Bidhaanti i bi’isay! Q4AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q4AAD 

Baashe cirka iyo dhulkaa la wareegay wuxuuna garan la yahay meesha laga soo galay iyo cida shirqoolka intaas le’eg h maleegtey.Baashe wuxuu wacdey Qareenkiisi wuxuu kale oo wacdey dadkii asxaabtiisa ahaa ee meesha la deganaa.

Arrinta qofkii maqlaaba amakaag iyo anfariir ayey ku noqotey, Waxaa soo galay Qareenkiisi oo la yidhaahdo Filib Kowfmaan, muddada uu qurbaha joogayba isaga ayaa Qareen u ahaa, dhinacyada shaqada, Sharciyada xuquuqdiisa Baashe, balse, markuu si quman u dhegeystay arrinkiisa wuxuu yidhi:
” Baashe hawshu maaha mid fudud waxaaney salka dhigatey arrimo faldambiyeed tuhun dil iyo Koontarabaan ah, sidoo kale waxaad ku lug yeelatey dad si darran adduunku u baadi goobayo, waa inaan helnaa Qareen ku xeeldheer arrimahan oo na caawiya, sidoo kale waxaa laga yaabaa in howshaadu cuslaato, Qarashna waa lagama maarmaan, hadda jeebkaagu waa xayiran yahay, balse, waxaynu u baahaneynaa cid ku cil furata oo lacagta hore ee qareenku ku hawlgelayo sii bixisa”

Baashe ayaa arkay hawshu ineysan ahayn mid fudud, kol haddiiba ninkii uu wax bidayey ka gacmo taagtey oo garab sugayey ka gacmo taagtey.

Baashe ayaa yidhi: ” Lacag waan helayaa ee hadda meeqa layga baahan yahay?”

Qareenkii ayaa yidhi: ” Hadda ilaa Toban kun oo Doolar lacag u dhigantaa laynaga raba, haddiise waxba lagugu waayo, oo aad aadan eed falin, wax allaale wixii hanti naga baxda iyo amminba waa laguu qiimeynayaa, waana laguu soo celinayaa weliba magdhawna xaq baan ugu yeelanaynaa”

Sidaa ayuu ku baxay Qareenkii, waxaa u yimid Sulub oo adeer ugu aadan Baashe, balse waa loo diiday inuu arko, maadaama baadhitaan socdo, waxaa loo sheegay inuu Qareenkiisa la xidhiidho, waxaana la siiyey nomberka Qareenka.

Sulub wuxuu markiiba wacay Qareenkii, Qareenkiina wuu ballamiyey,Galabnimadii maalintii xigtey ayey isugu yimaadeen Xafiiska Qareenka, wuxuuna uga warramey halka arrinka Baashe marayo iyo wax ka qabashadiisa.

Sulub oo Baashe aad u yaqaan, Baashe dalka intuu dalka joogey aqoon u lahaa ayaa arrintaas waa ka biyo diiday, Sulub waa nin aqoonyahan ah weliba waayo arag ah, wuxuu Qareenka u sheegay inuu lacagta Tobanka kun ah beri u keenayo, wuxuuna ku adkeeyey inuusan dambi lahayn ninkaasi ee la dhagrey oo dabin uu ku dhacay shirqool halisana loo maleegay.

Qareenkii waa ku raacay niyadda wanaaji ayuu yidhi: Haddaanu dambi lahayna wuu soo baxaya.

Waxaa habeennimadii lala kulmey Baashe, waxaana la weydiiyey su’aallo adag waa loo caga jugleeyey, waxaase si weyn arrinkiisu u saameeyey Angelina Zimmerman oo iyadu haysata laanta dambibaadhista dambiyada culus ee dilalka iyo mukhaadaraadka.

Iyada codsatay iney u gasho, waxay u keentay biyo waxay u sheegtey inaan lagu xad gudbi karin, balse ay u baahan yihiin inuu la shaqeeyo oo runta u sheego, si isagana hawshiisu usoo gebagebowdo.

Baashe wuxuu u sheegay inuusan weligiis dalalka lagu eedeeyey tegin, inuu shaqeynayey waqtiyada diyaaradda lagu qorey, sidoo kale inuusan wax xidhiidh ah la lahayn kooxaha lagu eedaynayo.

Angelina waxay u yeedhay wiil farshaxan ah, waxayna ka codsatey Baashe inuu bal tilmaamo wejigii bilicsanaa ee ba’a iyo hoogga u horseeday.

Wiilkii Farshaxanka ahaa ayuu u bilaabey muuqaalka wejigeeda, waxaana aad ula yaabtey sida uu u dhigdhigayo ee aannu ugu dhibtoobey Taliye  Angelina oo la dhacdey maskaxdiisa sida uu xiribaha xitaa u kala dhigey san qaroorkeeda, dhabbanadeeda dhilan, bushmaha iyo dhoola caddeynta, qoorta dheer, cabaadhyaha labada liid ee qudha ah.

Markuu dhammeeyey Baashena waxaa ku noqotey la yaab markuu arkay Bilan oo aan viyo is marin markuu farshaxankii Booliiska ahaa xardhey.Waxaa laysku raacay iney rajadiisa qayb weyn ka tahay helida Bilan, oo haddii Bilan la helo ay tahay qofka kala saaraya.

Waxa ay aqrisatey dhammaan warbixinadii noloshiisa ku saabsana dowladdu  10 sanno ka hor, waxay aragtey dedaalka uu sameeyey intii uu dalka joogey isaga oo ku soo galay da’da 10ka sanno ah, Hooyadiina ku geeriyootey walaashiisna laga guursadey oo ay waddan kale u wareegtey.

Waxay Angelina aragtey shahaadooyinkiisa waxbarasho iyo shaqo sida loogu ammaanayo, waxay raadisay in xitaa hal maalin uusan wax fal dambiyeed u eg lagu qaban, inaan la ganaaxin weligiis isagoo gaadiidka dadweynaha saaran, inaan lagu ganaaxin weligiis isaga oo baabuurkiisa qalad ku sameeyey.

Angelina waxay tagtey goobtiisii shaqada, waxaaney soo qaadaney Taxane hawleedkiisa oodhan mid gooreed iyo mid hawleeba.

Waxay dhawr weydiimood weydiisay ninki madaxda u ahaa, waxuuse kaga yaabsadey markuu yidhi, Wiilkeyga isagaan ka jeclahay waa nin aamin ah, hawlkar ah oo daacad ah, weligeyna lama shaqeyn cid la mid ah.

Halka Lora hawsha baadhitaanka intaa le’eg ka wado, waxaa isna garab socda Qareenkii cusbaa ee Mark Walter, waa nin odaya oo 61 jir ah muddo soddon sanno ahna ku shaqeynayey qareenimada dambiyada culus.

Wuxuu marey intey martey Taliye Angelina isagoo weliba xitaa tegay goobihii uu wax ka cuni jirey iyo kuwii uu ku nasan jirey.Waxaa aad ula shaqeeyay Sulub, waxaase arrin naxdin leh noqotey in Safaradiisa dhammaan lagu beegay, mar uu shaqada ka fasax ahaa, Arrintan ayaa iyaduna hawl kale soo kordhisay.

Waxay noqotey in la raadiyo caddeymo kale oo ka baajinaya inuusan ku bixin tigidhada oo uusan tegin dalalka lagu eedeeyey, xidhiidhna la lahayn ragga lagu sidkey.

Waxaa soo noqotey  Baashe walaashii  Basra oo keligeed ah, Carruurteediina iskaga timid, waxayna keentey caddeynta intey la joogtey iyo maalintey ambabaxdey ee walaalkeed.

Halkaas ayaa waxaa ka bidhaamey meelo raadraac laga sameyn karo, in la baadho maalintaas ciddii uu la kulmey iyo ciddi uu dhoofinayey waa in la tagaa Muuqaalada duuban ee Airporka.

la soco qaybaha kale.

W/Q: Cabdiraxiim Hilowle Galayr

 

SHEEKOOYIN