Faallada iyo falqeynta saaxiibkaan eersaday Q1AAD W/Q: Canab Diiriye

Faallada  iyo  falqeynta saaxiibkaan eersaday Q1AAD

 

Hordhac.

Qoraalkaan wuxuu daba socdaa sheekadii la magac baxday saaxiibkaan eersaday oo uu qoray Cismaan M. Qanyare, waxaan ku cabbiri doonaa aragtida aan ka dhex helay sheekada.

Inta aanan guda galin faallada waxaan hanbalyo iyo boggaadin hawada u marinayaa Cismaan Qanyare oo waqtigiisii iyo waayo aragnimadiisa noogu deeqay si aan hagar laheyn, waxaa dhici jirtey in mararka qaar si aan xoog ku leenahay muddadii ay sheekada socotay, haddii uu soo gelin waayo qaybtaan sugeynay  aan farriimo u diri jirnay anagoo ka codsanayna, isaga oo laga yaabo inuu hawshooday ama arrimo kale  ku gedaamin yihiin. Nama uusan dhibsan jirine si gobanimo leh ayuu noo qancin jirey. Ogoow waxaa sababtey inaan  codsano inuu sheekada soo qoro waa xiisaha iyo sida bulshadu ula dhacsanayd awgeed.

Sidoo kale waxaan hanbalyo boggaadin u dirayaa bahda laashin ee hiddaha iyo dhaqanka gaar ahaan Cabdiraxiim Hilowle Galayr iyo Bashiir Maxamed Xirsi,guud ahaana hawl wadeennada mareegta laashin oodhan. oo ahaa kuwii noo suura galiyay inaad waqtigaad doonto aad aqrisato la’aantoodna aysan gacanta na soo wadda gaarteen mahdin buuxda oo mug weyn  dhammaan waad mahadsan tihiin.

Biya dhac.

Aragtida koowaad waxaa inoo soo diyaariyay Canab Diiriye oo ku qaadaa dhigeysa soona koobeysa  wixii aan ka baranay lixdii bilood ee ay sheekadu socotay waxaana inoo xigi doona aragtida labaad Hibba Nuuriya Barqad oo aan ku soo qaadan doono qeybta  2aad ee faallada saaxiibkaan eersaday iyo aniga Cabdul Cabdulkariim ah oo ugu danbeyn doona

 

Faallada Saaxiibkaan eersaday Q1AAD.

Sheekada oo ahayd taxane muddo badan soo taxnayd waxay ku socotay afar qof oo kaalimo waayeyn ka ciyaarayey, waxay kala ahaayeen:

  • Liibaan
  • Luul
  • Ladan
  • Looyaan

Liibaan iyo Luul waxay ahaayeen laba qof oo nolosha wadaaga lammaane ah waxayna lahaaye labba carruur ah, isbarashadooda waxay ka soo bilaabatay dalka Yeman halkaas oo Luul u tagtay inay arrimo u soo dhamayso walaasheed, Liibaana halkaa buu ku noolaa, is barshadoodii waa kuwaa ku guulaystay oo reer yagleelay ubadna kala helay, waxay nolol wanaagsan soo mareen oo waqti fiican isla qaateen waxaa ku yimid tafaraaruq, taas oo ay ka bilaabatay Liibaan oo xaas kale guursaday, wuxuu caashaqay gabar uu arkay daqiiqado kooban mar ay ka caawinaysay mishiinka cuntada fudud laga iibsado, isla markii uu qac indhaha ku siiyey waxaa ku dhacay ashqaraar iyo indho daraandar ileen nin waa laga raacay Gabar weji qurxoon oo joog dheer leh, xiriir kooban kaddib Liibaan wuxuu u soo bandhigay guur gabadhii beer qaaday oo la yiraahdo Ladan, kama uusan qarin inuu leeyahay xaas kale oo uu aad u jecel yahay iyo carruur. Kuma aysan diidin ee hawraarsan bay ku tiri, waxayna ku heshiiyeen in aan ciddina ogaan si reerka kale u badbaado, iyadu jacayl gooni ah kuma kalifin inay yeesho codsiga Liibaan laakiin danta ay leedahay baa ka weyn maadaama ay guur hore u soo martay laguna soo furay inay tahay ma dhalays oo aysan ninkii hore ilmo u dhalin.Sheekada oo fahfaahsan haddaad u baahato waxaad ka heli kartaa mareegta www.laashin.com  oo lagu faafiyey dhammaanteed.

Aragtida aan ka dhaxlay kana dhex helay.

Sidaan hore idiinku sheegay, Liibaan wuxuu noqday laba xaasle.Hadaba maxaa dhacay guurkii Ladan ka dib waa xaaska labaade? yaa qaladka lahaa, sidee mid kasta qalad u gaystay waa afarta qof oo aan kor ku soo sheegaye, haddan ku hormaro Looyaan. Looyaan waa liibaan saaxiibkiis, weliba la dhihi karo saaxiibtinimo way dhaaftay oo waa walaalloobeen, Looyaan wuxuu ahaa marqaatigii wax ka ogaa guurkii danbe ee liibaan sirtana uu ku qarsaday, mar ay xoogaa xurguf ah dhexmartay taas oo ku salaysnayd lacag uu khamaar ku helay liibaan uuna u ballan qaaday inuu wax ka siin doono kaddibna balantii uga baxay, taas waxay ka caraysiisay Looyaan, wuxuu isku dayey inuu ka aarsado sida keliya oo uu uga aarsan karana wuxuu is tusay inuu kashifo oo uu xaaskii hore waa Luule uu ku diro oo halkaas huf iyo kala haad uga yimaado liibaan, Looyaan waa siduu rabaye waa helay oo isku dir. “ Horaa loo yiri: “ Saaxiibkaa waa ku sahan ama waa kuu sabab.”

Liibaan qaladka kowaad isagaa galay, sababtuna waxay tahay markii luul weydiisay inay war heshay inuu xaas kale leeyahay waa uu inkiray, wuxuu inkiraba markay ku caddaysay oo tiri marqaatiga oo saaxiibkaa ah baa ii sheegay wuu qirtay, kaddib sidaad rabto baan samaynayaa buu yiri, iyaduna lamaba daahine waxay hadalkii ku afjartey qofta kale dalqadeeda i maqashii si aan kuu la heshiiyo. Liibaan halkii buu wacay quruxleeydii uu gaclooday oo uu cawda ugu jaray, yaab iyo amakaag baa iyada qolkeedii yaraa ku qabsaday, luul markay maqashay waa laba kaclaysay oo waxay tiri aniguna kuuma baahni ee bartaas madaxayga soo dhig agtaydana kuguma arki karo, Liibaan muxuu taas uga jawaabay? wuxuu ku jawaabay buuq iyo dagaal ilaa askar meeshii ka kaxayso,waxaa la qumanayd inuu ladan rajactu yiraahdo raalina geliyo ma dhicin ee xabsi buu ku shalwaday, si kasta ha ahaatee xabsigii waa ka soo baxay digniina waa la soo siiyey ah in uusan sanad gudihiis uusan danbi gelin karin hadduu galana xabsi ku noqon doono, markuu soo baxay ladan buu  soo ceshaday balse Ladan lama aysan heshiin, isla markaana dagaal buu galay waa kaa hub u qaatay saaxiibkii kashifay carar uu ka carayayeyna uu lug ka jabay Looyaan sidaasna isbitaal ku galay, Liibaana xabsi buu ku noqday muddo badana waa ku jiray.

Luul qaladkii ay gashay waxay ahayd inkasta oo ay masayrtay haddana qaladkeedii bay qalad ku saxday oo intaa waxay ka daba socotay Ladan iyo in ay warkeeda hesho, islaan baa u keentay xanta ladan ilaa ay dagaal gasho,waana halka ceebtu ka raacday oo markii hore way iswaashay oo meel kasta dalaq tiri markii xeero iyo fandhaal kal dhaceena waa soo rujuucday, sheekada waxaa kaloo iiga baxday in dumarka kelya la dhihi jiray reeraha waa dumiyaan oo waa dulmilooyin hadda nin baa soo galay meeshii marka waa barbar dhac hawshu.

Gebogebo

 Weydiin iyo talo baan ku soo gunaanadayaa, weydiintu waxay tahay ragga soomaaliyeed waxay ku doodaan 4 baa naloo baneeyey oo dumarkuu inay inkiraan bay rabaan, anigu waxaan qabaa idinkaa inkiraaya guurka alle idiin baneeyey oo aan si furcadi ah u soo bandhigi karin guurka labaad, waa maxay sababta aad uga baqaysiin oo aynaan u soo bandhigi kari ileen awoodaas allaa idin siiyee? tan labaad waa dumarka,waxaan rabaa in iyagana ka jawaabaan maxay ula guursadaan oo uga maseyriyaan mida iyada khayrkeeda ah?,marka dumaroow tan masayraysa waa idinka tan ka maseyrinaysana waa isla idinka, marka bal doc iskugu bayra,ha masayrinina ama joojiya ka maseyrinta mida kale,teeda kale marka ninka ku qaba xaas kale guursado ha la dagaalamina gabadha ileen iyadu danbi kaama gelin guur doon bay ahayd waana guursatay ,dagaal iyo buuq ninkaad ku leedahay ee isaga la macaamiiltan ileen isagaa shukaansi tagee.Waxaan kaloo ogaaday intii sheekadu socotay ragga commentiga bixinaayey inay u xaglinayeen Ladan oo xaaska labaad ahayd taas oo liibaan aad daryeelaysay intuu xabsiga ku jiray, Liibaan laftigiisu waa la dhacsanaa Ladan isagoo iska indha tiraayey kalgacalkii luul la soo bartay ,horaa loo yiri wadaaddadu beerka xaydha leh wey cunaan,kkk ragguna tii indhaha iskugu qaqabata wey jecel yihiin.

 

W/Q: Canab diiriye

W/Isku dubariday  Cabdul Cabdukariin(Jalaato)

SHEEKOOYIN