Silsiladda; MIDNIMO Maansada; 2AAD (Leyska dhiib Mareykan) Curiye: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

m

Silsiladda; MIDNIMO

Maansada; 2AAD (Leyska dhiib Mareykan)

 

Maansada (Leyska dhiib Mareykan) Silsiladda Midnimo ee ka socoto Mareegta Laashin.com iyo Golaha Tartanka Suugaanta Soomaaliyeed ayaan kaga qeyb qaadanayaa.

Maansada magaceeda waxaa la yiraa (Leyska dhiib Mareykan) waxeyna ka mid tahay silsiladda MIDNIMO, ahna maansadii labaad, oo jawaabu ah Bashiir M. Xersi oo billaabay silsiladda Midnimo. Maansadu waxay ku billaabatay sidan;

sasa

Maansada (Leyska dhiib Mareykan)

 

Xersiyoow nin maansiyo

Murti loo hibeeyoo

Maareeya gabaygoo

Magac weynla baa too

Anna mudan salaantiyo

Kaa qaaday midigtoo

Madashii abwaankuna

Marxabbeey ku tiriyoo

Waxa loo maqsuudoo

Lagu wada mashquuloo

Dadku magac dhabaayaan

Silsiladdaa MIDNAMA ee

Manfaceedu badanyee

Anna inaan ka miistaa

Hadda maanka galiyoo

Waxaan meeriskow furay

Waa mahadinteedii.

 

Saddaxdaas mir da’ay iyo

Sidey tahay mayaay roob

Marxabbeeya gobannimo.

 

Saddax kale macaansada

Maankiyo garaadkiyo

Wey midabba badantee

Iska eega miiddiyo

Murtidiyo tusaalaha.

 

Nin ragaa maldahayee

Magacsame Bashiirow

Mahadhada sidaaduu

Dadkii wada masaafuriy

Maaltiyo Yugaandhiyo

Madariidya Yurub iyo

Leysu dhiib Mareykane

Madoowgeenna quursada

Manhajkiyo Shareeciyo

Mabda’eenna aan rabin

Neceb mowqifkeennana

Maqribkiyo habeenkiba

Sidii buu madluunyoo

Shacabkii murgaaysnaa

U maroor dillaacaa.

 

Sidii bey mid dhoofiyo

Midka wali mihii jira

Ey uga madoow dahay

Mijihiyo sidii baa

Madaxoodu xiranyoo

Dadku maahsanyiin badi

Gibi murugta fuushaad

Ka kastaa maqaallada

Lagu qoro mareegyada

Maqrib dumay sidiisii

Noqay majaraheennoo

Mirahii xornimadiyo

Moohir dhalay ma maalnoo

Sidii bey majaaciyo

Macaluul la liitaan

Madaxduna dhargeysaa

Oy macalla yeeshaan

Macawiis dhammaatiyo

Sidii bey maqaar kabo

Dacas malalay qaataan

Madaxduna sidii bey

Labbis muuq leh iyo kabo

Markab loogu keenaa

Oo eey model gaariyo

Dhulka uga mushaaxaan

Maskax iyo aqoon iyo

Caqli laysku miiraa

Noogu soo mitaashoo

Waxad tahay MIDNIMO doon

Anse waa masuugoo

Midowgiyo heshiiskii

Midh ku keeni waynoo

Madaxeynayaashii

Dadku meedalkow xiray

Iyo mudanayaashii

Musuqmaasuq keenen

Mixnad iyo luggooyiyo

Ma hadhey faleenoo

Mushkileey abuureen.

 

Saddaxdaasi meel dhigo

Saddax kale micnaha fahan

Inta magac qabiil iyo

Jifo leysku maamulo

Dadku milicsanaayaan

Oo leysku maqan yahay

Sidee baa MIDNIMO iyo

Sharaf lagu mataanshiyo

Magac lagu wadaagaa?!

 

Haddii laba mataanoo

Muha soo godliyay galab

Manfaceeda dhaaydiyo

Iyo xoorti maalnayd

Midi uu macaansado

Amuu malafsigeedii

Kaligii is dhaho maal

Kii kale muraadkiyo

Micnahaa ma galayoo

Dhici meyso mudanow

Inoow kaga maqnaadee

Malag buu ka doortaa

Deetana majiirradii

Iyo muruqi taa xigay

Meerteeyay burahoo

Isagoo maqiiqmaa

Dhulka wuu mab oran jiray

Cidi kama macaashine

Macaluul habeenkaa

Labaduba majaaciyo

Macalluul ku seexdeen

Teennina mirkaan iri

Loogu furay mareegoo

Wali waxa mushkila wado

Oon rabin mushtariggii

Siyaasiga majnuunkee

Haddaan maare lo hayn

Midow iyo sidee baad

Midnimadii ku jirisaa?.

 

Ani ima mareysoo

Intuu macallin qaa’ina

Mooryaan qabiil liyo

Mintid iyo wadaad iyo

Shacab midi aheeynoo

Mixnad kaba fogaaneyn

Maha lagu kulminayaa

Anna mooyi iga eeg

Ileeyn ima mareeysee

Waxaa loo muddayn jiray

Maqaawiir wax garatiyo

Muslim adiga baa yiri

Anna maragga joogiyo

Kuu ahi marqaatoo

Muran taasi kama oran

Manhajkiyo Shareecada

Rabbi nagu manneystaa

Muslimiinna waan nahay

Ha yeeshee, masiibada

Loo maara waayoo

Maqaawiir u talisiyo

Oday marada tuuriyo

Dhallinyaro mudeysaa

Haddii meeshi laga waa

Sidee baa mushkiladdii

Loo moosi karayaa?.

 

Ku illoow MIDNIMA taa

Soomaaliyey inaad madal

Masallaha ku hadashoo

Meselada ka dooddoo

Mawqif wada heshiisoo

Isku milanto yaan rabin?

 

Waa su’aal muhiimoo

Micnaheedu sareyoo

Maskaxdeyda deeqdee

Aan macallinkeygoow

Kaaga naqay mas’aladii

Mahuu nabarku gaaree

Midi lagu asiibee

Mulucleeyo dhiiggii

Haddii marada lagu xiro

Mindhireedka daawiyo

Muray loo walaaqiyo

Meygaagna lagu shubo

Malax kama dhammaatee

Muddo soow in meeshaa

laga dhoowra milicdiyo

Meyriskiyo dhaqniinkiyo

Majaraafin kuma samo?.

 

Dhammaad.

Curiye: Saciid Muuse Axmad (Ustaadka)

SHEEKOOYIN