Dhalanteedka Cuthmaan bin Al Xuwayrith Al Asadii (Qormo xiiso leh)

Dhalanteedka Cuthmaan bin Al Xuwayrith Al Asadiiعثمان بن الحويرث الأسدي\

 

Qaybta koowaad ee dadka zamanka fatrada

 

 Qaybtaani waxay ka kooban tahay qof basiiraddiisa, oo ah isha qalbiga ku taalla, cilmigiisa iyo khibraddiisa Tawxiidka iyo Midnimada Ilaahay ku gaaray oo ku gartay. Raggaas Bicthada ka horreeyey, waxaa ka mid ahaa kuwo markay garteen aan shareecana gelin, laakiin Ilaahay keligiis caabuday, sugayna soo bixinta iyo soo diridda Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam. Raggaasi asnaam iyo wax la mid ahba ma ayan caabudin.

 

Xusidda Waraqahورقة/, Cubaydu Allaahi bin Jaxshعبيد الله بن جحش/, Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث/ iyo Zayd bin Camrزيد بن عمر/

 

Ibnu Isxaaqإبن إسحاق/ wuxuu yiri:

“Maalin ayay Qurayshقريش/ waxau isugu yimaadeen maalin ciid u ahayd sanam asnaamtooda ka mid ah oo ay wayneyn jireen, xoolana u gawrici jireen, ayna agtiisa ku nagaadi jireen, ayna ku kor dhawaafi jireen, taasoo ciid ay leeyihiin ahayd oo sanadkiiba maalin ah. Markaasey afar nin oo ka mid ihi gooni isula baxeen oo ay faqeen, ayna isku yiraahdeen:

“Runta isku sheega, arrinkaanna ha la qariyo oo yaan la sheegin”.

 

Sidaas inay ahato ayayna ku heshiiyeen. Raggaasi waxay ahaayeen Waraqah bin Nawfal bin Asadورقة بن نوفل بن أسد/ iyo Cubaydu Allaahi bin Jaxsh bin Ri’aabعبيد الله بن جحش بن رئاب/ hooyadiisa dhashayna ay ahayd Umaymah bintu Cabdu Al Mudh-dhalib bin Haashimأميمة بنت عبد المطلب بن هاشم/, iyo Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asadعثمان بن الحويرث بن أسد iyo Zayd bin Camr bin Nufaylزيد بن عمر بن نوفل.

Markaasey raggaasi waxay qaarkood qaarka kale ku yiraahdeen, oo ay isku yiraahdeen:

“Wa Allaahiوالله\ waad ogsoontihiin inuusan tolkiin wax diin ah ku taagnayn, ayna ka leexdeen Diinta aabohood Ibraahiimإبراهيم/. Maxaan ugu dhawaafeynnaa dhagax aan wax maqlayn, waxna arkayn, aan dhib geysan karin, waxna tari karin? Ragow, naftiinna diin u raadsada, maxaa yeelay wa Allaahiوالله\ inaydnaan wax diin ku taagneyne.”

 

Markaasey arliga ku kala faafeen, ayagoo raadinaya Al xanafiyyahالحنفية/, Diinta Ibraahiimإبراهيم/.” Qisooyinka raggaas ayaan in yar midba goonidiisa uga warbixinaynaa.

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث/ iyo Tubbacتبع/ boqorka Al Yamanاليمن\ iyo qawmkiisa iyo dadkii Najraanنجران/ degganaa xukunkoodu waa xukunka dadka ay Diintooda galeen, hadduusan midkoodna Islaamka soo gaarin, kanoo Diimihii hore oo idil buriyay.

Waraqaha bin Nawfalnaورقة بن نوفل, sidaan ku arki doonno, Inshaa’Allaahuإن شاء الله\ marka Nabiga, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, la soo diro, wuxuu ahaa qofka ugu horreeyey oo rumeeya, wuxuuna ahaa saxaabi.

 

 

Qaybta labaad ee dadka zamanka fatrada: kuwa gaaloobay

 

Qaybta labaad ee ehelu fatrada waa kuwa shareeco jirta beddelay oo gaaloobay, Tawxiidkana ka tegey, raacayna shareeco ay ayaga naftoodu dejiyeen, oo yiri: “Kan waa xalaal, kanna waa xaaraan”, sida Carabta intooda badan zamankii jaahiliyada, iyo sida Camr bin Luxayy bin Qamcah bin Ilyaas bin Mudarعمرو بن لحي بن قمعة بن إلياس ين مضر/.

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrith bin Asadعثمان بن الحويرث بن أسد/

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث wuxuu u dhashay Qurayshtaقريش\ reer Banii Asadبني أسد/, wuxuuna galay diinta krishtaanka.

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرثzamankiisa waxay Yamanيمن\ ahayd mustacmarad ay “Al Hashahالحبشة\” gumeysato, ayna gumeysaneyse labo iyo toddobaatan sano.

“Al Hashahالحبشة\” wuxuu ahaa qabiil carbeed oo reer Yaman ah oo la oran jiray Al Xabashah, ahaana jilib ka tirsan qabiilka wayn ee Ximyar, siduu u wariyay Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaani. Al Imaam ibnu Cabdu Al Barrالإمام ابن عبد البر\ ahna midka dhigay kitaabka wayn oo asxaabta ka hadlaya taariikhdooda ee “Al Istiicaabuالإستيعاب\”, wuxuu isaguna wariyay inay Al Xabashahالحبشة laftoodu yiraahdeen inay u dhasheen qabiilka carbeed ee Dhayy’طيء\, oo ah qabiilkay ku abtirsadaan soomaalida loo yaqaanno “Reer Baraawe”, wuxuuna warkaas ku wariyay kitaankiisa “Al Qasdu wa Al Umamu fii Al Tacarrufi bi Ansaabi Al Carabi wa Al Cajami القصد والأمم  في التعرف بانساب العرب والعجم “, boggiisa lix iyo labaatanaad.

 

Sayf bin Thii Yazin سيف بن ذي يزن/

 

Markaasuu ninka Yamanيمن\ u dhashay oo magaciisu yahay Sayf bin Thii Yazinسيف بن ذي يزن/ wuxuu u tegey Kisraa Anuu Shirwaanكسرى أنوشروان/, boqorka Furusفرس/ ee dalka Iiraanإيران/, wuxuuna ka codsaday inuu siiyo ciidan uu xabashada arligiisa uga xoreeyo, kaddibna ay Yamaniيمن\ Furusفرس\ Dawlada kusii biirtay noqoneyso oo u hoggaansan.

 

Markuu Sayf bin Thii Yazin سيف بن ذي يزن/ xabashada arligiisa ka xoreeyey, ayuu boqorka Iiraan wuxuu u magacaabay boqorka Yamanيمن\ oo isaga u hoggaansan.

 

Sayf bin Thii Yazinسيف بن ذي يزن/ wuxuu ku jiray diinta majuuska oo dabka caabuda, siduu Cabdu Al Xamiid Jawdah Al Saxxaarعبد الحميد جودة السحار/ kitaabkiisa Muxamrnadun Rasuulu Allaahi, Salla Allaahu Calayhi Wasallamمحمد رسول الله صلى الله عليه وسلم والذين معه, ugu wariyay.

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث/

 

Sidoo kalena boqorka Iiraan waxay diintiisu ahayd majuuska dabka caabuda. Markuu arrinkaas arkay ayuu Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث/ oo krishtaan ahaa ayuu wuxuu is tusay inuu isaguna u tago boqorka Rooma, oo caasimadiisu ahayd Istanbuul, oo isaguna krishtaan ahaa, uuna weydiisto inuu isaga u magacaabo boqorka Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\, uuna sidaas dadka Makkahمكة\ intuu canshuur jizyo ah ka qaado uu sanadkiiba mar boqorka Rooma u geeyo.

Qofku diintuu galo xukunkeeduu leeyahay

 

Al Zarqaaniiالزرقاني/ wuxuu yiri:

“Shiikhennu, Shaykhu Al Islaamiشيخ الإسلام/, oo aan ka wado Al Balqiiniالبلقيني/, wuxuu yiri:

“Al Xaafith ibnu Xajar Al Casqalaaniiالحافظ إبن حجر العسقلاني/ wuxuu yiri:

“Kulli mid kasta oo ka diin yeesha diinta ehelu kitaabka wuxuu ku jiraa xukunkooda xagga nikaaxa iyo guurka iyo xoolahay gawracaan, maxaa yeelay Hiraqlهرقل/ iyo dadkiisu waa roomaankee, umana ayan dhalan oo ka mid ma aha Banii Israa’iilبني إسرائيل\, bal waxay ka mid yihiin kuwa diinta krishtaanka galay, kaddib marka Diinta Ciiseعيسى/ la beddelay. Rasuulka Ilaahayna, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu ku magacaabay oo ugu yeeray warqaddaan (waana warqadduu Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam u dhigay Hiraqlهرقل\ boqorka roomaanka sanadka toddobaad ee Hijriga): “/Yaa ahla al kitaabi يا أهل الكتاب oo ah “kuwa kitaabka la siiyow”, taasoo tusaysa inay ayaguna xukunkooda ku dhex jiraan.”

 

Cuthmaan bin Xuwayrith iyo boqorka Roomaعثمان بن الحويرث/

 

 Al Ssaxxaarالسحار\ wuxuu yiri:

“Sidaas ayuu Cuthmaanعثمان/ wuxuu u tegey Istanbuul, uuna la kulmay boqorka Roomaanka oo magaciisu yahay Justiiniyaanus kan labaad. Markuu u galay ayuu dhulka sujuud ula dhacay. Markuu boqorku u oggolaaday inuu sujuudda kasoo kaco oo uu fariistana, wuxuu boqorka iyo boqoradda uga warramay makaanka ay Makkahمكة\ ku leedahay Carab dhexdeeda, iyo inuu Guriga, waa Kacbadeeالكعبة\, ku yaalla uu yahay Qiblada Carabta oo idil, ha degganaadaan Xijaazالحجاز/ Al Xiirahالحيرة/ oo Ciraaqعراق/ ah, Shaamالشام/ iyo Yamanيمن/ iyo inta kaleba, iyo sida ninka Makkah مكة\  boqor ka noqda ay Carabta inteeda kale u hoggaansamayaan. Boqorku intaasoo idil wuu ogsoonaa, wuxuuna weli la yaabanaa sida Abraha Canjeexأبره الأشرم/, boqorkii maroodiga watay oo u kacay inuu Kacbadaالكعبة dumiyo loo jebiyay oo uusan gaarin wuxuu doonayey.

 

Ciidanka Julius Gallus oo ku duulay Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\ oo la wada halaagay

 

Sidoo kale wuxuu boqorku xusuusnaa sida loo halaagay ciidankuu Qaysarقيصر\ Boqorka Roma u dirtay inuu Xijaazالحجاز/ usoo qabato, kunuuzteedana uu gacanta ku dhigo, uuna hoggaaminayey jananka la oran jiray Julius Gallus, oo dhammaan lama degaarnka Jaziirada Carabta ku halaagmay, oo noqday wax kulaylka qorraxda iyo harraad u dhinta iyo wax luma oo sidaas ku dhinta.

