GABAYGA: SOOYAAL Q2aad Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

GABAYGA: SOOYAAL Q2aad SIRIQROOR

Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;

Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.

Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)

Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)

Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa, 

1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)

Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.

Qaybtii 2aad: SIRIQROOR

  1. Sarta meesha saaxiibbayaal, qurun ka saameeyo
    149. Haddaan aayar laga saadda warin, wey sidsidixdaaye(17)
    150. Xaajadan sirgixantaa wacyigan, saaciddada diiddan
    151. Iyo salawga waayaha wixii, sababay maan baaro!
    152. Seeragoyska howshan gashaye, loo saldhigi waayey
    153. SIRIQROORKU meeshuu ka galay, soobil baan arage
    154. Haddiise saawasaawaha(18) Bashiir, laga su’aal doodo
    155. Soke aragti laga dayo ayaan, sare ka eegaaye
    156. Saydhadu(19) halkay ligantahana, dhibican saaraaye
    157. Saantirasho raad dhuumadkaan, suuliyaa(20) abide
    158. Sallaxyaduu ku taagsadana waan, holac siraadaaye
    159. Waxaan ugu socdana taa haddaan, siinka ku caddeeyo
    160. Intii xumaha soohdoo dhanbaan, saxu aqaannaaye
    161. Suxulduugga, seexseexadkiyo, saasintiyo(21) beenta
    162. Sinwadaagta wada suubbisaan, suul ku godayaaye
    163. Ka salgaar qofkii sixid rabow, sowdka hadalkeeyga.
  2. Markii ciidda soomaaliyeed, Laaram laga saaray
    165. Isticmaar salaaxiina baxay, siina sahayqaatay
    166. Sarmadoobayaal buu ka tegey, iyo surweelgaabe
    167. Iyagaa Suwiye(23) iyo bedelay, Fiishar iyo Seerli
    168. Sida qadiga saynsaabyadana, nagu sur duudduubye
    169. Maskaxdana santuuqbuu dhigtiyo, siin warlaliskiiye
    170. Dabadeedna ka la socoy halkaas, siraha Soomaale
    171. Inay saastahana waxad ku garan, waan ku solonsiine
    172. Soddomaadki siminaarradii, buugtuu nagu siiyey
    173. Intaan sidanno een subax walbaba, si ugu doodeyno
    174. Mey suulin weli Silfadoor (24), saxaafaddiisiiye
    175. Wax waqooyi sabar koofureed, uga saluug leexday
    176. Ama sool dagaal uga socdaa, waa so’duu dhigaye
    177. Sanadkanna sagaal iyo ka badan, qayb na ka la saarye
    178. Maxaad sugi saakana waa Nikolas(25), suuldhabaaluhuye.
  3. Si kastaba ha noqotee haddaan, sii sukulo faallo
    180. In kastood sarbeeb iyo sa`qoran, sowdka ugu sheegto
    181. Soli mayso waanadu dhegaan, uba samaysnayne
    182. Qalbi siigo owddoo dhintana, waa sidoo kale’e
    183. Ha yeeshee, maahmaah sugan ayaan, qaatay say tiriye
    184. Middi saawirtiyo madax socdaba, samir la dayn waaye
    185. Aan sarsaro bal sababtii labaad, godobta soomaali.
  4. Seddax iyo tobnaadkii u kacay, seeman(26) dhicinteeda
    187. Oo sool(27) abaar iyo u maray, seerigiyo howdka
    188. Suxulduubka raacdada raggii, sabarku uu dhuubtay
    189. Surdhad iyo suugays iyo samuud, saaxi iyo suurad(28)
    190. Seddax haba maqnaatee raggii, labada soo hooyey
    191. Oo guusha suuldaar hordhigay, suud iyo waqooyi
    192. Xibin laga ma siin sooryadii, sidigta maandeeqe
    193. Sufur seero waatii la dhigay, soocankii Es Waay EL
    194. Samirsiiska waatii durbaba, saangab loo qoraye
    195. Karal(29) saaxir saarkuu watiyo, saaqidyaa dhacaye
    196. Waateey sallaankiyo koreen, taliskii soomaale
    197. Ha yeeshee, sir iyo dhagari wey, ku la saliibtaane(30)
    198. Sagaal sano ka badan sii ma hayn, sarartay boobeen.
  5. Goortii sidaagii(31) Rishiid, saanad lagu toogtay
    200. Inqilaabka waa kii Siyaad, saabilka(32) u rogaye
    201. Waatuu siddeed saac xirxiray, sumallo wayntiiye
    202. Isaguna samaan la ma imaan, sogordah mooyaane
    203. Saamallaylka nimankii la galay, ee saqiray guusha
    204. Surkujoogsi buu ugu beddeley, sacab garaaciiye
    205. Ifka seeji aaqirana woow, sahayday qaarkoode
    206. Qabyaaladna sagaal jeer marlaab, dogobna sii saarye
    207. “Sirrig(33)” yiri qabiillada sidii, suguble awr geele
    208. Duullaan sokeeyana billow, oo colaad sahaye
    209. Hadbana seefta ku la bood ninkii: “waa sidee?” yiriye
    210. Si ka daranna wuu suubbiyiyo, waalli sixireede
    211. Suuradaha qur’aankiyo sharciga, beeni dhowr sadare
    212. Dumarkiyo raggaa simanna waa, soo sabuuradaye
    213. Sulus qayb casabadii u diid, saami dhaxalkiiye
    214. Minhuma suddusu suuf kullaab, suu ILAAH yiriye
    215. Kuse saxay dunuubtuu saqliyo, kibir sandhuubkiiye
    216. Sabbaaxadda wuxuu laba ridoo, dhibida sayraaba
    217. Is ka salaqsigiisaas wuxuu, duul salkicinaayey
    218. Waateey kuwii suujinjiray, subax ka tuureene.
  6. Iyaguna wanaag may samayn, siriq Alluu qoolye
    220. Waa sii muuqday goortay sarqaan, sawlax dirireene
    221. Soddon reerba hoggaamiye sawira, xero u saynsaabye
    222. Mooryaan silloon iyo ka xulay, saaqid iyo tuuge
    223. Suug iyo sekaawiyo u gaday, boobe silislaaye
    224. Saf markuu dhammaadana saf kale, saaray gaariga’e
    225. Sabciin alif wuxuu mayd sugee, uunka wada seemay
    226. Soof iyo wuxuu saad dhacee, beel ka sacabbaystay
    227. Si xun iyo wixii uu si daran, qalad santaagaaba
    228. Wax kastuu sameeyaba haddaan, laba saluugaynin
    229. In la saado mooyee haddaan, cidi su’aalaynin
    230. Seddax xaraf intuu siin ku daray, magac u soo saarye
    231. War saxaafadeedkana ku sheeg, urur siyaaseede
    232. U sannaar(34) sidii dibi sumbaa, oo lo’ saarsadaye
    233. Kuwii kalena sama’-sama’(35) afxumo, seerigii tebiye
    234. Subaxdiina siyaarada dagaal, la isku sayrsayrye
    235. Salfudaydka sowlaxa(36) la dirir, sabab la’aaneede
    236. Wuxuu sanado badan saa ku wado, ee xornima seejo
    237. Si ka daran sidii hore la yimid, dulun siyaadaaye
    238. Sahlanaan intuu calan u suray, dowlad suga sheegye
    239. Magacana SUTIYALAAN u bixi, gobolna saameeye
    240. Dhulka seer xarriiq oo xudduud, saas ku soo xiraye.
  7. Sagandaaga(37) awrkuba markii, sanadka uu qooqo
    242. Hadduu dhibida sayraariyee, micida soofeeysto
    243. Sida suur qiyaamaha hadduu, doob sawaxanteeyo
    244. Geelaba ka saar qaalinkiyo, suunbe karinleeye
    245. Hadba sayn cantuugyadana waa, salab eryoodaaye
    246. Waxay seddaxjir soo wada martoo, seeri wada daaqdo
    247. Ma saaxiibto aawrtuba hadday, sano sideed gaarto
    248. Sabo ku ma heshiisiyo suryiyo, seenyo xeradeede
    249. Sowraca bidhaan geel markuu, aragti soof eego
    250. Mid waliba safkii uu watuu, naqa ka saaraaye
    251. Intuu geeda seejiyo ayuu, saxara geeyaaye
    252. Wuxuu sidaa u yeelaana waa, qooq sakaadhiga’e(38)
    253. Wax suureeya siyaasiga in badan, hagaya soomaali.
  8. Jaahilkii markuu saas u galay, saariqna adeegtey
    255. Samabixin dadkii laga rabiyo, sulux heshiisiinta
    256. Odoyaashi nabad soohi jiray, belo markay suusto
    257. Hubka sayrka seekaawihiyo, saanaddii gada’e
    258. Saabaanka(39) dirireed sahliyo sahayda duullaanka
    259. Culimana inay ka la sacbiday, waad la socotaane
    260. Midba suurad waa kaa aqriyey, oo sakaadhiyaye
    261. Aqoonyahanna soomaalinimo, saanta hoos geliye
    262. Sabuuradda wanaag ku ma dhigiyo, samir walaaleede
    263. Ka la soocitaan kuu saxiix, qalinka saarayaaye
    264. Sadarrada midnimadoo dhanbuu, suuf ku tirayaaye
    265. Satiyada(40) qabiilkuu tolaa, saancadaalluhuye
    266. Waana seefta geerida, wuxuu soofe mariyaaye
    267. Siqiir gowricii dhacay ma jiro, qoom dil saamaxaye
    268. Sacabbada ninaan dhiig la gelin, sado xil loo diidye
    269. Kun ka saa’id goortuu surjaro, loo saldano sheeg.
  9. Haddii aarku seeriga ka helo, seenyo miranaysa
    271. Suubaan(41) gelgelimeed hadduu, silac u laalaadsho
    272. Ee daqayo siibtee misana, muruqa soocsoocdo
    273. Markuu dhereg sannaaree subxiga, kaynta socod aado
    274. Raqda Soobir meeshuu sursuray, amuu ku saaf-saafay
    275. Sirqo habar dugaag oo dhanbaa, saacaddaas imane
    276. Sambabkiyo waxay ka la daftaa, suumankuu nacaye
    277. So’ iyo saan markay feenatee, yare sintoolayso
    278. Safka xiga haadkii suganayaa, soo sawaaf dega’e
    279. Sanka iyo ilxayrkiyo dhegtey, xididdo siibtaaye
    280. Markii ay sakaarkiyo lafaha, suunan ka idleeyso
    281. Baqti suranihiibaa(42) markaas, soo sanraac baxa’e
    282. Uuskiyo wixii subag dhibceey, carrabka saartaane
    283. Wax suureeya soomaalidaan, qoonba sanad laayo.

Eraybixin;

  1. sidsidix: haraggu marka uu qurmo ee uu kala daato
    18. saawasaawe: sheeka sheeko
    19. saydho: laan geed oo qof kaa horreeyey kagu soo daayo.
    20. suulin/farya suulin: raad baalaabay ama meel dhagaxa maray tartiib u raadin.
    21. saasin: wax qarin ee meel kale farta ku fiiqid.
    22. seerli: magac nin ka mid ah gumeystihii Soomaaliya
    23. Suwiye: la mid.
    24. Silfadoor: sidoo kale.
    25. Nikalos Key: ergay ka socday QM oo u qaabilsanaa dalkeenna.
    26. Seeman: hal magaceed oo aan u soo qaatay qarannimada.
    27. Sool: dhulka ceel dheertaa oo oommanaha ah.
    28. Surdhar, Suugeys, Samuud, Saaxi, Suurad: Geel magaciis, waxaana u soo qaatay shatii magac Soomaaliya gumeystu u ka la bixiyey.
    29. Karal: magac nin ka mid ahaa gumeystihii hore.
    30. saliib: carrada qoyan ee ku la sidbata.
    31. sidaay: xil sidaha.
    32. saabil: qaab turubka loo cayaaro, oo laysku khiqaano.
    33. sirig: marka awrta leysku dirayo ayaa sirig sirig la dhahaa.
    34. sannaar: dhawaqa xoolaha labkaa ee qooqan.
    35. sama-sama: hadal aan isku aaddanayn.
    56. sawlax: dhawaqa dadka dagaalaya.
    37. sagandaa: awrka cayilan.
    38. sakaadhi: kibir dhaarasho.
    39. saabaan: alaabta wax lagu cuno.
    40. sati: maqaar la tolay, oo weel meel kore la la suro.
    41. suubaan: boorka ka kaca dooxooyinka.
    42. baqti surane: Tixiriga waaweyn ee baqtiga ku dega.

La soco qaybta xigta, ee gabayga.

Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN