Murti iyo Miid Q11AAD W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

Murti iyo Miid Q11AAD 

Saacadda waa koowdii duhurnimo waa xiligii qadada loo wadda ordaayay guuleed waxa uu fadhiyaa xafiiska maamulka dugsiga waxaa ku wehliya hooyadii uusan garaneyn sababta loogu yeeray, balse guuleed waxa uu wajiga hooyadii ka dheehday in ay ku faraxsan tahay ka soo qeyb galka shirkaan. Waxaa hadalkii furay maamulaha dugsiga oo hal hal u baray guuleed wafdiga uga yimid wasaarada waxbarashada intaa kaddib waxa uu ku yiri waxa maanta laguugu yeeray labo waxyaalood koow in aad imtixaanka jaamacada aad gasho haddii aad ku baastana aad si toos jaamacadda u aado. Tan labaad in aad galin shaqo caawiye macalinimo kaa siino dugsiyada hoose maadaama aad ka mid tahay tobankii arday ee maado walba 100% ku soo baasay wadanka oo dhan, oo aad aado saddax bilood machadka tababarka macalimiinta, si aqoontaada ay u kobacdo aadna ugu faa’iideysid jiilka soo koraayo, go’aankana adigaa iska leh. Guuleed talo ayaa ku caddaatay waxa uu bilaabay inuu dhinacyada fiiri fiiriyo aamusnaan ka dib waxa uu codsaday inuu si gooniya ula faqo hooyadii iyo foomasterkiisa waana laga aqbalay.

Maamada iyo wiilkeeda Guuleed iyo macalinkiisa. Guuleed ayaa hadalkii furay oo Hooyo iyo macalinkeygiyoow waxaan go’aansaday wixii aan go’aansaday, balse, marka hore waxaan doonayaa inaad fikirkiina iigu dartaan bal inuu is waafaqo iyo in kale,  Hooyadiis ayaa hadalka qaadatay oo tiri macalinkaaga iyo aniga horay ayaa ugu wadda sheekeysanay arinkaan waxaan isku af garanay oo isla meel dhignay hal talo taas oo hadda macalinka kuu sheegi doono inkastoo aan jecleyn inaan taada maqalno, ka dibna aan rayigeena kula wadaagno.

Intii uusan macalimka hadlin Guuleed ayaa gacan taagtay si uu u hadlo waana loo idmay inuu hadlo. Wuxuu yiri  maadaama aad arrinkaan aad horey u gorfeyseen koleey wax baad isku waafaqdeen oo idiin suntan, aniga ahaan waxaan jecleystay inaan waxbarashada dugsiga sare si toos sh u dhammeysto ka dibna sidaaaan jaamacadda ku aado inta ka horreysa galinka danbo aan si joogtaa wax u baro ardayda dugsiga hoose anigoo waxbarashada dugsiga sarana wata, sidaas ayey igula quman tahay.

 

Macalinkii ayaa hadalka qaatay oo yiri Guuleed intii aan kuu wadnay adigaa go’aansaday haddana loo noqon maayo aniga hooyadaa waxaan isku raacnay, in anagoo ku kalsoon inaad masuuliyada labada dhanba aad ka dabaalan karto haddana inaan kaalintii carruurnimo inaan kaa xayuubino oo aan culeys dusha kaa saarno ma aysan nala qumanaan adigana waad nagu raacday haddaba saddax bilood oo tababarka macalinimo ayaa laguu dirayaa Dugsiga Tababarka macalimiinta marka aad soo dhammeysato ogoow shaqadaadii waa kuu diyaar hadba meeshii laguu diro ayaad ka howl gali doontaa, hana is dhigan toddobada sanno ee soo socoto waxaa lagaa rabaa dadaal dheeraad ah intaas waa iga dardaaran haddana waxaan u yeeri doonaa gudiga waxbarashada si ay waraaqahaaga maanta kugu saxiixaan laguuguna sheego habka aad ula shaqeyn doonto.

Intaa ka dib Faataxada ayey aqristeen sadadoodii waana ay duceysteen, ka dibna gudigii ayaa loo yeeray. Gudigii ka socday wasaaradda waxbarashada ayaa yiri haye maxaad soo go’aansateen? Macalinka Guuleed ayaa yiri waxa uu go’aansaday inuu ardaynimadiisa uu halkii ka sii wato loona diro machadka tababarka macalimiinta, Gudigii ayaa yiri waxba kama qabno ee aan asaga afkiisa ka maqalno.

Guuleed ayaa yiri waa sax waxaan go’aansaday inaan waxbarashadeyda dugsiga sare aan si toos ah u dhammeysto galinka danbana aan ahaado shaqaale ka tirsan wasaaradda waxbarashada waa hadii aad aqbashaan. Waxaa loo soo dhiibay labo waraaqadood ay mid ku qoran yihiin toban su’aalood midna ay caddahay waxaa lagu yiri tobankaa su’aal ee warqada ku qoran jawaabahooda sida ay kula tahay warqadaa cad ku qor hada.

 

Guuleed oo aan wax cabsi iyo walwal ka qabin ayaa ku taagtaagsaday su’aalaha oo badankood ahaa aqoon guud daqiiqado yar kaddibna waa uu ku  dhammeeyayay waana u celiyay markii laga saxay sideed su’aalood waa saxyay labada kalana 75% waa saxyay taas oo ay gudiga aad ugu farxeen oo wajiyadooda laga dheehan karay, isla markiiba waxaa loo soo dhiibay warqad ay magaciisa iyo da’diisa ku qoran tahay, waxaana lagu yiri saxiix warqadaan ka hor inta aadan saxiixin waxaan kuu sheegeynaa inaan kuu qaadanay kaaliye macalin markii aad soo dhammeysato saddaxda bilood waxaan kuu dalacsiin doonaa macalin buuxa mushaarkaagana waxa uu kaaga bilaabmayaa toddobaadka soo socda, waxa kale oo aan kuu sheegeynaa war kale oo aad ugu farxi doonto saddaxdaa bilood waxaad la shaqeyn doontaa oo aad kalkaaliya u tahay macalinkaagan macalin Axmed ee ku bishaareyso asaga ayaana ku tusi doona.

 

 Arrinkaa gudiga ay ka dhawaajiyeen macalin Axmed waxba kama ogeyn, macalin Axmed waxa uu ahaa bare firfircoon oo dugsiga sare iyo dugsiga h/dhexe  ku kala qoran macalimiin iyo arday badan wax soo baray waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa uga faa’iideeya cid walba oo diyaar u ah iney ka faa’iideysato.

Maalinkaa waxa uu ahaa maalin farxadeed gudigii waxa ay la caraabeen guul Guuleed iyo Hooyadii waxa ay la hoydeen farxad macalin Axmed asagana farxad iyo reyreyn la ordayo ayuu aaday xafiiska maamulaha asagoo raba inuu ku war galiyo hase ahaatee telefone  ayaa kasoo horeeyay warqad gacanta lagu keenay oo aan boosto la soo dhigin  markii uu soo galay salaan ka dib warqadii ayaa gacanta laga saaray waxana uu maamulihii u sheegay in bisha soo socoto uu kala wareegi doono xilka iyo gacan ku heynta subaxnimada hore oo uu asagu maamule ka yahay inta waqtigaa laga gaarayo uu isku sii diyaariyo warqada waxaa kuugu jira jeeg abaal marin lacageed ah,  taas oo aad ku muteysatay daacadnimadaada, waxaa beri ku soo gaari doona warqad kalee ay ku qoran sanad dugsiyeedka iyo waqtiyada oo ka duwan kan aad hada isticmaasho kan galbihii dugsiga hoose waa sidiisii ilaa iyo sanadka danbo.

 

Macalin Axmed oo aamusnaa intii maamulaha hadlayay ayaa yiri ma fahmin ee sidee adiga booskaagii aan u galayo? Maamulihii ayaa yiri haddaad diido ruux kalaa galaya, ee shaqada yeysan ku dhaafin aniga waxaa la ii magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada sidaa darteed xilku waa meerto maalinba heer, looma baahna inaad ma gudbo ahaato halkana ma aha ayaad taqaan ee maxaa taqaan ayaa muhiim ah. War iyo dhammaantii maalintaa waxa ay aheyd maalin farxad ruux walbana asagoo qanacsan ayuu gurigiisa aaday. Maama batuulo iyo wiilkeeda Guuleed intii ay dhax sii socdeen waxa ay ka wada hadlayeen guushii ay maanta soo gaareen iyo in loo baahan yahay in loo sahay qaato howsha culus  ee kusoo aadan.

 

La soco qeybaha xiga

W/Q: Cabdul Cabdulkariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN