Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q41AAD W/Q: Xuseen “WADAAD”

Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q41AAD

Oday Maxaad Cali iyo Kutubo, kolkii ay is qanciyeen, Kutubana odaygeeda qancisatay ayaa la kala seexday.Reerku, waxa ay la seexdeen ama ay la dheceen daal daran oo haayay. Waxaa ay uun ku kaceen siyaaxa Diigga ama diiqyeerki waaberi, isla kolkii ay maqleen  dhawaqa ayuu oday Maxaad haw ka soo yiri jiifkii, waxuuna u qummay xaggaa iyo Musqusha si uu isugu diyaariyo salaadda subax, wax kalena waa u wehliyaanoo waxuu rabaa inuu masaajidka aado si uu mahaas ugu soo daaweeyo ama maslaxo Saaxiibkiis Cali Gaab, isla markaana uga soo helo culumadii iyo odayada kale ee asaxaabtiisa ah si uu ugu wargeliyo quraan saarka ka jiro guriga.

Kutubo, lafteeda odayga jiif ugama dambeeyn ee waxeey hore uga quntay diyaarinta Af bilaawgii odayada iyo Shaahoodii. Oday Xamuud Cali, isaga ma kicin lamana kicin maadaama uu usugu yahay safar daal badan haayo, weliba qolkiisa waxaa ka yeeraayo quuro ba’an oo aad moodo gaari xamuul ah oo deex maraya.

Oday Maxaad Cali, waxuu tegey mawlacii iyadoo ay dadku ku soo bilbilaawahaayaan, waxaa uun uga horreeyay waa saddex oday oo mawlaca ku jirtay. Muggoow mowlaca galay, welisa aanu xiran salaaddii Sunnaha aheyd ayaa waxaa uu dhinaciisa ka arkay Wadaay Cali Gaab oo isna soo galay, Cali gaab oo markiiba yiri Asalaamu calaykum, waxaana salaantii ka riddiyay oday kaloo maha ku tasbiixsaayay. Oday Maxaad isaga waxuu hore u galay Salaaddiisi, kolkuu salaama naqsaday ayuu hore haw ka soo yiri waxuuna soo aaday xagga Cali Gaab. Cali Gaabna markuu arkay, inuu odaygu ku soo socdo ayuu docda kale uga jeestay, waxaa ka buuxo xanaaq uu u qabo reer Maxaad Cali. Oday Maxaad isagoon dan ka gelin carada ka muuqato ayuu agta ka fadhiistay waxuuna yiri “eeboow Cali ii warran saa layahay?”

Cali Gaabna isagoo ka sii jeedo ayuu ku jawaabay “Waa la raayaa”.

War kale intaan laysku celin ayaa salaaddii la aqimay Allaahu Akbar Allaahu akbar…. Waxaana loo wada istaagay Salaaddi Subax.Kolkii Salaaddii la tukaday.

Waxaa Mowlaca iskala soo baxay Odayadii oo is dhinac socdo aanse wada hadleyn, waxaase la soo jaanqaaday Xaaji Hilowle. Oday Maxaad muggoow arkay in Xaajigu la siman yahay, horena u gartay in Cali Gaab caro badan ka muuqato ayuu xaaji Hilowle socodka la gaabsaday meel geesana ula baxay, waxuuna ku yiri :Xaajiyoow, waad ogtahay dhibka beryahaan i heystay, welina hawlihii wax badanaa qabyaa, Habartii waa soo naqatay, canuggi waa saad u ogeyd, mugga waxaa baadiyo ka yimid Eeboow Xamuud Cali oo laba waneeyoo jara keenay, waxaana hee rabnaa in cidda lagu quraan saaro, waxaan hee kaa rabaa in aad adiga wadaadadii noo wacdo, midda kalena hadda waxaan hee kaa rabaa oo kale wadaaygeey Cali Gaab waa naga careysan yahay in aad iila hoyato oo aan raalli geliyo, waxa uu ka tirsaayo Bilcaanta iyo aniga lafteeydoo beryahaan ka mashquulay wadaaygeey.

Xaaji Hilowle: Yaa yaah, waxa kale ha noo dambeeyaane, bal aan ka daba tagno Cali Gaab intuuna guriga naga gelin. waana kuwaas oo socod boobsiinta galay, Cali gaabse hortood ayuu guriga galay. Adeer Hilowlaa albaabkii garaacay, waxaana muggiiba ka furay Cali Gaab, oo wejigiisa caro ka muuqato. Waxaa dhex maray hadaladaan “ Adeer Caliyoow waa hee ku rabnaa ee xoogaa noo soo bax bal, adoo Raalli ah” Adeer Hilowlaa saas yiri.

Cali Gaab: Xaajiyoow warkaaga ma diidi karee xaad hee iigu waddaa Odaygaan kale, aniga warkiisa wax ku fali maayee.

Xaaji Hilowle: Waxaas aad ku hadleyso war maahee, Maxaadna waa walaalkaahe ilmaha adoon kaagicin soo bax bal aan is warsanee.

Cali Gaab, waa oday dhaqan yaqaana, ixtiraam iyo tixgelin badan, usoon hee war kale celin ayuu albaabkii soo iilay dibaddana ula soo baxay.

Muggii hee banaanka la isla yimid waxaaba warkii bilaabay Maxaad Cali usugoo leh: Adeer Xaajiyoow, waad ogtahay Saaxiibkeey/Walaalkeey meeshoow iiga yal iyo xiriirkeena iyo waxaan hee isla soo marnay, waxaana nahay kalama maaranto, waana hee tii hore loo yiri “Isma hurtooy heeys halleyn”. Mugga hee waxaan rabaa eeboowgeey waxa uu reer Maxaad Cali ka tirsahaayo inaan uga hoydo Cimmaamadna saaro, waa hee kaas warka Xaajiyoow.

Xaaji Hilowle: Adeer Caliyoow, waa hee maqlee eebowgaa Maxaad warkiisee, Raalli noqo, una hee sabar eeboowgaa, warkana mahaas aan ku dilno.

Cali Gaab: Xaaji Hilowle, adoo mahadsan, waxaan ku leeyahay igala her ninkaan warkiisa, aniga kuma jiro wax damboo reer Maxaad Cali khuseeyo, bannaankana aan kala joogno.

Haaji Hilowle: Yaahuu , xeey tahay Cali saad hee u warrameyso, iyadoo lagu leeyahay hoyaadaa laguu yahay.

Cali gaab: Xaajiyoow, aniga mid waa u dulqaada lahaay, laakiin Reerka Kutubo iyo Maxaad ineey labadaba si xun iila dhaqmaan, maahan waxaan qaadan karo, maanaa naag aan qabo, ku gefi kartaa Maxaad Cali, haddeey ku gafto gafuurkaan ka jibiyaa ama waa lagu kala tegaa, xaan ka halleeyay bal, anoo habeenya maalin la taagan iyo hiil iyo hooba la daba socdo.

Maxaad Cali: Eeboowgeey Cali, warkiisu waa run, Dumar waa feer qalloocan, waana hee loo sabraa maahee haddaan daba kacno wax noo fiicnaahaayo ma jiraan, duqdana hee muggaan isku dhacnay aniga iyo Cali aragtay inaan isu badanahay ayaa waxaa galay dareen ah, amuu Cali kugu diray, wax kasta ay halleysay saaseey u halleysay. Mugga hee waxaa ila roon eebowgeey wax alla waxa uu ku daawoobaayo inaan ku daaweeyo, “Saan hiirana aan gadaal loo raacin”.

Cali Gaab: Xaaji Hilowloow, hoyaadka waa ka qaatay Maxaad Cali, Gurigiisa dambesa layguma oga.

Xaaji Hilowle: Caliyoow, Raalli noqo waa laguu soo hoyday,laguna raalli geliyay haddaad aqbashayna waad mahadsan tahay, midse kaa yeeli meeyno eebowgeey Cali gurigiisa geli maa.

Cali Gaab: Bilcaantii , iyadoo roob la ogyahay da’aayo wejiga iiga xirtay albaabka caay la ogyahayna ii daba dhigtay maanaaba isku doonahaaya, bannaankaas aan ka joogo, haddaanba uga ammaan helaayo.

Maxaad Cali oo mahaas fursad ka helaa yiri: Adeeroow waa lagaa gardarnaa duqdana dagaal aadan war u heyn ay kugu qaaday, dhibaase kaa dambeeyo muggaad albaabka ka dhaqaaqdayaa, waxaa timid gabertii oo iskoolka lagu ogaay, iyadiina waa ku dhegaysatey, Gabertii raxma ahayd mihiiyey ku miir beeshay, Isbitaal aan anigoo dacwadii dhulka ka imid ula ordey, mugaan gurii ka tegay daadaa la tegay,  haddaan waxaa yimid Xamuud Cali, Xoolowna keenay, Berigana quraan saara jira, Iyadaana ii sheegtey Kutubo waxay fashay, waana kuu soo hoyee, xil iyo xumeyna waa iga diyaar,  Xamuudna ma imaan lahayne adigaa keenay,  eeboowoow waa ogahay inaan garab iyo gerger ii tahay,  xumaana waa dhacday, aniga iyo dumaashidaana  waa kuu gefnay ee ma garowsahee  inaan soo hoyaney mise waa na gooyhee warkiina waa dhigay.

Cali Gaab: Oo Maxaad Calina yaqaan daacadnimadiisana  og, xaalkuna meeshuu ku ogaa ka yimid, ayaa dhahay, minoow Xamuud yimid baaqsamaa ee horta xaadan iiga warran sida xaal yahay, gebertiisa  see yahay xaalkeeda, taasi Baari waaye waaba qarqarey mugaad i tiri, roobkii shalay barafka wataa ku kor dhammaadey.

Oday Hilowlaa yiri: Naga kacsha mahaan oo na keena, aniga culumadaan doonaa, idinka  martida agaasinkeera sii diyaarsha, deriskana hala wacwaco intaad ka gaartaan,  galabtaan wixii war iyo is wacaashi u dhigeynaahe.

Hayebo ayaa la wada dhahay waana la dhaqaaqay, kolkaasuu Maxaad Cali dhahay,  waxaan ka bilaabeynaa Abtigii inaan u tagno, oo aan Maammo Dahabona wargelino oo haatan ay jirto Raxma yareey.

Cali Gaab: Ayaa yiri xeey ahayd Maammaduna?

Maxaad Cali: Ayaa sheekadii bilow ilaa dhammaad uga sheekeeyey dhibka soo marey iyo hadda sida xaal yahay.

Cali Gaabna neef weyn ayaa ka soo fuqday, aryaa waa iska leeyahay waa xanaaqsanaheey eebbaa igu og biri gashoow sujuudaan kuugu duceyhaayey, mugga shaqadii oo laguu soo celsho iyo warqadihii waa dhaw yihiin waa gartee wiilka isagana xaalkiisa ma dhawyahay.

Maxaad Cali oo muggaan faraxsan ayaa yiri: Yaaya  aryaa Cali Gaaboow ileeyn waa ii gambanadeyd ee camal xumaad la madoow dahay, qosol ayaa lala wada dhacay waxaana laysku raacay dhinacii Guriga Abti axmed, berigase la lugeyn maahee, Taxi ayaa la qaadhay.

 

La soco Qaybaha kale

Waxaa qoray: Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN