Siday Gaalada Krishtaanka ahi isugu dayeen inay Xadaan Nabi Muxammad SCW – Qaybta Labaad

Qaybtii 2aad

Siday Gaalada Krishtaanka ahi isugu dayeen inay Xadaan Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam – Qaybta Labaad –

 

Cumarعمر oo Badda Cas krishtaanka yurub ka mamnuucay

 

Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaabأمير المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب/, Allaha الله raalli ka noqdee, wuxuu gaalada yurub ka mamnuucay inay Badda Cas soo galaan. Sidaas ayayna ahayd quruun badan, oo sooma ayan geli karin.

 

Siday ku timidna waa sidatan soo socota.

 

Markuu Nabi Yacquubيعقوب/, Calayhissalaamu Masarمصر/ soo galay oo uu ugu yimid wiilkiisa Nabi Yuusufيوسف/, Calayhissalaamu oo boqor ka ahaa, waxaa la socday toddobaatan qof oo qoyskiisu ahaa. Markaasaa waxaa la dejiyay meel magaalo madaxda boqortrooyada ku tiil, wabigana xagga bari ka xigtay.

 

Guriga Yacquubيعقوب la dejiyayna waxaa ag mari jiray gacan biyo maraan oo la qoday oo isku xiri jirtay wabiga Niilالنيل\ iyo Badda Cas. Caasimadda boqortooyadana waxaa la oran jiray  طيبةDhiibah, ahna isla magaalada maanta Al Qaahirahالقاهرة/ la yiraahdo.

 

Magaaladaas waxaa markeedii hore la oran jiray ممفس Memphis, oo ahayd, siduu u tebiyay Encyclopaedia of Islam and the Muslim World mujalladka koowaad bogga boqol iyo shan iyo toban iyo lix iyo toban uuna daabacay MacMillan Reference USA-Thomson-Gale laba kun iyo afar New York.

Kitaabkaasu wuxuu yiri:

“Memphis waa kuwa ugu fac weyn oo ugu horreeyey beel la dego, lana degey shan kun oo sano ka hor dhalashada Ciiseعيسى\, Calayhissalaamu.

Markay ahayd qarniga tobanaad ee Miilaadiga ayay boqortooyadii shiicada Faadhimiyiinta الفاطميين\ ahayd ee ka dhisnayd waxay ka dhistay Qasri iyo guryo la socda oo uu darbi ku wareegsan yahay, sida qalcad oo kale, oo la yiraahdo “Al Qaahirah Al Mucizziyya القاهرة المعزية “. Taasi waxay ahayd, waana intuu darbigu ku wareegsan yahay, magaalo qurux badan oo aan loo oggolayn inay soo galaan cid aan qoyska boqortooyada ka mid ahayn, waxaana lagu soo geli karay bixinta oggolaansho gaar ah oo keli ah.” Waa intaas warka  kitaabkaas oo Qaahiraالقاهرة\ ku saabsan.

 

Magaalada Bejin, casimada shiinaha waxaa ayaduna ku taalla qayb ka mid ah oo la oran jiray “The Forbidden City” oo ah “Magaalada geliddeeda aan la oggolayn”, oo khaas u ahayd qoyska boqortooyada, aanna loo oggolayn inay cid kale gasho.

 

Kanaalkaas isku xirayey Qaahiraالقاهرة\ oo wabiga Niilالنيل/ saaran iyo Badda Cas qiimo wayn ayuu lahaa ayadoo badeecadaha laga keenay Makkahمكة\, Yamanيمن\, Baabilبابل\ iyo dalka Puntبنت\ (Somaaliya) sidaas Masarمصر\ lagu keeni jiray.

 

Badeecadaasna Masarمصر waxaa looga sii qaadi jiray dalalka kale oo loo wado. Ganacsigaas waxaa xarun u ahayd magaalada Cadanعدن\ ee Yamanيمن\.

 

Marka badeecadahaas xeebta Masarمصر ee Badda Cas la keeno ayaa waxaa maraakiibta sidday looga rogaa doonyo wabiga ku habboon oo loogu tala galay. Markaasaa waxaa dariiqaas wabiga lagu geeyaa magaalada Al Iskandariyyahالأسكندرية/ oo Badda Cad ee Dhexe ku taalla.

 

Halkaasaa badeecadahaas markaas waxa lagu raraa maraakiibta badda oo la geeyaa dalalka xeebaha baddaas ku yaalla, sida boqortooyada Roomaanka, Griigga, Furus, Turkiga Suuriyaسوريا\, Falasdhiinفلسطين, Fransa, Spain, iyo kuwo kaleba.

 

Marka kanaalkaasu wuxuu isku xiri jiray Badda Cas iyo Badda Cad ee Dhexe ee Mediterraneo. Gaar haan wuxuu kanaalkaasu muhim usii ahaa ayadoo ay dhulka Suuriyaسوريا burcadnimo ka dillaacday, oo ay sidaas ku hadidmeen tijaaradii iyo ganacsiga isaga gooshi jiray Aasiya, Afrika iyo Yurub.

 

Sidaasey Cadanعدن\ xarun ganacsi oo weyn ku noqotay. Boqorrada Yamaneednaيمن\ waxaa la oran jiray  مكربMakrab, sida kuwa Masar فرعون  Fircoon loo oran jiray, ama kuwa Falasdhiin أبي مالك Abiimaalik loo oran jirayba. Sidaas ayaa waxaa isugu xirmay Badda Cas iyo midda Cad, oo gacankaasu wuxuu hayey shaqada uu hadda hayo biyamareenka Suwezسويس, oo quruun dabadeed la dhisay.

 

Kanaalkaasuu wuxuu wax tar lahaa markay wabiga Niilالنيل\ biyo badan ku jiraan, oo ay markaas isagana biyo soo galaan, oo markay biyaha wabigu hoos u dhacaan kanaalku waa qallali jiray oo doonyo ma mari karin. Quruun badan kaddib kanaalkaasu wuu duugmay, oo qiyaas afar boqol oo sano ka hor dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ayuuba wada duugmay.

 

Waynaanta dareenka Cumarعمر\

 

Markii la joogay khilaafadi Cumar عمر\, Allaha الله raali ka noqdee, sanadkuna ahaa kow iyo labaatan Hijriga, Masarna ay ka mid noqotay Dawladda Islaamka, ayaa guddoomiyaha gobolka Masar, Camr bin Al Caas عمرو بن العاص/ wuxuu ka war helay jiritaanka kanaalkaas magaaladaالقلزم  Al Qulzum (waana magaalada manta la yiraahdo Suwaysسويس/) ee Badda Cas ku tiillay iyoعين الشمس  Caynu Al Shams ee Qaahiraالقاهرة\ ka mid ah isku xiri jiray.

 

Camr عمرو wuxuu u baahday qof u tilmaama meeshuu gacankaasu ku yiillay, waxaana tusay nin krishtaan ahaa, kaasoo uu isaguna uga abaalguday inuu ka rido jizyaduu bixin jiray.

 

Camr عمرو markuu kanaalkii helay wuxuu warqad u dhigay Amiiru Al Mu’miniina Abuu Xafs Cumar bin Al Khadh-dhaabأمير المؤمنين أبو حفص عمر بن الخطاب\ oo xaruntiisu Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ ahayd, isagoo oggolaansho weydiisanayaa inuu gacankaas ciidda ka saaro si ay doonyuhu u maraan.

 

 

 

Cumar عمر codsigiisaas wuu diiday, isagoo warqad ugu soo dhigay:

“Kanaalkaas dib loo furi mayo, maxaa yeelay haddii la furo waxaa gaalada yurub deggan u suurtoobeysa inay soo gaaraan Badda Cas, markaasna ay jidka ka gooyaan muslimiinta dooneysa inay Xajka gutaan.”

 

Sidaas ayuuna Camr bin Al Caas عمرو بن العاص uga haray dib u qodidda biyo mareenkaas isku xiri jiray Badda Cas iyo Badda Cad ee Mediterraneo. Sidaas ayaana gaalada looga reebay inay soo galaan Badda Cas.

 

Siduu dareenka Cumarعمر\ dhab u noqday

 

Dareenkii Cumar bin Al Khadh-dhaabعمر بن الخطاب\ wuxuu dhaboobay in ka badan lix boqol oo sano kaddib dhimashadiisa, Allaha الله u naxariistee.

 

Markuu sanadku ahaa shan boqol iyo sideed iyo konton Hijriga, una dhiganta kun iyo boqol iyo labo iyo sideetan Miilaadiga, ayay gaaladii yurub waxay dejisteen qorshaha ah inay Badda Cas qabsadaan oo gacanta ku dhigaan, ayna qalbiga islaamka weeraraan ayagoo ku duulaya Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\, Allaha الله Wayni sharaftooda sii kordhiyee.

 

Markaasey inta xeebta Falasdhiinفلسطين/ ee Badda Cad ee Dhexe ee Mediterraneo yimadeen ayay halkaas doonyo ku sameeyeen, oo inta doonyahaas furfureen waxay kusoo rareen awr dushood. Sidaas ayay arliga Falasdhiinفلسطين\ kusoo gooyeen ilaa ay ka yimaadaan Gacanka Caqabahخليج العقبة/. (Al Caqabah العقبة waa magaalo ku taalla manta arliga Urunالأردن\ oo gacankaas ku taalla: anigu waa tegay oo markaad halkaas joogtid waxaadna indhahaaga ku arkaysa gaadiidka socda ee magaalada Israa’iil ee Eylatأيلاة ayadoo uu gacanka biyuhu labadoodaas u dhexeeyo! Waa dhul yaryar oo isku wada dhow)

 

Markaasey maraakiibtay soo furfureen hadana isku xirxireen oo isku rakibeen. Kaddib waxay halkaas ka weerareen dekadaha Masarمصر\ ee Badda Cas ku yiillay.

 

Maraakiibta krishtaanku waxay kaloo weerareen maraakiib ganacsi oo muslin leeyahay oo u kala goosheeysey Jiddahجدة\, Cadanعدن\, Yamanيمن\ iyo Hindiya.

 

Sidaas ayay waxay ku weerareen oo ay dadkii saarnaa dileen, xoolihiina ka dhaceen, maraakiibtana u gubeen qiyaas lix iyo toban markab oo ganacsi.

 

Dekadda Caythaabعيذاب/ oo xeebteeda ku tiillay kana soo horjeedday Jiddahجدة\ waxay ku weerareen markab xujay siday oo Jiddahجدة ka yimid.

 

Meel u dhexeysa laba dekadood ee قوص Qaws( oo maanta ku taalla dalka Masarمصر\, gobolka Qinaaقنا\, magaalada Qinaa-naالقاهرة\ u jirta shan iyo soddon kilomitir) iyo عيذاب Caythaab (oo manta ka mid ah Suudaanالسودان\ una jirta saddex iyo soddon kiilomitir dekedda Port Sudan) waxay ku qafaaleen xujay aad u fara badan, dhammaantoodna way dileen.

 

Waxay kaloo qabsadeen labo markab oo ay saaran yihiin badeecado laga keenay Yamanيمن\, waxayna dekadahaas ka qaateen qamadi loo waday labada Xaram ee Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\.

 

Gaaladii maraakiibtaas saarnayd waxay ku kacday waxyaalo aan kuwo la mid ah la maqal tan iyo intii islaamku dhashay. Awoodaas gaaladu waxay ku heshay ayagoo hubaysnaa oo dagaal kusoo talo galay, weerarayna dad rayd ah oo xujay iyo ganacsato ah.

 

Markaas kaddib ayay waxay gaaladii doonyohoodi ku xirteen xeebta Xijaazالحجاز\ ee Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\, magaalada Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ku beegan oo u dhow.

 

Cumarعمر\ wuxuu oggolaaday in dib loo qodo gacankaas inta u dhexeysa Qaahiraالقاهرة\ ilaa Suwezسويس\, si halkaas looga soo raro qamadiga Masarمصر\ oo la keeni jiray dekadda Al Madiinahالمدينة\ oo la oran jiray الجارAl Jaar.

 

Gacankaas isku xirah Qaahirahالقاهرة\ iyo Badda Cas waxaa la oran jiray Gacanka Taraajaanخليج ترجان/ (Golfo di Troiano), waxaana asalkiisa dhisay Fircoonka la oran jiray Nakhawنخو/. Wuxuuse Cumarعمر\ diiday in dib loo qodo gacankaas intiisa isku xira Qaahirahالقاهرة\ iyo Badda Cad ee Mediterraneo, si ayan krishtaanka yurub halkaas uga soo gelin Badda Cas.

 

Warkaanna waxaan kasoo qaadannay kitaabka la yiraahdoالبحرية في مصر الإسلامية  Al Baxriyyah fii Misr Al Islaamiyyah ayna dhigtay Al Doktoorah Sucaad Maahirالدكتورة سعاد ماهر/, bogaggiisa ay ka midka yihiin afar iyo afartan, lix iyo lixdan iyo boqol iyo shan, laguna daabacay Wazaaratu Al Thaqaafah Daaru Al Kaatib Al Carabii Lildhabaacah wa Al Nashr Qaahirah Masar sanadka Miilaadiga ah ee kun iyo sagaal boqol iyo toddoba iyo lixdan.

Sucaadسعاد\ waxay warkaas kasoo qaadatay intiisa badan Al Maqriiziالمقريزي/. Waxaa kaloo wariyay Taariikhu Al Dhabariiتاريخ الطبري/ iyo Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaarعبد الحميد جودة السحار/ oo ku wariyay kitaabkiisa Muxammadun Rasuulu Allaahiمحمد رسول الله\, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, mujalladka labaad bogga laba boqol iyo toddoba iyo mujalladka saddexaad bogga afar iyo lixdanaad.

 

Ujeedad krishtaanka

 

Al Doktoorah Sucaadالدكتورة سعاد waxay tiri:

“Al Qaadii Al Faadilالقاضي الفاضل\ wuxuu kitaabkiisa uu dhigay ku sheegay, ayna kasoo guuriyeen Abuu Shaamahأبو شامة/ (oo ahaa Shiikha Imaam Al Nawawiiالإمام النووي/) iyo ibnu Asalإبن أسل\ inay ujeedada krishtaankaasu ahayd (oo uu Cumar bin Al Khadh-dhaabعمر بن الخطاب\ Badda Cas uga reebay) labo:

 

(Kow) Inay dariiqa ka gooyaan xujayda usocota inay xajka soo gutaan, qalbiga islaamkana ay weeraraan, ahna labada Xaram iyo Qibladooda.

 

(Labo) Inay Cadanعدن\ qabsadaan, oo ah albaabka koofureed ee Badda Cas, ayagoo hore usoo qabsaday albaabkeeda waqooyi oo ahaa أيلة Iilah.

Waxay sidaas ku xukumi lahaayeen ganacsiga Badweynta Hindiya iyo Bariga Fog, inta cadawgooda ahna ay ka reebaan Badda Cas.”

 

Maantana waa isla sidii oo kale oo uu batrool u dheer yahay, dhuumihiisa sidana ayba Badda Cas yimaadaan qaarkood oo halkaas maraakiibta krishtaanka looga raro, loona dhoofiyo dalalka yurub iyo qaaradda Ameerikaba iyo Afrikada galbeedba.

Maantana maraakiibta NATO oo ku sugan Badda Cas ayaa dayuurado iyo sawaariikh ku weerara dalalka carabta, hadba midkay doonaan.

 

Qorshaynta qaadashada jirka Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam

 

Waxay gaaladu qorshaysteen inay jirka shariifka ah ee Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, qabrigiisa kala soo baxaan oo ay yurub u qaataan, ayna halkaas ku duugaan, oo markaas qofka muslinka ah oo doonaya inuu soo booqdo ay lacag ka qaataan, oo qof aan lacag bixini uusan soo ziyaaran karin.

 

Markaas ayaa warkaasu wuxuu gaaray suldaankii islaamka ee ahaa Salaaxu Al Diini Al Ayyuubiiصلاح الدين الأيوبي/, oo magaciisu ahaa Yuusuf bin Ayyuubيوسف بن أيوب/, naaneystiisuna ahayd الملك المظفر “Boqorkii Guulaystay”, una dhashay dadka la yiraahdo kurdiyiinta.

 

Suldaankaanu waa isla isaga krishtaanka ka  qabsaday magaalada barakaysan ee Quddusالقدس/ sanadka shan boqol iyo saddex iyo sideetan Hijriga oo ka xoreeyey oo ka saaray.

 

Markaasuu ninkii ku xigeenkiisa uga ahaa xukunka Masarمصر\, magaciisuna ahaa Sayfu Al Dawlah bin Munqathسيف الدولة بن منقذ/ ayuu wuxuu ku amray inuu cadawgaas uu ka daba diro amiirka magaciisu ahaa Xisaamu Al Diini Lu’lu’ Al Xaajibحسام الدين لؤلؤ الحاجب/, una dhashay dadka la yiraahdo Armeeniyiinta oo maanta dega dalka Armeniya la yiraahdo (Oo waagaas Armenia waxay ahayd dawlad muslin ah, maantana waa krishtaan!).

 

Markaasuu intuu ka daba tegey uu marka horeba maraakiibtay uga tagteen Iilahأيلة/, oo ku taalla gacanka Al Caqabahخليج العقبة\ ee arliga Falasdhiinفلسطين\, gubay, oo krishtaanku markay halkaas yimaadeen oo ay maraakiibtay awrta soo saarteen isku rakibteen ayay dadkii meeshaan degganaa biyahay cabi jireen ka hor istaageen inay soo aroortaan.

 

Amiir Xisaamحسام maraakiibtoodii ayuu burburiyay oo uu kaddibna dab qabadsiiyey, gaaladii saarneydna wuu qafaashay. Kaddib wuxuu ka daba tegey gaaladii ku duushay magaalada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuuna ka daba tegey ayado ay Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة/ u jirto inta maalin keli ah loo socdo.

 

Tirada gaaladaasi waxay ahaayeen saddex boqol iyo xoogaa, waxaana ku biiray Carab reer miyi ah oo murtadiin noqday oo islaamka ka baxay. Markuu Lu’lu’ لؤلؤ ka daba tegey oo uu gaaray Carabtii way ka carareen, qaarna wayba  u tageen si uu maal u siiyo, ayadoo uu Lu’lu’ لؤلؤ maal badanna bixiyey ilaa uu warammada fooddooda suray koobab qalin ah.

 

Markay Carabtii sidaas uga carartay ayaa krishtaankii waxay ayaguna ku carareen buuraha dushooda, buurahaasoo tafiddoodu dhib badan tahay. Markaasuu Lu’lu’ لؤلؤ isagoo toban nin wata buurihii ka daba tafay oo uu weeraray. Markaasay isu dhiibeen, kaddib markay tabartoodii yaraatay, geesinnamdoodiina ay dhammaatay.

 

Markay is dhiibeen intuu xargo ku xirxiray oo uu maraakiibtiisa soo saaray ayuu Qaahiraالقاهرة\ keenay.

Maalintaas Qaahira القاهرة\la geeyey waa loo soo baxay oo waxay ahayd maalin caan ah. Kaddibna waxaa loo dhiibay suufayadii Al Iskandariyyahالإسكندرية/, kuwaasoo dilay.

 

Lu’lu’ لؤلؤ laba nin oo kuwaas ka mid ah wuxuu marka hore geeyey Minaمنى/, halkaasoo lagu gawracay, sida loo gawraco hadyiga Kacbadaالكعبة\ loo hibeeyo.

 

Gaalkii burcaddaas krishtaanka ah soo diray, oo dalka laga soo diray xukumay, isaga magaciisuna ahaa Arnaadhأرناط/ wuxuu ku dhaartay inuu Salaxuddiinصلاح الدين\ dilo, umase ayan ahaan. (Aryaadhأرناط waxaa gacantiisa ku dilay oo seef madaxa uga gooyey Salaaxu Al Ddiin Al Ayyuubiصلاح الدين الأيوبي\ markuu Al Qudusالقدس\ gaalada ka xoreeyey.

 

Markaasuu boqorrada krishtaanka khaymad wayn isugu keenay oo ku shirayay, kaddibna intuu isagu khaymaddiisa galay ayuu أرياط Aryaadh (oo ahaa boqorka dawladda beesha magaalada الكرك Al Karak oo manta dawladda Urdunأردن\ ka tirsan) in loo keeno amray.

 

Markii loo keenay wuxuu ku yiri:

“Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam anigaa daafacaya, dambigaad ka gashay ka tawbad keen oo islaam” gaalkuna uu diiday inuu islaamo.

 

Markaasuu intuu seeftiisa qaatay madaxa ka gooyay, oo intuu madaxiisa saxan saaray ayuu amray in boqorrada kale oo gaalada ah loo geeyo. Markay arkeen madaxa Aryaadh أرياط way wada argagexeen, wuxuuna ku yiri:

“Anigaa madaxa ka gooyay maxaa yeelay wuxuu caayay Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam.  Mid kastoo adinka idinka mid ahna hadduu falo wuxuu isagu falay sidaan isaga u galay ayaan u gelayaa”).

Warkaanna waxaan kasoo qaadannay kitaabka la yiraahdo Al Baxriyyah fii Misr Al Islaamiyyahالبحرية في مصر الإسلامية ayna dhigtay Al Doktoorah Sucaad Maahir, bogaggiisa ay ka midka yihiin afar iyo afartan, lix iyo lixdan iyo boqol iyo shan.

 

Ibnu Jubayrإبن جبير/

 

 Al imaam ibnu Jubayr (Abu Al Xusayn Muxammad bin Axmad bin Jubayr Al Kinaanii Al Andalusii أبو الحسين محمد بن أحمد بن جبير الكناني الأندلسي caalinka fiqiga iyo Xadiithka wuxuu ku dhashay Valensiya ee dalka Sapniya, 539 H/1144M, waxaana la oofsaday 615 H/1217M. Wuxuu galay saddex safar  oo tan ugu dheer uu saddex sano socday: 578H/1182M ilaa 581 H/1185H.

Kitaabkiisana waxaa la yiraahdaa Rixlatu Ibnu Jubayrرحلة ابن جبير.

 

 

 

 

 

Al Khayyaariiالخياري\ wuxuu yiri:

 

”Kitaabka Rixlatu Al imaami ibnu Jubayrرحلة الإمام إبن جبير\ wuxuu wariyay wuxuu xarfiyan naskiisu yahay:

 

”Khabarka ugu fiican waxaa weeye inaan markaan Al Iskandariyahالإسكندرية\ nimid bisha aan taariikhdeeda soo sheegnay ee sanadka shan boqol sagaal iyo toddobaatanka aan aragnay dad fara badan oo isku yimid (una soo baxay inay indhohooda ku arkaan rag roomaan ah oo qafaal ah oo beledka lasoo geliyay ayagoo awr saaran ayagoo wajiyadoodu xagga saymaha geela u jeedaan (waana xagga dambe) hareerehoodana durbaanno iyo buuqyo lagu tumayo laguna afuufayo. Markaasaan dadka wareysannay qisadooda, waxaana naloo sheegay khabarka amar ay beerarku u googo’ayaan naxariis iyo caro, taasoo ahayd inay koox krishtaanka Shaamالشام\ ah ay isu tageen oo ay ku sameeyeen maraakiib meesha ay ayagu leeyihiin oo ugu dhow Badda Qulzumبحر القلزم/ (Badda Cas). Markaasay qaybaha maraakiibtaas kusoo qaaden awrta carabta ayaga deriska la ah oo ay kasoo ijaarteen ayna ijaarkaas kula soo heshiiyeen. Markaasay markay xeebta badda yimaadeen qaybihii maraakiibtaas ayay musbaarro iskula qabqabteen oo isku rakibeen, oo ay markaas badda ku rideen. Markaasay badda ku socdeen oo xujayda doonyaha saaran oo xajka u socota dariiqa ka gooyeen, waxayna gaareen Baxru Al Nicamبحر النعم/ (oo waxaa magacaas la oran jiray daanta galbeed ee Badda Cas oo qoysa Masarمصر\, Suudaanالسودان, Eritrea iyo Jabuuti). Markaasay halkaas ku gubeen qiyaas lix iyo toban markab. Kaddibna waxay tageen Caythaabعيذاب/ halkaasoo ay ku qabsadeen markab xujayda ka keeni jiray Jaddahجدة\.

Barrigana waxay ku dheceen xujayda ka timid Qawsقوص/ oo Caythaabعيذاب/ u socday, dhammaantoodna way laayeen.

 

Waxay kaloo dhaceen laba markab oo badeecado ganacsi ah ka keentay Yamanيمن\, waxayna xeebtaas ku gubeen cunno fara badan oo loo waday Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\ Ilaahay الله labadoodaba Cizziعز\ ha siiyee.

 

Waxay la yimaadeen oo faleen waxyaalo aad u foolxun oo wax la mid ah aan islaamka dhexdiisa hore loogu maqal. Argagaxaygu intaas kuma ekeyn, ee waxaa ugu waynaa dhacdada dhagaha awdaysa xumaanteeda, taasoo ahayd inay u keceen oo doonayeen inay magaalada Rasuulka Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam galaan oo ay qabrigiisa barakaysan kala soo baxaan: taas ayayna faafiyeen oo ay carrabyadoodu ku dhawaaqeen.

 

Markaasuu Ilaahay الله ku qabtay siday ugu Isaga ugu dhiiranaadeen, ayna isi siiyeen wuxuu Qadarku kala dhex gelayo ayaga iyo waxay doonayeen.

 

Markay Jaddahجدة\ u jirto in aan ka badnayn maalin socod, ayuu Ilaahay الله colaaddodaas wuxuu ku awday oo ku celiayay maraakiib ka timid xagga Masarمصر\ iyo Al Iskandariyahالأسكندرية\ uuna saaran yahay Al Xaajibuالحاجب/ midka la yaqaanno.

 

Markaasuu isagoo wata askar badmareenno ah oo Morokkaan ah ayuu raadiyay, markaasay cadawga ka daba tageen ayagooba ku sigtay inay fakadaan. Markaasaay dhammaantood qabqabteen. Taasna waxay ahayd Aayad ka mid ah Aayaatka Al Jaabbaaruالجبار/ siduu u ilaalinayo, waxayna ka daba tageen muddo dheer dabadeed, oo waxaa u dhexeeyey zaman ku siman in bil ka badan ama meelahaas. Markaasay dileen.

 

Koox ka mid ah qafaalkana waxay u direen beledyada (islaamka) si halkaas loogu dilo. Qaarkood waxay u direen Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\.

Ilaahay الله wanaagga ficilkiisa ayaa islaamka iyo  muslimiinta uga filnaaday amar weyn, wa al xamdu li Allaahiوالحمد لله\.” Waa intaas warkiisu.

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\

10 Ramadaanرمضان 1438 H / 5 Juunyo 2017

SHEEKOOYIN