 

Roomaanka krishtaanka ahi iyo culummadooduba waxay ku dadaali jireen inuu arliga u dhexeeya boqortooyada Roomaanka oo krishtaanka ah iyo boqortooyada amxaarada oo krishtaanaka ah, waana Jaziirada Carabtee, kusoo biiro dhankooda oo uu ayaga u hoggaansanaado, ayna halkaas calankooda gorgorka leh iyo krishtadooda ku suraan. Sidaas ayuu boqorku wuxuu rumaysan waayey in arligay dagaal ku heli waayeen uu Cuthmaanعثمان/ si nabad ah iyo xarbi la’ uu ku siinayo, oo uu weliba jizyana ugu darayo!

 

Yididiillada Cuthmaanعثمان\ in Makkah Al Mukarramمكة المكرمة\ boqor u noqdo

 

Sidaas ayuu boqorku talada Cuthmaanعثمان/ usoo dhoweeyey, isagoo aan farixiisa muujin, wuxuuna Cuthmaanعثمان\ u dhigay warqad uu ugu magacaabayo Boqorka Xijaazالحجاز/, wuxuuna saaray shabbad dahab ah.

 

Boqorku wuxuu Cuthmaan عثمان\  siiyay hadiyooyin qaali, oo ay ka mid yihiin sarjسرج/ oo ah kooraha baqashiisa oo dahab lagu dheehay, iyo jookha ay boqorradu labbistaan. Boqorraddaasna magaceedu wuxuu ahaa Safiyyahصفية\, waana ayada dhistay kaniisadda weyn oo Istanbuulإستنبول\ ku tiillay oo la oranjiray Aaya Safiyyahآي صوفية\, kaddibna Masjidمسجد\ loo rogay.

 

Sidaas ayuu Cuthmaan عثمان\  Makkahمكة\ ugu soo noqday. Markuu Makkahمكة yimid Xaramka ayuu tegey oo uu ku dhawaafay, kaddibna wuxuu istaagay Maqaamkaمقام إبراهيم\ agtiisa oo uu yiri:

“Tolkeeyow! Tolkeeyow!”

 

Markaasey raggu agtiisa isugu yimaadeen si ay uga dhegeystaan wuxuu doonayo inuu u sheego. Markaasuu wuxuu yiri:

“Tolkeeyow! Waad ogsoontihiin Qaysarقيصر\, boqorka roomaanka, maalkiinuna wuxuu yaalla dalkiisa, waadna kasoo ganacsataan, isagaana aniga boqor idiinka kay dhigay.

Anigu waxaan ahay ina adeerkiin iyo nin adinka idinka mid ah, idinkamana qaadayo waxaan ahayn jaraab qarathالقرظ\ ah, iyo dhiil subag ah iyo hargo iyo saamo. Markaasaan u aruurinayaa, kaddibna aan u dirayaa. Haddaad diidaanna waxaan ka baqayaa inuu Shaamالشام\ idinka reebo oo uu ganacsigeeda idiin diido oo aad sidaas waxaad ka heli jirteen aad weydaan.”

 

Al Qarath القرظ\  waa geed aad weyn oo dhudhun aad u wayn leh oo adag sida geedka jawzka oo kale, oo waraaqo yaryar iyo miro leh, asalkiisuna uu Yamanيمن\ ka baxo. Mirihiisa iyo caleemihiisa waa waxa ugu fiican oo hargaha lagu magdo.

Sidaasna waxaa u fasiray Maxmuud Muxammad Shaakirمحمود محمد شاكر/, oo kitaabkaas Jamharatu Nasabu Qurayshin wa akhbaarihaaجمهرة نسب قريش وأخبارها/ hubiyay oo sharxay.

 

“Markaasuu raggu murugooday oo ay shimbir fuushay, inay Qaysarقيصر\ jizyo siiyaan. Markaasey madaxda Quareysheedقريش\ Daaru Al Nadwahدار الندوة/ ku shireen, madaxdooduna ay Kacbada agteeda iyo guryohoodaba ku shireen, kuna doodeen wuxuu Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث\ u keenay. Markaasey reer Makkahمكة\, ayagoo u daneynaya ganacsigooda waxay goosteen inay Cuthmaanعثمان\ boqor ahaan u caleemo saaraan.

 

Abuu Zamcahأبو زمعة/: Ma dadka Makkahمكة\ iyo Al Madiinahالمدينة\ ayaa boqor xukumayaa? Maya!

 

Ayagoo sidaas isku diyaarinaya ayaa waxaa Masjidka soo galay ninka la yiraahdo Abuu Zamcah Al Aswad ibnu Al Mudhalib bin Asadأبوزمعة الأسود إبن المطلب بن أسد/, oo ah ina adeerka laxmiga ah ee Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث\.

 

 

Markaasuu Kacbadaالكعبة\ ag istaagay oo uu la dhawaaqay:

“Tolkeeyow! Tolkeeyow!”

 

Markay dadku xaggiisa usoo wada degdegeen oo ay isugu yimaadeen. Markaasey waxay ka arkeen wajigiisa caro indhihiisa isu soo dhoweeyey, xoog iyo go’aanna siiyay. Markaasuu wuxuu yiri:

“Addoommada Ilaahayow! Ma tihaamahتهامة/ ayaa Boqor xukumayaa?”

 

Tihaamahتهامة/, siduu u sheegay Taqwiimu Al Buldaaniتقويم البلدان/, waa qaybta koofureed ee Xijaazالحجاز/, ayna ku yaalliin Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ iyo Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ iyo gobollo kaloo la xiriira.

 

Markaasey raggu hadalkiisaas dhaageen oo ay fahmeen wuxuu ka wado, oo ah inuusan taariikhda oo idil ayan Tihaamahتهامة\ boqor yeelan oo u dulloobin, wuxuu Cuthmaanعثمان\ ula yimidna ay tahay wuxuu isagu hindisay oo bidca ah, uuna ku doonayo inuu ayaga boqor u noqdo.

 

Markaasey dadku is dhex yaaceen oo ay kacdoomeen, ayna u caroodeen karaamadooda iyo xornimadooda. Markaasey ayagoo wada careysan waxay yiraahdeen:

 

“Waxaan ku dhaarannay Allaata iyo Al Cuzzaa اللات والعزى/  run ayaad sheegtay, oo Tihaamahتهامة/ weligeed boqor ma ayan yeelan.” Waa intaas warka Al Ssaxxaarالسحار\.

 

Abuu Zamcahأبو زمعة/: Qurayshقريش\ boqor ma milkiyo oo xukumo

 

Markaasu Abuu Zamcah أبو زمعة/ qayliyey, qaylo Makkahمكة\ laga wada maqlay oo uu yiri: “Inna Qurayshan laqaaxun laa tumlakإن قريشا لقاح لاتملك/”, oo macneheedu yahay: “Qurayshقريش\ waa laan dheer xor ah oo aan weligood boqorna xukumin oo u dulloobin, waqtiga jaahiliga ahna aan wax laga qafaalan.”

 

Sidaas ayay yididiilada Cuthmaan bin Al Xuwayrithعثمان بن الحويرث\ oo ahayd inuu Makkah مكة\ boqor u noqday u noqotay waxaan waxba ka jirin iyo dhalanteed.

 

Cuthmaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرث\, ayuu Al Suhayliiالسهيلي/ yiri:

“Waxaa la oran jiray “Al Badhriiquالبطريق/ oo macneheedu yahay “Wadaadka krishtaanka ah”, ciribi kama ayan harin, wuxuuna ku dhintay Shaamالشام\ isagoo la sumeeyey, waxaan sumeeyey boqorka Shaamالشام\ Camr bin Jafnah Al Ghassaaniiعمرو بن جفنة الغساني/.”

 

Cuthymaan bin Al Xuwayrith عثمان بن الحويرث\, wuxuu Al Sayuudhiiالسيوطي/ ku wariyay kitaabkiisa Rafcu Sha’ni Al Xabashahرفع شأن الحبشة/, bogga saddex boqol iyo saddex iyo sideetan, wuxuu ka mid ahaa ragga Quraysheedقريش\ oo ay dhaleen hooyooyin madow ee Al Xabashahالحبشة\ ah, hooyadiisna waxaa la oran jiray Tadaamurتضامر/ (waa daadka saadka ku xigah) bintu Cumayrعمير/. Waxaa kaloo sidaas ku wariyay kitaabkiisa Nasabu Qurayshنسب قريش/ Al Zubayru bin Al Bakkaarالزبير بن بكار, bogga afar boqol iyo toddoba iyo labaatan, ee mujalladka koowaad.”

 

Tobanka nin oo Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\\ taladeeda hayay jaahiliyada

 

IsIaamka ka hor madaxtinnimada Makkah Al Mukarramah مكة المكرمة\\, Allahaالله\ sharafteeda sii kordhiyee qofka tagana sharfee, waxay ku jirtay gacanta toban nin oo tobanka qabiil ee ay Qurayshtaقريش\ Makkahمكة\ ka koobantahay ka kala tirsan. Tobankaas nin waxay kala ahaayeen:

 

Kow. Al Cabbaas bin Cabdul Mudhalibالعباس بن عبد المطلب/ oo reer Banii Haashimبني هاشم/ ah, oo aabihiis kaddib hayay xilka Al Siqaayataالسقاية/, oo ah waraabinta xujayda biyaha ceelka Zarnzamزمزم\ laga waraabiyo. Islaamka kaddibna isaga ayaa xilkaas hayay.

 

Laba. Abuu Sufyaan bin Xarbأبوسفيان بن حرب/, ee reer Banii Umayyataبني أمية/, oo hayey Al Ciqaabuالعقاب/, oo ahaa calanka Qurayshقريش\. Hadday Qurayshiقريش\ ninka hoggaaminaya isku raaci weydo, Abuu Sufyaanأبوسفيان\ ayay soo hormarin jireen oo ay madax ka dhigan jireen.

 

Saddex. Al Xaarith bin Caamirالحارث بن عامر/ ee reer Banii Nawfalبني نوفل/, oo hayey Al Rifaadataالرفادة/, oo ah maalka ay Qurayshقريش\ iska soo qaaraanto oo ay dadka xajka yimaada cunno ugu samayn jireen, oo al rafduالرفد macneheedu waa siinta iyo caawinidda. Qurayshقريش\ intay lacagtaas iska soo aruuriyaan ayay waxay ku gadi jireen geel iyo cunno iyo zabiib ay biyo ku miiraan, markaasey xujeyda siin jireen.

 

Afar. Cuthmaan bin Dhalxataعثمان بن طلحة/ ee reer Banii Cabdu Al Ddaarعبد الدار/, oo hayey Al Sidaanatuالسدانة/ iyo Al Xijaabatuالحجابة/.

Al Sidaanatuالسدانة\ waxaa weeye u adeegidda Kacbadaالكعبة\ iyo furidda albaabkeeda iyo xiriddisa. Sadanaسدن\ macneheedu waxaa weeye “waa u adeegay” oo al saadinuالسادن\ waa khaadimka ama u adeegaha Kacbada.

Al Xijaabatuالحجابة\ waa asturidda oo ah isla hawsha al sidaanatu, oo ah u adeegidda Kacbada الكعبة\. Qofka ah al saadinu saadinuالسادن\ waa khaadimka ama u adeegaha Kacbada.

 Markuu hawshaas qabanayo taladiisu isaga gacantiisa ayay ku jirtaa oo cid kale oo hawshaas ku amarta kama tala qaato, ee isagaa hawshaas u madax bannaan.

Al Xaajibu-seالحجابة\ amar ayaa qof kale ku siiyaa inuu hawshaas qabto, oo isagu taladiisa uma madax bannaana,  oo taladu qof kale ayay gacantiisa ku jirtaa. Sidaas waxaa u fasiray Lisaanu al Carabلسان العرب\, markuu macneynayo erayga sadanaسدن. Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, wuxuu xilkaasna u dhiibay isla Cuthmaan bin Dhalxataعثمان بن طلحة. Qoyskaas ayaa ilaa maanta haya.


Shan. Yaziid bin Zamcata bin Al Aswadيزيد بن زمعة بن الأسود/ ee reer Banii Asadبني أسد/, oo hayey Al Mashuuratuالمشورة/, oo ah inayan Qurayshiقريش\ arrinna go’aansan jirin jeer ay isaga la tashadaan. Marka hadday arrin usoo bandhigaan oo uu ku waafaqo, arrinkaas ayuu ku hoggaamin jiray. Hadduuse arrinkaas diido, oo uu beddelkeeda arrin kale doorto, way ku taageeri jireen oo ay la meei marin jireen.

Yaziidيزيد\ isagoo cidanka Nabi Muxammad, Sallallaahu Calayhi Wasallam, ka mid ah ayuu duullaankii Dhaa’ifالطائف\ ku shahiiday.

 

Lix. Abuu Bakar Al Siddiiqأبو بكر الصديق/ ee reer Banii Taymبني تيم/, oo hayey Al Ashnaaquالأشناق/, oo ah diyada iyo dhiigga la kala galo oo dilidda ka yar qiimayntooda. Xukunkuu Abuu Bakarأبو بكر rido Qurayshiقريش\ way rumayn jirtay oo ay ku raaci jirtay. Hadduu qofkale diyo iyo dhiig Quraysheed قريش\xukumana kama ayan yeeli jirin. Waana Xadiithka kun iyo labo boqol iyo afar iyo sideetan ee Al Zubayr ibnu Al Bakkaarالزبير إبن البكار\.

 

Toddoba. Khaalid bin Al Waliidخالد بن الوليد/ ee reer Banii Makhzuumبني مخزوم/, oo hayey Al Qubbatuالقبة/ iyo Al Acannatuالأعانة/.

Al Qubbatuالقبة\ waxay ahayd khaymad, ay u badan tahay in harag amaa saan ka sameysantahay oo ay dhisi jireen, markay dagaal gelayaan, dhexdeedana ay kusoo aruurin jireen waxay ciidankooda dagaalka u socda u diyaariyeen.

Al Acinnatu-naالأعنة\ waa xilkiisa ahaa inuu madax ka ahaa fardaha marka xarbi lagu jiro.

 

Sideed. Cumar bin Al Khadhdhaabعمر بن الخطاب/ ee reer Banii Cadiyyiبني عدي/, oo hayey Al Safaaratuالسفارة/.

Al Safaaratu السفارة/ macneheedu waa Danjirennimo, oo wuxuu u kala socon jiray Qurayshقريش\ iyo qabiilka kale oo dagaal dhex maro, si dagaalka loo joojiyo. Haddii qabiil kale Qurayshقريش\ u faanana, xilkiisa ayay ka mid ahayd inuu u jawaabo, Qurayshnaقريش\ jawaabtiisa raalli ayay ka noqon jirtay.

Sagaal. Safwaan bin Umayyataصفوان بن أمية/ ee reer Banii Jumaxبني جمح/, oo hayey Al Azlaamuألأزلام/, oo ah fallaaraha qoriga ah, aanse birta iyo baalka toona lahayn, oo ay ku qori tuuran jireen.

 

Toban. Al Xaarith bin Qaysالحارث بن قيس/ ee reer Banii Sahmبني سهم/, oo u xilsaamaa Al Xukuumatuالحكومة/, hayeyna maalka ay asnaamta ay caabudi jireen loo hadiyeeyo.

.

Waxaan khabarka tobankaas nin oo ay Dawladda Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ ka dhisnayd kasoo guurinnay kitaabka Buluughu Al Arab fii Macrifati Axwaali Al Carabبلوغ الأرب في معرفة أحوال العرب/, uuna dhigay Al Sayyid Muxammad Muxammad Shukrii Al Aluusiiالسيد محمد محمد شكري الألوسي, mujalladka koowaad, bogga laba boqol iyo sagaal iyo afartan.

 

Ninka hadda dalka boqortooyada sucuudiga boqorka ka ah Makkah Al Mukarramahمكة المكرمة\ boqor uma aha isaguna ma sheegto oo wuxuu isu bixiyay “Khaadimu Al Xaramayniخادم الحرمين/oo macneheedu yahay

 “Khaadimka u adeega labada Xaram”.

 

Makkahمكة\ waxaa ku yaalla Guriga Ilaahayبيت الله الحرام\: Boqorka Runta ah. Marka yaa boqornimadeeda kaloo sheegan kara? Kii sheegtana waa beenaale!

 

Furaha albaabka Kacbadana ma hayo boqorka sucuudigu ee wuxuu gacantiisa ku jiraa nin u dhashay reer Quraysheedقريش\ ee Banii Cabdu Al Ddaari bin Qusayy bin Kilaabعبد الدار بن قصي بن كلاب/ ahna dhasha ninkuu Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam maalintu Makkahمكة\ furtay gacanta u geliyay.

 

Al Madiinah Al Munawwarahالمدينة المنورة\ waxaa deggan Nabi Muxammad Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam oo uu Ilaahay الله boqor uga dhigay. Yaa kaloo boqornimadeeda sheegan kara?!

Roomaanku waagaas wuxuu ahaa quwada ugu xoog badan adduunka, maantase waxba ma aha talyaanigu, oo waaba mustacmarad maraykan. Boqortooyada Roomaanka waxaa meesheedii maanta ku jirta Maraykan, oo xagga miliari adduunka ugu xoog badan.

 

Waxaan zamankaan arkaynnaa rag soomaaliyeed oo isu soo daba maraya oo fadhiya albaabbada  Washington DC, caasimadda maraykanka iyo Addis Ababa oo gobolkaas uga wakiilka ah, si loogu magacaabo madaxweynaha Soomaaliya!!! Waxay ku taagan yihiin dariiqii Cuthmaan bin Al Xuwayrith Al Asadiiعثمان بن الحويرث الأسدي\! Kuwaasu wakiil kama aha ummadda soomaaliyeed, umana taagna danta ummadda iyo dalka Soomaaliya, waxayse u taagan yihiin danahay maraykanka iyo amxaaradu ka leeyihiin Soomaaliya, oo ah in soomaalida laga dhigo wax dalkooda dhexdiisa lagu dilo, iyo wax dalkooda laga saaro ayagoo qaxooti ah, si dhulka loogala wareego ayadoo amxaaro gaalo ah lasoo dejinayo, oo ay markaas xalaalaystaan batroolka iyo macaadinta ku jirta.

Raggaasu waxay doonayaan inay soomaalida muslinka iyo xorta iyo gobta ah u addoomeeyaan gaalada burcadda ah oo soo weerartay, waxayna sidaas ku khilaafeen amarka Ilaahay Tacaalaa ee Quraanka ku dhigan.

 

Raggaanse soo ma oga inuu nin walboo soomaali ahi oo muslin ah  boqor yahay? Muu ayagaas kalsooni ka raadsado iyo inay doortaan?

Taariikhdu waa soo noqnoqonaysaa!!!

 

Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

Columbus, Ohio, USA

Axad sideeda Rabiicu Al Thaaniiربيع الثاني\ kun afar boqol sideed iyo soddon Hijriga, una dhiganta sideeda Janaayo laba kun toddoba iyo toban.



         

Top