Kalalkii kala geddisnaa ee Afafka Q1AAD W/Q:Dr. Suldaan Garyare

 

 

 

 

 

 

 

 

Kalalkii kala geddisnaa ee Afafka Q1AAD

HORDHAC

1.1 Kalalkii kala geddisnaa ee Afafka

Waxa jira marxalado kala geddisan oo uu soo maro af kasta oo dunida lagaga hadlo, Soomaaliguna waxa uu ka mid yahay afafkaas soo maray marxaladahaa iyo kalalkaas kala geddisan. Af walba waxa ku dhaca isbeddel, kaddib markii ay la soo dersaan xaalado wax beddela waxaana dhacda in afku uu bilaabo in uu is-beddelo, heerar kala duwanna uu maro. Sida ay rumaysan yihiin khuburada ku xeeldheer afafku, qaybaha afka ee uu is-beddelku ku dhaco waxa ugu horreeya codka ama dhawaaqa (phonology), dabadeed waxa suuroobi karta in uu isbeddel ku yimaado dhammaan xarfihii afka (morphology), weerihii (lexicon), qaab-dhismeedkii weereynta (syntax), macnihii afka (semantics) iwm [1] waxaana jira cilmi-baaris iyo qoraallo badan oo arrintan laga sameeyey. Waxa kale oo lagu doodi karaa fiditaanka ama koboca ku yimaada afka in uu sababi karo in afkii isbeddel ku yimaado. Haddaba, af-Soomaaliga oo la rumaysan in ay ku hadlaan dad tiradooda lagu qiyaasay 10-25 malyuun ayaa ah af soo maray marxalado kala geddisan, marka laga hadlayo sooyaalkiisii qoraaleed. Inta aynaan u guda gelin sooyaal qoristii af-Soomaaliga waxa aynu jalleecaynaa qoyska iyo reerka uu ka tirsan yahay af-Soomaaligu.

Waxa kale oo iyana mudnaan leh in aynnu isdultaagid ku samayno marxaladaha kala geddisan ee sooyaal qoraaleedka af-Soomaaligu soo maray, innaga oo u kala qaadayna saddex marxaladood ama xilli: xilligii gumaysiga ka horreeyey oo ku siman qarnigii 13-18aad, xilliggii gumaystaha, horraantii qarnigii 20aad iyo xilliyaddii ka dambeeyey ee dadka Soomaalidu ay heleen hannaan dawladeed, aqoonta iyo fanka ku salaysan wax qoristuna ay noqdeen kuwo kordhay. Xilliyadaas aan carrabaabayna waxa jiray qoraallo laga sameeyey dhaqanka iyo hiddaha bulshada Soomaaliyeed, culummo kala geddisanani waxa ayey ku qoreen af-Soomaaliga, haba kala duwanaadeene. Buuggan ayaa ahaan doona mid wax ka taataabta xilliyadaas iyo marxaladahaas aan kor ku soo xusay. Mana aha midkii ugu horreeyey ee wax ka taabta sooyaal qoraaleedka af-Soomaaliga, balse waxa laga yaabaa in uu noqdo mid kulmiya, meelna isugu keena sooyaalkaas qaaliga ah ee tilmaamaya qoraalkii af-Soomaaliga, bulshada Soomaliyeedna tilmaan ka siiya in uusan af-Soomaaligu ka liidan ama uusan ahayn mid ka derajo hooseeya afafka kale ee dunida lagaga hadlo, balse uu qaybo ka mid ah afafkaas baro dheer yahay.

Sida aynu kor ku xusnayba afafka waxa ku dhaca is-beddel, kaas oo sabab u noqda in wax iska beddelaan qaabkii uu afku ahaa markiisii hore waxaana dhici karta in wax ku kordhaan ama ay ka dhinmaan. Sida ay xusayso gabadha af-yaqaanka ah lana yiraahdo Barbara Fennell waxa jira laba qaab oo afku isu beddelo ama uu is-beddel ugu dhaco. Labadaas qaab waxa ay ku kala tilmaantay in ay kala yihiin is-beddel gudeed (internal change) waxa ayna ku sababaynaysaa in bulshadu ay tahay mid aan si hagaagsan afka u baran, marka laga hadlaya qaab naxweedka waxaana dhici karta in qaabkii afka wax iska beddelaan. Midda labaad ayey ku sheegtay in ay tahay in afka qudhiisu uu leeyahay qaab-dhismeed (language structure), kaas oo ay ku imaan karto is-beddel, kaddib markii nidaamka dalku soo rogo in la adeegsado halbeeg afeed (language standard). Barbara, iyada oo hadalkeedii sii wadata waxa ay farta ku godaysaa in guuritaanka ay dadku guur-guuraan (demographic changes) sababto in afkii is-beddel ku yimaado. Sidaa si le’eg soogelootiga (immigrants) soo gala dal ama deegaan, isna waxa uu keenaa in afkii is-beddel ku yimaado. Ugu dambayntii, duulitaanka dal iyo dad lagu duulo ayaa iyana ka mid ah isirrada sababa in afkii is-beddel ku yimaado waayo nidaamkan cusubi waxa uu dadka ku jajuubi karaa in afkiisa la adeegsado, inkasta oo arrintani ay dhanka kale, afka kii wax jajuubay ay saamayn afeed ku keenayso.[2] Sidaa si aan ka fogayn wax isna qaba cilmi-baare Cabdalla Cumar Mansuur oo ah af-yaqaan Soomaaliyeed, muddo dheerna baaritaan cilmiyeysan ku hayey af-Soomaaliga iyo kuwa kale ee ay bahwadaagta yihiin loona yaqaan Kushitigga. Aqoonyahan Mansuur waxa uu isna qabaa in af walbaa uu si yar isu beddelo, ka dibna uu yeesho  Af guriyo lahjado badan (dialects) kuwaas oo muddo dheer ka dib isu beddela afaf kala geddisan, intii afka ka hartayna ay dabargo’do. Sida Barbara ayuu isna rumaysan yahay in kala  guurka bulshadu uu keeno is-beddel afeed. Qolo walibana meesha ay saldhigato ayey af ka samaysataa ama waxa ay afwadaag noqdaan qolyihii ay meeshaa ugu tageen.[3] Dhacdooyinkan oo dhammi waa kuwo sabab u noqdo abuuritaanka af cusub ama lahjado kala  geddisan oo ay ummaduhu yeeshaan.

La soco qaybta xigta

W/Q: Dr. Suldaan Maxamed (Suldaan Garyare)

(Stockholm, Sweden)

[1]Barbara A. Fennell, History of English, 2001.

[2]Fennell.

[3]Mansuur.

SHEEKOOYIN