XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

 

Qaybtii 35aad                

                                       XUSHMEE DAREENKA DADKA

 In aad xushmayso dareenka dadka waa mid dantaada ku jirta, ma ahan in aad u aragto in aad dadka ugu danaynayso, waa in aad maanka ku haysaa in aad dadka ka mid tahay wax walba oo dadka dhibayana ay ku dhibayaan wax walba oo aad doonaysana ay dadku doonayaan, sidaa darted, qaddari qiimaha uu qofku leeyahay xitaa haddii ay ka hor imaanayso maslaxadahaaga qaar, maxaa yeelay, qiimaha qofka ma ahan wax adiga lagaa baryayo waa mid uu siiyay Rabbiga abuurtay, sidaa darted, waa in aan qof walba ku qaddarinaa dareenkiisa iyo doonistiise inaga oo aan ku dabbaqayn dareenkeena iyo doonisteena, maxaa yeelay, wax qiima kula leh ayaa qofna qiima la lahaan Karin, sidaas si la mid ah wax aan qiima kula lahayn ayaa qof qiima sare la leh, hadaba aan is xushmayno oo is qiimayno isna qaddarino.

Mmusa 

                                            KHALADKU WAA KHIBRAD

Khaladka waa inoo khibrad oo wuxuu uga jiraa nolosheena qayb aad muhiim u ah, khaladkeena waa qayb ka mid ah barashada aan wax barano, waana midka kaliya ee aan ka helno waxa la dhaho khibradda, qofka marka uu gafo oo gafkiisa uu ka dhexlo dhibaato, wuxuu sabab u noqdaa in uu wax badan ku guulaysto wax badana uu Cashar ahaan u barto si uusan ugu celin wixii shalay ka dhacay.

Hadaba khaladku wuxuu kordhiyaa khibraddeena oo maanta qof kaste oo lagu tilmaamo khabiir, hubaal in uu yahay qof wax ka bartay khaladaad badan oo uu sameeyay aqoona u yeeshay qaabka looga hortagi karo khaladkaas ama haddii uu dhaca xitaa kadib sida lagu sixi karo.

Khibradda oo timaada khaladka kadib waxay nusqaamisaa khaladaad dambe in uu inaga dhaco, khaladkeena oo yaraadana waa guusheena oo kororta, maxaa yeelay guul lama gaaro haddii aan laga digtoonaan wax kasta oo keeni kara habacsanaan.

Mmusa 

 

                                                    FEEJIGNAAN

Is dagidda aan is dagno iyo isku maqnaanta aan isku maqanahay waa mid aan u arki karno in aysan wanagsanayn, dhanka dabeecadda bani aadamka kuma wanaagsana oo qof jecel in la dago ma jiro, balse waxaa su’aal ah qofka neceb in la dago isagu ma jecel yahay in uu wax dago? Jawaabta su’aashaas waxaan dhihi karaa ma jiro qof haa uga jawaabi lahaa, hadana sidaas ay tahay dadku waa kuwa mar walba wax daga, marka qof wax dagana waxay ka dhigantahay in dadka la dagay, maxaa yeelay waxa  uu dagay waa Dad.

 

Sidaas darted, khayaanada iyo luqafada waa mid la dhihi karo wax badan ayey na bareen si aan u digtoonaano, maxaa yeelay mararka qaar aragtida indhaheena gudaha waxay soo kacdaa oo kaliya marka dhib ama dhaawac aan la jeclaysan loo gaysto, dhaawacaas oo la oran karo waa midka sababta u noqday in aan indhaha kala qaadno. Hadaba in la is khayaano ma wanaagsana, hadana waxaa la oran karaa waxaa ku jiro danteena qaar, maxaa yeelay waxaa lumaya foojignaanteena haddi aysan jirin wax la iska ilaalinayo.

Mmusa

                                                   SAMIRKA BADI

Waan ogahay in aad walwalsantahay, waan dareemi karaa in wax si kaa yihiin, waan arki karaa in waxa aad la aamusantahay ay yihiin wax aadan jeclaysan, haddii aad dadka la wadaagtana waxba aadan ka faaiidayn, sidaa darteed wax aan kuu qaban karo ma jirto, balse mid ayaan ogahay, taas oo ah in dhibkaaga iyo wax walba oo aan ku farax galin oo tabashadoodu kugu wayntahay ay dhamaan doonaan waqtiga loogu tala galay, kuma oranayo ama kuuma calaamaynayo waqti gooni ah, sida galabta, subixii ama, habeen dambe, waxaansa hubaa in aysan jirin Murugo ama farxad lagu waaro, wax walbana waqti ayey yimaadaan waqtina waa ku baxaan, sidaa darted, iimaanka dhuuqso oo ku dadaal in samirkaagu bato.

Mmusa 

                             NOLOSHA DUNIDA WAA MID GAABAN

Ma tihid mid waqti ku filan haysta, marka si dhab ah loo xisaabsho waqtiga dhan ee aad nooshahay, hadaba maadaama aad doonaysid in aad gaarto hadaf nololeed oo saamayn ku yeesha noloshaada dunida iyo midda damaba waxaa wanaagsan in aad tahay mid waqtigiisa ku xisaabtama oo aan ku lumin ku mashquulidda wax aan dantiisa ku jirin, amaba la dhihi karo dhib ayaa kaa soo gaaraya.

Dadka qiimaynta ku sameeya Nolosha marka ay qiimeenayeen wax badan in aysan ku qiimayn ayaa muuqata maxaa yeelay waxay kusoo koobeen noloshaad shalay oo aad soo dhaaftay, maanta oo aad joogtid, iyo barri oo aan la hubin in aad joogi doonto balse, ay kasoo qaadeen in aad joogto.

Shalay waxa aad suubisay ayaa saamayn ku yeesha noloshaada maanta sidaas si la mid ah isla maanta waxaa suubiso waxay saamayn ku yeeshaan noloshaada barrito, sidaa darted, si aad uga fogaato wax walba oo maantadaada ama baritodaada carqalad u keeni kara, waa in aad mar walba saxdaa ficilada aad suubinayso adiga oo laba jeer ka fakaraya ficil walba inta aadan suubin.

Balse taas dadka qaar qaabka ay u raacaan ayaa keenta dhibaato kale, ma ahan in qofku cuslaysto wax walba, waxa aad cuslaysatana way ku cusleeyaan, hadaba waxaa wanaagsan in wax walba loo qabto si ku jirto taxaddar iyo ka fogaasho laga fogaanayo in lagu tarax tago.

Mmusa

                                                       TAADA DARYEEL

Waxa aad u nooshahay waa noloshaada ma ahan noloshaada mid la doonayo in gaaritaanka hadafkeeda ay u luga laabanto adiga oo ka fakaraya dad kale, qofka wuxuu wax ugu yaboohi karaa dadka kale marka uu naftiisa yabooha ay u baahantahay uu siiyo, taas oo macna ahaan aan ula jeedo, adiga oo baahan in naf kale baahi tirkeeda ay tahay wax aan suura gal ahayn, taas haddii ay dhacdana hubaal in ay dib kuu ugaarsan doonto, hadaba, iyada oo noloshu isku xirantahay ayey hadana kala xirantahay, marka waa in qofku uusan dayicin tiisa si tu kale uu u daryeelo, tiisa daryeele ayaa tu kale daryeela waa maah maah soomaaliyeed.

Mmusa 

                                     wax walba fura ayay leeyihiin

 

Dunidan kama jirto wax aan fura lahayn wax walba waxooda ayaa jira, micnaha wixii xirma wax fura ayaa jira wixii furmana wax xira ayaa jira, adiga ayaa lagaa doonayaa in aad heshid ee micnaheeda maahan in Alle uu dhibaato keenay Xal la’aan, wax walba oo kugu dhacana culayskooda waa in aad qaadi kartaa ee ma ahan in aad aadan qaadi Karin sababta laguu saaray ayaa ah in aad ka bixi karto ee wax aadan qaadi Karin ama ka bixi Karin laguma saarayo.

Mmusa 

                                                    Damaca badan

Damaca badan wuxuu keenaa iimaan xumo iyo in aad mar walba isku dhacdaan dadka aad macaamilaysaan, intii aad dooni lahayd wax badan waxaa wanaagsan in aad ku faraxsanaataa waxa aad haysato ama aad heshay, intaas marka ay kaa suurowda waxaa u dhawaanaysaa Dariiqa aad ku garan karto in aysan waxba kaa maqnayn ama Baahi badan aysan ku hayn.

                                            Dhamaystirka

Dhamaystirka Nolosha waa wehelka, haddii wahel uusan jiran hubaal in nolosha qofkaas ay tahay qabyo, wahelka noloshaada dhamaystirase ma ahan wahel kasta, ee waa midka ku dareensiiya waxa aad tahay kaana soo saara wanaaga kugu jira.

Mmusa  

 

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN