Cabdulqaadir “Aromo” Taariikhyahankii Weynaa ee Koonfurta Soomaaliya

Cabdulqaadir “Aromo” Taariikhyahankii Weynaa ee Koonfurta Soomaaliya

“Haddii reer Waqooyi u kacay rag u diiwaan galiyey suugaantoodii, Cabdulqaadir Aromana waxa uu ahaa geesi qalinka u qaatay, sidii daaha looga rogi lahaa suugaantii iyo sooyaalkii Koonfurta Soomaaliya.” Hassan Mudane

Aniga oo akhrinaya buugga ‘Hadimadii Gumeysiga’ ee uu qoray Taariikhyahan, Mujaahid, Afyaqaan, Sooyaaldhigi, Suugaanyahan, Mufakir, Qoraa Abdulqaadir ‘Aroma,’ ayaan ku dul kufay, mid ka mida cinwaanka cutubyada buugga, oo u dhignaa sidan: ‘Suugaantii Dagaalladii ‘UNOSOM.’ Waa cutub ka sheekaynaa suugaantii laga tiriyey halgankii looga soo horjeedey huwantii Qaramada Midowbe iyo Ciidamadii Maraykanka. Suugaanta ku qoran cutubkan maahan mid iska caadi ah, balse waa mid xambaarsan dhacdo taariikheed mug leh.
Markii aan gudaha u galay akhrinta suugaanta, ayaan isweydiiyey su’aal aheyd: Haddii uusan Cabdulqaadir Aroma diiwangalin laheyn, talow miyey jirtay cid inoo weeleyn laheyd taariikhdaas?

Miyey taariikhdu xusi doontaa?

Bishan oo kale, saddex gu’ ka hor ayaynu waynay taariikhyahankeennii Soomaaliyeed. Geeridu waa run ka madax bannaan shaki oo dhan, balse xaqiiqda ii muuqata waxa ay tahay, qarniyada xiga in aynu dhammaanteen ka mid noqon doono laba koox midkood:
1. Kuwa ay taariikhdu wariso, dunida kaga tagay dhaxal waara oo ku dhisan aqoon cilmiyeeysan; quruumo badana sii hara.
2. Kuwa aad moodday in ay dunidan orod ku yimaadeyn, orodna ku sii maray, kadibna ay taariikhdu hilmaamtay.

Haddaba, ka mid noqoshada mid ka mida labadaas koox waxa ay ku xiran tahay qofka doorashadiisa. Cabdulqaadir Aromana, Rabbi ha u naxariiste waxa uu doortay in uu ka mid noqdo kooxda koowaad. Waa qoraaga buugaag dhowr ah, oo intooda badan diiradda uu ku saaray, weeleynta suugaanta iyo dhacdooyinka Koonfurta Soomaaliya. Xaqiiqooyin badan oo naga daahsoonaa ayuu inoo daahfuray. Haddii reer Waqooyi u kacay rag u diiwaan galiyey suugaantoodii; Aromana waxa uu ahaa geesi qalinka u qaatay, sidii daaha looga rogi lahaa suugaantii iyo sooyaalkii Koonfurta Soomaaliya.

Dulmanahaan u doodaa

Danyartaan la jaal ahay

Doqonkiyo dammanahaan

Danta guud u sheegaa
Wixii aniga iga dedan

Rabbi baan u daayaa
Intaan dunidan joogana

Dastuurkaygu waa kaas.” Cabdulqaadir Aroma.

W/Q: Hassan Mudane

SHEEKOOYIN