? waxaan deganahy Saddex qol qolka martida ayaanna kuu  bannaan.

Bilan ayaa tidhi: Mahadsanid Baashe yaaba iska heli kara wehel iyo martisoor laguu fidiyey, waxayna tidhi ina dhaqaaji.Bilan oo markii hore sidan fileysay ayaa tidhi: Inaan nasiib

Durtaba Baashe wuxuu la booday shandadihii wuxuuna ula dhaqaaqey halkii baabuurkiisu yaallay, hoostana wuxuu iska leeyahay ducadii walaashaa ilaahay waa aqbalay oo waa tan gabadha quruxda badan ilaahay kula kulansiiyey.

Waxaa laysu soo raacay dhankii baabuurku yaalay, Bilan ayaa aagtey, Baabuurka qaaliga ah ee noocii ugu dambeeyey ah ee uu watay Baashe,  markii gudaha loo galay, ayay weydiisay  waa baabuur qurux badan oo haddana  Cusub miyaad soo kireysatay mise adiga ayaa  leh oo ah nin maalqabeen ah?

Baashe ayaa ugu jawaabay:  Maya sooma kireysan maalqabeena ma ihi ee waan iibsaday, saw ma ogid wax kasta oo qiimo leh  la yaqaan in la iibsan karo?

Bilan oo la dhacsan ayaa waxay gashay ammaan iney ammaanto magaalada quruxdeeda ugana sheekayso waddamo badan oo ay aragtey inuu waddankani ka qurux badan yahay.

Wax kaftan iyo sheeko la balxiyaba wuxuu soo istaagay guriguu deganaa, wuxuuna ka furay albaabka baabuurka isago usoo qaaday alaabtii, waxaanay soo galeen gurigii waxaa  uu alaabtii u dhigay qol weyn oo sariir laba nafar ahi taallo, Armaajo iyo dhammaan agabka qof u baahan yahay,  weliba nadiif ah oo caraf badan.

Bilan: Guri nin doob ah degan yahay waxay ka fileysay lama aysan kulmin, wuxuu kala tus tusay guriga wuxuuna u sheegay meesha wax weliba yaallaan.

Bilan oo aad ula dhacsan soo dhaweynta  ay heshay iyada sida wiilkani daacad u yahay ayaa waxaa halkaas uga soo baxay qorshe.

la soco qaybaha kale

W/Q: Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN