GABAYGA: SOOYAAL Q5AAD Curiye abwaan Maxamad Xuseen Faarax

GABAYGA: SOOYAAL QAYBTII 5AAD SAFGALAAL

 

Gabaygan SOOYAAL, waxaan tiriyey; 28-8-2014. Waa gabay aan tiriyo kii ugu dheeraa waana (500) oo bayd, waxaana sababay, inuu dheerado gabayg, wuxuu ka hadlayaa sooyaalkii Soomaaliyeed. Gabaygu wuxuu ka kooban yahay shan qaybood oo isku xiran, sidaas daraaddeed, waxaan u u sameeyey tusmadan ah;

 

Q1AAD; SOOYAAL; waxay ka hadleysaa soolaalidii hore iyo Soomaalida hadda farqiga u dhexeeya dhaqan ahaan.
Ka la soco, baydadka (51) illaa (147), waxaana ka horreeya horudhaca ito ararta gabayga.

Q2AAD; SIRIQROOR: waxay ka hadleysaa siyaasadda Soomaaliya in aysan xoroobin 1960 illaa hadda. Kala soco baydadka (148) illaa (283)

Q3AAD; SEEGSEEG: waxay ka hadleysaa guubaabin shacabka Soomaaliyeed. Ka la soco baydadka (284) illaa (338)

Q4AAD; SANADGUURO; waxay ka hadleysaa, 

1-waxay ka hadleysaa xornimada la sheego in 1960kii la qaatay
2- shanta Soomaaliya ee la sheego in ay beentahay
3- 26da june iyo 1da luulyo ee loo dabbaaldego waxa ay tahay. Ka la soco baydadka (339) illaa (427)

Q5AAD; SAFGALAAL; waxay ka hadleysaa dhibaatada qabyaaladdu ay leedahay. Ka la soco baydadka (428) illaa (503) marka k bogasho wacan.

QAYBTII 5AAD SAFGALAAL

 

