Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q21AAD W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Xeerka iyo Xigmadda Shiribka Q21AAD

Haddaan sii amba qaadno qormadeynii taxanaha noo aheyd ee “Xeerka iyo Xigmadda Shiribka”Markaan waxaan ku soo qaadanayaa: Abwaan Caraboow Maxammad Axmed, iyo Shiribyadiisa togan ee aan xera taraarka laheyn, oo dhedhen iyo dhihitaanba ay ku dhan yihiin, qeyb yar oo ka mid ah. maadaama aan qoraal kooban lagu lafa guri karin Suugaanta iyo Shiribyada Abwaanka. Waxaanse ku soo qaadan doona qeybha xiga si aan uga boganno, Shiribyadiisa xusuustaya xiisaha leh; Abwaan Caraboow, Shiribka waxaa u garab socda Suugaanta kale jaadadkeeda kala gedisan oo ma jiro “God” Suugaaneed aanu murti dhumuc leh ka curin. waxaanse uga kaaftomeyna Shiribyadiisa maadaama aan ” Shiribka” ku faaqideyno qoraalkan. Shirib kasta oo Abwaanka Kiisaana waxaa ka horreya Guuroow, ama gabayo boqollaal beyd ka kooban. Sidaa aawgeed, waxaan qeyb kasta oo aan uga hadlaayo kusoo qaadan doonaa hal Guurow ama hal Gabay oo ah  kii markaas Shiribku la socdo!’ Haddaan ku billaabo, Shiribkiisa yaabka leh:


SHEEKOOYIN