GABAYGA: SOOYAAL Q1AAD Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

GABAYGA: SOOYAAL Q1AAD

Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;

 

Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.

Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)

Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)

Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa, 

1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)

Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.

 

  1. Indhoweydba siinleeyda gabay, waanigaan soline
    2. Waataanan sadar maanso tirin, sa’ iyo wowgeede
    3. Waataan sidaydaba murtida, soomay waayadan
    4. Ha yeshee sabaad maanan qabin, mana samayn wayne
    5. Anigaa ka seexdoon u socon, sabab la’aanteeye
    6. Goortaanse saamaxay ayaa, saangab lay filaye
    7. Suugaantu waa hibo ILAAH, siiyo Aadmiga’e
    8. Sadaqiyo sedimo lagu ma helo, iyo sooryo ruuxiga’e
    9. Sabuul aad guraysana ma ahan, saraca beereede
    10. Sida soofka suuq lagu ma gado, lacag sanuudeede
    11. Waa hiddaayo ALLAHA SAADAQAA, geliyo saabkaaga
    12. Anigana RABBAA ii sahloo, waygu saacidaye.
  2. Sa’ labaad sifadahayga kale, maydin solonsiiyo
    14. Sinji hirasho soomaali baan, dhalasho soocmaaye
    15. Sunni baan ka sii ahay misana, suubbanihii raacay
    16. Salawaatullaahi iyo salliga, iyo salaamaade
    17. Nin ALLE u sujuudaan ahoo, ruux la simahayne.

 

  1. Sadar xigana waa sifada gabay, siiro dhaqankayga
    19. Siinka maanso sidaydaba anigu, sooryo ku ma doono

    20. Saamallayl caweys ka ma tirshiyo, suuq magaaladaye
    21. Selsel iyo salsaal ku ma dariyo, silac maryaadkiiye
    22. Saqajaanka sidiisii murtida, u ma saliilyeeyo
    23. Sebi iyo sabool-gabaygu waa, sahangandoobaane (1)
    24. Sida suxufi warbixin saafayiyo, wariyihii SOONA
    25. Ayaan sadarro dhaadheer naxwaha, ugu sameeyaaye
    26. Hadal subagle, uur belo ku side, been saqlaa jira’e
    27. Sirmaqabe waddani baan ahoo, xumo suldaareyne
    28. Nin qabyaalad suusicinayoo, samayaduu daaba
    29. Oo qabiil u saabaan xirana, i la ma saanqaado
    30. Dan soomaali mooyee si kale, waan ka saahidaye
    31. Surdhe iyo siqiir yarina waa, subax dhawaaqaane
    32. Goortii sedkeed buuxsamaan, ibo salaaxaaye
    33. Saddix boqol sagaashan iyo kow, subaxa ay gaarto
    34. Waxa laga sugaa waa inay, fool sindhigataaye
    35. Saakana Suugays waa dhashoo, sayrtay nirigtiiye
    36. Aan salaaxo saa’il loo lisyaay, ina samuud toosan.

 

  1. Afartaa sintii ararta iyo, taan siddayn jirey dheh
    38. Saymo hooray, daad ciidda simay, saganyadoodii dheh(2)
    39. Saraar(3) ugub sidiisiyo baroor(4), suguguftoodii dheh
    40. Surwaynaha libaaxiyo shabeel, gayr sahaansahan dheh
    41. Maroodiyo salool laacdamoo, geedo seexiyey dheh
    42. Wiyil geeska soogtiyo yaxaas, webi saluumbeyn dheh
    43. Sawaariiq sinnaan loo ridiyo, gumacyo saayruuq dheh
    44. Saam hawada santaag leynayiyo, miig sagaal toban dheh.
    45. Sal iyo baar midaan wada sixiyo, saxarra’ taariikh dheh
    46. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

 

