Home Qormooyin Taariihkda Degmada Luuq. W, Q Proff, Yaxye Sheekh Caamir

Taariihkda Degmada Luuq. W, Q Proff, Yaxye Sheekh Caamir

0
SHARE
Taariihkda Degmada Luuq. W, Q Proff, Yaxye Sheekh Caamir
Luuq ( Lugh) waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu da’da weeyn Somalia, sida ku cad qoraalka Captain Thomas oo ingriis ahaa, uuna qoray 1811. waxaa uuna leeyahay waxaa ku tiil 300 guri waxa uu leeyahay waxa jiray waqti ay Luuq, xamar ka weeyneed. Waxa magacaa loogu bixiyay magaalada oo wabiga Juba ( wabi ganaane) dhinac kasta uu uga wareegsan yahay waxa ay lahaan jirtay darbi 3 Mitir ahaa, kadibna talyaaniga ayaa ka dhisay darbi kale lehna hal irid oo kaliya, Luuq waxaa ku taal buundo aad u weeyn.
Luuq halka Allaah ku abuuray oo hooseeyso ayaa waxa ay ka dhigtay mid ka mid ah meelaha aduunka oo dhan ugu kulul, Soomaaliyana waa goobta ugu kulul celceliska heer kulkeeduna waa ka badanyahay 30 °C (86 °F). Waxa ku wareegsan tuulooyin ay ka mid yihiin, Yurkud, Farsaarey, Caracase, Shaatilow, Halbo, Haanoy, Maganeey, Bohol Garas. Waxaa ku nool qabaail badan oo Soomaali ah, asal ahaan waxaa u badnaa raxanweyn, inkasta oo ay saameeyeen, maamuladii xuriyada kadib iyo dagaaladii sokeeye oo dad badini u qaxeen wadamada deriskaa. waa degmo hore uga tirsaneed gobalkii la dhihi jiray Alta Juba, markii gobalka la kala qaybiyayna waxa ay ka mid noqotay gobalkii cusbaa ee Gedo. Waxa la yiraa waa xarun ku wanaagsan ganacsiga oo saddax dal u dhexeeysa.
Taariikhdii Hore ee Luuq ( Lugh)
Wabiga juba waa mid lagu dhax safri karo. Waxaa daneeynayay ganacsato Cumaniyiin aheed iyo Amxaaro. Boqor Menelik ayaa ku soo duulay 1892 -1895 magaaladuna waa iska caabisay. dhinaca kale Reer galbeedka oo u arkayay wabigan deegan ku fiican gumeeysiga ayaa u diray sahamiyayaal, wabiga Juba laakin kuwii ugu horeyay ee sahanka bilaabay waa la dilay sida : Carl Claus Von der Decken (1865) oo Jarmal ahaa iyo Vittorio Bottego (d. 1897) oo Talyaani ahaa, laakin qoraaladoodii ayaa dib waxaa u isticmaalay sahamiyayaashii ka dambeeyay.
Ugu Ferrandi oo ahaa Sahamiye kale oo talyaaniya oo muddo 17 bilood ah ku noolaa Luuq, ayaa ahaa ninkii ugu horeeyay ee qoraala badan oo muhim ah ka qoray Luuq iyo deegaanada ku wareegsan. Markaa oo Luuq ay ku tartamayeen Afar quwadood oo kala haa : Jarmal, Ingriis, Talyaani iyo Amxaaro. Waxa ay aheed magaalo suuq weeyn leh oo dad badan oo kala luuqad, diin iyo dhaqan ah ay ganacsi u soo doontaan, Oromo iyo Booran halkaa ganacsi ku lahaa waxaa ka eryay wadaadadii reer baardheere. Waxaa ay ku reebeen qabiiladii Muslimiinta ahaa sida Gasaaraguse, Gobawein,iyo Mareexaan Reer Xassan, waxaa kale oo berrigaa la deganaa qabiilka Galla oo itobiya ka yimid iyo Sawahili ka yimid Jasiirada zenziibaar.
Luuq waxa ay aheed xaruntii boqortooyadii Gasaargude oo loo yaqiin Gereed, gereedkii ugu horeeyay ee Luuq dega waxa uu ahaa Gereed Kalafow, dadka deegaankuna ay u yaqiineen Gereedkooda Aw Maadow, marna magaalada ayaaba loo yaqiin “Luuq Aw maadow”. Gereed Kalafow ayaa la sheegaa in uu ku dhintay Luuq c. 839 AH (about 1435 CE) kadib markuu xukunkiisu gaaray Tayeegow ilaa buur haybe, Kalafow waxa kale oo uu jabiyay duulaan uga yimid suldaano Soomaali ah sida Dagoodiga, Ogadeenka iyo Marexaanka.
Markii uu Booranta jabiyay ayuu ku dhawaaqay in uu yahay Gereedkii labada dhinac ee wabiga, waxa uuna bilaabay in uu qaado cashuur, Waxaana soo baxay hal ku dhigyadii kala ahaa: a) “Doo leedey Luuq Seew” oo aheed haddaad dacwo iyo dood qabto luuq tag iyo oraahdii kale ee aheed. b) “Gasaaragude Gob Reewin”.
waqtigaa Gasaaraguduhu waxa ay noqdeen awooda ugu weyn Miriflaha, sida Geledigu u ahaa awooda ugu weeyn Digilka.
Waxaa Gereed Kalafow xukunkii ka dhaxlay wiilkiisii Gereed Liibaan oo ka mid ahaa lixdiisii wiil ee kala ahaa Liban, Hilowle, Cumur, Amiin, Keerow and Maadow. Liibaan uma adadkeeyn sidii aabihii Kalafow, taa oo dhalisay khilaaf qooyska dhaxdiisa ah iyo in xukunkii uu kala wareego ina adeerkii Cali Hir, waxaana bilaawday bur bur iyo xasilooni daro. Waxaan gacanta Cali Hir ka baxay dhul badan, Laakin boqortooyadii Kalafow laga dhaxlay, waxaa ay sii xakumaaysay degganka qayb ka mid ah muddo dhan 4 qarni ilaa 5 qarni.
Mr.Ugu Ferrandi oo aan hore uga soo hadalnay ayaa tagay Luuq 1895, asaga oo u shaqeeynayay “Società colonizzatrice del Benadir” illa 1897, kadibna waxa loo bedelay Baardheere, waxaana uu u bixiyay magaaladii “Lugh Ferrandi” waxaana dadka deganaa qaar illaa hadda u yaqaaniin magacaa “ Luuq faranji” UGU Ferrandi waxa uu qorsheeynaya wadda Tareen ( Rail way) isku xirta Luuq iyo Mogadishu,oo ah sida tii isku xireeysay Jowhar iyo Mogadishu.
Dagaal kale oo ka dhacay Luuq ayaa ahaa markii Amxaaradu wabiga Juba soo raacday illa luuq. nabadoonadii deegaanka ayaa suldaankii zinzibar weeydiistay difaac waxa uu u soo diray “10 Muzzle –loader” 10 Buntuq oo xabbad kaliyaale ah. sannadkii 1893 luuq waxaa qabsaday amxaaro, talyaanigii xeebaha banaadir ayeey kaalmo weeydiisteen, laba sanno kadib waxaa tagay Bottego iyo ugo ferrandi amxaradiina waa ka saareen, Mr. Bottego horay ayuu u sii eryaday amxaaradii illaa asagiina deegaanka Shoa oo lagu dilay, laakin Ferrandi shirkadiisii ganacsi ayuu luuq xarun uga furay, sanad kadib Amxaradii ayaa weer kale soo qaaday. Kadibna Amxaro ayaa Talyaani kula heshiisay in Luuq Talyaaniga loo dhaafo Fiiri Buuga (The modern history of the Somali, bogga 57aad ee uu qorayI M Lewis).
Gasargudde waxa ay lahaayeen nabadoonimo lix ah oo wareeg ah iyo kan todobaad oo qaali ah Fiiri Buugga” Saints and Somalis bogga 15-16 ee uu qoray I M Lewis”. waxaa Luuq weeraro culus ku soo qaadi jiray wadaadadii Baardheere sida ku cad buugga Cassanelli p 135-146. Iyo buuga “ the reer dulka madow” ee uu qoray ferrandi 1903 ,bogga 213&262.
Waxaa kale oo aad taariikhda luuq ka fiirisaa Buugga “ the Somali dispute” bogga 91aad ee uu Qoray: john Drysdale, kaa oo leh 16 june 1908 talyaani iyo amxaaro ayaa ku heshiiyay dhulka ku wareegsan khadka Luuq iyo Baardheere in Amxaaradu sii hayso laakin isla sanadkaa ayaa haddana lagu heshiiyay in 50,000sq.km laga iibiyo Amxaarada oo la siiyo 3 million liiro, Amxaaraduna ayna soo dhaafin dolow, waxaadna ka heli kartaa qoraalada iyo maababka uu diyaariyay Mr. Caroselli ee (ferro e fuoco in Somalia) dab iyo bir Somalia.
FG: weligeey matagin Luuq, aad ayeey u adagtahay in aad wax ka qortid taariikhdii Luuq, sida magaceedu Luuq u yahay ayaa taariikhdeedana luuq la galiyay, jiilalkii dambe ee luuqna ma ururin wax la tixraaco, waana waajib laga sugayay in ay Soomaalida u soo ban dhigaan. waxaan mahad & amaan u soo jeedinaya nin la yiraa: Mohamed H. Mukhtar oo aan arkay qoraalo uu soo ururiyay.
Sawirada 22 ka hore waa taariikhdii hore iyo qoraalo Luuq ka hadalayo iyo 9 ah casrigan oo muujinaya horuumar la’aanta magaalada Luuq.
Haddii aan wax khalday waad sixi kartaa, dhaliili kartaa, wax ku dari kartaa, Aragtidaadu waa noo muhim.
W, Q:  Proff  Yaxye Sheekh Caamir
SHARE