Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q40AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q40AAD

Kutubo, waxaa loo jabshay murxihi shadoorka ahaa oo ay la haadeysay, waxeeyna dib ugu noqotay Jikadeedii, si ay hawsheedii ama waajibkii saarnaa u gudato, fadhi uma yaal kol hadduu Oday Xamuud Cali u fadhiyo.

Oday Maxaad iyo Oday Xamuud, waxeey si hoose u galeen is wareysigoodii guud iyo kii gaarba. Oday Maxaadna waxuu ogaaday inuu leeyahay walaalo iyo ehel uu ku tashan karo, taas uuna markii hore maanka ku heyn. Waxuu ku celcelshaa mug walba Rabbiyoow dad la’aan ha na dhigin, walaalo jiro. Mugmugna ilmaa indhahiisa ku soo hibiqleeyso.

Odayadu iyagoo weli halkoodii fadho ayaa Kutubo ku soortay , Bun Sharuur Sixin lagu dubay, Cambuulo Falfalliir ah lagu tooray, (Falfalliirya fuud abeeso isku fuuqe meel fadhiiso). Soor Galleey caddeeey ah oo maraqya hilib wadato, kaddibna caana dhaaya oo lo’aad iyo garoor ayay ka dherjisay odayadii.

Muggii hee is wareysigiina dhammaaday, badarkiina laga gacmo tirtirtay, ayaa lagu ballamay in waaga muggoow beryo laga hawl galo hawsha midda dhiman ee ah muraadinta Xoolaha, saasaana lagu kala hoyday.

Oday Maxaad iyo Kutubo, iyaga hawshoodu ma dhawa, waxaa horyaal waa iswareysi ku saabsan xaalka Gabadha Raxmo iyo waxa helay iyo hawshaan kale ee cidda ku soo korortay sida laga yeeli lahaa.

Muggii ay qolkoodi galeen, waxaa oohin la dhacday Kutubo, taasoo ah mid farxadeed iyo is ciilkaambinba. Waa mare waxeey la kulantay wax aaneey marnaba ka filin reer Cali ineey u soo gurmadaan oo weliba sidaan weyn ugu soo birmadaan cidda. Taas oo ahayd oohin farxadeed. Midda isciilkaambintaa waa sida ay ula dhaqantay Odaygeeda wadaaygiis Cali Gaab, iyo weliba iyadoo isaga ula dan leh wixii ay u geeysatay ama qabsaday gabadheeda. ”God sireed ha qodin Haddaad qodana ha dheereyn Ku dhici doontidaa ma ogide”. Waa taa shabaqii ay Cali Gaab u dhigtay gabadheedii ku dhacday. Waxeey garawsatay in Cali Gaab ay ka gardaran tahay, isagana uu yahay Barii aan shaqa ku laheyn tuhunka ay ku weerareyso. Weliba cabsi adag ayay ka qabtaa Oday maxaad , maadaama ay iyada dayacday gabadha.

Oday Maxaad, muggoow arkay oohinteeda ayuu weydiiyay waxa helay, waxuuna yiri: Aabaayeey, xaa ku helay ood la ooyee?

Waxeey sii gurtay fiqfiqdeeda, ilmaduna waa ka shababaqleedahay, warna ma leh. Oday Maxaad aa u soo dhawaaday madaxana gacanta ka saaray isagoo ku celshay ”aabaayeey aamus bal”. Weli iyadoo sidii u sii fiqfiq leh ayay madaxeeda xabadka ka saartay Oday Maxaad Cali, isagana waa kaa mar labaad gacanna madaxa ka saaray, gacanta kalena garabka sidii canug la tumay oo haddana la sasabaayo, haddana waxuu ku celshay: bal aamus.

Kutubo, Muggeey aragtay in odaygu degen yahay ayay sariirta salka saartay, odayguna agta ka fadhiistay, muggaaseey tiri ” Eeboow i cafi”,inta ay waxyar aamustay ayeey raacisay ”waxaan cadaawad iyo colaad u qaaday Cali Gaab oon u heystay inuu isaga ka shaqeyeeyay dhexdeena iguna kaa diraayay, hadda ayaanse ogaaday inuusan dembi ku laheyn dhexdeena, beriga gabadheeyna dhibkii ku dhacayna anaa sameeyay, oo waxaa albaabka igu soo garaacay Cali Gaab oo ku jeraaya, waana burshay, isla muggoow iga noqdayna Roob ayaa cirka iyo dhulka is qabsaday.  Wax yar kadibna albaabka ayaa la soo garaacay. Waxaan mooday inuu ahaa isaga oo roobka ka soo naqday oo rabo inuu inta ku okorto inta roobka ka dhammaahaayo, illeen waxa albaabka taagan oo garaacaayo waa Raxmo.

Muggeey Magaca Raxmo sheegtayna waa taa oohintii ku celisay.

Kutubooy bal aamus, waxa hadda noo yaal hawlo adag, waxaasna waa wax dhacay oon soo naqeeyna, bal is deji, ayuu ugu laab qaboojay Maxaad Cali, waxaa kaloowna sii raacshay ” Foogta hee hoowlaa noo yaale seen wax yeelnaa, yaase ku kaalmeeyhaayo?”

Waxeey tiri ”eeboow wax kastaa ka horoow, waxaan rabaa inaad u tagto Cali Gaab, cafisna ii weydiiso. Midda hoowsha dhib maahan, anaa waaga markuu baryo qoorta ku qaadaayo, waxaana u tegaa Abaayo Batuulo, waana is qaybeynaa, qof waxoow jirihaa qoryihii wax lagu karin lahaa, qofna adeegga kale, weelka wax lagu karaayo iyo dhambalaha la goglaayana waxaan ka soo qaadaheynaa reer Adeer Axmed ee adiga arrinkaas aan ku ceebeysnahay ee Cali Gaab iga xali oo iga dhaq ceebtaas. Aniga wax kastaa caro aa iga keenay waadna ogtahay mahaad iiga taal, adna eebooboow mug labaad raalli noqo.

Raalligaa janno ayuu raacsiiyay Maxaad Cali, waana kaas ka ballanqaaday inuu isaga xallihaayo arrinta Cali Gaab. Oday Maxaad Cali waa nin qalbi wanaagsan, waana dadka eebbe u abuurey sammo jacaylka iyo  dulqaadka, ilaa dhibku ka bato maahine ma kaco, sidoo kale waa nin awoodda saara sida gurigiisu ku dhaqnaan lahaa,  dhaqanka Soomaalida  waa ku ceeb nin hanan kari waayey gurigiisa ilaa  wax ka tan badani yimaad maahine.

Oday Maxaad  wuxuu kalsooni  weyn ku qabyaa hadduu u sheego sida wax u jiraan in Cali Gaab yahay nin waxaas iyo ka darran aan dan ka gelayn, waa dad  dareenka wanaagsan iyo dadnimo mideysan oo wadajira, qofba qofka kale la wadaago dhibka, iskuma digtaan iskumana wiirsadaan, werwerka iyo walaacana waa wada qaybsadaan.

Haddii widaaygaagu aannu ahayn midka  dhibka kula wadaaga ee kaala werwera kula baadi gooba maha xalkeedu jiryo, maaha widaay ee waa waraabe, haddii widaaygaagu kugu wiirsado, ceebtaada wareejo maaha widaay ee waa wabiin, dadka widaayga iyo wax wadaaga ahi waa kuwo naf iyo nololba  qaybsada  dhibka yimaad iyo dheefta.

Heerkaas ayay kala joogaan Cali Gaab iyo Oday Maxaad Cali waana  sababta uu Cali Gaab u ahaa qofka keliya ee uu arrinkiisa kala tashaday ilaa habeenkii la xirey wiilkiisa ilaa iyo habeenkii Kutubo ka carootey, Oday Maxaad waa la socayey in Kutubo jir diideyso Cali Gaab waana  yaqaan camal haween iyo caradooda, haddana waa ku qasban yahay inuu sida xaal yahay uga waranyo oo xaal marin iyo xumeyna u geeyo wixii dhacay  shalay, una sheego in walaashiis uga soo hoyaaday, galiina laga yahay arrinkaan haddana isagu daba joogyo.

La soco Qaybta 41aad

Waxaa qoray: Xuseen M.Cabdulle ”WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN