Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q8AAD W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

Sheeko Taxan: Xero Shaydaan Q8AAD 

 

Daahir Guuleed, keddib qaadashada go’aan culus oo wax badan ka bedalayo nolashiisa iyo mustaqbalkiisa wuxuu ku taamayay in uu noqdo, wuxuu ka degay magaalada Qaahira ee dalka Masar ,wuxuuna maalinti labaad ee uu dalkaas joogay si toos ah u abbaaray Tuuladi loogu tilmaamay in uu degganyahay kaahinki uu ku socday ,Daahir wuxuu tegay waqti casir gaab ah guriga kaahinki uu ku socday ,wuxuu weydiiyay dad saf ugu jiray arkida kaahin Marwaan oo taagnaa afka hore ee guriga kaahinka “halkan ma gurigi kaahin Marwaanbaa”, waxaa mid ka mid ah dadki kaahinka sugayay oo dumar u badnaa ugu jawaabay “haa waa gurigi kaahin Marwaan”. Daahir wuxuu mar kale ku celiyay ninki u jawaabay “walaal sideen ku arki karaa kaahinka”, haweenay hortaagnayd ninki kolki hore u jawaabay ayaa ku tiri “saaxib Safkan waxaan ugu jirnaa arkidiisa ee dhinacaaga safka ka qabso.

  Daahir wuxuu galay safki ,waxaana marki uu taagnaa in ka badan nus saac u yimid nin soo dulmaray dhammaan dadki safka ugu jiray arkida kaahin Marwaan, wuxuuna cod dheer ku yiri isaga oo taagan meel aanan ka fogayn Daahir “Waayo Daahir Guuleed Cali”. Daahir marki uu maqlay magaciisa cabsi ayaa ku beeranatay, waayo ma jirin cid taqaano magaciisa oo uu halkaas ku ogaa ,jawaabta kuma degdegin ,mana dhihin waa aniga ninka aad magaciisa u yeertay ,Daahir waaxa ku bilawday welwel iyo isweydiimo si dhaqsiya ugu wareegaysanayo maskaxdiisa  ,wuxuuna isweydiinayay war yaa magacaaga u sheegay ninkan ,war karaamadi kaahinka miyaa ku soo gaartay oo arrintaada waa aqbal ,war ninyahow arrinta ma waxay ku socotaa caksiga sida aad u fikarayso oo waa lagu eryi rabaa ,Daahir isaga oo dhax heehaabayo khayaali iyo isweydiimo uunan jawaabtooda haynin ayaa ninki soo ag istaagay, mar kale ku celiyay “War ma idinku jiraa nin la yiraa Daahir Guuleed”. Daahir markan kuma daahin jawaabta wuxuuna la soo booday “Waa aniga Daahir ee maxaa doonaysaa ,magacaygasa yaa ku baray”. Ninki u yeeray Daaahir waa qoslay ,wuxuuna si jees-jees ah u yiri “waryaa(Yaa sayid daahir) Daahir ,ma annaga ayaa moogayn in aad adiga Daahir tahay ,waxaa kaliye oo aan rabnay in aad ogaato in aynan howsha sahal u ahayn sidaad wax u doonayso,calaa kulli xaal, inna keen waxaa kuu yeerayo Kaahin Marwaan oo isaga magacaada na soo siiyay ,noona soo tilmaamay meesha aad safka kaga jirto”.

 Daahir waagaa ku baryay ,wax walbana waxay la noqdeen khayaali iyo in uu riyo ku jiro ,Daahir ma dareemin maalintan in uu lugta la galay Xero shaydaan,waxaasa isaga u muuqday oo kaliye sida uu ku gaari lahaa damaca uu geliyay saaxibkii Muraad oo isaga u soo tilmaamay Kaahin Marwaan, uguna sheegay in uu yahay nin weli ah, oo karaamaysan. Daahir wuxuu daba kacay ninki u yeeray ,waxaana in yar keddib loo geeyay nin loogu sheegay in uu yahay Kaahin Marwaan , Daahir kolki Kaahinka loo geeyay, kaahinki ayaa ku yiri “War Daahir Maxaa doonaysay oo aad noo soo siyaaratay”. Daahir wuxuu ugu jawaabay “waxaan doonayay in aad xirsi ii qorto, si nolasha iigu fududaato ,wax walbana iigu sahlanaadaan”.

Kaahinki ayaa intuunan ka jawaabin codsigi Daahir, wuxuu Daahir u sheegay in uu isaga tilmaanta uu halkan ku yimid soo siiyay saaxibkii Muraad oo uu ku tilmaamay nin edeb badan, una nugul maqalkooda iyo fulinta dalabaadka khaadimintiisa ,waxaa kale oo uu Daahir ku yiri “Daahir adiga weli waa da’a yar tahay, mana qaadi kartid masuuliyada xirsiga aad doonayso in aan ku siino ,sidaa darteed waxaad nagu soo noqataa kolki aad afartan jirsato”.

Daahir oo marna la yaaban dadkan magaciisa yaqaan, ugana waramayo asbaabihi uu u yimid halkaan iyo cidi soo tilmaantay ,marna ka naxay mas’uul ma noqon kartid oo waa da’a yar tahay ee nagu soo noqo kolkaad afratan jirsato, ayaa kaahinki ku yiri “Shiikh Marwaan, waa runtaa waa da’a yarahay, laakin waxaan ahay nin haddii dhinac laga fiirsho da’diisa ka weyn ,waana qaadi karaa mas’uuliyada xirsiga aan kaa soo doontay iyo wixi aad  I farto oofintooda”.

 Kaahinka ma hadal badnayn ,wuxuuna Daahir ku yiri “istaag” ,istaagid keddibna wuxuu Daahir la aaday qol ku yiilay meel aanan ka fogayn qolki Daahir  loogu geeyay kaahinka, Kaahinki kolki ay qolka isla galeen isaga iyo Daahir, wuxuu Daahir u furay qol kale oo albaabkiisa u furan yahay qolka ay dhax joogeen,wuxuuna Daahir u sheegay qolka kale in uunan lahayn albaab kale oo aanan ahayn kay isaga iyo Daahir hor taagan yihiin ,kaahinka qolki ayuu furay ,qolka waxaa dhax suran hilib xoolo qalan oo isugu jiro ari iyo lo’ oo ay ka muuqato in mar dhow la soo qalay ,wuxuu Daahir ku yiri “war Daahir iska hubi qolka ma leeyahay albaab aanan ahayn kan aan taaganahay maahine mid kale. Daahir wuxuu ugu jawaabay “maya ma laho”. Intaas keddib kaahinki wuxuu Daahir ku yiri fadhiiso kursi yiilay albaabka qolki uu surnaa hilibka, keddibna Kaahinki wuxuu soo xiray qolki uu hilibka dhax surnaa, waxaa kale oo uu Daahir ku yiri “waa ka tagayaa ,waxaana kuugu soo noqonayaa saacad keddib ee cidna ha u ogolaan in ay qolka gasho, kana soo baxdo”.

Daahir cidna uma imaan ,mana arag cid ka soo baxayso qolki wardiyaha looga dhigay ,Daahir waxaa ku soo ballaaratay baqdinti gashay kolki loo yeeray ilaa iyo inti waardiyaha looga dhigay qol ay dhax suran yihiin hilibka xoola qalan ,Daahir wuxuu isweydiiyay waa noocee imtixaanka uu ku geliyay kaahinka ,jawaab uma helin su’ashaas, wuxuusa isu sheegay in arrinta fooda la gashay fal cabsi leh ,haddana iyada oo saas jirto ayuu wuxuu isku dhiirinayay arrinta waa imtixaan lagu doonayo, ogaashaha inta ay la egtahay awoodda aad u leedahay in aad qaado mas’uuliyad, nooca ay doonta ha ahaatee,Daahir wuxuu isu sheegay in uu ka soo baxo, waardiyaha laga saaray ilaalinta hilibkan dhax suran qolkan la hor fadhiisiyay iyo in uunan marnaba aqbalin in uu galo ruux beni’aadam ah ,kana soo bixin sidi uu ku amray Kaahin Marwaan.

Daahir waqti yar oo aanan nus saac ka badnayn keddib, waxaa ku soo noqday Kaahinki, wuxuuna Daahir ku yiri “nin wacan ayaad tahay ,ma jirtaa cid kuu timid oo gashay qolka ,misa jirtaa cid ka soo baxday “, Daahir ,wuxuu si caaboonaan iyo dhiiri ku jirto ula soo booday isaga oo muujinayo in uu ka soo baxay waardiyihi laga saaray qolkaas in aynan cidna gelin ,cidnana ka soo bixin “maya, ma jirto cid gashay iyo cid ka soo baxdayba”. Kaahinki ayaa Daahir ku yiri ” waa loo bogay ,howshaadina waa ka soo baxday ee istaag “, kolkuu intaa ku yirina,Kaahinki wuxuu furay albaabki xirnaa ,keddibna wuxuu Daahir ku yiri “War Daahir yaa cunay hilibki dhax surnaa qolka”, Daahir mar kale ayaa cabsi xoog leh gashay ,waxaana mar kaliya korkiisa ka soo yaacay dhidid waaweyn ,Daahir qolki ayuu dhax joogsaday, wuxuuna dhinac walba u fiirshay qolka dhaxdiisa ,wuxuu arkay in aynan cidna dhax joogin laakin hilibki surnaa  bedelkiisa ay suran yahiin lafa kaliye oo aanan hilib lahayn ,Daahir wuxuu naf’ahaantiisa is weydiiyay “war yaa cunay hilibki ,qofka cunasa ,ma ceerinkiisi ayuu ku cunay “,inta uunan sua’aashaas isaga jawaabina, Kaahinki ayaa ku yiri “Daahir inna keen ,annaga ayaa kuu sheegayno ciddi cuntay hilibki dhax surnaa Qolka”, Daahir wuxuu daba kacay Kaahinki isaga oo jaraynayo ,aadna uga cabsi qabo maxaa kala soo gudboonaan doono Kaahinka.

 Kaahinki wuxuu tegay qolka fadhigiisa, wuxuuna Daahir fadhiisiyay meel aktiisa ah, keddibna wuxuu u soo taagay Xirsi ,wuxuuna ku yiri “Daahir Xirsigan qabso, ogowna wax walba waa kuu fududaanayaan ,dadka aad u tegi doonto iyo ciddi aad la kulantaba waxay diyaar u tahay in ay kuugu khidmayso sida aad wax u weydiisato, Daahir lama rabo guushan aad gaartay in aad ku waxyeelayso dad oo dhan ,ku ekaaw in aad xirsiga u adeegsato danahaada oo kaliye, danahaada kuwa saldhig u noqon karo horumar wacan oo aad gaarto ,annagana noo horseedi karo in aan ku guulaysano kor u qaadidada tayada ruuxi ku soo biiro jameecadeena iyo guud ahaan, ka guul keenida hadafka aan kuu kaalmaynayno , waxaa kale oo aan kaaga digeynaa in aad tagto meelaha aynayn jeclayn khaadimiintayna iyo anigaba tegistooda”.

Halkan marka uu kaahinka hadalkiisa marsiinayo ayuu Daahir ku dhiiraday in uu kahinka weydiiyo isaga oo soo xasuustay hadalki saaxibkii Muraad oo ahaa, in Kaahinkan yahay nin dadka faro gudashada Cibaadada Ilaahey , isla-markaasna is leh, adigana ha ku faro gudashada cibaadada ilaahay ,balsa Daahir ma ogayn hadalka Muraad in uu ahaa oo kaliya,  mid isaga lagu dhiirigelinayay in uu u tago Kaahinkan, wuxuuna Daahir Kaahinka ku yiri “halkee ayeynan khaadimiintiina jeclayn in aan tago”.

Su’aashaa keddib kaahinki waa aamusay, waxaana ku adkaatay in uu si dhaqsiya uga jawaabo su’aasha  Daahir weydiiyay, isaga oo ka baqanayo in Daahir garto meesha loo diidan yahay tegisteeda in ay tahay goobaha lagu caabudo ilaahey iyo wax kasto oo fududeynayo in uu Daahir arko waddada toosan ee ilaahey faray in ay cibaadadiisa maraan ,wuxuuna si kooban Daahir ugu yiri “Daahir ,wax walba sida ay u kala socdaan adiga ayaa baran doono, ee orod ku noqo Magaalada aad ka timid ,annaga ayaana garabkaaga noqonayno in aad ahaato nin toosan ee wax loo qaban karo ,kana mid noqon karo jameecadeena”.

Daahir waa u riyaaqyay hadalka Kaahinka ,mana garan kaahinka goobaha uu kaga digayo tegistooda ,afkiisana ka dhowrsaday in ay yihiin Goobaha lagu caabudo ilaahey iyo wixi keenayo ku dheganaashada gudashada howlaha uu ilaahey uga baahan yahay addoonkiisa in uu guto, wuxuuna Daahir mar kale kaahinka weydiiyay, isaga oo leh, “waan ku farxay sida wacan oo aad ii soo dhoweyseen iyo wanaagga aad ila garab istaagan tihiin, laakin waxaan jeclaan lahaa in aad ii sheegto si qayaxan, goobaha aad rabto in aan ka dheeraado tegistooda”.

 Kaahinki waxaa Daahir kaga yimid Su’aal uunan toos uga jawaabi Karin ,haddii laga jawaabana, abuuri karto in Daahir garto in uu ku soo dhax dhacay kooxo iyaga iclaamiyay la dagaalanka illaahey ,shaydaankana u shaqeeyo . Kaahinki, isaga oo diidan in uu farta ku fiiqo meelaha aynan jeclayn khaadimintiisa iyo isagaba in uu Daahir tago, in ay tahay wax kasto wixi tusayo waddada toosan ee ilaahey iyo in uu ku ballan furo la socoshada ama ku dhax jirka shayaadiin isu bahaystay isku dayida marin-habaabinta cibaadada ilaahey iyo kor u qaadida tirada jameecadooda, wuxuuna Daahir ku yiri, “Daahir ,madax-adeeg iyo su’aalo badan looma baahna ,adeegayaasheena ayagaa ku ilaalinayo,ayagaa kuu kaalmaynayo, haddiise ay dhacdo in aad ku madax adeegto awaamirka adeegayaasheena adigoo og iyo adiga oo aan ogaynba, Xirsiga annaga ayuu nagu soo noqonayaa ,wax walbana waxaay ku noqonayaan sida hadda ay yihiin, midda kale  kolki wax walba kuu hagaagaan naga soo wardoon oo siyaara kale inoogu imaaw”.

 Daahir way la ahaanweysay guusha u soo hoyatay ,siduu markaas u arkayay xaalada uu ku jiro ,aad iyo aad ayuuna ugu farxay Xirsiga loo soo taagay ,waa qabsayay Xirsigi ,,su’aal danbana kuma celin Kaahinka, laakin wuxuu Kaahinki ku yiri “waxaad igu hubtaa in aan noqdo khaadim wacan ee awaamirta la siiyo uga ka soo baxo sida ay tahay  “.

Kaahinki markaa keddib isaga oo aanan wax lacag ah weydiisan Daahir, isla markaasna aanan jeclaysan su’aalihi u danbeeyay ee dhankiisa kaga yimid ayuu wuxuu Daahir ku yiri “jilibkaada waa furan yahay ,waxaan sugnaana waa maqalka guul aad ka gaarto mustaqbalkaada iyo annaga oo yaqiinsano midka aad tahay khaadim wacan iyo mid xun”.

Daahir iyo Kaahinki waa is macsalaameeyeen, Daahir kuma daahin magaalada Qaahiro, laba usbuuc keddibna wuxuu aaday magaalada Riyaad isaga oo dareensan in uu yahay nin xambaarsan mustaqbal wacan, balsa xaqiiqada sida ay tahay, Daahir ma dareensanayn  in uu ku dhacay xero Shaydaan oo isaga markaa ugu muuqatay in uu soo dhaxgalay dad ahlu khayr ah, saaxibkii Muraadna horay ugu soo fasiray in Kaahiinkani yahay nin dadka ku dhiiri-geliyo, tegitaanka meelaha lagu guto cibaadada Ilaahey, isla-markaasna dadka kula taliyo, ka fogaashada goobaha ay joogaan dadka aanan gudan cibaadada Ilaahey .

  Daahir aqoon xumo awgeed, marka laga reebo maqalka in ay xaaraan tahay ,u tegida Kaahinka oo aanan qalbigiisa iyo caqligiisa ku negaan , ma ogayn si dhab ah iyo sharci ahaan in ay xaaraan tahay u tegida qolooyinka wax faaliya dhammaan noocyadooda kala duwan. xukunka ka yaalana, dhinaca diinta islaamka in uu yahay ,in aanan Salaada laga aqbalayn afartan maalmood qofki u tago kaahin ,qofki sadaqa( oo rumaysto) hadalka kaahinkana in uu yahay kaafir sida kusoo aroortay axaadiis badan, Daahir waxaa balag u luley shaydaanka,  waxaana uu u soo wakiishay  saaxiibkiis Muraad,  Kaahinkunu wuxuu albaabada u furey habkii ardeynimada cusub ee xero shaydaanka,  dabin kasta oo la dhigo adigoo moog ama sahashanaya ayaad ku dhacdaa.

W/Q: Cabdullaahi M.(Siyaasi)

SHEEKOOYIN