Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q43AAD W/Q: Xuseen “WADAAD


Sheeko taxan:Horta yaa abaal gala hadduu jirona yaa guda? Q43AAD

Waxaa la joogaa Cusbitaalka guud, Waxaa qol ka mida qolalka bukaannada la seexsho ka yeeray mar qura oohin iyo cabaad aan kala go’ lahayn ”aaaaaaaa aaaaaaaaa ba’yeey, ba’yeey, anaa ba’ay!” Dadkii la joogay bukaannada kale,shaqaalihi kalkaaliyaasha iyo dhaqaatiirta ayaa ku baxay qolka qaylada iyo oohintu ka baxeyso.

Waxaa loo tegey Hooyo barooraneyso iyo geber Kalkaaliso ah oo maro cad ku dadeyso Toosheey oo u  qurbaxdey xijaabatay dhaawacii tooreyda lagu gaarsiiyay oo ay waayadaan la tiil cusbitaal iyadoo ogaal la’. Dadkii soo galay ayaa kolkeey ogaadeen waxa dhacay ineey geeri tahay hal mar wada yiri: Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun, Rabbi ha u naxariisto, hooyo, Idinkana samir ha idinka siiyo. Waa meel loo wada socdo ee ha la sabro.” Alla geeridu qaraaraa, kolkeey gacalkaa kaa qaaddo, guul darriyii xunuun badanaa gubaya laabtaada”. Waxaa la yiraa ”Geeri waxeey ku fiican tahay geeljire iyo  nimaadan garanayn”. Aniga ma ogi waxa loola doontay Geeljiraha.

Toosheey, Waxeey aheyd gabar fariid ah oo baari ah, reerkeeduna aad u jeclaayeen,waxeey aheyd Ardayad si fiican wax u barato,fahamkeeduna sarreeyo. Waxeey aheyd qofka keliya ee reerkeedu ku tashanayeen, waxeey aheyd garabka midig ee hooyadeed. ”Qof la jecel yahay ma raago”.

Hooyo Salaado, waxaa laga soo saaray qolkii, iyadoo weli sidii u barooraneyso, ereyo habaarana u miiseyso kuwii geberteeda dhaafiyay. Ereyadeeda waxaa ka mida ”Alloow anaa ba’ay aaaa aaa iiiiiiii iiiii Meel xun ka baxa,Baabuur idin shiid,laydinma arko aaaaaaaaa iiiiiiiii. Rabboow adaan ku tuugay ee adaa awood lehe iiga aar aaaaaaaaaaa iiiiiiiiii ba’ayeey ba’yeey.”

Hooyo Salaado, iyadoo weli sideedii u barooraneyso ayaa bareella qolkii looga soo bixiyay Maydki Toosheey, waxaana la geeyay qol kale oo meel geesa ku yaal.

Xaafadda Reer Maxaad Cali, Waxaa isugu yimid rag fara badan iyo xoogaa dumara oo iyagu adeegga dabka ku jiro.

Waxaa qol gaara ku jiro toddoba wadaad oo uu hoggaanka u haayo Xaaji Hilowle, waxaa dhexda la fadhiisiyay Maxaad Cali, Xaaji Hilowlaa ku leh: Maxaad Xagga qiblada u jeeso, quraankana niyeeyso. Marxabba ayuu ku jawaabay Maxaad Cali.

Waxaa isla markii qolka soo galay Cali Gaab oo Baaquli biyo ku sida si Tahliil loogu tufo guriga iyo reerka intiisa kale. Baaquligi biyahana waxuu dhigay Dhexda.

Wadaadadii toddobada ahaa ayaa kala qaybsaday toddobada jallaad, Adeer Hilowle Jallaad Jimco, Sheekh Carrabeey Jallaad Sabti, Macallin Dalluug Jallaad Axad, Aw Jimcaale Jallaad Isniin,Daadiroow Talaado, Shuqul Arbaco iyo Aw Colaad oo qaatay Jallaad Khamiis. Bismillaah Faataxa, ayaa waxaa yiri Adeer Hilowle, mar qura ayaa akhrintii quraanka qolka ka billaabatay.

Dhinaca Jikada, waxaa ku jiro Kutubo, Xaajiyo Batuulo, Xabiibooy iyo Maamma Dahabo. Iyagu cuntada waa u bisishahay, waxay jarjaraayaan uun Ansalaato iyo wax kaloo yaryar, caano qasidna waa ku jiraan, waxeeyna sugaayaan inta quraan aqrinta laga dhammeyhaayo uun.

Waxaa qol kale ku jiro aqyaar badan oo uu hormuud u yahay Cali Gaab iyo Xamuud Cali oo isaga lala kaftamaayo, kaftanka waxuu ku socdaa, reer Beled iyo reer Baadiye.

Cali Gaab ayaa leh: Adeer Xamuudoow, Baadiyahaan waad ku dhimateene maad isaga kooydaan? Xamuud oo warkaas ka biyo diidsan ayaa yiri: iih iih minaan ka imaad xaan hee inta ka qabahaa oo ii yaal, idinkase hadda xaad ku heysaan oon iska daba wareeg eheyn? 

Abuukaate Cosoboow, oo  dooda la socdey labada dhinac] maqlaayayna sida ay u socoto iyo tu kaloo ka horreysayba ayaa yiri: Caliyoow Adeerka waa runtiis beled iyo Baadiyo labadaba ma kala maarmaan ee qof kastaa mahiisoow ku raayaa ee ha loo daayo.

Hooyo Salaado, iyadoo weli habaarkii iyo oohintii waddo ayay dhulka isku tuurtay, shaashkii madaxa u saarnaana gacanta bidix ku tuurtay, xoogaa kaddibna waaba taa dhuuntu xirantahay codna ka soo bixi waayay, waxaa ku kordhay dareenkii xanuunka badnaa ee helay, waxeey noqotay qof miirbeeshay oo kale.

Waxaa halkeedii ugu yimid Laba gabdhood oo lebisan dhar isu eg oo cadcad, waa laba gabdhood oo aad mooddo mataano sida ay isugu sargo’anyihiin, waa Arday waxbarasho u joogo meesha. Waxay garbaha ka qabteen Hooyo Salaado, waase hinjin kari waayeen, maadaama iyadu aaney laheyn kaalmeyn. Mid ka mida ayaa doontay Troli lagu qaado iyo cid kaloo la hinjiso, waxeey soo noqotay iyadoo ay la socdaan laba gabdhood oo kale, waxeeyna waddaa oo ay riixee Troligi ay ku qaadi lahaayeen. Iyagoo la rafahaayo ayaa waxaa ku soo leexday Dhaqtar agtooda maraayay, waxuuna ka caawiyay ineey saaraan Troliga, kaddibna waxaa lala aaday Qol ka mida qolalka ay joogaan dhaqaatiirta.

Waxaa la kulmay oo eegay,dhegeystay, neefsashadeeda iyo garaaca wadnaheedana qiyaasay Dr Madeey. Muggi uu baaritaanki dhammaadey ayuu amray in lagu mudo filiibo ah Dextrose Saline, loogu daro Valium (Diazepam10mg).

La soco qaybaha kale.

Waxaa qoray:

Xuseen M.Cabdulle “WADAAD”

huswadad@hotmail.com

SHEEKOOYIN