Siriqdii Sigane iyo silicii Suubban! Q1AAD W/Q Dr. Farax Sheekh Cabdirisaaq

Siriqdii Sigane iyo silicii Suubban! Q1AAD

 

Suubban oo wax ka barata jaamacad ku taal Keenya, ayaa waxay is isberteen Sigane, oo isna waddanka Masar u jooga waxbarasho. Suubban waxay soo baratay caafimaadka, halka uu Sigane ka noqday Captan ciidamada komaandosta. Wuxuu in ka badan 2gu’ la ahaa walaal ay aad is ku ixtiraamaan, balse, Sigane oo ka helay dhaqanka iyo dhurka gabadhaan walaaltinimadu ka la dhaxayso, ayaa wuxuu ka codsaday, in uu xiriir jeceyl dhexmaro, isagoo aad iyo aad u jeclaaday, maadaama uu in badan kalsooni ku qabay.

Suubban oo oo markii hore diidday, ayuu Sigane, in muddaa ah ka codsanaayay, in ay ka aqbasho, isagoo marba marka ka danbaysa si aad ah u sii jeclaanayay. Subax iyo habeen markuu arkaba ayuu u sheegayay, in ay ka oggolaato, iyaduna laheed walaalkay ayaa tahay oo uu aqbalsiin waayey.

Goor fiida ayaa qadka FACEBOOK laysku arkay, is waraysi iyo salaan diirran ka dib, sidii u caadada aheed, ayuu Sigane ka codsaday xiriikii, laakiin, Suubban oo markaan xishood galay, ayaa tiri waa haddaad shuruuddaan yeelayso. Si kadis ah intuu aad u farxay, ayuu ku yiri, diyaar ayaan u ahay shuruud kasta. Weydiimo badan oo uu ka jawaabay dhammaan, waxaa habeenkaa laysla xarriiqay xiriir jeceyl. Sigane ayaa yiri;

“jannadii in lay ballanqaadaad mooddaa, sida qalbigu ii qaboobay” Suubban oo xishood iyo qosol isku dartay, ayaa tiri:

“waad mahadsan tahay”

Wixii habeenkaa ka danbeeyay, waxaa si farxad iyo kalsooni leh layskula qaaday waddadii jeceylkaa, kaasoo qof kastaa kan kale aad iskugu dhiibay, isuna siiyey. Oggolaashada suubban ka dib, waxaa soo dhammaatay waxbarashadii Sigane, oo wuxuu u laabtay magaalada Muqdisho, isagoo ku qanacsan shaqada uu u haayo dalka iyo dadka. Is la oggolaashadooda jacayl ka gadaal, waxaa si isdaba jooga ah u socda farxadda iyo xiisaha, kaftanka iyo kalsoonida jecaylka leh, ee uu u qabo qofba qofka kale.

Xiriirkooda jacayl wuxuu gaaray heer ay is ku ogaadaan labada qoys ee ay ka ka la dhashen, ka sokow saaxiibbadooda. Mudda sanad ah ka dib, waxaa soo dhammaatay jaabacaddii Suubban, oo waxay ka shaqa billaawday isbitaal ku yaalla Nayroobi. Markay muddo dhowr bilooda shaqaynaysay, ayaa waxaa Nayroobi imaaday wiil qaraabooda ah iyo aabbihiis, oo Maraykan ka imaaday, si kadisa ayaana galab laysaga soo horbaxay.

Wiilka iyo aabbihiis, Suubban oo yar ayaa waddanka ugu danbaysay, balse, Suubban maba taqaanno, xusuusna ku ma hayso, waxaase taqaan Xaliimo oo Suubban walaasheed ka weyn ah. Salaan iyo is waraysi ka dib, Suubban oo xoogaa ka tallaabo horraysay markii laysa salaamayayna sii yara socotay, maadaama aanay dadkan aqoon, ayaa oday Xasan wuxuu Xaliimo waydiiyay gabadhaa ku sugaysaana ma qaraabadaa? Xaliimaa la soo boodday haa ma taqaanid? Waa Suubban oo waynaatay. Waa yaraanteennii. Oday Xasan ayaa la soo booday Abshir. Wallee waa ay waynaatay. Kaalay gabadha na bar Xaliimo. Ayuuna u raaciyey. Xaliimo oo Suubban la hadlaysa, ayaa hadalkii ku billowday:

“Suubban waa adeer Xasan iyo wiilkiisii Axmad ee barasho wanaagsan.” Suubban inta aanay hadal, ayaa oday Xasan dhahay:

“i ma xasuusan karto, oo aad bay u yareed. Adeerkaa baan ahay, wilkaanna anaa dhalay.”

Intaa la hadlayo, Axmad waxa uu fiirinayaa Suubban, oo uu aad u la yaabay quruxdeeda iyo daganaanta ka muuqata. Waxay aheed waddee, barasho wanaagsan iyo barasho wanaagsan ayaa lagu ka la tagay, balse, telka Xaliimo ayuu

oday Xasan ka qortay.

Sidii caadada u aheed Suubban markay maqribka tukatay, ayey qadka Facebook soo gashay, si ay iskaga madadaalato inta ay ka seexanayso, balse, telkii Xaliimo, oo agyaallay, ayaa waxa soo wacay oday Xasan. Waxay u qaadday Xaliimo oo qolka fadhiga TV ku daawanaysa, markay qabatay telkii ayuuna ka waraystay Suubban kana codsaday, in gabadha iyo wiilka lays baro, isagoo u sheegaya waliba in uu wiilkiisu ka helay Suubban, berri galabna u imaanayaan.

Xaliimo, oo aad ugu qanacday sheekadaas, ayaa markay telka dhigtay, Suubban u sheegtay, in berri imaanayaan adeer Xasan iyo wiilkiisa Axmad. Suubban, oo ah qof dhiifoon, ayaa weydiiyey waxa ay rabaan. “Waa arki doonnaaye, adigu i la soo dhawee, kolley dan bay leeyihiine” ayey Xaliimo ku jawaabtay.

Subixii xigay, ayey Suubban shaqadeedii aadday, iyadoon cidna daneyn, balse, galabtii ayey gurigii ugu timid marti, waxaana loo sheegay, in ay sugayaan. Way salaantay odaygiina waxa uu mar kale aad u la dhacay Suubban. Salaan iyo barasho ka dab, ayaa Suubban waxay oday Xasan waydiisay ujeedka uu yimid iyo waxa uu ka rabay, markaas ayuu u sheegay, in uu rabay, in uu barto gabadhuu ayadoo yar ka tagay waddanka. Xaliimo, ayaa inta istaagtay, oday Xasan ku dhahday adeer na keen aan ku tuso guriga aan dagannahay, inta uu ka kooban yahaye, waxaana qolkii looga ka la baxay Axmad iyo Suubban.

Axmad ayaa geesinnimo intuu iska dayay, Suubban salaan iyo waraysi la yeeshay. Suubban oo Ilaahay daacadnimo u dhaliyay, ayaa wax kasta si sax ah uga jawaabtay, kulankiina waa soo dhammaaday. Odaygii Xasan ahaa waxa uu qaatay telka Subban aabbaheed, si uu ugu doono wiilkiisa Axmed.

Markii uu oday Xasan la hadlay reerkii Suubban, una sheegay, in uu ka soo doonanayo gabadhooda, uuna la rabo wiilkii Axmad, ayaa laysku afgartay, in laysa siiyo wiilka iyo gabadha, balse, Suubban oo og jeceylkeeda, ayaa arrinkaa gaashaanka u daruurtay. Waxaa loo aqriyay Suubban, in la geynayo Maraykan, Nayroobina guri looga dhisayo, nolol aad u qurux badanna ay ku noolaanayso.

Suubban warkaas oo dhan wuxuu ahaa midaan ku socon, waxaana la soo hadlay hooyadeed iyo aabbaheed, oo u sheegay, in ay Xamar timaaddo. Suubban, arrinka soo kordhay way ka qarisay Sigane, oo u may sheegin. La ma socdo Sigane xaaladda taagan iyo waxa socda, haddana, wuxuu si isdaba joog ah uga  codsanayaa Suubban in ay Xamar timaad.

Xilligii fasaxa shaqada ayaa la gaaray, markaas ayey Suubban u sheegtay Sigane, in ay u imaanayso fasaxa Muqdisho. Waxay Suubban ka soo baxday Nayroobi, iyadoo aad ugu faraxsan imaatinka Xamar, oo halkaa ayaa waxay ka billawday la qaadashada waqtiyo wacan oo ay la yeelatay saaxiibkeed iyo qoyskeeda.

Dhawr maalmood ka dib, ayaa loo sheegay, in la siinaayo wiilka Axmad la yiraa, oo uu adeer Xasan wiilkiisa ah, maadaama ay tahay qof aqoon leh, oo lagu soo dadaalay, ayna tahay, in ay wax ka maqasho qoyskeeda. Suubban waagii ayaa ku baryey, oo xaajada ayaa ka cakirantay. Jacayl iyo lammaan ay fahamsan tahay uga ma tegi karto qof aysan waligeed sheeko la wadaagin. Dhan kale, qoyskeedii oo dhan ma dayrin karto, oo waalidkeed aad ayey u jeceshay, una ogtahay, inta ay qabteen. Waxay ka aamusnaataba, markii warkii dhammaaday, ayey Suubban aabbaheed si gaara ugu sheegtay, in aanay rabin wiilkaa, qofka ay rabtana uu u imaanayo.

Dood badan ka dib, waxay sidii oo kale is ka diidday, in ay oggolaato guurkaa dhaqaalaha wata, waana ay ku qancisay reerkoodii balse, waxaa loo soo sheegay, in walaalkeed oo jooga Maraykanka uu u gadayo leyn. Markay halkaa wax marayaan, ayey waxay u sheegtay Sigane, isagoo aad u diiddan ayuu si muruga leh ku yiri; “waan ogaa, in aanan waxba aheyn, oo layga tagi karaayo!” Isagoo aad uga naxay bixitaanka Suubban.

Suubban oo mar kasta ilaalisa qalbiga Sigane, ayaa go’aan ku gaartay, in aysan aqbalin laynkaa Maraykanka loogu qaadayo, iyadoo cuskanaysa, in ay ku kalsoontahay waddankeeda, meelna uga socon.

 

La socda qaybta xigta ee qisada.

 

W/Q Dr. Farax Sheekh Cabdirisaaq

SHEEKOOYIN