Geeraar: Calan Yahow Rag U Hoobtay! W/T: Ibrahim Nolosha

Geeraar: Calan Yahow Rag U Hoobtay!

 

Geeraarrkan “Calan yahow Rag U Hoobtay” waxa aan curiyey bishii Juun 26-keedii, sanadkii 2016. Maalmaha xorriyadda ayaa aan ugu talogalay in aan uga qeybgalo kuna muujiyo dareenkeyga ku aaddan marxaladihii uu soo maray calanankeygu iyo haddeer sida uu yahay. Geeraarku waxa uu ku billaabmayaa sida tan:-

 

  1. Hiimammow dadku jiifo
  2. Anigoo hurdi waayey
  3. Hadba gees u gaddooma
  4. Maxaan heeso ku raagay
  5. Maskaxdeyda ka hoorshay
  6. Dhan walbaan ka hagaajay
  7. Bal maxaan halladaado
  8. Iyo huurka ka dhowray
  9. oo habeenkan la joogo
  10. Sida loox u higgaadshay
  11. Calanyahow rag u hoobtay
  12. Holganaantu ku taallo
  13. Muxuu Dhows ku Hagraaya
  14. Hamboraaca daneeysta
  15. Heybaddaada ka doortay
  16. Gunno heyr lala tuuray
  17. Calanyahow rag u hoobtay
  18. Dad kalaan ku hureyne
  19. Muxuu geesi halyeeya
  20. Hanfigeeda adduunyo
  21. Harsi kaaga dhax waabay
  22. Oo halaadi ku faanay
  23. Heybtiyo magacaaga
  24. Calanyahow rag u hoobtay
  25. Imisaa ku haruuftay
  26. Midabkaaga halaagtay
  27. Muunaddaada halleysay
  28. Hurdi gaalo walaaqday
  29. Hurre riinji la moodo
  30. Kugu jiidday Hawaarro
  31. Calanyahow rag u hoobtay
  32. Kolkad heegada fuusho
  33. Hawadaa la ciyaarto
  34. Sida hooyo la ciilay
  35. Ubadkii laga haysto
  36. Ama wiil ka habaabay
  37. Hiqhiqlaynta ma daayo
  38. Midka jooga hareerta
  39. Hiilladaada u taagan
  40. Hadya jeer ku ilaalsha
  41. Calanyahow rag u hoobtay
  42. Hiiradii lagu taagay
  43. Markey howshu timaado
  44. Sida hooballo caana
  45. Hiddeheenna ciyaara
  46. Imisaa hirwo boodday
  47. Hooyaalada gabayga
  48. Iyagoon haghagleynin
  49. Hadyad kuugu luqeeyay
  50. Halgankii wadankeenna
  51. Innagoonan halmaamin
  52. Horintii na xoreeysay
  53. Waqdhis baan u hibeyne
  54. Halla soo hambariiro
  55. Inta aysan harraadin
  56. Halhaleel ku aroorsha
  57. Hashu yeynan sannaarin
  58. Hoobaaleeyda geeraarka
  59. Haro aan ka dhuraayey
  60. Duco aan ku harqaamo
  61. Qarni haaday mid jooga
  62. Calankaan hergeleynay
  63. Milgahaan huwaneynay
  64. Rabboow hoog ka ilaali
  65. Hoobaaleyda geeraarka
  66. Haro aan ka dhuraayey
  67. Habaar aan ku idleeyo
  68. Kuwa soo hardamaaya
  69. Hadba gees ka rifaaya
  70. Rabbiyoow qaw holceysa
  71. Ama naar ku hagaaji.

 

W/T: Ibrahim Nolosha)

SHEEKOOYIN