  1. Marka hore salaan guud abwaan, aan ku wada sooro
    48. Marka xiga saxaafadda murtida, mahadnaq aan siiyo
    49. Marka xigana Soomaali aan, nabad u saadaalsho
    50. Marka xigana aan sii socdoo, qaato subacayga.
  2. Waa saac bisaac dunidu oo, subaxba waa cayne
    52. Haddii qaylo samadiyo ka timid, sugulle(5) guudkiisa
    53. Sogsog(6) lagu ma gaariyo surciyo(7), saamajiid socode
    54. Senge orodle, ximir duud sallaxan, sogobkii(8) maan raaco
    55. Suunbiciidka maan qoofashoo, koora sibirtaago
    56. Heensaha markii aan u saxo, ciribta maan siiyo
    57. Dhirta saabsan maan sulux ku maro, ciidna ka la sayro
    58. Saqle orodka suubaan waddada, siigo ligansiiyo
    59. Saranseerku meeshuu jiriyo, sabada maan gaaro
    60. Sulub aabi maan laba sahsaho, sarinna maan jeexo
    61. Haamahay rag saabsaabiyeen, maan siddada gooyo
    62. Maan saldooxo sannahaabadiyo(9), suyuca waabayda
    63. Maan sooryeeyo soomalidii, sixirka loo dhaanshey
    64. Maan ka sayro sibraarrada suntii, loogu sacabbeeyey

    65. Maan siisiiyo suusac iyo karuur, caanihii sidigta
    66. Maan u solo sanuun(10) hiliba iyo, sararro geedeysan
    67. Oon u saafo sooyaalladdii, saanta laga saaray.

 

  1. Sidaan aragnay, sidaan maqalnay iyo, sida xaqiiqdiiya
    69. Soomaalidu dad saxan bay ahayd, seben horraaneede
    70. Sokeeyiyo silsilad bey ahayd, soo jireen dhalade
    71. Sinji duul wadaagey ahayd, sowrac iyo luuqe
    72. Isi suran walaal beey ahayd, toliyo saaxiibe
    73. Is ku saabsanaan bay lahayd, sees aan dheelliyine
    74. Summad iyo sugnaan bay lahayd, la is ku soohnaaye
    75. Sumcad iyo sintaac bay lahayd, siiqo dhaqameede
    76. Sarriig iyo xishood bay lahayd, ceeb la suuliyo’e
    77. Seeddiyo sal xidid bay lahayd, xeer sallaalimane
    78. Sarbeeb iyo sir dedan bay lahayd, sarid asluubeede
    79. Samir iyo dulqaad bay lahayd, saamax nabadeede
    80. Siyaariyo salaan bay lahayd, la is la seexdaaye
    81. Safar iyo sodcaal bay lahayd, soo dhoweeyn hela’e
    82. Sooryiyo saldhigashey lahayd, summal la loogaaye
    83. Samatalis sifeeyeey lahayd, saxar xumaaneede
    84. Waxgarad siinadeeyeey lahayd, talo sidii roone
    85. Indheer garad sulsuliyey lahayd, xaajo saafiya’e
    86. Sengeh iyo ka saar bay lahayd, saaq la haadiyo’e
    87. Odoyaal sargooyeey lahayd, qaabka sixitaane
    88. Duqoow ugu sarraysey lahayd, salax la taabtaaye
    89. Dhallin amar la siiyeey lahayd, oon sagsaag geline
    90. Xogogaal siraadey lahayd, suu arkoo runaye
    91. Aqoonyahan u sahanshay lahayd, meesha loo socone
    92. Sheekh cilmiga u saafeey lahayd, suu ILLAAH yiriye
    93. Macallin Saba’ baraayeey lahayd, Suuradda Qur’aane
    94. Kabiir saacideeyeey lahayd, oo ku sima jeere
    95. Arday subaca qaateey lahayd, aayad loo saxaye
    96. Safladirir cadaawey lahayd, sowd mid looyahaye
    97. Siiqa loo dhintaabey lahayd, magaca soomaale
    98. Sifo lagu yaqaannay lahayd, iyo siiro gooniyaye.

 

  1. Ummaddii sidaas soo ahayd, waa sohdima leeye
    100. Seddax boqol imaarado ayay, saa’id dheertahaye
    101. Saacatayn intii loo socdaba, seeradaa dhigane
    102. Ka salguurtey ciiddii cirkana, saani may degine
    103. Jidsiraad dushiis bay martiyo, sidib habheebeede(11)
    104. Samhariira naartiina waa, sii dul socotaaye.

 

  1. Surrucaad(12) u dhimay ruux dayaba talada soomaali
    106. Midnimaa la sabar wiiqayaa, lana saluugaaye
    107. Urur baa la saameelayaa, loo siqsiqayaaye
    108. Qaran baa la saraduugayaa(13), suuq la gadayaaye
    109. Qabiil baa la suumsuumayaa, loo sanrinayaaye(14)
    110. Waa la saama jiidaa wanaag, socod la aadaaye
    111. Dulmaa loo saqleeyaa xumaan, loo sinqanayaaye
    112. Surma seegtadaa lagu ordaa, iyo surun ciriiryoone
    113. Balaayadu halkay seexataa, loo sikanayaaye
    114. Saymuhu halkii ay maraan, ee naqu sabuulleeyo
    115. Inta laga sahwiyo baa abaar, loo sahminayaaye
    116. Waataas gumaystuhu sengehey oo sabaaliyaye
    117. Waataas sirriyo loo dhigiyo, buug siyaasiga’e
    118. Waataas qabiil loo sawiriyo, dirir sokeeyaade
    119. Waataas sawaariiqda iyo, suugga loo gadaye
    120. Waataas sohdimo yeelatiyo, sallax xudduudeede
    121. Waataas sabool iyo si daran, siiqan caatada’e
    122. Waataas sidii ari sekaa, suuqyadaa warane
    123. Sannahaabo waataas u horan, kaamka Soorada’e
    124. Waataas saliilyada cuntiyo, sixirka quureede
    125. Waataas tahriib subax walbaba, saaran doomaha’e
    126. Saxaraha wataas sii martiyo, seerka Liibiya’e
    127. Waataas Sucuudiga dawari, sacab ku tuuggiiye
    128. Waataas Sawaaxili martiday, iyo san wayntiiye
    129. Waataas subeehiga(15) kufrigu, sii safrinayaaye
    130. Waataas qaxootiga susumi, sabo shisheeyaade
    131. Waataas sidii la la rabiyo, soo bax loo helaye
    132. Wataas cayrta lagu suulal xiray, sayladdaa Yurube
    133. Waataas sebiyadii ay dhaleen, laga sidkaayaaye
    134. Waataas santuuqayada kuleej, lagu siyaartaaye
    135. Waataas la dhaqan suuliyoo, ceeb sakaar warane
    136. Waataas sidii saxar bidbidi, heegadaa sara’e
    137. Waataas sursuur halisa iyo, saalo caaridaye
    138. Waana taas sifadii Aadminimo, aan salkulahayne
    139. Saakana halkeey sahansataye, ay ku sii socoto
    140. Inuu samatabixiyoo ILLAAH, sacido mooyaane
    141. Saadaaladeediyo rajadu, way silloontahaye
    142. Si ka daranna waa la la rabaa, say haddeer tahaye.
  2. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
    144. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan, surinki weydaarshey
    145. Ma u simay sidii seyma roob, oo salaad da’aya
    146. Ma saldheeyey(16) baydgaabku waa, sarin habaabaaye.
    147. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

 

Eraybixin;

 

  1. sahangandoob: sahan meel soke laga soo laabto.
    2. saganyo: dabayl subaxdii iyo galabtii timaad.
    3. saraar: faras aan dhalin.
    4. baroor: nuuc fardaha ka mid ah.
    5. sugulle: meel magaceed.
    6. sogsog: nuuc ka mid ah orodka fardaha iyo geela, oo ruclaha ka agdhow. Deeganno geed ahaan looga yaqaannana waa jiraan.
    7. surco: soco af carabiya.
    8. sogob: cayilka labka xoolaha.
    9. sanahaabo: cunto aan nuxur lahayn, oo aan wax ku tarin.
    10. sanuun: hilbaha caraftooda.
    11. habheeb: meel cabsi badan.
    12. surracaad: ciil aadan jawaab ka bixin karin, ood is la xumayso.
    13. saraduud: neef geel ama lo, ah, oo kaa jabay, ee inta dad ku la qasho qaymo yar laguu celiyo.
    14. sanrin: wax ama meel la jecleysto, oo loo kadaaliyo. Sugasho weyn
    15. subeehi: qawsaar.
    16. saldho: meel la seexdo oo geed korkiis laga sameyo.

 

La soco qaybta xigta, ee gabayga.

Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN