XASIL OO ILA GARO (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) 

Dhaawaca: Q38aad                                                                 

In lagu dhaawacaa micnaheeda maahan in aadan u qalmin in lagu dhaawaco, maxaa yeelay, dhaawaca  kusoo gaaraa waliba kaa soo gaaraa waxa dunida ku nool Dad iyo Dugaag iyo inta kalaba waa qayb ka mid ah Nolosha, ama waxaa la oran karaa waa dabeecadda nolosha, sidaa darted, hala yaabin sababta uu dhaawucu kuugu dhacay, ee waxa aad la yaabtaa u dulqaadasho la’aantaada ku aaddan dhibkaas ama xanuunkaas kusoo wajahay, bal miisaan saari inta dhaawac aad gaysato maalintii ama todobaadkii ama bishiiba, dareen ahse in aad wax gaysatay ma kugu jiraa? taas nafteeda ayaa mudan in aad iskula yaabto marba haddaadan iska warqabin, nolosha waa Nidaam la marayo sidaa darteed nidaamka aad marayso dhib ha u arkin, wax ka baro oo kaliya.

Mmusa 

                                                   Xilliga adag

Xusuusnow in mar walba oo aad ladantahay ama aysan ku hayn Baahi badan uu qof walba ku jeclaan karo, waxa la isku naco ma ahan Baraaraha iyo badqabka ee waa baahida iyo balaayada, Musiibada waa mid wareegta maalinka ay kugu habsato ayaad garan kartaa Cidda dhabta kuu jecel iyo cidda aan ku jeclayn, sidaas si la mid ah cidda wax kuu tarta iyo cidda aan waxba kuu tari Karin, hadaba, ma ahan in aad ku kadsoonto asxaabtaada Waqtiga wanaagsan, dhabta waa saaxiibka ama Ehelka kugu haro waqtiga adag. 

Mmusa

                                                Dulqaadka

Dulaqaadka waa darsi la doonayo in wax laga barto si barrito uu kuugu noqdo mid aad wax ka faa’iidday, hubaal in dulqaadku uu faaiido leeyahay taas oo mar walba aan shallayto lahayn, dulqaado waa deeqtoomaysa ayaan maqli jiray, marka in aan u dulqaadano waxyaabaha aan wajahayno waxay inoo noqon karaan Cashar aan barrito  ku intifaacno, sidaa darted, dulqaadka hala badsho.

                                                        Wanaaga waa in uu ku baddalaa

Dadka wanaagsan ee aad mar walba ku dhex jirto saamaynta ay kugu yeeshaa waxaa ka qiima badan qaabka ay kuu baddalaan marka dhanka wanaagsan wax laga eego, Xaqiiqda ayaa waxay tahay in mar walba dadka aad ku dhex jirtid ay qayb ka yihiin waxa aad tahay ama lagugu tilmaami karo, sidaa darted, waa in wanaaga uu mar walba ku baddalaa ee uusan kaa muuqan oo kaliya.

                                  Khayr wax kaama dhibo shar u toog haay!!

Waanaag samayntaada mar walba waa mid farax galisa Dadka, balse xumaan marka ay kaa dhacdo waxaa la hilmaama wax walba oo wanaag ah oo aad samaysid, taasina ma ahan wax la yaab leh ee waa caadada dadka in wanaaga uusan waxba halayn waxa wax haleeyana ay tahay Xumaanta xanuunka ay gaysatana uu yahay midka dadka ka qaylisiiya, sidaa darted, Khayrka dadka lama qayliyaan ee Sharta ayay la qaylshaan!!.

Mmusa

                                                        Dareenka dhaawaca

Waad u jeclaan kartaa qof si daran, balse dhabta ayaa waxay tahay in marka aad qof wayso ama uu kaa lumo xanuunka aad dareento in uusan la mid ahayn dareenkaagaa ku aaddan jacaylka, waa Run in mar walba dareenka jacaylka iyo dhaawaca ay kala duwan yihiin, balse dhaawaca ayaad mooddaa in uu nooga xanuun badan yahay Jacaylka!!.

Mmusa 

                                           Xukminta ha ku dag dagin

Ma ahan in aad tilmaan ka bixisaa wax aadan ogayn qaabka ay ku bilowdeen iyo qaabka ay ku dhamaan doonaa xaqse waad u leedahay in fakarkaaga aad ka dhiibato waqtigaas la taagan yahay waxa ay kula tahay, Maladu waa Dambi, oo allaha na abuurtay ayaa inooga digay, Qof og ma jiro sakanka dambe waxa uu noqon doono ama tilmaan cad ka bixin kara.

Mmusa 

                                          Muhiimadda waa is faham

Waa lagu kala duwanaan karaa dareenka, Qof dareenkiisa wada saxan yahayna ma jiro, sidaas si la mid ah dhaqanka dadka ayaana saxnayn boqolkiiba boqol, balse muhiimadda waa in la isla fahmi karaa halka loo wada socdo.

Mmusa 

                                            DASTUURKA WAHELKAAGA

Labada Qof ee wax wada wadaagaya mar walba xiriirkooda jiritaankiisa iyo muuqaalka uu yeelanayo waxay ku xirantahay hadba shuruucda dastuurka ay degsadaan oo ku aaddan qaabka ay nolosha u wada wadaagayaan.

Kala duwnaashaha dhanka Fakarka ah mar walba wuu jirayaa, maxaa yeelay labada qof sida ay laba qof u kala yihiin, qaab kala duwana ay nolosha usoo arkeen uguna soo bar baareen ayuu mar walba u kala duwanaanayaa fakarkooda.

Balse waxaa jirta Danguud oo midaysa labada qof, taas oo uu qof walba baahi gooni ah u qabo ugana baahan yahay wehelkiisa kale, Baahida aan ka hadlayo ee labada qofood isaga baahan yihiin ma ahan oo kaliya midda ku timaada Jinsiga, ee waa mid dhinacyo badan oo kale ka timaada.

Dadka wada nool waxaa jira Baahiyo badan oo ay isaga baahan yihin oo aan halkan lagu soo koobi Karin, balse waxaa wanaagsan in qof walba uu ogaadaa waxa uu Xaq ugu leeyahay kan kale iyo waxa isaga xaq loogu leeyahay.

Si xiriirku u noqdo mid guulaysta oo gaamura micnaha saldhig wanaagsan yeesha, waxaa wanaagsan in la dagsado Qawaaniin labad qof kala xaddidaysa, qof walbana waxa uu xaq u leeyahay ama loogu leeyahay garansiin karta si looga maarmo isku dhac iyo isku xadgudub dhex mara labada qof ee nolosha shirkada ku ah.

Hadaba inkastoo qawaanintaas lagu kala duwanaan karo qof walbana uu sharcigiisa ama dastuurkiisa dagsan karo, waxaa ila wanaagsanaan lahayd waxyabahan aan aas aaska uga dhigay xiriirka labada qof si loogu guulaysto horumarinta iyo sii jiridda xiriirkaas

1 qof walb waa in uu qofka kale iimaanka ku qabaa oo uusan ku fakarin in lamaanihiisa nolosha uu xaqiisa dudsiinayo ama gacan bidixaynayo, waana in qof walba kan kale u arkaa in uu yahay hoygii uu kusoo hoyan lahaa kuna nabad gali lahaa, haddii taas aysan jirin waa adagtahay in uu sii jiro gurigaas ama xiriirkaas aan ka hadlayno, sidaa darteed sharciga ama dastuurka koowaad waa is aaaminaadda ama isku iimaan qabka.

2 waa in qof walba qofka kale dareensiiyaa in uu jecelyahay baahi badana loo qabo, taas haddii ay dhacdo hubaal in hamuunta la isku qabo ay sii balaaranayso, qofka marka uu dareemo in loo baahan yahay ama la jecelyahay markaas waxaa galaya Daganaan qalbi, qiimaha iyo kalsoonida uu naftiisa kusii qabana waa mid sii balaarata, taas oo marka dambe dhaxalsiisa in qofku marka uu gurigiisa kusoo hiiranayo uu mar walba farxad dareemo.

3 Xushmadda, is addeecidda, is dhagaysiga, is qiimaynta iyo is marxabaynta ku salaysan jacaylka waa mid sii baahida kalgacalka labada qof isku qabaan, waxaa kaloo taas sii dheer in qof walba qofka kale ka ilaalsho wax walba oo keeni kara dhaawac qalbi, intaas marka lagu guulaysto waxaa  suura galaysa in xiriirku  uu sii yeesho xiddido adag oo goyntiisaa aysan fududaan.

Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com                                            

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN