Sababta qabiilka Jurhum xukunka Makkah Al Mukarramah looga xayuubiyay, loogana saaray

بسم الله الرحمن الرحيم

 

Sababta qabiilka Jurhum xukunka Makkah Al Mukarramah looga xayuubiyay, loogana saaray

 

Makkahمكة\ waxaa mar walba ka socday ganacsi xoog leh, ganacsigaana wuxuu keenay dahab iyo qalin iyo maal, oo sidaas ayay reer Makkahمكة\ iyo qabiilka Jurhamجرهم\ waxay noqdeen dad hodan ah.

 

Markaasey Jurhamجرهم\ waxay doontay inay Rabbiga Baytkaرب البيت\ hadiyad hodannimadoodaas u dhigantah u hibeeyaan. Markaasey laba deero oo dahab ka sameysan uurka Kacbada dhigeen.

 

Jurhamجرهم\ waxay markaas Maamulka Kacbada haysaa in ka badan toddoba boqol oo sano. Markaas kaddib ayaa waxaa Jurhamجرهم\ Boqor u noqday ninka la yiraahdo Al Xaarithu bin Mudaad bin Camr ibnu Al Xaarith Al Jurahmiyyiالحارث بن مضاض بن عمرو إبن الحارث الجرهمي\, kanoo Maamulka Kacbada iyo martida Ilaahayba dandarreeyey, waxaana Makkahمكة\ ka dillacay thulmiظلم\ iyo gardarro loo geysto dadka soo gala oo yimaada. Caddaaladdiina way xumaatay oo suuqyadii wax lagu kala gadanayey khayaano ayaa ka dillacday. Dadka iyo ganacsata soo galena waxaa lagu soo rogay canshuur.

 

Macadd bin Cadnaanمعد بن عدنان\, markuu Makkahمكة\ yimid, kaddib markuu aabihiis Al Badhraa’البطراء\ kasoo diray, halkaas ayuuna ku koray, Makkaمكة\ ayuuna ku guursaday, caruurna ku dhalay.

 

Markuu Macaddمعد dhintay, isagoo Muslin ah oo Diinta Ibraahiimإبراهيم\, Calayhissalaamu, ku taagan, ayaa Cadnaaniyiinta waxaa oday u noqday wiilkiisa Nizaar bin Macadd bin Cadnaanنزار بن معد بن عدنان\.

 

Nizaarنزار wuu ka xumaaday xadgudubkaas ay Jurhamجرهم\ ku kacday, markaasuu markuu dhimanayey wuxuu wiilashiisa kula dardaarmay inay Jurhamجرهم\ Makkahمكة\ ka saaraan, wuxuuna yiri:

“Jurhamجرهم\ Baytkaالبيت\ ka saara, Maamulkiisana ha la wareego Iyaadإياد\ (oo ah ina Nizaarنزار\).”

 

Markaasu Nizaarنزار dhintay. Kaddib waxaa kulmay wiilashiisa Iyaadإياد\ iyo Mudarمضر\ (waa daad dhibic kor ku leh oo saadka ku xiga) iyo Rabiicahربيعة\ iyo Anmaarأنمار\, kana tashaday sida dardaaranka aabohood loo fulin lahaa, oo kuwa Baytka Ilaahayبيت الله\ ku xad gudbay Makkahمكة\ looga saari lahaa. Afartaas wiilba waxaa ka farcamay afar qabiil oo waynoo Carab ah, magacdoodana sita. Mudarمضر waa awoowaha toddoba iyo tobnaad ee Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam; Rabiicahربيعة waxaa ku abtirsada boqorrada manta ee Aala Sacuudآل سعود\ ee Sucuudiga iyo Aala Khaliifahآل خليفة\  kuwa kala xukuma Baxraynالبحرين\ iyo Aala Subaaxآل صباح\ ee Kuwaytالكويت\; Iyaadإياد\ iyo Anmaarأنمار\ waxay manta u badan yihiin oo degaan dalka Al Ciraaqالعراق\ iyo Iiraanإيران\.

Daadad Makkahمكة\ soo galay

 

Intayanse dagaal bilaabin ayaa Samadu unkadday oo ay biriqday oo ay roob xoog leh soo deysey, ay guryihii Makkahمكة\ la gariireen, khaymadihiina udubbada u siibay, kuwa Xaramka Ilaahayالله\ ku xad gudbayna quluubtooda cabsi iyo argagax ku riday.

 

Daadad ayaa buuraha Makkahمكة\ kasoo rogmaday oo Kacbada galay oo dumiyay. Markaasuu dadku ka baqay inuu Ilaahay الله\u caroodo siduu reer Nabi Nuuxنوح\ ugu carooday oo kale, oo ay biyuhu harqiyaan. Ilahayse الله\wuu u naxariistay oo dhulka Makkahمكة\ ayaa biyihii leqay, roobkiina waa ka joogsaday

 

Quraanyo Makkahمكة\ kusoo degatay

 

Daadadkaas iyo dumidda Kacbada kaddib, ayay dhashii Ismaaciilإسماعيل\ Jurhamجرهم\ u tageen, ayna kala hadleen siday Xaramka ugu xad gudbeen.

 

Markaasey Jurhamجرهم\ tawbad keen muujisay, Kacbadiina ay dib u dhiseen, oo ay siduu Ibraahiimإبراهيم\ u dhisay oo kale u dhiseen, aasaaskiisana ku kor dhiseen. Muddo ayaa soo wareegtay, Jurhamnaجرهم\ way hilmaantay digiddii Samada looga digay, oo ay xadgudubkiina soo celiyeen, ciddii Makkahمكة\ soo gashana ay thulmiyeen, beecana ay miisaanka ku khayaaneen oo ay khafiifiyeen, dadka Xujayda ah oo Ilaahay الله martidiisa ahna ay cabsi geliyeen.

 

Markaasey waxay xadeen dahabka iyo maalka uu dadku Kacbada u hibeeyo oo god dhexdeeda ku yiillay lagu kaydin jiray. Godkaas waxaa la oran jiray “Al Khasafالخسف\”, maantana waxaa lagu beddelay sanduuq hawshaas loogu talo galay. Maalkaasna waxaa lagu bixin jiray Maamulka Kacbada, waxaana wax laga siin jiray fuqarada saboolka ah iyo masaakiinta, xujaydana waa laga waraabin jiray, cunnana looga gadi jiray.

 

Waxaa la wariyay in nin Jurhamجرهم\ ka mid ah uu godkaas galay, godkaasoo uu Nabi Ibraahiim إبراهيم, Calayhissalaamu , qoday, si hadiyadaha Kacbada loo hibeeyo loogu kaydiyo. Ninkaas Jurhamجرهم\ u dhashay wuxuu godkaas u galay inuu maalka Kacbada xado. Markaasaa godka afkiisa dhagax kasoo fuqay oo ku kusso dhacay, kuna habsaday, halkaasna uu ku xabbisay.

Markaasaa tuuggaas inta dhagaxii laga dul qaaday ayaa godkii laga soo saaray, maalkii uu soo xadayna gacantiisa laga bixiyay.

 

Kaddib waxaa godkaas loo soo diray mas wayn oo madaxiisu waxar madaxeeda oo kale yahay, korkana ka madaw, calooshana ka cad, oo cabsiin jiray ciddii godkaas usoo dhowaata. Sida la sheegeyna, maskaasu wuxuu godkaas ku sugnaa ilaa shan boqol oo sano, sidaan qisadiisa ugu sheegi doonno, Inshaa’a Allaahuإن شاء الله\, markaan ka warbixineynno markay Qurayshiقريش\ Kacbada dib u dhistay. Labadaas deerana waxaa heli doona, sidaan kutubteyda Cabdu Allaahi عبد الله\ iyo Aaminahآمنة\ iyo Cabdu al Mudh-dhalibعبد المطلب\ ugu soo sheegnay, Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, awoowihiisa Cabdu Al Mudh-dhalib عبد المطلب\, marka la tusay ceelka Zamzamزمزم\, inuu qodana lagu amray.

Jurhamجرهم\ kaddibna Kacbaday ku xadgudbeen oo waxayba ka dhigteen meel lagu caweeyo, sida naadi naadiyadooda ka mid ah oo kale, oo waynaanteeda ayaaba quluubtooda laga saaray.

 

Markaasaa waxaa buuraha Makkahمكة\ kasoo degatay quraanyo, oo Makkahمكة\ kusoo degatay, ilaa ay dhulkii oo idil dabooshay oo uu madawgeedu wada daboolay. Markaasey dhirtii wada gashay, iyo ariga iyo geelaba, oo inta sanka iyo afkaba ka gashay uurkooda buuxisay, oo waxaan lafo ahayn ayan reebin.

 

Markaasey quraanyado markay intii kaloo idil soo dhammeysay, ay Kacbada timid, oo ay hareereysay, oo ay kuwii agteeda ku caweynayey oo ku qoslayey meel walba ka gashay. Markaasey dadkii Makkahمكة\ degganaa u gudubtay, oo intay meel walba ka gashay ay dhulka ku daateen, kuna dhex daateen bado quraanyo ah. Sidaas ayay ku la’deen, oo ay quraanyo laysay. Markay in badan Jurhamkiiجرهم\ Kacbada ku xad gudbay ka dhinteen, ayay quraanyadii Makkahمكة\ ka baxday, oo ay buureheeda ku noqotay.

 

Jebinta Jurhamجرهم\

 

Markaas kaddib, ayay Iyaadإياد\ iyo Mudarمضر\ iyo Rabiicahربيعة\ iyo Anmaarأنمار\, wiilasha Nizaarنزار\, ayagoo meel marinaya dardaaranka aabohood, oo ahaa in Jurhamجرهم\ Makkah مكة\ laga saaro,, ayay ayagoo ay la saf yihiin intii kale ee dhasha Ismaaciilإسماعيل\, hub qaateen, oo ay reer abtigood Jurhamجرهم\ la dagaallameen.

Jurhamجرهم\ waa la jebiyay, oo laga adkaaday, Makkanaمكة\ laga saaray.

 

Jurhamجرهم\ Boqorkooda Al Xaarithالحارث\ markuu arkay inuu dagaalku ku socdo jebintooda oo laga adkaan doono, ayuu wuxuu tegey Kacbada oo uu uurkeeda galay, wuxuuna kala soo baxay labadii deero oo dahabka ka sameysnaa, Xajarul Aswadkanaالحجر الأسود\ wuu la soo baxay oo Rukniguu kala soo baxay, wuxuuna goostay inuu labadaasba la cararo.

9

Markaasuu wuxuu arkay in raggiisa la jebiyay oo ay Cadnaaniyiintuالعدنانيون\ isaga xaggisa usoo socdaan, wuxuuna arkay inay soo gaarayaan oo wuxuu sito ay gacantiisa kala baxayaan. Markaasey ishiisu waxay ku dhacday ceelka Zamzamزمزم\.

 

Markaasuu labadii deero iyo Xajarul Aswadkiiba الحجر الأسود\ ceelka Zamzamزمزم\ ku duugay, oo uu ciid ka kor mariyay, kaddibna intuu daabbaddiisa fuulay ayuu Makkahمكة\ ka baxay. Raggiisu markay arkeen Boqorkooda oo sii cararaya ayay ayaguna baqdeen, oo ayaguna ka daba carareen. Sidaas ayay Jurhamجرهم\ Makkahمكة\ uga baxday oo ay Yamanيمن\ ugu guurtay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cidda doonta inay Makkahمكة\ dulmi ku suubiso waa la cadaabayaa

 

Ilaahay Tacaalaaالله تعالى\ wuxuu Aayadda shan iyo labaatanaad ee Suuratu Al Xajjسورة الحج\ noogu sheegay in cidda ku fakartay inay Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ dulmi ku samayso, fakarkaas daraadiis iyo dooniddaas ayaa lagu cadaabaa:

}وَمَنْ يُرِدْ فِيهِ بِإِلْحَادٍ بِظُلْمٍ نُذِقْهُ مِنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ (25){

Aayadda macneheedu waxaa weeye:

“Qofka doona inuu dhexdeeda xumaan ku sameeyo waxaan dhedhensiinaynnaa cadaab xanuun badan.” (Quraan Suuratu Al Xajj: 25).

Xadiithkuna wuxuu ahaa:

“لو أن رجلاً أراد بإلحاد فيه بظلم وهو بِعَدَنٍ أَبْيَن لأذاقه الله من العذاب الأليم.

 

Xadiithka waxaa laga wariyay ibnu Mascuudإبن مسعود رضي الله عنه\, macnihiisuna waxaa weeye:

 

“Hadduu nin isagoo jooga magaalada Cadanعدن\ ee arliga Yamanاليمن ku hammiyo oo doono inuu dhexdeeda xumaan ku sameeyo, Ilaahay الله wuxuu dhedhensiiyaa cadaab xanuun badan.”

 

 

Qisadaan waxaan kasoo qaadannay Sheekha Cabdu Al Xamiid Juudah Al Ssaxxaarالشيخ عبد الحميد جودة السحار\ Allahaالله\ u naxariistee oo reer Masarمصر\ ahaa, kitaabkiisana laga sameeyey Musalsalka “Muxammadun Rasuulu Allaahiمحمد رسول الله\ Sallaa Allaahu Calayhi Wa Sallam.”  Aniguna laba ama saddex caddaymood ayaan ku daray.

 

Gudaha Kacbadaالكعبة.Sanduuqaanu wuxuu beddelay oo meeshiisa yaalla “Al Aksafالأخسف\” godka Kacbadaالكعبة xoolaha loogu kaydinh jiray.

Xasanwali Shacbaanشعبان\ 1436 H / Majjo 2015.

 

 

 

Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Watertown, South Dakota, USA

Maalin Arbaca ah soddonka bisha Rabiicu Al Aakharربيع الآخر\ kun afar boqol afar iyo soddon Hijrigaالهجرة\, una dhiganta saddex iyo tobanka Maarso laba kun saddex iyo toban miilaadiga ah.

 

SHEEKOOYIN