  1. Afartaana intaan sadarra dhigay, siin ma ka hikaadshay
    429. Sa’dii aan ka qaadiyo miyaan, surinki waydaarshay
    430. Ma u simay sidii seeyma roob, oo salaad da’aya
    431. Ma saldheeyey baydgaabku waa, sarin habaabaaye
    432. Afar kalena aan kuu sawiro, waa silsilad dheere
  2. Waxa qaraniki soomaaliyeed, xididdaduu siibay
    434. Ama calanki siigada dhexdhigay, loona ka la soocmay
    435. Ama laysku saanjarahayoo, loo susumay dhiigga
    436. Sidey aniga i la tahay haddaan, aragti saadaalsho
    437. Waa qabyaalad sidashada, waxaan sababinaayaaye.
  3. Mar haddey sidaa tahay waxaan, hadal ku saameelay
    439. Qabyaaladdaan sirgixan ee dulligu, saabka noo geliyey
    440. Qabyaaladdaan siqiir iyo kabiir, wada samaynaayo
    441. Qabyaaladdaan sadriga dhaadhacdiyo, seedihiyo uurka
    442. Qabyaaladdaan sunnada laga dhigtiyo, waajib na la saaray
    443. Qabyaaladdaan sidii miro sabuul, saraca loo beertay
    444. Dadka sida sanuuntii u duban, ee ilmaha siistay
    445. Oo wanaag ka saacina hayow, waydin saxayaaye
    446. Salkac iyo sadaadiyo(65) dil iyo, sigasho mooyaane
    447. Saxo caafimaad laga ma helo, sibir qabyaaleede
    448. Waa sun qooshan, waabay salliman(66), suuxisiyo geeri
    449. Waa sarqaan caqliga suuliyiyo, waalli sirireeda
    450. Waa fayris sibiq faafayiyo, aydhis saxariira
    451. Waa saliilyo lagu saxanayiyo, cudurka seexaawe
    452. Waa naar saciiriyo sahwiyo, suudi miliceede
    453. Waa sixir ibliis suusacshiyo, saxaro xaaraane
    454. Waa belo cadaawuhu subkiyo, hoog sunaamiya e
    455. Waa sirriyo kufrigu saabiyiyo, samayo gaalaade
    456. Waa saliingo suusaana(67) iyo, Sooro mudayaane
    457. Waa sakiinta lagu qayb saraa, ehel sokeeyaaye
    458. Waa madane lagu ka la suntaa, toliyo saaxiibe
    459. Waa santuuqda lagu kaydiyaa, sibirka quureede
    460. Waa waxa dagaallada socdiyo, sababay sayruuqe
    461. Waa waxa qaxootiga susumay, saaray doomaha’e
    462. Waa waxa siyaasiga qarriban, qoorta noo suraye
    463. Waa waxa sidaan iyo sideer, noo sakaar waraye
    464. Qofkaan saa u garanayn ayaan, sii samrinayaaye
    465. Imisay silciday oo silciday, oo ku saranseermay
    466. Imisay suldaan dubatey iyo, niman salaadiin ah
    467. Imisay waxgarad saan jartiyo, sebiyo waayeello
    468. Imisay barbaar seef baddiyo, wiilal surar waynle
    469. Imisay saraakiil sariyo, jananno haad siisay
    470. Imisaa Suleeqiyo ku go’ay, Suubban iyo hooyo
    471. Imisay saf dubatoo saf kale, dhaawac sino beelay
    472. Imisay nin soof badan lahaa, subax ku cayrtaysay
    473. Imisay salkicisoo ka maqan, golaha soomaali?
    474. Nin sidsidayba soo aragnay jeer, aaqir say tiriye
    475. Mar haddaan sawaab laga helayn, sagagar(68) mooyaane
    476. Maxaa belada loo daba socdaa, maa layskaba sayro?.
  4. Safgalaal(69) haddii dulunku simay, wadarta soomaali
    478. Qabyaaladda sunteedii hadduu, gebigeed saameeyey
    479. Sabaan iyo sabaan badan haddii, ay ku saxariirtay
    480. Xeerada salkeedii haddii, silac la soo taabtay
    481. Waxay weli siddada ugu dhegtaa, waa i soli waysey!
  5. Shiinahoo saliiqiyo(70) ka badan, saaqa iyo ciidda
    483. Calan qura ayey wada sugtaan, kuna samaadeene
    484. Si la mida Imaaraad Carbeed, waa suura waaxida`e
    485. Waataas suuqyadoodii haddeer, loo safrahayaaye
    486. Yurub baa santuuq yeelatiyo, saayiraad urure
    487. Waa kuwaa midow saaxiboo, Yuuro suubsadaye
    488. Naataa sarfayn iyo awood, wadar sinnaan guurta
    489. Waa kuwaa dayaxa sare degoo, saartay saxankiiye
    490. Satarlaytka waa kuwaa rakibay, loolka samadaaye
    491. Waa kuwaa sawaariiq tuntoo, loo sabcinayaaye
    492. Sanco iyo awood ku ma badniyo, seedda muruqaaye
    493. Waxay sidaas ku gaaren tashiga, la is la saabshaaye
    494. Inagoo siddeed kunana waan, ka la siqaynaaye
    495. Maxaa diiddan soomaalinnimo, inaan sinnaan guuro?.

 

  1. Waxba gabagu yuu ila socone, waxaan ku sooo kobay
    497. Iiga sarakac mooyiyo inaad, samir ku dhaaftaaye
    498. Iiga siko soomaalaay ma lahan, harag sagaaraade
    499. Inaad toban ku wada seexisana, suura gelimayso
    500. Waxaan uga socdaa taa kursiga, layska sugan waayey
    501. Samac iyo haddaad leedihiin, arag wax suureeya
    502. Suddan idinku dhaarshiyo Sabiyo, SAADIRKA ILAAHE
    503. Sidaan dhaama soomaaliyeey, waad surgucateene.

 

Dhammaad.

Curiye abwaan Maxamad Xuseen Faarax


ERAYBIXIN

  1. sadaado: dhibatada oon iyo baahi ee qofka korkiisa laga daremo.
    66. salliman: gacan ku hubin afsoomaali laakin waa afcarabi.
    67. suusaana: wareye BBC.
    68. sagagar: iska dabawareeg.
    69. safgalaal: saf ciyaar laga badshey dambas wada marin.
    70. saliiq: showlaha raaca cuntada ciidda lagu dubto.

 

SHEEKOOYIN