Home Qoraallo 2.3 Afafka bahda Berberka W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

2.3 Afafka bahda Berberka W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

0
SHARE

2.3 Afafka bahda Berberka

 

Bahdan loo yaqaan Berber ayaa ah bah ka mid ah afka Xemito-Semitig (Afro-Asiatic). Ereyga Berber ayaa ah erey-bixin loo adeegsado dadka aan soohdimuhu xirin ee iska guura taas oo loola jeedo in ay tahay nin xor ah, islana weyn (free man). Afafka bahdan ayaa waxa ku hadla bulsho ballaaran oo ku dhaqan dalalka Aljeeriya, Marooko, Liibiya, Tuuniisiya, dalka Maali, Galbeedka iyo Waqooyiga dalka Nijar, Waqooyiga Burkiino Faso, Muritaaniya iyo dhulka loo yaqaan Ilaha Siwi ee Galbeedka dalka Masar. Tiro badan oo soogelooti ah, afka Berberkana ku hadla ayaa iyana ku dhaqan qaaradda Waqooyiga Ameerika iyo Yurubta Galbeed. Guudahaan bahdan Berberka waxa ku hadla dad tiradooda lagu qiyaasay shan iyo labaatan (25) ilaa shan iyo soddon (35) malyuun, inkasta oo aan lahayn tiro sax ah oo afka ku hadasha. Dalalka Marooko iyo Aljeeriyana waxa uu si dastuuri ah u noqday afafka qaranka ee dalalkaas wixii ka dambeeyey sannadkii 2011kii, sannad ka dibna, 2012kii, waxa uu noqday mid lagaga hadlo golaha wakiillada ee dalka Marooko, su’aalona la isku weydiiyo marka laga doodayo arrimaha masiiriga ah ee dalkaas. Saamayn ballaaran oo xagga afafka ah ayaa waxa ay sababtay in afka Berberka ka yaraado meelaha qaarkood iyada oo bulshadii ku hadli jirtay aysan guu-rin ama dabargo’in. Saamayntaas afeed waxa laga xusi karaa imaanshihii uu Islaamku yimi Galbeedka iyo Waqooyiga Afrika waxa aad loo adeegsaday afka Carabiga oo ay diinta Islaamku ku soo degtay maaddaama dadku ay cilmi doon ahaayeen, diintana baranayeen.

Waxa kale oo afka Berberka saamayn weyn ku yeeshay afafkii gumeystaha ee reer Galbeedka sida Faransiiska iyo Isbaanishka oo iyagu afafkoodii ka dhigay kuwo halbeeg u ah bulshada deeggaanadaas ku dhaqan.[1] Afafka bahdan oo ka kooban ilaa toban (10) af ayaa ah mid laga adeegsado magaalooyin iyo deegaanno kala  duwan oo dhaca Waqooyiga iyo Galbeedka Afrika waxa ayna kala  yihiin:

  • Afka Rifano ayaa lagaga hadlaa Woqooyiga Marooko
  • Afka Beraber (Tamazight) ayaa laga adeegsadaa isla bartamaha dalka Marooko
  • Afka kale ee loo yaqaan Shlex ayaa isna lagaga hadlaa Koonfurta Marooko
  • Kabila oo isna lagaga hadlo Woqooyibari ee dalka Aljeeriya
  • Afka Chaouia ayaa isna lagaga hadlaa Woqooyibari ee isla dalka Aljeeriya
  • Mazabita Mazab, Aljeeriya
  • Wargalita oo isna lagaga hadlo bartamaha Aljeeriya
  • Refusi oo lagaga hadlo Galbeedka Liibiya
  • Siwi oo isna ah af laga adeegsado Galbeedka Masar iyo
  • Tuareg oo isna lagaga hadlo qaybo ka mid ah dalalka Maali, Niger, Aljeeriya, Liibiya iyo dalka Burkina Faso.[2]

 

(Wikipedia).
Khariidadani waa mid muujinaysa aagagga lagaga hadlo afka Berberka ee Waqooyiga iyo Galbeedka qaaradda Afrika (Wikipedia).

 

 

Bahda Berberku waxa ay lahayd far qoran, aadna ugu dhow tan Carabiga waxaana la adeegsan jiray qarnigii sagaal iyo tobnaad (19aad) iyo weliba ka hor gaarahaan afka la yiraahdo Kabila ee lagaga hadlo Waqooyi-bari ee dalka Aljeeriya. Khubarada afafku, gaaraahaan kuwa wax ka baara bahda Xemito-Semitiggu waxa ay rumaysan yihiin in ay calaaqaad weyn leeyihiin bahda Berberka iyo Semitiggu gaar-ahaan Carabiga.

 

 

Qoraal gacmeedkani (manuscript) waa afka Kabila kana mid ah bahda Berberka, lagagana hadlo Waqooyi-bari Aljeeriya waana qoraal la qoray qarnigii sagaal iyo tobnaad (19) bartamihiisii (Wikipedia).

(Wikipedia).
Qoraal gacmeedkani (manuscript) waa afka Kabila kana mid ah bahda Berberka, lagagana hadlo Waqooyi-bari Aljeeriya waana qoraal la qoray qarnigii sagaal iyo tobnaad (19) bartamihiisii (Wikipedia).

 

 

 

 

 

 

 

 

2.2 Afafka bahda Semitigga W/Q:Dr. Suldaan Maxamed Suldaan Ibraahim Siciid (Suldaan Garyare)

[1]Brett, Michael; Fentress, Elizabeth (1997) [ISBN 0-631-16852-4], The Berbers (The Peoples of Africa), ISBN 0-631-20767-8

[2]Mansuur.

SHARE