Bidhaanti i bi’isay! Q8AAD W/Q: Cabdiraxiin H Galayr

Bidhaanti i bi’isay! Q8AAD W/Q: 

Waxay baadi goobtaba  Bilan waxay soo heshay barta loogu hagaagayo Baashe,  Baashe waxaa usoo noqotey noloshiisii hore,  waxaana ka yaraadey xasuusta maalmihii qadhaadhaa ee werwerka badnaa,  goor habeennimo ah ayaa isaga oo magaalada ka yimid wuxuu baabuurkiisa usoo weeciyey dhanka  garaashka uu ku xareysanayey mise meesha albaabkiisa ku beegan waxaa taagan  baabuur cad.

Baashe wuu isku naxay wuxuuna u qaatey askar baastii oo haddana  sugeysa,  si halhaleel ah ayuu baabuurkiisa isagoo walaacsan u geliyey garaashka, isla markiiba bannaanka ayuu usoo boodey mise markuu soo baxay  waxaa gaariga ku tiirsan oo meel iftiin ah yaalla  waa bidhaanti quruxda badneyd, gabadhii bilneyd ee BILAN.

Baashe wuxuu kala saari waayey run iyo riyo mida ay tahay, waxa uuna  aad ugu fiirsaday wejigeeda, mise waaba  dhab oo waa iyadii oo dhoola caddeneysa,  intaas kuma aysan simine, waxay tidhi:“Haye gacaliye Baashe ma iga naxday mise waa igu faraxday?“

Baashe ayaa waagu ku baryey, wuxuuna  markan  hubsaday inay dhabtahay  dhacdadani, lagana rabo sidii uu uga dabaalan lahaa, Baashe wuu ogyahay qofka ay tahay,  haddana  waxaa isu qaban la’ gabadh Soomaaliyeed oo haddana  da’daas ah ayaa  waxay ka mid tahay shabakada ugu ballaadhan ee mukhaadaraadka adduunka!

Mar wuu is diidsiiyaa marna wuu aqbalaa, mar wuxuu iska dhaadhiciyaa iney jirto duruuf ku qasbeysa oo keentay iney ka mid noqoto oo xitaa ay jirto wax ku jujuubaya oo heerkaa gaadhsiinaya.Baashe oo aad moodo iney neeftu ku dhegtay ayaa isagoo is ka dhigaya nin aan waxba kala ogeyn yidhi:“ Waa tuma gabadhani?”

Bilan oo dareentey jawigiisa ayaa si degan u tidhi:“ Waa Bilan ismaan lahayn muddooyin billo ah ayuu sidaa kuugu ilaawayaa Baashe, markaan waa soo dhawaatey  waxaana laysu hortaagan yahay si quman.Baashe oo xaqiiqsaday arrinka ayaa  yidhi:“ Waa gartey Bilan ii warran? Haddana  wuu arkay ineysan ka fursaneyn inuu weydiiyo sida wax u gaadheen iyo wixii ku dhacay, si aysan u dareemin inuu ogyahay,  Sidee noqotey, habeenkii anigu waa miyir beelay  ee sidee ku badbaadey, maxayse ahaayeen dadkii na galay  ma dad qoyskaaga ah bay ahaayeen mise  belaayo kale oo cirka laga soo direy? ”.

Bilan waxay u dareentey inuu weli dhacdadii moogane ka yahay oo aanu dhankeeda wax xog ah ka haynin,  markaasey tidhi:“Ma halkan baan ku wada sheekaysana, iyadoo gurigiisa farta ugu fiiqeysa mise  meel kale ayaan tagnaa oo aan ku wada hadalnaa?” 

Baashe oo helay fursad wanaagsan isagoo diidaya inay mar kale soo gasho gurigiisa ayaa yidhi:“ Haa gurigu waa isku dhex daadsan yahay ee aan bannaanka isu raacno, kaddib ayay tidhi, haddaba hays dhibine  baabuurkan soo raac,  waa baabuur qaali ah oo kala jiidan, noocan waxaa magaaladiisa ku wata dadka hantiilayaasha ah oo keliya, maaha mid cid weliba haweysan karto.

Isagoon hadlin ayuu madaxa u ruxay taasoo ogolaanshiiyo ka dhigan wuxuuna hore usoo galey baabuurka, wuxuu la ashqaraarey quruxda iyo raaxada baabuurka, wuxuu isha qac ku siiyey inuu darawal gaar ahi wado oo lebisan dhar u gooni ah, waayo waxay labadooduba ka soo galeen  albaab u furnaa oo aysan xidhan markii hore,  waxay tageen hoteelkii  shanta xidigood ee ay deganeyd,  waxaana la fadhiistey meel dhinac biyo ka socdaan kuwa kale oo da’ayana loo sameeyey,  nalal midabyo sida jeegaanta ahna ay ku safan yihiin.

Isaga ayaa naftiisa weydiiyey, oo halkana magaalada aad degantahay maka mid ahayd? Amakaaga iyo yaabka haysta Baashe,  waxaa isu dabamaraya saddex shaqaale, laba gabdhood iyo wiil, wax walbana waa laysu dul saarayaa waa adeeg ka sarreeya kii uu yaqaanay,  shakigu waa uu ku sii batey, wuxuuna is leeyahay armaad intey goori goor tahay la xidhiidhaa booliiski.

Bilan ayaa u billowdey sheekada Sooyaal nololeedkeeda,  waa  arrin uu aad u daneynayey, waxay uga sheekeysay gun iyo baar waxay soo martey iyo waxay soo mudatey, waxay kale oo uga sheekeysay si aan gambasho lahayn, hawlihii ay ku jirtey, qaabkey u gashay,  waxay ugu dambeyntii ku soo af jartey inay hadda  tahay mid ay ugaadhsanayaan kooxdii, kana soo baxsatey.Waxaan intaasoo dhan raadinayey inaan kaa raaligeliyo dhibkii habeenkii qudhaata ahaa ee aan kula kulmey awgey kuu soo gaadhay aniga awgey oo aadan wax lug ah ku lahayn.

Wuxuu is yidhi uga sheekee, wixii ku dhacay, waxaase af kala qaad ku noqotey markey iyadu uga sheekeysay sidii weliba inay  buug ka aqriyeyso.Wuxuu is yidhi u sheeg iney jiraan booliis ku raad jooga iyada,  waxaase ka sii yaabisay markay tidhi, hebel iyo hebel iyagaa isoo siiyey warbixintaada oodhan, hana ka werwerin,  waxay u sheegtey inay  wax walba  oo xaalkiisa ah ogtahay, balse intaasoo dhan looguma darin inuu isagu hore u ogaa, iyaduna ma aysan dareemin,  waxaase  war oodhan isku fuuqsaday iney iyadu u sheegtay, isagana waxaa karkii ka dajiyey inuu afkeeda ka maqley, wax walbana sababteeda hayo.

Waxay tidhi:  Maxaan ku qabtaa? Ma hanti baan ku siiyaa? Ma nafteyda ayaan kuu hibbeeya oo nolosheyda oodhan ayaan gacanta kuu geliya inaad noqoto saygeygii oo aad maamusho mise wax kale oo aad dalbaneyso ayaa jira?

Baashe ayaa weydiintani waxay ku noqotey mid culus, wax allaale wuxuu kugu jawaabo ayuu waayey madaxiisa ayay ka weynaatey, hadba dhan ayuu baala daymo ugu dhaqaaqey sidi ay jirto qof uu sugayo inuu jawaabta ka caawiyo.

 

La soco qaybaha kale.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN