GABAYGA: SOOYAAL Q/4AAD Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 4AAD SANADGUURO

Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;

 

Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.

Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)

Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)

Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa, 

1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)

Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.

 

 

QAYBTII 4AAD SANADGUURO

 

  1. Afartaa intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshey
    340. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan surinki weydaarshey
    341. Ma u simay sidii sayma roob, oo salaad da’aya
    342. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
    343. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere.

 

  1. Bulshayahay sifada Aadmi waa, boqol siyaaboode
    345. Qof kastana sibuu doonayaa, ama saluugaaye
    346. Waxse aniga saabkayga yaal, baan sadaqayaaye
    347. Xalay seexan waayoo hurdada, waan salaalugaye(55)
    348. Sakaraad sidaan ahay ayaan, saamallayl kacaye
    349. Hadba sinu fariistoo subxiga, galay salaaddiiye
    350. Wixii aan la selaloo in badan, soor la cuni waayey
    351. Oo sirinsirkaas iigu wacan, maydin solonsiiyo
    352. Nin walaalki cadaw soo jireen, haysto sabarkiisa
    353. Oo weli sabgaalinahayoo(56), uu sindabyeeyey
    354. Isagana sabaansabid maskixi, lagu samaynaayo
    355. Maqaar saarna lagu saatanshiyo, saawirro adeega
    356. Oo seegto laga dhaadhacshiyo, sheekan soconaynin
    357. Oo saabbesaabbe iyo ku nool, siibado qaxooti
    358. Xornimaduu salleelaynayiyo, calankan uu saartay
    359. Lixiyo labatankuu siiyay juun, ee kowda luul saxayo
    360. Sanadguuradan maanan garan, aay sabcinayaane
    361. Siduu yiri kurraacaha kufriga, qaatay salawgiisa
    362. Bal su’aala Soomaaliyeey, weertan soo socota.

 

  1. Haddii uu shan soomalo ka dhigay, sayncaddaha gaalku
    364. Seddax maqanya, labo seedo mudan, oo silsiladaysan
    365. Oo seeska wadareed u siman, magaca soomaali
    366. Sareedada xorriyo ee lahelay, saani ugu qayb dheh
    367. Bal suureey sinnaan iyo badnaan, saamigii dhaxalka
    368. Ma saxbaa in loo saariyaa, suud iyo waqooyi
    369. Intii kalena Sawaaxiliga iyo Xabashi aan siinno?.

 

  1. Su’aal kale haddii aan hordhigo, gebigeed soomaali
    371. Subax baan midoownaan maqlaa, saacad iyo goore
    372. Soomaali waataan ahayn, siman walaalaaye
    373. Goormaanu ka la soocannoo, saafmay dhaladkeennu?
    374. Horta yaa sideedaba innaga, jeer na ka la saaray?
    375. Sahnuuniga kufrigu sheekaduu, soo sabbaxateeyey
    376. Siriqduu lugaha noo gelshiyo, dabinkuu noo soohday
    377. Surka miyaan ku sidannaa xargihii, sida sabayn daylo?
  2. Suudda koofur, waqooyiga Sanaag, gobaladdaa Saylac
    379. Sabiixdaa Jabuutiyo galbeed, Harar safkuu raacshey
    380. Seerahaas Wajeer iyo sintaas, Gaarisada saaran
    381. Shantii soomaloo soon gumaysi, noo sohdimo qaybshay
    382. Sarintiyo sudmadahuu dhigiyo, surimmaduu jeexay
    383. Miyaan weli ku sii socod lunnaa, tubihii seylaani?
  3. Siinka alif ardaga seero qalad, siyo kale u qaata
    385. Salbanii Israa’iila ma saxo, suuraddii baqara
    386. Nin sahwiyey, salaadaha ku noqoy, labo sujuudoode
    387. Lixdankii haddaan seegnay talo, sibiqna duuflaalnay
    388. Wax sawaaban oo silan haddaan, sahal ku taageernay
    389. Salfudayd haddii aan u sacbinnay, sababti mowdkeenna
    390. Suluxyadii qiyaaniyo waxaan, belo sawaafraacnay
    391. Boqol sano inaan weli la sixin, qaladkan seeraaran
    392. Oo aan sirtii abid la garan, waa sabcaalnimo’e(57)
    393. Sow ma eegto illaa sebenudiin, dhagartan Soomaali?.
  4. Ina seenyo oo sayle aar, mici suryeeynaayo
    395. Oo soorka dhuug sayn ilaa, sararta laallaado
    396. Oo caato sabar wiiqanoo, awrba weli saarsan
    397. Waa sidig irmaan kii na yiri, waana saabilaye
    398. Gaawe sahashadeenii haddii, aan hungow saxannay
    399. Inuu weli sedkeed yahay maxaan, Suub u garan waynay?.
  5. Soddon iyo sagaal sano siddeed, saa’id iyo naaqis
    401. Soofdaran habaw bay ahayd, sidigta maandeeqe
    402. Sallid(58) baana ku soohnaa waqeed, geedo saajiya’e
    403. Sulsuldabar markii lagu eryee, saynta laga duubay
    404. San ku xuuble dhiciskiina ay, sayrid miridhaysay(59)
    405. Suulgoroyo(60) waatay toleen, saaqdhagooluhuye
    406. Gujo suxulna ay ugu dareen, sacab ku maalkiiye
    407. Markay gaagax dhega soolidee, iba salaax diidday
    408. Afarteedii suul baa qabiil, saab ku qaaybsadaye.

 

  1. Nin sarteeda raba oon u socon, Seenyo dhaqankeeda
    410. Oo inuu safriyo doonayiyo, saylad inuu beecsho
    411. Oo sandareerto siisanahayiyo, subax waxuu quuto
    412. Iyo kii samaan iyo la raba, nabad inay soofto
    413. Oo u sahanshay kayn seerbaxdoo, sarinku doogaabay
    414. Oo sabo wanaagliyo u wada, seel inay mirato
    415. Oo dhiillo saabliyo sibraar, soo sahsahanaaya
    416. Oo jecel salaaxsuga inuu, sebiyaduu maalo
    417. Labadaas ayaa ka la safane, maan gar ka la siinno?.

 

  1. Hadal la ma surnaadee haddaan, soo afxiro weerta
    419. Sa’da ka ma dambaystaa waxaan, doodda kaga seexday
    420. Sacsac bahala, suqurjaa(61) horkaca, suququl(62) taageera
    421. Sanfi(63) dhaqan xun, soofaalli(64) tuug, saaxiriin quruna
    422. Iyo saar gumaystaha intaad, daba saqlaynnayso
    423. Sedbursiga intay sheegayan, si xun u faa’iidku
    424. Suud iyo waqooyiga intii, lagu sargooynaayo
    425. Midnimaad saleelo u heshiyo, samo inaad waarto
    426. Suxulkaaga leef weeye iyo, sacab timooleeye
    427. Hana sugina soomaaliyeey, nabad sawaabkeede!

 

Eray bixin;

 

  1. sabgaalin: wax nool oo dhulka la la dhaco iyado la dilayo.
    57. sabcaalnimo: sawirnimo.
    58. sallid: qofka mar walba ku dhiba oo aan kaa tegeyn.
    59. miridheyn: hasha dhicisa ama ilmuhu ka xumaadaan.
    60. suulgorayo: hasha la gacanbarayo suulka kor u xirid.
    61. suqurjaa: qofka damaca xun.
    62. suququl: qofka yabaalka badan.
    63. sanfi: dabbaal.
    64. soofaalli: qofka iska hadla, si xishooddarra ah.

 

La socda qaybta xigta ee gabayga.

Curiye: Abwaan Maxamad Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN