GABAYGA: SOOYAAL Q3AAD Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 3AAD: SEEGSEEG 

Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;

Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.

Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.

Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)

Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)

Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa, 

1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)

Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.

 

 

QAYBTII 3AAD: SEEGSEEG 

 

  1. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
    285. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydarshey
    286. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
    287. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
    288. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.
  2. Signal baxay dheglaa salagle, oo seeri bigil yeerye
    290. Saqdi dhexe Bashiirow haddii, samada aan eegay
    291. Xidigaha siraadiyo markaan, rugaha saac baaray
    292. Saxal dirirka saanboob ku dhaaf, saraq wareeggiiye
    293. Naafaha ayuu sanaddadaan, ka la dhex sooraaye
    294. Sahriguna sabciin tiro habeen, soo ma uu bixine
    295. Sacadhowr salaad subax ma dhoco, bilaha seemoone
    296. Cirjiirkuna seddaxa cirir ma qaban, labo sagaalaade
    297. Dayaxuna sabaannadaan ma maro, surummadiisiiye
    298. Qibla sooraduu uga sikaday, sebenka maantaaye
    299. Sagallada baxaayaana waa, sanad abaaraade
  3. Faalkana markaan saaciyee, sababta aan baaray
    301. Caynsane(43) hagaag seexay oo, bayd su’aal noqoye
    302. Garbaraar(44) sifada guud tilmaan, siin ya’ lagu reebye
    303. Dariiquna(45) sirriyo qaawan iyo, samir la’aan sheegye
    304. Nulqad(46) laba saflayn iyo caddey, guluf sawaariiqe
    305. Minkiis(47) suuldhabaalaha u saar, sacab shisheyaade
    306. Safarna(48) waxa ka kacay waa afyuub(49), mooro suxulloode(50)
  4. Mar hadday sidaas tahay arrini, oo jin nagu seexday
    308. Hadal la ma surnaadee waxaan, talo ku soo saaray
    309. Shacabyohow la siray oo la sabay, waydin saxayaaye
    310. Sidiqabaxda saacaan waqtigu, waa Sahyuuniyade
    311. Waa qabyaalad samayada(51) u daab, qaranna seegseege
    312. Waa gudin nin soo suubsadiyo, xilal maqaarsaare
    313. Waana ii sixiix saan rabiyo, xoog ku socodsiiye
    314. Qabiil summadka, sirir waallidiyo, xagarro food saarka
    315. Saydho duugga, surin qodax mudkiyo, geedo sare waabka
    316. Sanuud tacabka, saro taagiddiyo, soor hunguridoonka
    317. Salsal hadalka, suuryeerintiyo, been sabsabitaanka
    318. Siyaasigan la salanseelayee, kugu sifaadahaya
    319. Siyaasigan caqligu seero yahay, ood sengaha mooddo
    320. Siyaasigan kufriga saaxibee, kaa sirduubahaya
    321. Siyaasigan sidii saxalka Eey, loo tilmaan sarayo
    322. Siyaasigan madfaca kuu sitiyo, sumaca maadhiinka
    323. Siyaasigan ku saan jarahayee, laayey sebidaada
    324. Siyaasigan salkaca kaa dhigee, samada kuu laalay
    325. Siyaasigan ku ka la soocayee, sool ku ka la geeyey
    326. Siyaasigan suryada(52) kugu horee, kugu sarmaan ooday
    327. Siyaasigan balaayada solee, nabadda aan saabin
    328. Siyaasigan saldhada(53) kaa dhigtee, gurada kaa saaran
    329. Hadba suud ha kuu soo xirtiyo, saacad iyo koore
    330. Samirkiyo dulqaadkaad gashee, waayo suganayso
    331. Waxba inaanu soo sidin haddii, aad suti ogaatay
    332. Saadaalo beentiyo rajada, sow is ka ma sayrtid?
    333. Sow qabiil siduu kuu la degey, siira ka ma dooddid?
    334. Sow qabyaaladdaan saaqidnimo, ku ma saliilyootid?
    335. Sow quursi soocsooca hayb, waana ka ma soontid?
    336. Sow danaysteyaashaan ku sira, sowdka ku ma diiddid?
    337. Sow subax naftoo sirinsirqaa(54), weerar ku ma soogtid?
    338. Sowse nacabkan seedaha ku jara, meel is ka ma saartid?.

 

Eraybixin;

 

  1. caynsane: beyd faalka ka mid ah.
    44. garbaraar: la mid.
    45. dariiq: la mid.
    46. nulqad: la mid.
  2. minkiis: la mid.
  3. safar: beyd soo baxa marka la isku dhufto beydadka faalka. Waakii ninku lahaa:

“sa’far afyuub iyo siin ILLAAH midna ku ma samir xumi!”
49. afyuub: beyd faalka ka mid ah.
50. mooro xusullood: xerada faalka laga miisaamo.
51. samayo: usha waranka.
52. suryo: meesha labada geed u dhexeysa ee la maro.
53. saldho: meel la seexdo oo geed korkiis laga sameeyo.
54. sirinsirqeyn: naftoo la huro.
55. salaalug: hurdo ku nixid.

La soco qaybta xigta, ee gabayga.

Curiye: abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN