Meerehee ka yimaadeen; Maaris mise meel kale? Qore: Abdirisak Ahmed Gelinbacayn

Meerehee ka yimaadeen; Maaris mise meel kale?

 

Malahayga Cawaale Maroodi, Cige Maroodi, iyo Canab Maroodi waxa ay ka yimaadeen meeraha “Mars“, cimri ahaan waxay inaka weyn yihiin 460 sano. Waxa dhalay reer qansax oo jinsi ahaan ku abtirsada “dad ka soo jeeda isla meerahaas“. Waxaa waxbaray macallimiin khuburo ah oo laga soo dhex hindhisay barbaarta jinka. Waxaa dhashay qalanjo 67 baac ah, waxa ay foolanaysay fatro yar oo 53 habeen ku gingiman, waxa ay ku dhesheen gobolka barwaaqo ee dhaca dhanka bogox ee meerahaha Maaris. Maalinkoodu waxa uu dhan yahay 72 saacadood, halkii saac waxa ay xafidi karaan duruus 100 G.B lagu qiyaaso. Teknoolojidda waxa ay ka gaareen heer aan weli arlada ka hirgelin, taas ayaana u fududaysay in ay kawnkan ka hirgeliyaan waxyaalo biiba oo bilaa naf ah.

Muraayad laga dhex arko midkoo Maraykan jooga waxa ay, waxa ay, waxa ay ooo op soori anoo hadalka si darandoorri ah u wada waxa durbadiiba hadal igu boobay Bbile oo bidixdayda fadhiyeyey oo yiri waa kuwa ma Ilma maroodi? Si yar baan intaan u daymooday dibnahana aan carrab ku qoystay ugu jawaabay “ilma maroodi waa koronto dhaliyaha, kaare sameeyaha iyo kaamira keenaha“. Bile oo baraarugay baa ii sii bayaamiyey oo yiri armaa “ikhtiraacayaasha dunida u jeeda” weedhan durbadiiba naftayda ayaa saakin ku noqotay, oraahdaydii “Afkaaga labeen idaad lagu qabay” ka sokow waxa aan si dhib yar ugu jawaabay “haah” waa iyaga. Bile intuu ashqaraaray buu yaab afka la ka la jiiday oo yiri:

Ilma maroodi meelna kaa ma jiraan isku bah baad tihiin, dhanka cimrigana isku fil baad ka tihiin, waxa idin wada dhalay wiilashii ilma Nabi Nuux, meel kale ka ma imaane arladan baad ka wada alkumanteen, waxa wax baray barayaasha maanta jooga kuwo ka dib dhacsanaa. Maamada dhashayna hadday cirka u booddo mitir iyo siddeetan ka ma dheera, fool ahaanna malin iyo gelinkeed bay ku sinnayd, waxa ay ku dhasheen hadday doonaan dooxada xiradaa-muudal ee dhacda bartamaha gobolka bari, dhererka maalintoodu waa afar iyo labaatan saaaaaa…”

Sug-sug” waa kelmad aan ku banjariyey niyad wanaaggii Bile iigu warramayey asii aanan ani dhab iiga daaddegin aad iyo xoogna aan ugu miigtay taas bedelkeedana aan xanaaq la miyir doorsoomay, neerfaha dhafoorkuna ay sidii qaansa roobaadii cirka ay isku shareereen, sisi ahaan qofkii sidaas noqdaana uusan ka fursan karin waddo uu ku damiyo irdhaha jaahwareeriyey.

Jabba waa kan dambeeyee, sow shaydaan iima carrabaabin in aan Bile feer aan muddo giijinayey dhabna aan uga baaraan degey, aan kala bartilmaameedsaday isha midig kooddeeda, illeen waa tuu bidixda iga fadhiyey’e, allaa waa kan Bile i hor yaalla! Sawkan shaydaankii durba iga duulay! Saw anigan isweydiinaya sidee ilma maroodi layla barbardhigi karaa? Saw astacajabkii igu ma laba lixaadsan. Sawtan aan jabaq “wii” ay weheliso dhanka bari igagama imaan, mise waa boolis durbadiiba xaggaa iyo saldhigga Baalade ii la biibay. Baalade beryoba aan ku baado ma xumee, sowtan maxkamaddii anigoo jajuub ah lay wado lay keenay, durbadiiba waxa ay indhahaygu qabanayaan maxkamaddii iyo Bile oo la garbinayo, dood iyo isdifaac ka dib waxan garwaaqsaday, in aniga iyo ilma maroodi aan boos biti la saaro noo dhexaynin, halkiina aan bisinka ku boobay, Bile-na aan boowe iyo beloy bayr ka la dhammaan waayey, deetona aan dib ugu laabtay xaggaas iyo xabisigii Baalade. Fariintan waxan ka soo dhex diray qolkayga yar ee xabsiga ku dhex yaalla.

Qore: Abdirisak Ahmed Gelinbacayn

Gelinbacayn79@gmail.com

SHEEKOOYIN